QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Sunday, December 28, 2014

Sheekh Waxaan ahay nin dhalinyara ah oo Soomaaliya ku nool, Aabahay wuxuu dhintay aniga oo 3 sano jira.. Waxaanu ku noolayn gobol ka mid ah Soomaaliya, waxaanuna la degganayn Ayeeyaday & Awoowahay Hooyo, oo iyagu na hayey.. Aabahay wuxuu ahaa Madi, Hooyadiis aaney ilma kale dhalin, markuu dhintayna wey gablantay.. Ayeyo Aabe dhashay wexey ku noolayd gobol kale.. Ayeeyaday & Awoowahay Hooyo oo aanu la joogney ayaa wexey ku taliyeen in Ayeeyo Aabe naloo diro, si ay noogo indha qabowsato oo durriyadii madigeeda ay u aragto.. wey na soo jicsimeen Annaga iyo Hooyo, waxaanuna u nimi Ayeeyo Aabe, oo meel baadiye ah deggan.. 

Aad ayey noogu faraxday, dhawr bilood ayaanuna halkaas la joogney.. markii ilaa 3 bil aan joogney ayaa meeshii Abaar xumi ku dhufatay, xoolihiina ayeeyo ka dhamaadeen, noloshiina adkaatay, wexeyna ku talisay in
nala kexeeyo oo meeshii aanu ka nimi nala ku celiyo.. Laakiin meeshaan baadiyaha aan joogno, waqtigaas taleefanna ma jiraan, Taarna ma leh, gaarina waaba dhif in la arko. Waxaa meesha joogey Oday Aabahay la dhashay oo Adeer ii ah, laakiin isagu bah kale ahaa.. Xoola badan ayuu haystey.. Xoolahaasna wexey isugu jireen, qaar aabahay lahaa, iyo qaar ay wadaageen.. Wexey ayeeyo ku tiri: Maandhow Ilmaha iyo hooyadood nooli sii ha ku noqdaan meeshii ay ka yimaadeen! Odaygii Jaanis ayuu u arkay uu is yiri ka faa’iidayso wuxuuna keenay xujjo.. wuxuu yiri: Haddii Naagtu i ogolaato inaan guursado (Hooyo ayuu sheegayaa) waan jicsimayaa? Hadii kale waxba siin maayo!! 

Hooyo Sheekh markaa wexey ahayd qof dhalinyar oo jaamacad ka baxday, Oday reer baadiya ah iney guursatana diyaar uma ahayn! Tan kale guurba markaa uma soo jeedin oo caruurteeda iney korsato ayey rabtey, arrinkiina wey ka diidey.. Isaguna nooma naxariisan, Caruurta uu Adeerka u yahay, oo Xoolohoodii uu haysto..Ayeeyo warqad ayey dirtay, magaaladii noogu dhoweyd ayaa la geeyey, ka dibna waxaa loo diray Ayeeyo iyo Awoowe Hooyo, markii ay gaarteyna wey nasoo dooneen, iyagoo tilmaantii Ayeeyo siisay soo raacay.. 

Annaga waan weynaaney Alxamdulilah, Qur’aankii 12 jir ayaan ku dhameeyey, Dugsi sarena anigoo 18 jir ayaan dhameeyey, waxaanan damcay inaan Dibadda Jaamacad u aado, waxaan u tegey ninkii Odag a ee berigii aan yaraa i xumeeyey, in aan kula xisaabtamo Xoolihii Aabe ee uu diidey anoo yar, Waxaa kaloo sheekh jirey Xoolo Awoowe Aabe dhalay uu ka tegey oo Ayeeyo iyo Eedooyin dhaxal ku lahaayeen oo uu iyagana u diidey, haddaan u tegey, oo aan ku iri: Adeerow Jaamacad baan u socdaa ee wixii aabahay wax iga sii, waa ii diidey, waana i caayey, isagoo weliba xoolihii haysta oo aan ogahay.. Alxamdulilah sheekh anoo samirsan baan kasoo tegey,Hooyo haddaan u imi wexey igula talisay inaan dalka Jaamacad ka galo, waana qaatay, anoo wada ayaan shaqa fiican helay, Jaamacaddii wexey ii dhamaatay 2013, shaqadii shaqa ka fiican oo gobolka kuwa ugu heer saraysa ayaan helay, Alxamdulilah.. Hadda waxaa la iisoo sheegay Odagii oo xanuunsan oo lugihii lasoo laabay oo meel cidla ah yaalla, ilmana ma laha oo waa gablan, Hooyo mar kasta wexey igula dardaarantaa inaan iska cafiyo una asxaan sameeyo, laakiin qalbigayga marna ima siin karo inaan asxaan u galo ama xataa u jiir noxo, marka maadaama uu tiisii gudan waayey, hadaan anna tayda gudan waayo ma dambi baan ku galayaa, mise xaaladdu waa jazaa’u sayi’atin mithluhaa? Sheekh Allaha ku xifdiyo waxaan ilaahay ka baryayaa inuu Jannada nagu kulmiyo nagana dhigo kuwa carshiga Ilaahay wada harsada, waayo Ilaahay dartiis ayaan kuu jeclahay.. ========================================
JAWAABTI SHEIKH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH.========================================Saaxiibkaas waxaan leeyahay: Walaal Ilaahay haku Jeclaado sidaad dartiis iigu jeclaatay, dembigeenana Allaha dhaafo.. Khayrkana Allaha ku waafajiyo.. Aadanuhu waa miskiin, marka uu caafimaadka qabo, oo xoolaha haysto, wuu ku qooqaa, haddaan Eebe wanaagga iyo dhawrsanaanta solonsiin.. Adduunyaduna waa wareeganeysaa sida garaan garta oo maalinba heer ayey joogtaa, maalin xoog maalin tabar yari, maalin hodon maalin faqri, maalin raaxo maalinna rafaad, maalin caafimaad maalinna cudur, dadkuna sidaas ayey boosaska u kala bedeshaan, qofkii aan taa garan meel xun ayuu ku dambeeyaa.. Haddaba Duqqa Adeerkaa ah tii ku dhacday ma filayo inaad jeceshahay iney adiga ama durriyadaada ku dhacdo, qof walbaana wuxuu Allaha Weyn la hor tegayaa wixii uu geystey, qofna qof kale wax ka xambaari maayo, Odagu wuxuu waajib gabay Rabbi ayaa kala xisaabtamaya, Adiguna hadaad gabto waa sidoo kale.. Sida Hooyoba kugu la talisay ayaan kugu adkaynayaa inaad cafiso oadaga, wixii aad wanaag u tari kartana u tarto, taas adiga ayaa ku raaxaysanaya, oo laabtaadu ku nasaneysaa, waayo Cafisku waa raaxo, Aargoosiguna waa dhimbil dab ah, mana filayo qabow iyo raaxo inaad ka dooraneyso dhimbil iyo kulayl.. 

Maantaba waad aragtaa sabirkii halka uu ku gaarsiiyey, hadaad sii waddana wanaaga ayaa sii badanaya inshallaah, Odagaa Miskiinkaana hadda ayuuba adduunyada ku arkay mirihii kharaaraa ee dulmigiisa, gabow, Cudur iyo Gablan intaas ayaa isu raacday.. Waxaad ogaataa adiga iyo akhristayaashuba, weligaaba aargoosiga aad naftaada is tiraahdo u aar gud, waxaa ka adag oo ka xanuujin badan, Aargoosiga Eebe, Inaad Rabbi u deyso ayaana wanaagsan, isaga ayaa sida ugu wanaagsan daalimiinta uga aar guta, wabillaahi tawfiiq..
SII AKHRI QORAALKA

Sunday, August 24, 2014

SII AKHRI QORAALKA

Friday, July 25, 2014

QISO YAR OO CAJIIB AH.
Waxa la Wariyaye in Nabi Sulaymaan CS, Maalin isaga oo Fadhiya Badda Xeebteeda, ayuu Arkay Quraanshi u socota Dhinaca Biyaha Badda oo Xanbaarsan Xabad Firiley ah. Siduu u eegayay ayay Gaartay Biyihii, waxaana Biyaha ka soo baxay Rah. Rahii ayaa iyada iyo Xabadii Firileyda ahaydba Liqay oo Biyaha la Quusay. Haddaba ku Dhawaad Hal Saacad ayuu Sugay Nabi Sulaymaan CS, ilaa uu Rahii Biyiha ka soo Dhex baxay, wuxuuna kala Furay Afkiisii oo ay ka soo Baxday Quraanshadii oo Nool, laakin aan sidan Xabadii Firilayda ahayd. Haddaba Nabi Sulaymaan CS ayaa Wareysatay Quraanshada iyo meesha ay tagtay, waxayna ku jawaabtay sidan:-
Nabi Alloow Badda Gunteeda waxaa ku yaala Dhagax Xaraara ah oo weyn, waxaana ku Dhex jira Dixri Indho La', oo Alle halkaas ku Abuuray, Dixrigaas ayuu Rabbi ii Xil saaray inaan Quudiyo, Rahanna Allaah wuxuu u Xil saaray inuu Biyaha i Dhaafiyo si aysan Biyuhu ii Hafin, Maalin walba waxaan soo qaadaa Xabad Firiley ah, ka dibna Rahaan ayaa i Liqa, wuxuuna i Gaarsiiyaa Dhagaxaasi, haddaba Dhagaxaasi meel uu ka Jeexan yahay ayuu Afka saaraa, halkaas ayaan ka galaa oo aan ugu Geeyaa Dixrigaas, Xabadaasi Firileyda ah, ka dib markaan u geeyo ayuu Haddana Raha Afka igu soo qaadaa oo Banaanka i soo Gaarsiiyaa.
I
ntaas ka dib Nabi Sulaymaan CS, ayaa weydiiyay Quraanjadii oo ku yiri:- Maka Maqashaa wax Tasbiix ah Dixrigaasi?, waxeyna ku jawaabtay:- Haa Nabi Alloow wuxuu ku Cel-Celiyaa Rabbiga anoo Halkaan ku jira Arzaaqadiisa igu Galadeystoow, ku Galadeeso Naxriistaada Addoomahaaga Mu'miniinta ah.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW NAXRIISTAADA NA SII)
SII AKHRI QORAALKA

QISO YAR OO CAJIIB AH.
(Janada Ayuu Galay Asagoon Hal Mar Sujuudin).
Waxaa Jiray Nin la Oran Jiray Camar Binu Thabit Binu Waqash, Islaamka iyo Muslimiinta, aad Buu u Necbaa Naceeb Daran, Maalin Maalmaha Ka mid ah Nabiga CSW, wuxuu u Baxay Dagaalkii Uxud, si uu ula soo Dagaalamo Mushrikiintii Reer Quraysh, Balse Hal Mar Waxaa Camar Binu Thabid la soo Baxay Jaceylka uu u Qabo Muslimiinta iyo Nabiga CSW, wuxuu Bilaabay inuu Dadkii weydiiyay Nabiga CSW, si uu ugu Sheego inuu Rabo inuu Islaamo. waxaa lagu yiri: Nabiga CSW iyo Saaxiibadiisa waxey u Baxeen Dhinacaas iyo Buurta Uxud, waxeyna la soo Dagaalamayaan Mushrikiintii Quraysh.
Camar wuu Baxay ilaa Meeshii uu ka gaaray Buurtii Uxud, Markiiba wuxuu la kulmay Nabiga CSW, Asaga oo ay Daamankiisu ka Qubanayaan illin Farxad Darteed, Halkii ayuuna Nabiga CSW, Hortiisa ku Islaamay, Dagaalkii Baa Biloowday ka dibna Nabiga CSW, wuxuu Amray inuu Seefta Qaato oo uu Dagaalka Dhinac ka galo, Camar Dagaalkii ayuu Dhinaciisa ka galay, wuxuuna Maalintaas u Dagaalamay si aan Caadi ahayn ilaa ay kaga Dhacaday Seef, Dhaawac aad u Darana uu soo gaaray, Inta aysan Nafta ka bixin ayaa waxaa Arkay Dad ay Qaraabo yihiin, wey u soo Dhawaadeen, ka dibna waxey ku yiraahdeen Camarow maxaa ku keenay Halkaan, ma Naceeb aad u Qabtid Reerka aad ka Dhalatay Mise Jecel Islaamka aad u Qabtid ayaa ku timid?, wuxuu yiri: waxaan u imid Jaceyl aan u Qabo Islaamka, waana Islaamay Rabbi iyo Rasuulkiisna waan Rumeeyay, ka dibna waxaan Dhinacayga ka Qaatay Seefta Dagaalkii ayaa Sidaas ku soo galay ilaa waxaad Arkaysaan uu iga soo gaaray. Haddaba in yar ka dibna wey ka Baxaday Naftii, wuxuuna la kulmay Rabigiisii. Saxaabadii Rasuulka CSW, ayey u yimaadeen waxeyna weydiiyeen Xaaladda Camar Binu Thabit. Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Waa Ahlu Janno.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW JANNADA NAGU ARZAAQ).
SII AKHRI QORAALKA

QISO YAR OO CAJIIB AH.
Wiil ayaa wuxuu jeclaaday Gabar aad u Qurux badan, ka dib Aabihiis ayuu ku yiri:- Aabe Gabar ayaan Rabaa inaan Guursado, Kolkaas ayaa Aabihii Wiilkiisa ku yiri:- waa Hagaag ee Gabadha ma mid aad adiga is jeceshihiin baa mise waa mid aad Rabtid inaan kuu doono, Wiilkii ayaa ugu jawaabay:- Aabe Gabadha waa mid aad ii soo jiidatay oo aan Rabo inaad ii Doontid, Aabihii ayaa yiri:- waa yahay bal i Tus Gabadhaasi. Haddaba, Aabihii markii la soo Tusay ee uu Arkay Gabadhii ayuu ku yiri Wiilkiisa:- Aabe tani Adiga way kaa Qabweyn tahay ee Aniga ii daa, Wiilkii wuu ka Diiday Aabihiisa Arintaasi, dabadeed waxay iskula Tageen Maxkamadda, ka dib Ninkii Xaakinka ahaa ayaa yiri:- Aaway Gabadhu, markuu Arkay ayaa isagana Damac galay oo ku yiri:- Labadiina ma idiin Qalantee Qoftaan Aniga haleygu Faataxeey, Haddanaa Wiilkii iyo Aabihiisa wey ka Biyo diideen Xaakimkii Hadalkiisa, dabadeed waxaa la iskula Tagay Wasiirka, isagiina markuu Gabadhii arkay ayuu sidii oo kale ku yiri.
Halkaa markay Arrinta Marayso ayey Gabadhii ku tiri:- Haddaad Dhamaatiina Aniga i Dooneysaan, waxaad ku kala Baxeysaan sidan:- Waan Ordayaa ee Ruuxa i soo Gaara ayaa i Guursanaayo, ka dib Nin walba Cagtuu wax ka Dayay mid Daalo oo iska Fariisto iyo mid kufa, ayey noqdeen.
Haddaba, markey wada Fariisteen oo ay Gaari waayeen ayaa Iyadii intey Qososhay ayey ku tiri:- Aniga waxaan ahay Adduun, Qof kasta ayaa i jecel, laakin Qof walba siduu ii jecel yahay isagoon Guul iga Gaarin ayuu iga Tegayaa, marka waxba ha isku keey Daalinina ee Rabbigiina Caabuda oo Aakhiradiina Shaqeysta, waxaadna Ogaataan (Hammiga Bini'aadanka inuu Dheer yahay, Mowdkuna inuu Dhow yahay - همة الانسان بعيد والموت قريب).
Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW ADDUUN & AAKHIRO NOO NAXRIISO).
SII AKHRI QORAALKA

Tuesday, May 13, 2014

Waa wiil dhalin yara ah, Da’diisuna ay tahay 20 Sano jir waxa uu ahaa mid ku Da’daalo Salaadaha gaar ahaan Salaada Subax jamecadeeda, Maalin maalmaha ka mid ah sida uu ahaa Dhaqankiisa waxa uu Guriga ka baxay inta aanan lagaarin Aadaankii Salaada Subax wuxuuna soo aaday Masaajidka, kadib markii uu Tukaday Labadii rakcadood Sunada Masjidka, waxaa uu Bilaabay in uu soo qaato Kitaab Quraan si uu u Aqristo inta laga gaarayo wakhtiga Gelitaanka Salaada, Waa la Aqimay Salaadii, wuu istaagay si uu Kitaabkii meeshii uu ka soo qaaday ugu celiyo, kadibna waxa uu galay Safkii ugu horeeyay si uu iimaankii ugu xirto Salaadii, Iimaankii oo Dadka (Safka) Simaayo iyo Dadkii Salaada u taagnaa ayaa Halmar waxay ka war heleen Wiilkii Dhalinyarada ahaa oo Halmar Istaaga ka dhacay, markii la Fiiriyayna waxa uu ahaa mid Miyir Daboolmay, Isla markiiba waxaa loola soo Cararay Isbitaalka.

Dr Khaalid Al’Jubeyri ahna Nin Daaci ah markaasna joogay Isbitaalka ayaa Dhacdaan ka waramaayo wuxuuna ku bilaabay sidatan:- Wakhtiga wuxuu ahaa Xili Waaga uu Baryi rabo waxaana la noo keenay wiil dhalin yaro ah loona wado sidii Qof Dhintay oo kale, islamarkiiba waxaan bilaabay in aan baaro Xaaladiisa Caafimaad durba waxaan ogaaday in uu Dhiig ku furmay Garaacida wadnihiisa uu aad u hooseeyo, waxaan Fiiriyay Wiilka mise Naftii baa aad u hayso, waxaadna moodaa in ay ka sii baxayso, waxaan isku daynay in aan ka shaqeysiiyo wadnihiisa iskuna dayno in aan waxaan u qaban karo aan u qabto, waxaan ag istaajiyay Dhaqtar si xaaladiisa dhaq dhaqaaq uu ula socdo, anigana waxaa doonay Qalab aan markaas u baahneyn, dag dag baan islamarkiiba ku soo laabtay Idhahaygu waxay islamarkii qabteyn Dhaqtarkii aan Wiilka uga tagay oo
Dhagtiisa u Dhaweeyay Afka Wiilka, Dhagtana wax ugu Sheegayo, Wiilkana uu haysto Gacanta Dhaqtarka, waan Fiirayay aniga oo aad ula yaabay!!Halmar si lama filaan ah ayaa Wiilkii Gacantiisa u siidaayay Dhaqtarka asaga oo isku Dayaaya in dhinaca Midig uu ii fiiriyo kuna dhawaaqayo أشهد أن لا إله إلا الله .. وأشهد أن محمداً عبده ورسوله , intaas kadib waxaa istaagay Garaacidii Wadnaha ka dibna waxaa ka baxaday Naftii, Runtii aad baan isku Dayay inaan Badbaadino, balse waxaa wax walba ka weyn Qadarka Rabi, Naf walbana Maalin ay leedahay aysan ka dibdhacey.

Waxaa halmar Illin iyo Sawaxan bilaabay Dhaqatarkii Wiilka dhagta waxa ugu sheegay waxaan isku daynay in aan aamuso Rabina aan xusuusino, Mida kalana waxaan ku iri ma aha markii ugu horaysay ee aad aragto Qof Dhimanayo ee maxaa dhacay? Wax jawaab ah nama uusan siin waxa uu siiwatay Oohintiis, qadar wakhti kadib ayuu dagay, markale ayaan waxaan waydiinay waxa uu u shegay Wiilka? Waxa uu yiri markii uu Arkay Wiilka Dr Khaalid oo aad ugu Da’daalayo siduu Wadnahayga uga Shaqaysiin lahaa, marna sii socda marna soo socda ayuu Afka ii soo Dhaweeyay waxa uuna igu yiri u sheeg Dr Khaalid waxba yuusan is dhibin In aan Dhimanaayo waa Hubaal!! Walaahi baana ku Dhaaranayaa waan arkaa Halkii aan Jannada ka Dagi lahaa!!!{ إِنَّ الَّذِينَ قَالُوا رَبُّنَا اللَّهُ ثُمَّ اسْتَقَامُوا تَتَنَزَّلُ عَلَيْهِمُ الْمَلائِكَةُ أَلَّا تَخَافُوا وَلا تَحْزَنُوا وَأَبْشِرُوا بِالْجَنَّةِ الَّتِي كُنْتُمْ تُوعَدُونَ }
Tani waa Tusaalo Farqiga u dhaxeeya Qofka Rabigiisa marwalba ku Xiran iyo Qofka aanan Rabigiisa ku Xirneyn.(ILAAHOOW KHAATUMADEENA KHEER KA DHIG, YAA RABBI).
SII AKHRI QORAALKA

Monday, May 12, 2014

Qofkii aanan Qiimeeynin Qiimaha Nolashiisa ay Hooyadiis ku leedahay Ma helo Asagana Qof Qiimeeya Qiimaha Nolashiisa!Wiil Dhaqtar aha ayaa waxaa uu Doonay Gabar,Kadib markii ay ogaatay Duruufta Wiilka uu ku Noolyahay ayaa waxay ku xirtay Shardi midkaas oo ah In Maalinta Xaflada ay dhacayso in aysan Hooyadiis imaan xaflada!!Wiilkii Dhalanyiradii ahaa Arinti wax uu ka suubiyo ayuu garan waayay waxa uuna la tashaday Wiil Saaxiibkiis ah Aabihiis ahaana Macalin Jaamacada wax ka dhigo intabadana asaga ayuu la tashan jiray waxii talo ahana waa uu ka qaadan jiray...Markii uu Arantii uga waramay uu dhaqagaystay ayuu waxa uu Wiilkii way diiyay maxay tahay Sababta ay Shuruuda ay kuugu Xirtay?

 waxa uu si Xishood leh ugu jawaabay oo uu yiri: Aabahay waxa uu dhintay Aniga oo Sanad Jira, Intaas waxii ka dambeeyay waxaa isoo korisatay Hooyaday waxay masruufkayga ka soo saari jirtay Dadka ayay dharka u dhaqi Jirtay waxa ka soo galao ayay igu masaruufi jirtaya islamar ahaantaasna waxbarashadaydana ay ka bixin jirtay...Waxaas oo dhana waxay ahaayen wax la soo dhaafay! mana rabo Dhib in ay Nolashayda ku noqoto!! hadana waxaan rabaa in aan Aniga Mustaqbalkayga dhisto! Macalinkii ayaa waxa uu ku yiri Wiilkii waxaan kaa rabaa in dalab yar aad ii suubisid, markii aad suubisidna aan Bari mar kale isku soo laabano, maxay tahay buu yiri, waxa uu ku yiri: Maanta markaad Guriga tagdid waxaa suubisaa Hooyadaa labada gacmood in aad u dhaqdid, Sidii buu suubiyay mar'allaale markii uu si tartiib ah u bilaabay in uu u dhaqo Gacmaha Hooyadiis ayaa waxaa ka soo daadatay ilmo, Muuqaalka Gacmaha Hooyadiis iyo sida ay u egyihiin!!! waxayna aheyd markii uu ugu horeeyay ee uu Fiiriyayay amaba taabtay gacmaha Hooyadiis waxa dhaawac iyo Nabar ka soo gaaray Dhar'dhaqida darteed!!

Mar'allaale markii uu sidaas u dhameeyay Hawshii maba uusan Sugin Maalintii labaad waxa uu Taleefoonka ku wacay Macalinkiisii waxa uuna ku yiri: Aad baad u Mahadsan tahay waan gaaray Go'aankaygii Hooyadayna marna kuma Doorsanayo Maalin,Sababtoo ah Cumrigooda oo dhan bay waxa ka dooratay Mustaqbalkayga...

Qofkii aanan Qiimeeynin Qiimaha Nolashiisa ay Hooyadiis ku leedahay Ma helo Asagana Qof Qiimeeya Qiimaha Nolashiisa
SII AKHRI QORAALKA

Waxaa la yiri Waqtigii Rasuulka CSW, inuu jiray Wiil
Dhalinyaro ah oo la yiraahdo Calqamah, Wuxuu
ahaa mid aad ugu Dadaala Daacada ilaahey,
Salaadda, Soonka iyo Sadaqada, Wuu Jiradey
waxaa aad u Adkaatay Jiradiisa, Xaaskiisa ayaa
waxey u tagtay Rasuulka CSW, waxeyna ku tiri:- Rasuulkii Alloow:- Ninkeyga Calmaqah wuu Jiran
yahay, waxaan dooney inaan ku Ogaysiiyo
Rasuulkii Ilaahayoow Xaalkiisa. Rasuulka CSW, Wuxuu u direy Cammaar, Suhayb
iyo Bilaal wuxuuna ku yiri:-


 uTaga oo Shahaadada u Qabta, wey Aadeen, Guriga ayeyna ugu Galeen,
waxey Arkeen asaga oo Harjadaya oo ay Naftu
Dhibeyso, waxey u Meeriyeen Towxiidka ( ﻻﺍ ﻪﻟﺍ ﻻ ﻪﻠﻟﺍ ) Carabkiisu ma awoodin inuu dhaho, waxey u
Cid-direen Rasuulka CSW, iyagoo u Sheegaya
inuusan Carabkiisu karin Shahaadada, 
Wuxuu yir:-
Nabigu CSW:- Labadiisa Waalid mid ma Nool yahay?. Waxey dhahen:- Rasuulkii Alloow, Hooyo Da’ ah,
ayaa dhashay. Kolkaas ayuu Rasuulka CSW, yiri
Hooyada ha leeygu yeero, Kuna dhaha hadaad u
tagi kartid Rasuulka CSW, ayaa kuu baahan, haddii
kale Gurigaga Joog ilaa uu kuu yimaado, wuu u
Tagey wuuna u Sheegay Aqbaartii Rasuulka CSW, waxeyna tiri:- Nafteyda Naftiisa waan ku
Furanayaa, Anigaa mudan inaan u Tago Rasuulka
CSW.. Wey Cuskatey oo waxey ku Istaagtey Ul, waxey u
Timid Rasuulka CSW, weyna Salaantey, wuuna ka
Qaaday Salaanta, wuxuuna ku yiri:- Hooyadii
Calqamah Run ii sheeg Hadaad Been ii Sheegtid
Waxyi baa Alle Xagiisa ka imaan:- See ahaan jirey
Xaalka Wiilkaaga Calqamah?. Waxay ku tiri:- Rasuulki Alloow wuu Salaad
badnaa, wuuna Soon badnaa, wuuna Sadaqo
badnaa. Ka din wuxuu Rasuulka CSW, ku yiri:-
Xalkaagu waa Sidee Adiga? waxey tiri:- Rasulkii Alloow waan ka Carays nahayIsaga. 

kolkaas ayuu yiri Rasuulka CSW:- Sabab?.
waxeyna tiri:- Xaaskiisa buu Dhankeeda u badnaa,
wuuna i Casin jirey. Rasuulka CSW wuxuu yiri:- Carada Hooyada
Calqamah ayaa ka Dabooshey Carabkiisa
Ashahaadada. ka dib waxaa uu yiri:- Bilal soco oo ii
keen Xaabo badan. Kolkaas ayey tiri Hooyada
Calqamah:- Rasuulkii Ilaahayow maxaad ku
Samaynaysaa Xaabada?. 

Wuxuu yiri Rasuulka CSW:- Hortaada ayaan ku Gubayaa. waxey tiri:- Rasuulkii Alloow Qalbigeyga ma
Awoodo in aad Wiilkayga Dab ku Gubto Aniga
hortayda. Wuxuu yiri Rasuulka CSW:- Hooyadii Calqamaay
Cadaabta Alle ayaa ka Daran, Hadaad Rabtid inuu
Ilaahey ka Raalli noqdo, Adigu Raali ka noqo,
Ilaaheyga Nafteyda ay Gacantiisa ku jirtaan ku
Dhaartaye waxba Tari meeyso Salaadiisa, Soonkiisa
iyo Sadaqadiisa, haadii aad adiga ka Caraysan tahay. Waxey tiri Umu Calqamah:- Rasuulkii Alloow waxaa
Marag ka ahey Ilaahay Sareeye, Malaa’igtisa iyo
Muslimiinta waxa jooga halkaan inaan Raali ka
ahey Wiilkayga Calqamah. Intaas ka dib Rasuulka CSW, wuxuu yiri:-

 Bilaal u Tag oo soo Fiiri inuu Awoodo Shahaadada iyo in
kale? waxaa Suurto Gal ah iney Hooyadaa
Calqamah ku Hadashey Qalbigeeda waxaan jirin oo
ay iga Xishootay Aniga.
Bilaal wuu u tagey wuxuu maqley Calqamah oo ku Dhawaaqaayo Towxiidka
(ﻪﻠﻟﺍ ﻻﺍ ﻪﻟﺍ ﻻ ), Bilaal ayaa soo Laabtay wuxuu yiri:- Carada Hooyadiis ay ka Carootay ayaa Carabkiisa u
Diidey inuu Ashahaato, Raali markey ka Noqoteyna
waa kaas Dhahey. intaas ka dib wuu Dhintay. Isla maalinkii waxaa yimid Nabiga CSW, wuxuu
Amray in la Dhaqo oo la Karfano, kadib wuu ku
Tukadey, wuuna ka Qeyb galay Aaskiisa, ka dib
buu yiri:- Qabrigiisa agtiisa asago taagan
(Muhaajiriin iyo Ansaareey Qofkii ka Fadila
Xaaskiisa Hooyadiis (micnaha qofkii Xaaskiisa ka weyneeyo Hooyadiisa) waxaa Korkiisa ahaatay
Nacallada Ilaahey iyo tan Mala’igta iyo tan Dadka
Dhamman, Ilaahey ka Aqbali maayo Wax yar oo
Wanaag ah ilaa uu u Towbad keeno Alle kor
ahaaye, uu u Samafalo Hooyadiis, uu Dalbo Raali
ahaanshaheeda, Ilaahey Raali Ahaanshihiisa waa iney Raali kaa tahay Carradisana waa Carradeeda. Wabillaahi Towfiiq.

(ALLOOW HOOYO ADDUUN & AAKHIRABA
DEMBIGEEDA DHAAF).
SII AKHRI QORAALKA

Qiso Cajiib ah. Cabdallah Bincmah Wuxuu ahaa nin Xubnihiisa Shaqeen waayeen, waxaana noqday Qof Baraalis (mayd) oo kale ah, ma Dhaqaaqi karo, Madaxa Bes buu Dhaqaajin karaa.... Wuxuu is Dhihi jiray waxaad tahay Qofka ugu Xaaladda Xun Dadka, lakiin Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa layiri:- 

Ma lagu Tusaa Qof kaa daran?, Markaas ayuu yiri Haa.Haddaba, waxaa loo geeyey Nin sidiisa oo kale ah, laakiin waxaa uu uga sii Liitay, Ninkaasi ma Hadli karo, wax ma Maqlikaro, Madaxana ma Dhaqaajinkaro.Intaas waxaa ka sii daran waxaa dhacday mar inay Ehelkiisa ay Arkeen asagoo Ooyaya oo ilmo ka socoto markay sii Fiiriyeen bay Arkee Dhiig, markay sii Raaceen dhiiggiina waxay arkeen in Labo Farood ay Go’an tahay waxa Goosteyna uu ahaa Dooli… waayo asagu ma Qaylin karo, Mana Dhaq-dhaqaaqi karo.Haddaba, Cabdallah Bincmah Wuxuu Yiri:- 

Markaas ayaan Ogaaday inaan ku Suganahay Nimco weyn Allaah baana ku mahadsan. Haddaba Walaal, Marna Ma Qiimeesay Faa'iidada ay kuu leeyihiin Gacmahaga, Lugahaga, Indhahaga, Codkaaga, Mar kasta ku Shukri Allaah, Nimcadiisana Xusuusnoow
SII AKHRI QORAALKA

Sunday, May 4, 2014

Qiso naxdin leh : Haweeney meydkeeda la aasi waayey iyo mucjiso lagu arkay wejigeeda

Waxaa loo Aasi Waayay Way Cusleed, Naxashkii Bay Ka soo Saari Waayeen, Markaas ayuu Sheekhii Ku Tukanaayay u Diray Sheekh kale oo ka Cilmi Badan oo uu yiri:- Haweentan Waa Laqaadi La’yahay. Markaasuu yiri:- Ku Aqri Aayado Qur’aan ah,

Markuu ku Aqriyay Bey Dhaqaajiyeen oo ay Qabrigii Xaawileen iney Geliyaan, WiilKeeda baa Qabriga Gudihiisa ku jiray oo yiri Hooyadeey Lugaheeda ii Dhiiba Si aan u Dhigo hoos oo Cowradeeda Loo Arkin, Markaasaa Dhulka la dhigay oo ay Diiday Madaxeeda in Qiblada Loo Jeediyo, Wiilkeeda baa yiri Sheekhoow Ma Fiirin Karaa Hooyadeey? Sheekhii ayaa yiri Haa, Laakin aan Ka baxo Aniga Marka Hore.

Haddaba, markuu Sheekhii ka baxay ee uu Wiilkii Hooyadiis Fiiriyey buu Qaracmay oo uu Cararay Sheekhii Baa soo Qabtay oo yiri ii Sheeg Maxaad Aragtay oo Aad La Qaracantay, Wuu Diiday Wiilkeedii inuu Sheego.

Dhoor Bilood Kadib bey is Arkeen Sheekhii iyo Wiilkii Hooyadiisa Dhimatay, Wuxuu yiri: Sheekhoow Ma i Garaneesaa Waa Aniga Wiilkii Hooyadiis Dhimatay ee la Aasi waayey. Sheekhi baa yiri Haa, kolkaasuu Wiilkii yiri:- Hadda ayaan Kuu Sheegi Karaa Wixii Hooyadeey loo Aasi Waayay Maalintii la Aasay ilaa hadda Waan Hilmaami weysanahay,

Wajiga Hooyadeey oo Markii la dhaqayay Baan fiiriyey Waxay aheyd Qof Wajigeedii Caadi ah Sidaan u Arki Jiray awalbo, Laakin Hooyadeey Markaan Qabriga Dhignay oo Aan arkay Waxay Aheed Qof Fool Xun oo Aad u Madoow oo aad moodo inuu Wejigeeda Gubtay. Saas Baan u Naxay.

Waxuu yiri Sheekhoow Hadda Waan u soo Xajiyay oo Waan u Sadaqo Bixiyaa Bil kasto oo Waxaan Dhisay Masjid Hooyadeey Darteed Inuu Illaaheey u Danbi Dhaafo, Sheekheeniyoow Hooyadeey Waxay Aheyd Qof Aan Tukanin Salaadda Waligeey Ma Arag Iyadoo Tukaneysa.

(ILAAHOOW TOWBADA & TOWXIIDKA NA WAAFAJI, YAA RABBI).
SII AKHRI QORAALKA

Qiso Cajiib Ah oo aad aqoon Badan Aad Ka Kororsan doontid.

Hooyo Muslimad ah ooQurbaha ku Nool ayaa waxey ku Fikirtay si ay Caruurteeda ugu Badbaadin laheyd Fitnada Gaalada, Maadaama ay ku Noolaayeen Qaarada Yurub. Waxey Xaajigeeda u sheegtay Caruurteeda ineysan geyn doonin Iskuulada Gaalada, Nasiib Wanaag wuu ka Aqbalay. Caruurta waxey ku Tarbiyeysa Qaabka loo Weyso qaato, loona Tukado markasta ay wax Rabaana waxey ku Dhihi jirtay soo Weyso qaata Labo Rakcadood oo Suno ah Tukada, ka dib Weydiista Allaah wuu idin Siinaya. 


Caruurteeda Guriga bey ku heysan jirtay Quraanka bey si Fiican u Bartay, misana Gurigeeda wey ka Mamnuucday TV iyo waxii la mid ah. ka dib ayaa Xaajigeeda geliyay Caruurtii Dugsi Quraan. Inta aysan Caruurta ka soo Laaban Dugsiga ayey Cunto intey u Diyaariso ay Qolka ugu soo Xirtaa. Markey yimaadaan ayey ku Tiraahdaa Gaajo maa Idiin heysaa markey Haa yiraahdaan ayey ku Tiraaahdaa soo Weysa qaata oo Laba Rakcadooda tukada, ka dib Alle weydiista, markey Salaada ka baxaan ayey ku Tiraahdaa Alle wuu Idiin siiyay Qolkaas Gala ee Cuna Cuntada. Waxey sidaas yeeshaba markasta ay ka soo Laabtaan Dugsiga, Maalin ayey u Weyday Cunto ay u Diyaariso oo Xaajigeedii ayaa Raashinkii la soo Daahay, inta ay Tukatay ayey Qur'aan Aqris iska gashay, oo waxey Go'aansatay inaysan Caruurteeda Been u sheegin ay iskaaga Aamusto ilaa inta Xaajigeeda Cuntada uga keenaayo Suuqda. 

Haddaba, Ayadoo Murageysan ayey Caruurta Dugsi ka soo Laabteen sida Cadaada ahayd ayey intey soo Weyso qaateen oo ay Labadii Rakcadood Tukadeen, ayna Duceysteen bey Qolkii ay Raashinka uga Barteen ayey Durba ku Carareen, Mise Raashin ayaaba Dhexyaalo, Haddaba, Markey Aragtay Caruurteeda oo Cuntadi Qolka ka Helay ayey Sujuud la Dhacday oo ay Rabigeeda ugu Mahad Celisay. Ogoow Walaalka/ Walaashaa Muslimiinta ahoow inuu Allaah yahay Razaaq, qofkii ku Xarigiisa qabsadana uusan marnaba Dhibaato la Kulmeynin, siduu Ilaah meelo badan uu inoogu sheegay
Qur'aankiisa.

Wabillaahi Towfiiq.(ALOOW NAGA YEEL KUWII XIRIIRKAAGA WANAAJIYO)
SII AKHRI QORAALKA

Qiso Cajiib ah

wiilkan dhalinyarada ah wuxu dhahay waxan ahayn arday tiro fara badan ah oo dhigata jaamacad ku taala magaalada aan ku noolahay waxa nagu fara badnaa xafladaha ay ardaydu qabsanaso markaa anagu waxan ahayn koox heesta oo xafladaha ka heesta waxa musiga noo tumi jiray wiil maxamed la dhaho! dabeeto maalin ayuu nooyimid maxamed isaga oo badalan wajigiisa nuur ka muuqdo si edeblehna u socda markaas ayaanu ku dhahnay maxamed maxaa ku helay wuxu nagu dhahay ilaahay ayaan u tawbad keenay mana rabo ficilada xun inaan mardanbe sameeyo! markaas ayuu hadana bilaabay inuu na waaniyo isaga oo dhahaya.


 walalaalayaal ma garanano xili aan dhimanayno imisaa iyaga oo caafimaad qaba dhintay iyaga oon xanuun lahayn! ma ogin xili malagu inoo iman inay tahay hada mar dhow barri ilaahay ayaa og walal aynu tawbad keeno ilaahayna u noqono bishu waa ramadaan khayrka aynu badsano! dabeeto waxan ku dhahay sxb maxamed warkan iska ilaw oo bari sabtida waxa jirta xaflad wayn ee soo diyaar garow! markay aroornimadii sabtida tahay ayaan jaamacadii imid markaas ayaan arkay ardaydaan kooxda wada ahayn oo wajigooda murugo ka muuqato markaas ayaan ku dhahay maxaa dhacay? waxay dhaheen shalay jimcihii maxamed markii uu salada ka soo baxay ayuu gaadhi ku jiidhay masaajidka hortiisa waananu soo aasnay!


• subxanalah wuxu dhintay isaga oo sooman wuxu dhintay maalin jimce ah oo nabigu scw sheegay inaanu qofkaas cadaabo qabri lahayn wuxu dhintay bishii albaabada naarta la xidhay kuwii janadana la furay wuxu dhintay isaga oo khayr ka yimid •

• subxaanalah inagana in badan oo inaga mida ma moogana geerida wuxu ku jiraa qaflad taas oo ah aduunyo wll waxa la inaga rabaa inaynu ku dadaalno arimaha diinta •

• wll ilaahay danbigeena iyo khaladaadkeena ha dhaafo •

• wll ilaahay khaatumada khayr ha inoogu khatimo •

• wll ilaahay ha inaga dhigo safka dhaxla janooyinkiisa •
SII AKHRI QORAALKA

Thursday, May 1, 2014

Qiso Cajiib ah

Wiil dhalinyaro ah ayaa wuxu dhigan jiray Jaamacada azhar waqti hore, waxuuna wax ka dhigan jiray xalqad sheekh dhigi jiray. c|laahi wuxu kayimid tuulo fog cid magaalada kuma laha hadaba maalin ayuu xalqada sheekha ka habsaamay dabeeto cuntadii ayaa ardaydii sheekha wax ka baran jirtay iska cuneen dabeeto markuu wax uu cuno waayay ayuu suuqa u soo baxay waa intaasoo wax yar uu cuno soo helaaye inyar markuu soo socday ayaa wuxu arkay guri furan oo miis cunto ah dhex yaalo si dag dag ah ayuu gurigii u soo galay cidna ma arkayso markuu cuntadii soo qaaday uu gacmahiisa ku hayo ayuu isdhahay miyaanad ilaahay ka baqanayn halkan miyaanad cilmi u iman cilmiguna waa nuur miyaad cuni adigoon cidii lahayd waydiisan ! 


markaas ayuu iskaga tagay wuxu ku soo laabtay xalqadii sheekha isaga oon waxa cunin gaajo la ildaran cidna aanay ogayn ilaahay mooyaane! dabeeto waxa si dag dag ah sheekhii ugu soo gashay gabadh waxayna sheekhii dhagta ugu sheegtay hadalo uu c|laahi fahmi waayay! markaas ayuu sheekhii dhahay
c|laahi guur diyaar ma u tahay? c|laahi wuxu dhahay maad igu ciyaaraysaa maanta qado casho iyo quraac midna ma cunin sideen u awoodaa inaan guursado! sheekhii wuxu dhahay c|laahiyow gabadhan odaygeedii wuu dhintay waxa ayna leedahay gabadh dhalinyar ah ay iyadu dhashay aabaheed wuxu uga dhintay hanti fara badan markaa waxay rabtaa nin wanaagsan oo hantidaa iyo lacagtaa u ilaaliya? 

c|laahi wuxu dhahay haday saa tahay waa caadi! mudo yar ka bacdi waxa isa soo raacay gabadhii sheekhii c|laahi iyo dhamaan ardaydii ! siday gabadhii u waday waxay keentay gurigii markii hore uu c|laahi cuntada ku arkay! markaas ayuu c|laahi ooyay! dabeeto sheekhii ayaa ku dhahay ma waxad diidantahay guurka? c|laahi wuxu dhahay may sheekhow gurigan mar hore ayaan imid aniga oo gaajaysan waxan arkay cunto miiskan taala markaan gacmahayga ku qaaday ayaa dar ilaahay uga tagay ilaahayna isagii iyo khayrkale oo la socda ayuu dib ii gu soo celiyay"

• subxaanalaah walaal ilaahay ayaa dhahay :

يقـــــول الله تعـــالـــــي " ومن يتق الله يجعل له مخرجاويرزقهً من حيث لا
يحتسب "
• qofka ilaahay ka baqda ilaahay wuxu uyeela wax kasta xal iyo dhinac uu uga baxo waxanu ka arsaaqaa meel aanu ka filanayn •

• ogow adoonkii alow qofka dar ilaahay wax uga taga ilaahayna wuxu ugu badlaa wax ka khayr badan •

• walal ilaahay ha inaga dhigo kuwa markasta khayrka badsada •

• walal ilaahay ha inaga dhigo kuwa dhaxla janooyinkiisa •
SII AKHRI QORAALKA

Tuesday, April 29, 2014

Qisadan waxa ka sheekaynaya Wiilka Ay ku dhacday. Wuxuuna yiri: Waxaan Ahaa Mid Aanan tukan salaadda, sigaarka Afuufa, xumaha Isaga dhex jira, Ma Aanan dareensanayn dambi, toobadna Haba sheegin. Waxaan ku farxi jirey Inaan Ahay Muslim, Naxariista Rabbina Ay Wayntahay Laakiin Waxaan illawsanaa In ciqaabtiisu Ay daran tahay, Qabashadiisuna Aanan laga baxsan karin. Waligey Masjidka Maan galin Inkastoo uu Masjidka Ii dhawaa. Xilli Walba Waxaan Maqli jirey Aadaanka salaadaha Laakiin Maan Ajiibin
Waligay Bisha Ramadan Markay soo gasha Waa bisha kaliya ee Aan tukan jirey Waana soomi jirey. Ma garanayo sababta, Ma bishaas baan caabudi jiray.
Sidaas Oo Ay tahay xataa bishaasi Ma geli jirin masjidka.

Habeenkii Waxaan u tagi jirey si Aan saaxiibadeyda ula soo
dhafro. Xiliyada Qaarna galab Hore baan bixi jiray Oo Aan uun Magalada gali jirey. Kama Aanan fikiri jirin guur, caruur & Mustaqbal Midna Inkasta oo Aan Wax ku darsaday da'dii 35aad.

Markaan gurigayga kasoo baxayo Ayaa waxaan Wadada Hortayda Ah ku Arki jiray gabar Ayada dhan Wada xijaaban Oo Masjidka Inoo dhaw galaysa, Waxaan Iska dhaadhiciyay sidii Aan gabadhaas kula hadli Lahaa Oo Aan gurigayga ku keensan lahaa. Naftayda xumaan Ayay iiqurxineysaa shaydaana bini'aadamka Wuu dhagraa Iima muuqato Haybada &
sharafta ka muuqata gabadha. Markay socoto Waxaad moodaa In waddada ka bax la yiri, darbiga Ayay isku dhejin jirtay. Inta badan waxaan Arki jirey ayadoo u socota salaadda Casarka.

Waxaan go'aan saday Inaan La hadlo, laakiin iima jawaabto
dhowr galab hadii aan sidaasi u bartilmameedsan jiray bay i dhibsatay, galabkii dambe Ayayna go'aansatay Inay ila hadasho Meel Aan Albaabka gurigayga ka fogeyn bay mareysay. Markaa bay igu tiri "Maxaad Iga donaysa walaal? Waxaan ku Iri "Waxbo soo dhaaf, gurigayga soo gal Waa keligey Oo qura cidna Ma
joogto. Marka Aan hadalka iyo kaftanka ku badiyey Oo Ay u
jeedo Inaan Ahay qof Ilaahay ka fog, ima canaanan, Mana Aysan igu xanaaqin, balse
Waxay igu xirtay shuruud inay gurigayga soo gasho.
Waxay Igu tiri "Gurigaaga Waan soo geli doonaa, Waliba sariirtaada Waan ku fadhiisan doonaa hadad kasoo baxdo
shuruudan, Intaan farxay ayaan kudhahay, Maxay tahay shuruudda, wallaahi waan kasoo bixi doonaaye? Waxay tiri Afartan casho (40 maalin) waa inaad masjidka ku tukataa salaadaha, oo aad
casarkii iyo subaxa kadib aad dhagaysataa duruusta
masjidka Insha Allah.

Kadib anna waan kuu fulin doonaa ballantii. Hayeh!! waan yeeli doonaa ayaan kudhahay, kadibna way baxday. Halkii
baan howshii ka billaabay aniguna anoo fulinaya ballantii, laakiin labo usbuuc gudahooda
anigii dhan waan is baddalay. Waxaan is arkay anigoo ooynaya mar walba markii aan ogaaday halka aan kusocday iyo baadida i haystay, mar kasta waan ka shallaayaa inaan illawsanaa hadalkii Nebigeenna Suubban (NNKH) ee ahaa annaga (Muslimiinta ah) iyo iyaga (Gaalada) xarigga inoo dhexeeya waa Salaadda, kii ka
tegaana waa gaal. Toobad nasuuxa ayaan toobbad keenay, waxaana
intaa kadib noqday qof ka qoomameeyo falkii uu sameyn jirey, waxaana noqday qof masjidka ku xiran
oo salaad kasta safka hore taagan. Waxaan helay raaxo iyo iimaan, inkastoo aan ooyn jirey markastoo aan soo xasuusto falalkeygii xumaa.

Subaxii ay 40 cisho kasoowareegtay ayay ii timid gabadhii, salaanta Islamka kadib waxay igu tiri, haye ma kuu fuliyaa ballantaadii? Waxaan kudhahay Macaadallaah!! walaasheyeey!! aad baan uga shallaayaa
hadalkii aan ku dhahay, dhanka kalena waxaan ku
farxaa inaad hanuunkeyga sabab u noqotay, orod iska laabo Allaha ku xifdiyee!!! Waxay igu tiri Walaalkayoow!! waxaan ku kalsoonnaa Rabbigey inaanu i dulleyn doonin, in badan ayaanan ku hanweynaa inuu ducadeyda aqbali doono, oo uu ku hanuunin doono, kana masixi doono laabtada wixii ku jirey. Mahad waxaa iskaleh
Allihii ajiibay baryada
addoontiisa, ee dhowray addoontiisa. Ayadoo ilmeyneysa ayay sidaas tiri, aniguna intaan madaxa fooriyey ayaan la ilmeeyey!!

Muddo yar gabadhii markay aragtay wanaaggeyga iyo sida
aan mar walba masjidka ugu xiranahay, way ila soo xiriirtay, waxayna iisoo bandhigtay guur. Kaalmada Allah darteedna wuu noo
fududaaday guurkaas,
waxayna noqotay xaaskeyaga aan jeclahay. Waxayna noqotay gabadhii sababta unoqotay hanuunkeyga

Walalayal Ruuxi illahay Hanuun la doono Meel sahlan Ayuu ka tusaa Xaqa.

# Allah (SWT) Ha Inaga dhigo kuwa uu
Hanuunkiisa La doonay una carara xagiisa xili Walba ~ AMEEN AMEEN YAA ABBI*
SII AKHRI QORAALKA

QISO CAJIIB AH.

Nin Saalixiintii ka mid ahaa ayaa Maalin Ziyaartay Qabuuraha, Markaasaa la waydiiyey:- Xagee Jirtay Maanta?
Waxuuna ku Jawaabay:- Waxaan la joogay Dad Haddii Aad la Joogtana Aan ku Dhibeynin, Haddii aad ka Maqan tahayna Aan ku Xamaneynin.
Markaasaa lagu yiri:- Dadkaas waa kuwee?
Wuxuu yiri:- Waa Ahlul Qubuur.
Misana waxaa la yiri:- Ma u soo Duceysay?
Wuxuu ku Jawaabay:- Duco Iska Daayee Waan Wada Hadalnay.
Markaasaa Lagu yiri:- Maxaa ku wada Hadasheen?
Wuxuu yiri:- Waxaan ku iri Ahlu Qubuurkii Goorma Ayaad Halkaan Ka Guureysaan?
Kolkaas ayey yiraahdeen:- Haye maxey ku yiraahdeen hee?
Wuxuu yiri:- Waxey yiraahdeen Markii aad noo Timaadaan Baan Halkaan Ka wada Guureynaa.
Markaaseey yiraahdeen:- War uma Heysid Magaalada Rootigii Iyo Ceeshkii wey Qaaliyoobeen.
kolkaas ayuu ku yiri:- علينا ان نعبده كما أمر وعليه ان يرزقنا كما وعد
oo Macnaheedu yahay:- (Anaga Waxaa Dusheena Ahaaday Inaan Allaah Raali Gelino Sida uu Inoo Amray, Allaahna Waxaa Dushiisa ahaaday Inuu Ina Arzaaqo Sida uu Inoogu Balan Qaaday). sidaa darteed Arzaaqda Allaah ayey Gacantiisa ku jirtaa.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW IIMAAN SUGAN NA SII)
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, April 26, 2014

QISO CAJIIB AH.
(Boqorkii ka Cararay Boqortooyadiisii).

Nin Ummadihii Hore ka mid ah oo uu ku sugan yahay Boqortooyadiisii ayaa Fakarey, wuxuuna gartay inuu Boqortooyada ka Dhammaanaayo, waxa uu ku Dhex jirana uu ka Mashquuliyey Cibaadada Rabbigiis, markaas buu Habeen Habeenada ka mid ah ka Dhuuntay Qasriga, wuxuuna ku Waabariistay Boqortooyo kale, wuxuuna Tagey Xeebta, wuxuuna Mushqaayad ku samayn jirey Labanka (Bulukeetiga), wuuna Cuni jirey, Haraagana wuu Sadaqaysan jirey, sidaasna kama Suulin ilaa Arrinkiisa, Cibaadadiisa iyo Fadligiisu gaaray Boqorkoodii.

Markaas ayaa Boqorkoodii u soo Cid diray inuu u yimaado, wuuna Diiday inuu u yimaado, markaas buu ku soo Celiyey, ilaa saddex jeer, wuuna Diiday inuu u yimaado, ka dib Boqorkii wuxuu soo Fuulay Faraskiisii, Ninkii markuu arkay boqorkii ayuu Cararay, Haddaba Boqorkii markuu Arrintaas arkay ayuu ka Daba Orday, mase gaarin.

markaas ayuu Boqorkii u yeeray Ninkii isagoo dhahaayo:- Addoonka Alloow wax dhib ah kuu gaysan maayo, ka dib ayuu Istaagay ilaa uu soo gaaray, markaas ayuu ku yiri:- Yaa tahay Adiga?. Wuxuu yiri:- Anigu waxaan ahay: Hebel hebelkii lahaa Boqortooyada Heblaayo Hebel.
Arrintayda ayaan ka Fakaray, markaas baan gartay waxa aan ku Dhex jiro inay Go’ayaan, wuxuuna iga Mashquuliyey Cibaadada Rabbigeey, markaas baan isaga tagey, halkaan ayaana imid si aan u Caabudo Rabbigeey. Markaas buu yiri Boqorkii:- waxaad samaysay Aniga iigama Baahi badnid.
Intaas ka dib Boqorkii Faraskiisa ayuu ka soo degay, wuuna sii Daayay, ka dibna Ninkii ayuu raacay, si wadajir ah ayayna Allaah SW, u Caabudi jireen, markaas bay Ilaahay ka Baryeen inuu iyaga oo Wadajira Dilo, sidii ayeyna ku Dhinteen iyagoo Wada jira.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW NAXRIISTAADA NA SII).
SII AKHRI QORAALKA

QISO YAR OO CAJIIB AH.

Waxaa jiray Nin Salaadaha Masaajidka ku ilaalin jiray oo lagu yaqaanay Masjidka, Ninkii ayaa Xanunsaday markii Masjidkii laga waayey ayaa Nin Sheekh ah oo Masjidka isku yaqaaneen ayaa Damcay inuu soo Booqdo markuu tagay ayuu Arkay Ninkii oo Sakaraad ah, markaasuu Sheekhu ku yiri:- Towxiidka Qabso. Wuxuu ku jawaabay:- Sheekhoow Aniga iyo Kalimadda aad Sheegayso waa nala kala Dhexmaray (yacni ma Awoodo inaan ku Dhawaaqo), Sheekhii ayaa intuu Naxay ku yiri:- Sabab Sow Adigii Salaadaha Masjidka ku soo Tukan jiray ee Fiicnaa?, wuxuu yiri:- Sheekhoow taasi igama ahayn Allaah Dartii ee waxaan lahaa ha Lugu dhaho waa Nin Wanaagsan, markaan Xaafadeyda Imaadana waxaan doono ayaan sameen jiray, Sheekhoow Saddex jeer oo Horena waan Xanuunsaday, markaasaan Gabadheyda yar ku iri Kitaabka Qur'aanka ii keen, markay ii keento ayaan dhihi jiray ilaahayow Qur'aankaaga ayaan kugu Baryayee i Caafi, ilaaheyna wuu iga Aqbalay, haddana sidii oo kale ayaan yeelay laakin markii ay ii keentay Gabadheydii markaan Qur'aankiiba waa la iga Qariyey oo waan Arki waayey.
Haddaba, markuu intaa u sheegay ayuu Sheekhii kacay oo Guriga ka baxay markuu Iridda sii marayo ayuu Qeylo Maqlay, markuu soo noqdayna wuxuuba laa kulmay Ninkii oo Meyd ah, Subxaanallaah.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW kHAATUMADA NOO SAMEE)
SII AKHRI QORAALKA

Aabaha wuxuu Wiilkiisa ku yiri:-
1- Wiilkeygiyoow wax kasta oo Macaan ayaan Dhadhamiyey, mana Arag wax Caafimaadka ka Macaan.
2- Wiilkeygiyoo wax kastoo Qaraar ayaan Dhadhamiyey, mana Arag wax ka Qaraar badan Dad inaad u Baahatid.
3- Wiilkeygiyoow Wax kasta oo Culus ayaan Qaadaay, mana Arag Wax ka Culus badan Deyn aad Qof ka qaadatay.
4- Wiilkeygiyoow waxaan soo Arkay Dad Malqabeen ah, mana Arag Qof Maalkiisa ku Qanacsan.
5- Wiilkeygiyoow Kuwo i Neceb ayaa ila Coloobeen, mana Arag wax iiga Cadowsan Nafteyda
6- Wiilkeygiyoow Dhar kii u Qurux badnaa ayaan soo Xirtay, mana Arag Wax ka Qurux badan Alle ka cabsiga.
7- Wiilkeygiyoo Labana Xusuusnoow intaad Nooshahay:- Xuska Ilaaheey & Geerida.
SII AKHRI QORAALKA

Monday, April 21, 2014

Qiso Yar oo cajiib ah.

(waxey ka dhacday Sweden (Malmo).
Waxaa meel Deggenaa Qoys heysta Diinta Kristaanka, haddaba Qoyskaasi waxey Deris ahaayeen Hooyo Muslim ah, oo aanan weligeeda waxba Dhalin, hase yeeshee Hooyadu waxey aheyd mid mar kasta ku Dadaasha Cibaadada Rabbi, oo Salaadda iyo Dikriga Allaah aad ayey u Xafidi jirtay.
Hooyada ayaa Maalin Qoyskaasi Kiristaanka ahi ku soo Booqdeen Gurigeeda, oo ayna weligooda soo Gelin. Hooyadii waxey u soo Dhoweysay si Kal iyo Laab ah, Qoyskii Kristaanka iyagoo ku Faraxsan Hooyada soo Dhoweynteeda ayey Guriga soo galeen.

Intaas ka dib ayaa Aabihii Qoyska Kiritaanka ahaa weydiiyey:- Hooyo aaway Wehelkaaga (Ninkaaga), waxeyna ugu jawaabtay:- Wehelkeygu waa Rabbi, isaga ayaan Garabsadaa Rabbigeey. misana Odaygii wuxuu weydiiyey:- Aaway Nuurkii Guriga (Caruurtaada), waxeyna ugu jawaabtay:- Aniga Nuurkeyga iyo Ubadkeyga waa Kitaabka Alle, isaga ayaana Wehel ii ah. Haddana wuxuu weydiiyey oo uu ku yiri:- Hooyo maxaad qabataa oo aad ka shaqeysaa?, waxeyna ugu jawaabtay oo ay ku tiri:- Shaqeyda waa Cibaadada Allaah iyo Dikrigiisa, iyada ayaana wax kasta iiga Qiimo weyn.
Odaaygii intuu yaabay ayuu misana ku yiri:- Allahaaga waa kee ?, waxey ku tiri:- Allaheyga waa kan Adiga ku Abuuray, anigana i Abuuray, waana Kaligii, waxna ma Dhalin, isna lama Dhalin, wax la mid ahna ma jiraan, wax kastana wuu ka Deeqtoon yahay oo waa kan ina Arzaaqa, waana kan ay Awoodiisa ku dhisan tahay Adduunyada oo dhan.
Haddaba, intaas Dabadeed Odaygii iyo Dhamaan Qoyskiisaba meeshii ayey ku Islaameen, oo ay ku qaateen Diinta Islaamka.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW TOWBADA & TOWFIIQDA NA WAAFAJI)
SII AKHRI QORAALKA

Sunday, April 13, 2014

Bara’ah waa Gabar 10jir ah, dhameesayna Quraanka, waliba Tajwiid ku Darsatay.
Waalidiinteed waxay ahayeen Dhakhaatiir Sacuudiga u soo Guuray si u helaan Nolol Wanaagsan. Bara’ah waxay ahayd Gabar Caqli badan, Macalimiinteedu waxay u sheegeen inay Samayso Dugsi Sare ayadoo Da’eedu tahay 10sano. Qoyskeedu waxay ahayeen Qoys yar isla markaasna Diinta aad u jecel.
Maalin maalimaha ka mid ah ayaa Hooyadeed waxay iska Dareentay Xanuun, Waxayna horay ka aaday Cusbitalka si ay isu Baarto. Markiiba waxaa loo sheegay in Xanuunka Kansarka la yiraahdo ay Qabto waliba ay la soo Daahday.

Hooyadii Bara’ah waxay ku Fekertay sida ay Gabdheeda ugu sheegi lahayd, waxayna ku tiri:- Bara’ah janada ayaan galayaa waliba Adiga ayaa Sabab u Noqnaya Galitaanka janadayda, laakin waxaan kaa doonaya inaad Akhrisid Quraanka aad Xafidsnayd wuu ku Xafidayaa Aduunkan.
Gabadhii yarayd may Fahmin waxa ay Hooyadeed u sheegayso, Hooyadii waxa la geeyay Isbitaal si halkaas loogu Dabiibo, Gabadhii yaraydna markay Iskuulka ka Timaado ayay Hooyadeed soo mari jirtay si ay Quraan ugu Akhriso ilaa Galabtii inta Aabaha Gabdha Shaqada ka soo baxaayo.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Dhakhtarkii Cusbitalka u yeeray Aabihii Bara’ah si ugu sheego in Xaalada Xaaskiisa ay ka soo Dartay, lana Rabo inuu Dhaqso ku soo gaaro.
Aabihii Bara’ah shaqada ayuu ka soo baxay waxa uu horay u soo maray Gabdhiisii, ka dibna Cusbitalka ayuu soo aaday. Markii uu soo gaaray Isbitalka ayuu ku yiri Gabdhihisii:- Aabo Gaariga ku sii jir waan ku soo laabanayaa.

Aabihii oo ilmaynaya kana Walwalsan Xaaskiisa ayaa Wadada gaari Xawaare xoog u socda ku dhacay halkaas ayuuna ku Naf waayay waliba Gabdhiisa horteeda. Gabdhii yarayd way Ooysay. Geerida Aabahaas waxaa sababay ka Walwalida Xaaskiisa.
Shan Maalin kadib Hooyadii Bara’ah waxaa u yimi Malakul Mawtkii, halkaas ayayna Nafteedii ku Waysay. Bara’ah waxay noqotay kaligeed. Saaxibadii Aaboheed iyo Hooyadeed ayaa u Raadiyay Qoyskeedii oo markaas Wadanka Masar ku nool si ay u Hesho Taxadar gaar ah.
Maalmo ka dib Bara waxay Dareentay Xanuun isla kii Hooaydeed hayay oo kale ah sidoo kale waxa la geeyay Cusbitaal si loo Ogaado waxaa haya, Markiibana waxaa la Ogaaday in Gabdhan yar hayo Xanuunka Kansarka.

Waxaa taas ka sii Darnayd markii tiri Alxamdulilah, hada ayaan la Kulmayaa Waalidinteeyda. Saaxiibadii, Familkii ku Hareersanaa oo dhan way la yaabeen Hadaalkaasi, marba marka Xigana, maba moodaysid Qof Xanuusan Degnaan iyo Farxad ayaa ka Muuqnaysay.
Waxaa maqlay Nin Sacuudiyaan ah oo Lacag leh, wuxuuna isku dayay inuu Caawiyo, waxaa uu u sii diray Dalka Ingiriiska si loola Tacaalo Xaalkeeda Caafimaad, laakin Kansarkii ayaa Gabdhii dhamaan Jirkeeda Saameeyay ilaa uu Maskaxda ka Gaaaray.
Bara marba marka Damaysa Farxad ayaa ka Muuqnaysay iyo Deganaan ilaa ay yaabeen Dhakhaatiirtii markaas Dabiibaysay. Waxay isku dayeen Dhakhaatiirtii Qaliniin Maskaxda ah ku sameeyaan, isla Qalniinka Gudahiisa ayay Koomo gashay Walaasheen Bara’ah.
Ka hor inta aysan Koomada Gelin ayaa Kanaal Islaami ah Xiriir la sameeyeen oo ay ka Codsadeen in ay Qur’aanka Kariim ahaa ay aadka ugu Cod macaaneyd u Akhriso Videogan hoos yaala ayay Surat Saafat ku Akhrinaysaa, Bal ila Dhageysta.
(Bara’ah iyada iyo Waalidkeeda Ilaaheey Jannada haka Waraabiyo).
Videowgana waa kan ila Dhageyso walaal, Bara’ah Codkeeda ayaa laga duubay, baal ila arag Sheekha TV-ga Fadhiya sida uu u Oynaayo. Subxaanalaah.

SII AKHRI QORAALKA

Wednesday, April 9, 2014

QISO CAJIIB AH.

Waxaa laga wariyey Mansuur Ibnu Camaar, Inuu yiri waxaan baxay Habeen, Anigoo u maleeyey inuu Waagu beryay, mise waaba Habeen Bar, waxaan hor Fariistay Guri Albaab yar leh, Mise Guriga waxa ka Ooynaaya Wiil Dhalinyaro ah oo leh:-
(ilaahoow Sharaftaada iyo Cizadaada ayaan ku Dhaartay, Ma Dooneeyn inaan Khilaafo Ammarkaaga, Ilaahoow ma aheyn mid Mooggan Awooddaada, mana aheyn mid aan Ogeyn Ciqaabtaada, mana aheyn mid Aragtidaada iska Qarin karaayey, laakin Nafteyda ayaa Xumaantaas ii Qurxisay, waxaana iga Qaalib noqday Xumaanteydii, Haddana Ilaahoow ma heysto Cid Cadaabtaada iga Badbaadineysa ee Ilaahoow adiga ayaan marnaba kaa Maarmin, waxaan kaa Baryaan Dembiyadeyda aan galay inaad iga Cafisid, Cid kale oo Dembiyada Cafisa ma jirto aan Adiga aheyn Rabbiyoow).
Markaas ayaan Argagaxay oo aan Aqariyey Aayadan Quraanka ah oo Dhaheysa:- (Kuwa Allaah iyo Maalinta Qiyaame Rumeeyayoow, uga diga Nafihiina iyo Ehelkiinaba Naar, Naartaas oo lagu Huriyo Dad iyo Dhagaxaan, korkeedana ay ku Sugan yihiin Malaa'ig, Ad-adag oo Argagax leh, oo aan Allaah Caasiyayn waxa uu Faro, Falaayana waxa uu Amro).
Markuu Waagii Baryay ayaan arkayba Gurigii oo Tacsi taal, misana waxaan arkay Hooyadii Guriga oo Oyneysa, kolkaas ayaan ku iri:- Hooyo maxaa Dhacay?, markaas ayaa Hooyadii igu tiri:- Wiilkaygii ayaa Geeriyooday, waxaan ku iri:- Goormuu Geeriyooday?, waxey igu tiri:- Xalayto mid Baas baa ku Dul Aqriyey Aayad Naarta ka Sheekaynyso Markaas ayuu Xasuusteeda iyo Cabsideeda la Dhintay.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW CADAABTAADA NAGA BAD-BAADI).
SII AKHRI QORAALKA



QISO CAJIIB AH OO MUDAN IN LAGU CIBRO QAATO ( Walaalkeygow iyo Walaasheydiyee Aqriso ).

Sheekha Riyooyinka Fasiro, oo lagu Magacaabo Sheekh Wasiim yuusuf ayaa waxa uu ka Sheekeenayaa Arrin ku Dhacday, wuxuuna Hadalkiisa ku Bilaabay:- Haweenay ayaa iila soo Xiriirtay way Oynaysay ILAAH aan ku Dhaartee Oohinteeda ayaa Oohin iiga keeni Gaartay.
Markaas ayaan iri: Walaashey Nafta Adkeey si aan ku Maqlo, kolkaas ayaan ku iri Maxaa kugu Dhacay?, waxay tiri Dembi Dhaaf ma leeyahay Aniga? Kolkaas ayuu Sheekhii yiri:- Dembi Dhaafka maxaad Sameysay?,
Waxey tiri:- Aniga iyo Ninkeyga ayaa Dhib inaga Dhex dhacay., Sheekhii baa yiri:- bal ii Sheeg? kolkaas ayey tiri:-Aniga waxaan Fadhiyey Barandada ama Daashka, waana Canaananaayey waxaana dhahaayey Adiga haddii aad Nin tahay Ifur Adiga Sharaf ma lihid haddii aad Sharaf leedahay Ifur,
Isagana wuu i soo Fiirinayaa, ka dib waxaan iri: Wallaahi Ciyaalkeyga ayaan Wadanayaa Albaabka Maxkamadana waan kugu Ceebaynayaa, Caruurtaadana heli maysid, Usbuuciina Hal maalin ka badan Arki maysid, intaas ka dib haddana wuu i soo Fiirinaayey, ka dib waxaan dhahay ii jawaab Adiga Nin Ragga ma tihid.
Markuu Aamusay waan Cabsaday markii aan Xaggiisa Aadayba Nafta way ka baxday, Ambalaasta ayaan la Xiriiray way yimaadeen, Dhaqaatiirtiina waxey sheegeen iney Maskaxdiisa Istaagtay, ka dib waxaan Dareemay inuu u Adkeysan waayey Hadaladii aan Aniga ku Iri. Haddaba, Sheekhoow Towbad ma ii Banaan tahay Ciyaalkeyga Aniga ayaa Agoon ka Dhigay, sidoo kale Ragga iyo Dumarka ma Dareemaan Nimcooyinka Alle ilaa ay waayaan.
Sheekhii markuu intaas ka Dhageystay Haweeneydii, ayaa wuxuu yiri:- Sheekadaan markaan Maqlay waan Gariiray, waxaana iri: Alle waxaan ka Baryaa Imtixaanka lagu Imtixaamay inuu na Imtixaanin ee Towbad keen, Naag Dhaheyso Ninkeeda Nin Rag ma tihid Sharaf haddii aad leedahay Ifur, Nebiga CSW, wuxuu yiri:- Haweenayda Ninkeeda Furiin ka Dalbata Dhib La’aan waa ka Xaaraan Carafta Jannada.
sidoo kale Nabiga CSW, wuxuu yiri:- kuwa Furiinka Dalba waa Eyga Munaafiqiinta, Furiinka dhaca Caruurta oo joogaan waa Dambi aan la Cafinaynin.
Wabillaahi Towfiiq.
(ALOOW DEMBIGEENA IYO KII WAALIDKEENABA CAFI, YAA RABBI)
SII AKHRI QORAALKA

Wednesday, February 5, 2014

الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وبعد
Dad baa waxay ku murmaan had iyo jeer labada waalid ee Nabiga scw ma gaalay ahaayeen mise muslim marka halkan ayaan idiinku soo gud binayaa axaadiis saxiix ah oo uu nabigu scw arinkaas ku cadaynayo, qofka muslimka ahna wuxuu magaca muslim ku mutaystay inuu yahay u hogaan same wixii Allaah iyo Rasuulkiisu scw ay fareen,

wax dood ahna aan ka keenin mar haduu maqlo wixii Allaah iyo Rasuulkiisu scw amreen . Allaah wuxuu yidhi
قال تعالى (فَلْيَحْذَرِ الَّذِينَ يُخَالِفُونَ عَنْ أَمْرِهِ أَن تُصِيبَهُمْ فِتْنَةٌ أَوْ يُصِيبَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ)
Allah Sareeye wuxu yidhi (Haka digtoonaadaan kuwa khilaafaya amarka Nabiga scw inay fitno ku dhacdo ama ku dhaco cadaab kulul)
Haddaba Axaadiista ka hadlaysa xaaladda labada waalid ee Rasuulka waakuwan e bal sifiican aan u wada dhuuxno.
عَنْ أَنَس بن مالك رضي الله عنه، أَنَّ رَجُلًا، قَالَ: يَا رَسُولَ اللَّهِ، أَيْنَ أَبِي ؟ قَالَ: فِي النَّارِ، فَلَمَّا قَفَّى، دَعَاهُ، فَقَالَ: " إِنَّ أَبِي وَأَبَاكَ فِي النَّارِ " رواه مسلم
Anas binu maalik waxaa laga warinayaa in nin uu yidhi Rasuul Allow aabahay xaguu joogaa ? wuxu yidhi Naarta, markuu tagay buu u yeedhay uu yidhi
aabahaa iyo aabahayba naartay ku jiraan. Waxaa wariyay muslim.
Hadaan ogaanay in nabigu scw hadalkaa yidhi ma wax shakiyaa inoo yaal , mase inoo haboon tahay inaan dhahno maya rasuul allow aabahaa waa ahlu janno e ha odhan sidaas, xaasha inaan ku af celino, waxa inoo haboon waxa weeye inaan rumayno .
وقال الإمام النووي رحمه الله في شرح مسلم (قوله ( أن رجلا قال يا رسول الله أين أبي قال في النار فلما قفى دعاه فقال إن أبي وأباك في النار ) فيه أن من مات على الكفر فهو في النار ولا تنفعه قرابة المقربين وفيه أن من مات في الفترة على ما كانت عليه العرب من عبادة الأوثان فهو من أهل النار وليس هذا مؤاخذة قبل بلوغ الدعوة فان هؤلاء كانت قد بلغتهم دعوة ابراهيم وغيره من الأنبياء صلوات الله تعالى وسلامه عليهم وقوله صلى الله عليه و سلم أن أبي وأباك في النار هو من حسن العشرة للتسلية بالاشتراك في المصيبة)
Imaamu nawawi (rx) wuxuu ku yidhi sharxu saxiixu muslimka dhexdiisa (hadalkiisa ah (in nin uu yidhi Rasuul Allow aabahay xaguu joogaa ? wuxu yidhi Naarta, markuu tagay buu u yeedhay uu yidhi aabahaa iyo aabahayba naartay ku jiraan) waxaa kusugan in qofkii ku dhinta gaalnimo inuu naarta ku jiro, mana anfacayso qaraabada uu layahay kuwo xagga allah u dhow, waxaa kaloo kusugan in qofka dhinta xilliga FATRADA kuna dhinta waxay carabi caabudaysay oo sanabo leh, ahlu naarkuu kamid yahay, mana aha in qofkii laciqaabay isagoyna gaadhin dacwadi ka hor, waayo kuwaas waxay ahaayeen kuwo ay gaadhay dacwadii nabi ibrahiim iyo ambayada kalaba , amaanta allah sareeye iyo bad’baadadiisu kor kooda ha ahaato, hadalka uu Rasuulku yidhi: aabahay iyo aabahaaba naartay ku jiraan . waxay ka mid tahay la dhaqankiisa wanaagsan , oo uu ku samarsiinayo inuu la wadaago musiibada.
Waxaa kaluu yidhi nabigu
عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ - رضي الله عنه -، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم: " اسْتَأْذَنْتُ رَبِّي أَنْ أَسْتَغْفِرَ لِأُمِّي فَلَمْ يَأْذَنْ لِي، وَاسْتَأْذَنْتُهُ أَنْ أَزُورَ قَبْرَهَا فَأَذِنَ لِي ) رواه مسلم
Waxaa laga warinayaa abuu hurayrah inuu yidhi wuxuu yidhi Rasuulka allaah Rabigay baan ogolaansho waydiistay inaan u dambi dhaaf way diiyo hooyaday , iimana ogolaan, waxaa kaloon ka oglaan sho dalbay inaan booqdo qabrigeeda wuuna ii ogolaaday. Waxaa wariyay muslim.
عَنْ سعد بن أبي وقاص رضي الله عنه، قَالَ: جَاءَ أَعْرَابِيٌّ إِلَى النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم فَقَالَ: إِنَّ أَبِي كَانَ يَصِلُ الرَّحِمَ، وَكَانَ وَكَانَ، فَأَيْنَ هُوَ؟ قَالَ: " فِي النَّارِ "، قَالَ: فَكَأَنَّ الأَعْرَابِيَّ وَجِدَ مِنْ ذَلِكَ، فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللَّهِ، فَأَيْنَ أَبُوكَ؟ قَالَ: " حَيْثُمَا مَرَرْتَ بِقَبْرِ كَافِرٍ فَبَشِّرْهُ بِالنَّارِ "، قَالَ: فَأَسْلَمَ الأَعْرَابِيُّ بَعْدُ، فَقَالَ: لَقَدْ كَلَّفَنِي رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم تَعَبًا، مَا مَرَرْتُ بِقَبْرِ كَافِرٍ إِلا بَشَّرْتُهُ بِالنَّارِ ) رواه ابن ماجه من حديث عبد الله عمر العدوي رضي الله عنه ، و البيهقي في دلائل النبوه من حديث سعد بن أبي وقاص الزهري ، وصححه الألباني في الصحيحة رقم ( 18 )
Waxaa laga warinayaa Sacad binu abii waqaas inuu yidhi: nin reer baadiye ah baa u yimid Nabiga scw oo ku yidhi : aabahay wuxuu ahaa nin xidhiidhiya qaraabada , oo sidan iyo sidan buu ahaaye xaguu joogaa? Wuxuu yidhi: Naarta ku jiraa. Waxaad moodaa inuu ka xanaaqay reer baadiyihii arinkaas, markaasuu yidhi Rasuulkii Allow aabahaa xaguu joogaa? Wuxuu yidhi meelkasta ood ku marto qabri gaal naar ugu bishaaree. Wuxuu yidhi ninkii reer baadiyaha ahaa baa islaamay kadib, oo yidhi Runtii Nabigu scw dhibbuu igu kalifay,qabri kasta oo gaal oon soo maro naar baan ugu bishaareeyaa. Ibnu maajah iyo Beyhaqi ayaa wariyay waxaana saxiixiyay albani (rx) Saxiixada ka fiiri lambarka ( 18 )
Waxaa dhici karta in qaar daliishadaan xadiis been abuur ah oo sheegaya in Allah usoo nooleeyahay nabiga labadiisa waalid oy islaameen, wuxuu yidhi sheekh albani (rx)
قال الإمام الألباني رحمه الله في الصحيحة تحت رقم (2592)(و قد لا يتورع بعضهم أن يركن في ذلك إلى الحديث المشهور على ألسنة بعض الناس الذي فيه أن النبي صلى الله عليه وسلم أحيا الله له أمه ، و في رواية : أبويه ، و هو حديث موضوع باطل عند أهل العلم كالدارقطني و الجورقاني ، و ابن عساكر و الذهبي و العسقلاني ، و غيرهم كما هو مبين في موضعه ، و راجع له إن شئت كتاب " الأباطيل و المناكير " للجورقاني بتعليق الدكتور عبد الرحمن الفريوائي ( 1 / 222 - 229 ) و قال ابن الجوزي في " الموضوعات " ( 1 / 284 ) : " هذا حديث موضوع بلا شك ، و الذي وضعه قليل الفهم ، عديم العلم ، إذ لو كان له علم لعلم أن من مات كافرا لا ينفعه أن يؤمن بعد الرجعة ، لا بل لو آمن عند المعاينة ، و يكفي في رد هذا الحديث قوله تعالى : *( فيمت و هو كافر )* ، و قوله صلى الله عليه وسلم في ( الصحيح ) : " استأذنت ربي أن أستغفر لأمي فلم يأذن لي " .)اهـ
Wuxuu yidhi Al-imaam Albani(rx) (waxaa la arkaa dadka qaar inayna dhowrsan oo ay u cuskadaan arinkaas, xadiiska caanka ku ah carrabada dadka ee uu ku sugan yahay in nabiga scw Allaah uu usoo nooleeyay hooyadiis , riwaayadna ay leedahay labadiiisa waalid , waana xadiis been abuurad iyo baadil ka ah dadka cilmiga leh agtooda sida Daaraqudni, Joorqani ,ibnu Casaakir , Dahabi , iyo Casqalaani.iyo kuwo kalaba sida ku bayaansan meelahiisa qaar, hadaad rabtana ugu laabo kitaabka(Al-abaadhiil Wal-manaakiir) Joorqani leeyahay ee uu tacliiqiyay dr. Cabdiraxman Al-farawaai(1/222-229) ibnu Jowzina wuxuu ku yidhi kitaabkiisa layidhaa (Al-mowduucaat) ”1/284” (kani waa xadiis been abuur ah shaki la’aan , qofkii been abuurayna waa mid fahan yar, cilmi darrona hayso,waayo haduu cilmi u lahaan lahaa in qofkii ku dhinta gaalnimo ayna anfacayn rumayntiisa marka lasoo celiyo, iskaba daaye ma anfacayso xataa markuu geerida arko, xadiiskanna radin waxaa ugu filan hadalka Allah sareeye( فيمت و هو كافر oo dhinta isagoo gaal ah) iyo qowlka Nabiga scw ee saxiixa ku jira (Rabigay baan idan waydiistay inaan u dambi dhaaf way diiyo hooyaday , iimana idmin)
Wallaah Aclam
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, February 1, 2014

QISO CAJIIB AH.
(Ilaaheey ayaan ka Xishooday).

Qisadaan wuxuu Imaamkii weynaa ee Imaam Dahabi uga Sheekeeyey Kitaabkiisa Siyar Al-Axlaam. wuxuuna ku Bilaabey sidatan:- Dad badan ayaa Safrayey galay Xili Habeen ay tahay, markaas ayaa Waqtiga ku Dhacay oo meel Hawd ah (duur) iskaga Hoydeen. Markey isku Diyaariyeen iney Jiiftaan Duurka, ayaa waxaa yimid Libaax, dhamaantood way Boodeen oo Geedka ayey... Fuuleen, markii laga Reebo Hal Nin oo Xiligaas Salaatullayl ku jirey. Libaaxii wuxuu ku kor Wareegtay Ninkii Salaada Tukanaayey, Ninkiina Salaadiisii ayuu iska sii watey, ka dibna Libaaxii isagoon, wax ku Sameynin ayuu iska baxay. Kolkii uu Salaadii Dhameestey ayaa Saxiibadiis ku yiraahdeen:- War Saaxiboow ma waalan tahey sow maadan Arkeynin Libaaxa? Adigana waad iska Taagan tahey, maka Baqeysid miyaa inuu ku Cuno?, Markaas buu ku yiri Saaxiibadiisa:- Wallaahi waxaan ka Xishooday Ilaahey, oo Anigoo Hor taagan Rabbigeyga inaan ka Cabsado, Khalqi ka mid ah Khalqigiisa.

(ILAAHOOW IIMAAN SUGAN NA SII, YAA RABB
SII AKHRI QORAALKA

Wednesday, January 29, 2014

Nin waxaa jirey fundi ahaa oo guryaha dhiso wuxuuna ushaqayn jirey mid kamida sharikadaha waawayn.
Ninkii fuundiga ahaa waa waynaaday hawl gabna wuu noqday. wuxuuna ka codsaday shirkadii inuu shaqada kafariisto maadaama uu waayeel noqday shirkadana wakhti badan usoo shaqeeyey. wuxuuna dhiibtay warqadii rukhsada.
Wuxuuna udhiibay ninkii sharikadda uwaynaa.
Markuu ka qaaday warqadii ayuu ku yiri w
aan ku fasaxaynaa laakin hal shardi ayaan kuugu fasaxaynaa.
Fuundigii duqoobay wuxuu yiri .waa maxay shardiga aad iga codsanayso.
Wuxuu yiri ninkii sharikadda u waynaa.
Shardiga aan kuugu xirayo waxay tahay maadaama aad naga tagayso waxaan kaa codsanayaa inaad noo dhisto halguri oo ahaa kii kuugu dambeeyey ood noo dhisto.
Fuundigii wuxuu yiri waa yahay.
Wuxuuna billaabay dhismihii guriga isagoo boobsiinaya dhismaha guriga.
waayo waxaa kuxiran nasashadiisa.
Gurigii sidii kuwii hore uu udhisi jirey uma uusan dhisin wax walbo wuxuu kadhigay boobsiis iyo kuwaaliti la’ aan,
daaqada xun xun albaab aan tayo lahayn biro tacbaan ah
Wuxuu dhisay guri imooti ah.
Markuu dhameeyey ayuu uyimi ninkii sharikadda uwaynaa wuxuuna ku wargeliyey inuu gurigii dhameeyey.

Isagiina waxaa lagu war geliyey maadaama uu sharikadda in badan usoo shaqeeyey abaalna ku leeyahay inuu qaato guriga uu hadda dhisay.
Nin kii fuundiga ahaa aadbuu ushallaayey oo wuxuu jeclaystay inuu udhisi lahaa si aad uquruxbadan waa haduu ogaan lahaa in isaga lasiin doono.
=====================
Taa waxaa lamida salaadda aan tukanayno ilaahaybaa iska leh laakiin aakharo marka latago adiga ayaa lagu siindoonaa
Haddii markii aduunka aad joogtay aad tukatay salaad qiimo leh iyadiibaad heleysaa kuna farxaysaa
Ama hadii aad tukatay salaad iskarid halmar ah aakharo waxaaad jeclaanaysaa Alla maxaan usoo hagaajin waayey
AKHYAAREY SALAADA SALAADA SALAADA SALAADA
SII AKHRI QORAALKA

Kulan saxaafadeed ayaa nin ganacsade si weyn looga yaqaano dalka Isu taga Imaaraadka Carabta lagu weydiiyey taariikh soo martay noloshiisa oo uusan marna hilmaami karin, wuxuuna ku jawaabay sidatan:
Habeen habeenada ka mid ah ayaan dareemay welwel iyo caajis, markaasan is iri buu yiri wax xoogaa soo luga baxso oo leyrta soo qaado, intii aan socday ayaan arkay masaajid, markaasaan go'aansaday inaan...
laba rakco iska tukado, kadibna masaajidkaan galay.
Salaadii hadaan dhameystay, waqtiguna yahay mid danbe ayaan masaajidka gudihiisa meel danbe ku arkay qof gacmaha kor u taagaya oo ALLE baryaya, waxaan dareemay in qof dhib iyo kurbo heyso yahay, waan sugay intuu dhameysanayey, kadibna inta u dhowaaday ayaan weydiiyey Walaal ducadaada qof kurbo heysto inaad tahay ayaa ka muuqatay, marka waa maxay dhibkaaga?
Deyn dad igu leeyahay ayaa i murjinaya oo aanan aqoon halkan ka keenayo ayuu iigu jawaabay buu yiri ninkii ganacsadaha ahaa. deetana waxaan ku celiyey: waa imisa? markaas ayuu iigu war celiyey 4 kun oo Dirham, Jeeg ayaan lacag 4 kun Dirham ah ugu qoray, wuu ii mahad celiyey, waana ii duceeyey, waxaan usoo baxshay Kaarkeyga ganacsiga oo ay ku qoran tahay halka uu igala soo xiriirayo, waxaanan ku iri hadaad wax u baahatana halkan igala soo xiriir, waxaan filayey inuu aad ugu farxo lkn ma dhicin, muxuu iigu jawaabay!!!!!!!!!!! Maya walaal, aad ayaad u mahadsan tahay, markaan wax u baahdaba ALLE ayaan baryayaa oo gacmaha u hoorsanayaa, isaga ayaana dhibka iga feydaya siduu hada iiga feyday oo kale!!!!!!!
SII AKHRI QORAALKA

Imaam Tujiyo Masaajid weyn oo ku yaalo dalka Suuriya ayaa wuxuu jameecadiisa u sheegay Shan sano ka hor Qiso Cajiib ah oo ku Dhacday. Imamka ayaa sheegay in Habeen Habeenada ka mid ah uu Riyo ku arkay Nabiga CSW, isagoo u sheegay inuu Ninka Deriskiisa ah u Sheego inuu isaga Nabiga CSW uu Jannada Deris kula noqon doono.

Subaxdii markii la tukaday ayuu Imamkii u tagay ninkii deriskiisa ahaa ee fariinta uu uga siday Nabiga CSW, Wuxuuna u sheegay inuu fariin uga sido Nabiga CSW, balse uusan u sheegaynin fariintaas ilAa uu u sheego waxa uu Suubiyay ee uu ku Muteystay Darisnimada Nabiga CSW ee Janada.

Ninkii ayaa diiday inuu Imaamka u sheego waxa uu Suubiyay, Hase ahaatee Imaamkii ayaa asna Dhaartay oo u sheegay inuusan Fariinta Gudbinaynin ilaa uu u Sheego waxa uu ku Muteystay Jaceylka iyo Darisnimada Nabiga CSW. Ninkii ayaa dabadeedna ka Codsaday Imaamka inuusan Dad kale u Sheegin waxa Sirta ah ee uu u Sheegi doono. Imaamkii ayaa Arrintii aqbalay.

Intaasi ka dib Ninkii ayaa bilaabay sheekadii, waxeyna u dhacday sidatan:- Waxaan Guursaday Gabar, Aniga oo u heysta inay tahay Bikro. Reerkeedana sidoo kale ayay Aaminsanaayeen. Hase ahaatee waxa Dhacday markii aan Aqal Galnay inaan Ogaado inaysan Bikro ahayn, balse

ay Uur Afar Billood ah leedahay. dabadeedna waan Xanaaqay, aad ayaana Arrintii uga Xumaaday.

Hase ahaatee maanan Furin, cidna uma sheegin Xumaantii Gabartaas, Gabartiina Waxaan u Sheegay inaan u Ceeb Asturi doono, waxaana ka Codsaday inay Ilaahay SW, ay u Towbad keento. Taladii ayay Qaadatay, Cafis ayay Ilaahay SW, weydiisatay, Anigana in badan ayey igu Shukrisay maadaama aan u Ceeb Asturay, waxayna noqotay Gabar Taqiyad ah oo Ilaahay SW aad uga Cabsata.

Waxaan ka Guuray Xaafadii aan Deganeen si aan ugu Ceeb Asturo oo aan loo Ogaanin inay Uur leedahay, maxaa yeelay hadaan Aniga Uurkaas Sheegto Dadka ayaa Yaabilahaa, haddii ay Shan Bilood oo kaliya ka dib Canug ay Dhali laheed oo 9 bilood ah. intaasi ka dib Waxaan Degnay meel aanan nalaga Aqoonin, dabadeedna Saq dhexe ayaan ugu yeeray Umuliso iyadoo ka Dhalisay Wiil.

Wiilkii ayaan ku Duubay Go’ weyn oon lahaa, ka dibna Salaadii Subax ayaan Aaday Masajidka Aniga oo cidna aysan ii jeedin. Markaas ayaan Wiilkii Albaabka dhigay. Dabadeedna Gudaha ayaan iska galay. Dadkii Salaada u yimid ayaa Arkay Wiilka meesha yaalo oo Habaartan Bilaabay. Waxaan iska Dhigay Ruux aanan waxba ka Ogeyn markaas Dadkii meesha isugu yimid ayaan ku iri:- Wiilkan Miskiinka ah ee meesha lagu Xooray Aniga ayaa Qaadanaayo.

Dadkii ayaa ii Duceeyay iyagoo u Maleeyay inaan waxba ka Ogeen. Xaaskeygii ayaan u keenay Wiilkeedii, una sheegay inay Ilaah SW ay Dembi Dhaaf weydiisato oo aysan Cunugeedana Dhib u geysan. Haweenaydii weli waxay ku Sugan tahay Taqwo iyo Oohin Alle SW.

Dadkaygii waxaan u sheegay in Xaaskayga Canugii ka soo dhacay iyadoo Shan Bilood ah, ileen 5 bilood ayaan is Qabnaa, balse Xaaskeygana waa 9 bilood. Hase ahaatee waxaan inta u Raaciyay inuu Ilaahay SW uu Canugii naga Dilmay uu noogu Badalay Wiil kale oon Masaajidka ka soo Qaadanay. Dadkiisii ayaa haddana u Duceeyay. Ilaahaygii Abuurtay, iyo Xaaskeyga oo kaliya ayaa Ogaa wax walbo oo aan Suubinaayey.

Haddabaa, Ninkaas u Ceeb Asturkaas Xaaskiisa ayuuna ku Muteystay Jannada iyo Darisnimada Rasuulka CSW. Meeqa Anaga naga mid ah ayaa u Ceeb Asturi lahayd Gabar aan Guursanay oon Ceeb ku Aragnay? Ciyaar ma aha Ceeb Ssturka, ileen Ilaahay SW ayaaba la baxay: AS-SATTAAR (Qariye, Daboole ama Ceeb Asture).

Meeqa ayaan Xumaan iyo Ceeb Suubinaa ama aan ku Kacnaa, haddana Ilaahay SW noo Ceeb Asturaa? Ka waran haddii mar walbo oo aan Xumaan ku kacno uu na f\Fashili lahaa Eebbe? Dadka oo loo Ceeb Qariyo waxa lagu helaa Ridaha Ilaahay SW, maadaama Eebe Naftiisa noo Ceeb Asturo.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALOOW JANADA NABIGA CSW, DERIS NOOGA YEEL, YAA RABBI).
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: