QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Monday, November 30, 2015

QISO CAJIIB BADAN MARKAAD AQRISO KAA OOHIN DOONTO

Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi
Wabarakad Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Wasalaatu Wasalaam Calaa Nabiyanaa
Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca
Allah Ayaan kubillaabaynaa Ee Naxariis
Guud iyo mid Gaaraba Naxariista Allaah baa Mahad u sugnaatay Mahadidilkeed Allihii ina siiyay Nimcooyin badan
Adoomadiisana ku Farad yeelay inay Soo
xajiyaan Adoomo farbadana ay ajiibeen
yeedhmada allah Nabad galyo iyo
Naxariis ha ahato Midkii ina tusay Macaanka Nolasha Midkii aqoonyahano Naga Dhigay Jaahilnimadii inaga saaray
Muuhammed Rasuulullaahi S,C,W intaa ka
dib ikhwaatii fillah Waxaanu idin soo
Diyaariyay Qiso xanuun badan oo ku dhacday
hooyo soomaaliyeed qiso cajiib ah ee
akhrista walaalayaal si fiican u akhrista
waad mahadsan tihin dhamaantiin.


walaalayaal Dhacdadan ayaa ku dhacday qoys
somaliyeed oo ku nool wadanka Australia
waxaana ka shekenayo nin u kuur galay
sida ay wax u dhaceen waxaa uuna ku
bilabayaa shekadiisa sidan subxanallaah
ufiirsada qof noolow maxaa aragtid ku laaban walaahi wax aad la yaabtaan ayaad ku arkaysaan walaalayaal ila
akhrista Arrintan ayaa markii aan maqlay igu noqotay
arrin layaab leh oo aan suurtagal ahayn
ka bacdi waxaan raadiyay sida ay wax
uga jiraan arintan anoo rabo in aan ka sal
gaadho in ay run tahay iyo in kale Haddaba
akhristayaasha sharafta lahow aniga oo baadhitaankeeyga ku soo guuleeystay inay arrintu jirto ayaa waxaa ay dalbadeen
qoyska ay arintu ku dhacday in arintooda
la sheego laakiin aan marnaba
warbaahinta loo gudbin magaca qoyska
ayaga oo kadalbaday warbaahinta in magaca qoyska la baahin Aniga oo tix galin siinaayo codsiga
qooyskaas ayaa waxaa aan jecelahay in
aad idin la wadaago say wax u dhaceen
iyo sida ay qisadu tahay waatan ayada oo
hooyada qoyskaas ka sheekaynayso
ayada oo tilmaamaysa sida wax udhaceen waxay tidhi


Mudo laga joogo afar sano waxaa aan
aaday in aan soo guto xajka aniga oo
watay gabadh yar oo aan dhalay ee
markaas ahayd sagaal jir gudashada
xajka ma aha mid sahlan aniga oo
dareesan in ay adag tahay in aan guto hoowlaha xajka ka bacdi markii aan
tagay arliga barakaysan ee boqortooyada
sucuudiga ayaa waxaa aan go,aan saday
in aan gabadha uga tago qoys
somaaliyeed oo aan dhaho ii sii haya inta
aan xajka soo gudanayo laakiin ka bacdi waxaan go,aansaday in aan gabadheeyda ila xajiso oo aan gacanta
qabsado markaan dawaafayo Hooyadaas ayada oo hadalkeedii sii
wadato waxaa ay tidhi ka bacdi markaan
gudo galnay hoowlihii xajka ayaa waxaa
iga dhuntay gabadheeydii oo aan waayay

xajka waa meel ay aad u sahlantahay in
lagu dhumo maxaa yeelay malaayiin ruux ayaa isugu imaanaysa qof walbana waxaa uu rabaa in uu guto waajibkaas
xajka Iska dhaaf in aan hoowlihii xajka sii
watee labo indho iskumaan keenin meel
walba ayaan maray si aan uhelo gabadhii
ayada oo ay ila tacaaleen qooysas badan
oo somaali ah iyo howl wadeenada xajka
ama shaqaalaha xajka oo adeegsaday wax walba si ay usoo helaan
gabadheeydii Walwalkii ayaa igu siibatay waxa aad
dareemi kartaa qofkii tagaa garanayee in
meeshaas ruuxii dhumaa ay adag tahay in
si sahlan lagu helo qofweyn ayaa
dhumayee maxaad u malayn ilma yar oo
sagaal jir ah ilaahay ayaan baryay in gabadhaydii isu kaan soo celiyo aniga iyo ayada ayay tidhi hooyadii ka bacdi
shaqaalihii xujayda ama sucuudiga ayaa
iyidhi xaajiyo iska dhamaystiro xajkaada
anagaa raadinayna gabadha ayaga oo iga
qaatay gabadha sawirkeedii iyo warbixinteeda, Hooyada waxaa ay tidhi ka bacdi markii
aan dhamaystay xajkii waxaan la xariiray
doowlada sacuudiga ama kuwii ka
shaqeeynayay xajka bal si aan u helo
wax warbixin ah intii dadaalkooda ah
way bixiyeen runtii wax aan ku dagaalo ma jirin maxaa yeelay sadex milyan oo
qof ka soo dhaxsaari maayaan ilma yar
way ku adkaatay intii tabartooda ahna
waa dadaaleen waxay igeeyeen xarun
loogu tala galay dadka dhumay dadkii
markaas lagu hayay xarumahaas kuma jirin gabdheeydii waxay igu yidhaahdeen
xaajiyo la xariir safaarada anaga hadaan
helo warbixin ku saabsan gabadhaada
waan kula soo xariiraynaa.

Iilin iyo tiiraanyo iyo hurdo la,aan ayaa
isugu kaydarsantay gabadheeydii oo
maqan iyo sida ay xaaladu tahay waxaan
sii joogay sacuudiga mudo sadex bilood
ah si aan uhelo bal wax war ah oo ku
saabsan gabadheeydii haba sheegin ayay tidhi hooyadaas ilaahay ayaan iska tala
saartay waxaan go,aan saday in aan ku
noqdo dhulkii aan ka imid oo ahaa
wadanka Australia Muddo gaaban ka bacdi ayaa waxaa ila
soo xariiray wasaarada arimmaha
dibadda ee wadanka Australia ayaga oo
iisheegay in ay dadaal ku bixinayaan sidii
loo heli lahaa gabadhaas ayaga iyo
dawlada sacuudigu iska kaashanayaan, haduu allah yidhaahdo waxayna isiiyeen
number aan marwalba la xariiro si aan
uwaydiiyo bal xaal meesha uu marayo
dhinaca kale waxaa aan go,aan saday in
aan marwalba xajiyo si aan utago arliga
sacuudiga oo qalbigayga usabarsiiyo laakiin wax war ah ha sheegin Mudo sadex sano ah markay ka soo
wareegtay ayaa soonkii dhawaa ayaan
tagay xajkii aniga oo wareegayo oo in
dhaheeyga ilmihii yare e ay qabtaanba
fiiranayo ayaa waxaan arkay ilmo dhowr
ah oo taagan meel ay xujaydu marayaan ilmahaas oo tuugsanayo oo kaalmo
waydiisanayo ka dalbanayo xujayda inay
unaxariistaan oo ay wax siiyaan Ishayda ayaa ku dhacday gabadh kamid ah dadkaas tuugsanayo

 alaa waa
gabadhaydii ayaan af iyo labadii
qabsaday mase gabadhii labada gacmood
ayay go,antahay hooyo miyaad ahayn
heblo hooyo miyaad ahayn gabadheeydii ufiirso waalidka naxariistiisa Ilmo iyo qaylo iyo oohin ayaan isku daray
dhinaca kale wali aniga oo shaki igu jiro
maxaa yeelay gabadha waa isbadashay
oo waan garan waayay ayaa waxaa idul
istaagay nin madow oo igu yidhi maxaad
rabtaa? Ii siidaa gabadha anaa dhalee? Ayuu yidhi war bax ayaan idhi waa gabadheeydii aniga oo dharbaaxo
adeegsaday ayaa dhacdadii waxa anagu
soo xoodaansaday dadkii meesha
marayay boolis ayaa yimid meeshii
waanala waday dhamaantaan aniga iyo ninkii iyo gabadhii Xarun boolisku leeyahay ayaa nala
geeyay oohin iyo in aan ku baroorto
gabadhii ayaa bilaabay mucjiso la yaab leh
ayaa ka dambeeysay arrintaas oo ay
hooyadu sheegtay ayada oo tidhi
dowlada sacuudiga waxay la xariireen meelo dhawr ah ayaga oo soo ogaaday
magaca gabadha ay wadato in uu yahay
magac gabadha dhuntay mudo oo
hooyadeed ay dagan tahay wadanka
Australia ninka madow wuxuu
sheeganayaa oo uu leeyahay anaa dhalay gabadha ee ma dhalin naagtan hooyada.

waxay sheegtay in ninkaas uu udhashay
wadanka suudaan Gabadhii ayaa la wareeystay ayada oo
ayna hooyadeed la joogin ayada oo
tilmaantay in ay kala dhumeen ayada iyo
hooyadeed ayna wayday hooyadeed
ayada oo oynaysay meel cidla ah in uu
ninkan gacanta ku dhigay oo uu yidhi anaa ku dhalay gacmahana uu ka jaray
oo yidhi noo tuugso si aan wax kugu
helo alaahu akbar yaab badanaa Gabadhii
waa la qaaday waxaa lagu sameeyay ama
laga qaaday DNA si loo hubsado in
hooyadu ay dhashay gabadha DNA aydii waxay cadaysay in ay hooyadu dhashay
gabadha hooyada waxay sheegtay in aan
aado cir iyo dhul aan kala garan waayay
markaan arka gabadha iyo sida ay tahay
iyo sida xaal noqday ninkii suudaaniga
ahaa waxay ay iisheegeen in la dili doono la khaarijin doono maxaa yeelay waxay
idhaaheen wuxuu ku geestay dhulka
barakaysan ee ilaahay dambi aad uwayn
waxayna isheegeen in saacadaha soo
socda loo gudbin doono meeshii lagu
khaarijin lahaa afartan daqiiqo kabacdi anoo joogo meeshii waxaa yimid baabuur
madow ninkii ayaa la saaray waana tagay
abaalkiisu wuxuu noqday in la toogo
waana abaal uu mutaastay ayay tidho
hooyadaas

 Ka bacdi waxaan helay gabadheeydii oo
gacmaha go.an aniga oo tiiraanyeeysan
ayay iyidhaahdeen shaqaalihii gacanta ku
hayay geeyska gabadha xaajiyo kaalay
waan raacay taleefan ayay idhiibeen
waxay taleefanku ku jiro nin cadaan ah oo yidhi waxaan joogaa safaarada
Australia ee magaalada Riyadh asaga oo
yidhi waxaa nala soo gaarsiiyay in
gabadhii la helay aadna waan ugu
faraxsanahay in aad gabadhaadii heshay
hooyadaas waxay tilmaantay in safaarada ay hada iyo jeer la xiriir jireen dawlada
sacuudiga oo ay wareesan jireen gabadha
xaaladeeda laakiin sacuudiga uuna dan
ka galin jirin markii la soo waco uun buu
ordi jiray Ma rabo in aan ku danbaabo qof muslin
ah laakiin intii ay gabadha iga maqnayd
aad ayay iila soo xariir jireen dowlada
Australia Baabuur ayay la iga soo saaray aniga oo
la ii soo talaabiyay aniga iyo gabdhaydii
iyo laba shaqaale oo sacuudiyaan ah
magaalada maka ee barkaysan ayaa nala
keenay ka bacdina waxaa naloo sii
talaabiyay magaalada riyadha waxaan kula kulmay nin ka socday safaarada oo
isoo dhaweeyay oo yidhi waxaan
gabadha ku sameeynaynaa baadhitaan
waxaan sida ugu dhakhso badan ugu
diraynaa wadankeedii Australia ayuu
yidhi ninkaa Labada maalmood ka bacdi ayaa anigii iyo
gabadhaydii ka soo dhoofnay magaalada
Riyadh markaan nimid Australia waxaa
garoonka iigu timid naag tidhi waxana ka
socdaa wasaarada ilaalinta xuquuqda
ilmaha warysi ayay iga qaaday ayada oo tidhi anaga ayaa kula soo xariirayno
murugo ayay igu noqotay in xaal uu saas
noqdo laakiin bay tidhi hooyadaas
hadaad tahay qof muslin ah aduunyadan
waa lagugu imtixaami hooyada waxay
sheegtay in gabadha hada loo hagaajinayo sidii gacmaha loogu badali
lahaa oo ay xaalkeedu meel wanaagsan
marayo maansh allah Arrintan ku dhacday qoyska somalida ah
ilaahay khayr ha uga dhigee ayaa waxa
ay sheegeen tiro ka mid ah jaaliyada
somaaliyeed ee dagan magaalada ay
hooyadaas dagan tahay in ayna maqal
ayada oo ay go,aan sadeen reerka qoyskaas in ay iska aamusaan maadaama
ilaahay usoo helay gabadhoodii
caafimaadna qabto dhacdo la yaab leh
ayay ku noqotay qof walba oo maqla
arintan waxay tilmaameen dadka ku
dhow qoyskaas in hooyada ay tahay hooyo sabir iyo iimaan badan maansha
allah ilaahayna ayaa ka abaal marin
doono sabirkaas iyo iimaankaas ,,,, Mucjiso ah ilaahay waxaan uga baryaynaa
hooyadaa soomaliyeed in uu allah
sabirkeega ku abaal mariyo janadiisa
fardowsa subxanallaah ilaahayow naga
badbaadi masaaiibta aduunka ka
dhacaysa muslimiinta allahow xifdi 
aamiin aamiin
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: