QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Showing posts with label Aduunyo iyo dhaldhalaalkeeda. Show all posts
Showing posts with label Aduunyo iyo dhaldhalaalkeeda. Show all posts

Friday, July 25, 2014

QISO YAR OO CAJIIB AH.
Wiil ayaa wuxuu jeclaaday Gabar aad u Qurux badan, ka dib Aabihiis ayuu ku yiri:- Aabe Gabar ayaan Rabaa inaan Guursado, Kolkaas ayaa Aabihii Wiilkiisa ku yiri:- waa Hagaag ee Gabadha ma mid aad adiga is jeceshihiin baa mise waa mid aad Rabtid inaan kuu doono, Wiilkii ayaa ugu jawaabay:- Aabe Gabadha waa mid aad ii soo jiidatay oo aan Rabo inaad ii Doontid, Aabihii ayaa yiri:- waa yahay bal i Tus Gabadhaasi. Haddaba, Aabihii markii la soo Tusay ee uu Arkay Gabadhii ayuu ku yiri Wiilkiisa:- Aabe tani Adiga way kaa Qabweyn tahay ee Aniga ii daa, Wiilkii wuu ka Diiday Aabihiisa Arintaasi, dabadeed waxay iskula Tageen Maxkamadda, ka dib Ninkii Xaakinka ahaa ayaa yiri:- Aaway Gabadhu, markuu Arkay ayaa isagana Damac galay oo ku yiri:- Labadiina ma idiin Qalantee Qoftaan Aniga haleygu Faataxeey, Haddanaa Wiilkii iyo Aabihiisa wey ka Biyo diideen Xaakimkii Hadalkiisa, dabadeed waxaa la iskula Tagay Wasiirka, isagiina markuu Gabadhii arkay ayuu sidii oo kale ku yiri.
Halkaa markay Arrinta Marayso ayey Gabadhii ku tiri:- Haddaad Dhamaatiina Aniga i Dooneysaan, waxaad ku kala Baxeysaan sidan:- Waan Ordayaa ee Ruuxa i soo Gaara ayaa i Guursanaayo, ka dib Nin walba Cagtuu wax ka Dayay mid Daalo oo iska Fariisto iyo mid kufa, ayey noqdeen.
Haddaba, markey wada Fariisteen oo ay Gaari waayeen ayaa Iyadii intey Qososhay ayey ku tiri:- Aniga waxaan ahay Adduun, Qof kasta ayaa i jecel, laakin Qof walba siduu ii jecel yahay isagoon Guul iga Gaarin ayuu iga Tegayaa, marka waxba ha isku keey Daalinina ee Rabbigiina Caabuda oo Aakhiradiina Shaqeysta, waxaadna Ogaataan (Hammiga Bini'aadanka inuu Dheer yahay, Mowdkuna inuu Dhow yahay - همة الانسان بعيد والموت قريب).
Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW ADDUUN & AAKHIRO NOO NAXRIISO).
SII AKHRI QORAALKA

Monday, August 5, 2013

Gabadhii quruxda badneed oo ey dadkoo dhan wada jeclaadeen
sheko murti iyo Leh.

Waxaa jirtay gabar aad iyo aad u qurux badan indhihii arkaana ey jeclaanaayaan waxaa arkay wiil dhalin yara ah woona jeclaaday woxoo u yimid aabihiisa woxoona ku dhahay aabe maanta gabar ayaan arkay oo aad u qurxan waana jeclaaday waxaan rabaa inaad ii doontid ....................
aabihiis wuu ku farxay arintii woxoona aaday si uu ugu doono gabadhaas wiilkiisa markoo arkay gabadhi ayoo odaygii ka helay woxoona ku yiri wiilkiisa gabadhaan adiga ma u qalantid waxaa tahay wiil yar waxaa u qalbo nin ka weyn oo dhaqan kara ...
wiilkina wuu iska celiyay duqa wuna la dooday waxey isla aadeen saldhiga booliska wexeyna arinti u soo bandhigeen askarigi meesha joogay askarigii woxuu ku yiri

keena gabadha saan idinku kala saaro waxaa la keenay gabadhii...
askarigi markoo arkay gabadhi wuu ka helay wuxuuna ku yiri lamadiinaba uma qalantiin gabadha waxaana u qalma ninka naftiisa dalkisa u huraayo una shaqeenaya umadiisa dartooda waana aniga

arinti ayaa lagu dooday kadib waxaa leeskula tagay qaadigii maxkamada waxaa loo soo bandhigay arintii woxoona yiri hala keeno gabadha isla marki waa la keenay gabadhi qaadigi markoo arkay gabadha wuu jeclaaday asigana woxoona ku yiri..

intiinaba uma qalantiin gabadhaan waxaa u qalma nin xikmad yaqaan oo xaakim ah dadkana shareecada ku kala sooro arinti wey xumaatay waxaa badatay doodi iyo dagaalki waxaa leeskula tagay madax weynihii meesha ka talinaayi si uu arintaan xal ugu keeno

madax weynihii markoo arkay gabadhi ayoo sidi caadada eheed ka helay wuuna jeclaaday woxoona ku yiri kuligiin uma wada qalantiin ee anaa u qalmo oo madax weyne eh dalkana xukuma isla marki waxaa hadashay gabadhi .........

wexeyna tiri anigaa xaal haayo waxaana xalka ah waan ordayaa idinkana waa iga soo daba ordeeysiin waxaana i guursanaayo ninki i soo qabtaa wey wada ogolaadeen nimanki 5ta ahaa gabadhiina wey oroday ragiina wey ka daba ordeen sidi loo ordaayi ayey ragi 5ta ahaa wexey hal mar ku wada dheceen god dheer...

gabadhi ayaa soo kor istaagtay godkii wexeyna ku tiri ma i taqaaniin anigaan saan aad iiga daba carareesiin aniga waxaan ahay aduunyo waana qurux badanahay qof walbana woxoo jecel yahay in uu i helo
lkn ma jiro qof i helaayo qofki isku dayaana inoo i helo woo dhimanayaa marka sheekada waxaa ku jirto xikmad gabadha ey dadku wada jecelyihiina waa

aduunyada ...aduunyada aad ayey u qurux badantahay dadkuna wey wada jecelyihiin waana laga wada dhimanayaa oo lagu
waari maayo marka yaan leesku dhiibin aduunyo yaana la raac raacin mar walbo halagu fikiro tii aaqiro... maxaa yeelay aakhiro ayaa kasii quruxbadan oo laga dhimaneyn .... shukran aqrintada
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: