QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Showing posts with label Sh mohamed Idiris. Show all posts
Showing posts with label Sh mohamed Idiris. Show all posts

Sunday, January 4, 2015

Asc shiikh, waan kusalaamayaa sh.waxaan u baahanahay inaad ilatalisid ..shiikh waxaan ahay ardey waxbarta waxaan dhigtaa labo jaamacadood mid kamida waan dhameeyay oo waa كلية الشريعة والدراسات الاسلاميه kuliyada kalena waa faculty of medicine waana 6yrs hada waxaa ii dhamaadey 3yrs waxaaana ii harey 3yrs shiikh wali ma shaqa bilaabin waayo facultyga medicine is very difficult barashadiisa sidaas ayaan shaqo u bilaabi waayay shiikh waxaan aad uga cabsanayaa inuu shaydaanku igu rido sino, dhibka igu badan ee ihaysata waa shahwada.

Shiikh lkn reerkayagu waa reer ladan alxmd oo wax walba haysta hooyo wey igu dhiirigalisaa inaan guursado waliba aad ayay iila jeceshahay inay aragto anigoo caruur iyo reer wanagsan leh, shiikh hooyo waxey jeceshahy inaan guursado gabadh aan ilma abti nahay oo aad u wanaagsan qurux ahaan iyo akhlaaq ahaan, lkn shiikh aniga gabadh hore ayaan xidhiidh la lahaa mudo dhawr sano ah, oo aad qalbigeyga jaceyl iigu beertey, lkn shiikh waan istikhaareystey ilaahay qalbigeyga wuu ka saaray, gabadhaan jeclaa oo gabadha ay hooyo ila rabto ayuu qalbigeyga galiyay.

Shiikh maxaan gabdhii hore ku sameeyaa taasi waa mid, teeda kale shiikh markaan is dhaho guurso waxa qalbadeyda gasha wal wal iyo in aanan waxbarashadi aan wadikareyn, maadaama ay culeys noqoto shiikh sheydaanka ayaa meelo badan wax iga tusa oo albaaba badan iiga dhigayay wax adag, shiikh maxaan sameeyaa oo aan hawshaa ka sameeya....shiikh aad ayad umahadsantahay ...ilaahayay haku barakeeyo...

======================================================================

JAWAABTA SHEIKH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH.

========================================================================

Wcsww, Diktoorka Mustaqbalka iyo Sheekha waxaan leeyahay Ilaahay Adigana ha ku barakeeyo, cilmigaagana diinta iyo dadkaagaba Allaha ku anfoco.

Saaxiib Waxaa la yiraahdaa Daawada ugu fiican waa mida aad sababta cudurkeeda si fiican u garato, maadaama aad dhakhtar tahay, waxaad sheegtay in walwalka kugu soo dhaca marka aad guurka damacdo uu yahay sheydaanka oo dhinacya badan was waas kaa geliya, waa sidaa aad u garatay wel welkaas saaxiib waa abaabul sheydaan, wax asalana ma laha haba yaraatee, daawadiisuna waa inaad Sheydaanka iska naarto, adkaarta badiso, cubaadada xoojiso, ilaahayna tala saarato oo aadan waswaaskiisa dheg u jalaq siin. Xoog kalena kuguma laha aan waswaasinta ahayn. Nin caqli badanna waan kugu danninayaa maadaama aad laba faculty oo kala fog isku wadey, guurka iyo hal facultyna ka fudud, kana macaan oo ka xiisa badan inshallaah. Bal waxaanba rumaysnahay in guurku wax barashada fududeeyo, waayo maskaxdu markey nasato ayey si fiican u fekertaa.

Tan jacaylka iyo guurka Saaxiib, xikmad hore ayaa jirta oo oraneysa, Sahanka Hooyadu Sarmanseegto Ma noqdo, macnuhuna yahay hooyadu badanaaba gabadha ay isha geliso, oo raallida ka tahay khayr badan ayaa lagala kulmaa, sidaa darteed Saaxiib waxaan filayaa Hawshu iney salaxantahay, gabadhu waa qaraabo, Hooyo Isheey gelisey, Adiga waa ku cajabisey, Istikhaaradiina waa qabatay, reerkuna maashallaah waa buuxaa, Adiga geedii shahwadu fara kulul ayey kugu haysaa, oo waa in xal deg dega loo helaa! Calaa barakatillaah weeye, xagga iyo Xagga adoon eegin Ciidanka ku dul fur meeshaas inshallaah khayr baa ka iman, Welibana guurkaas dib haw dhigin ee de deji, Aniga iyo Asxaabta Boggan ee kuu ducayn doontana Xalwadda yaan nala ka qadin!

Gabadhii aad sheeka wadaagga ahaydeen, nin dareen wanaagsan baad tahay, ilaahay khayr ha ku siiyo, adiga iyo iyaduba sahan ayaad ahaydeen, sahan walbana laguma guuro, calafkuna waa qoranyahay, xarig hadda isku kiin qabtayna ma jiro, khasaaruhuna haduu ka fududyahay, kana xanuun yaryahay hadhaw, marka inaad isu ducaysaan mid walbaba inuu ilaahay khayrkiisa waasicaa u furo ayey xaaladdu u egtahay, ilaahayna haku barakeeyo.

Wabillaahi tawfiiq Yaa Doctor.
SII AKHRI QORAALKA



Asc. Sheekh salaanta kadib waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo ku nool qurbaha, Waxaan raba inaan guursado si aan xaaranta uga badbaado, lakiin guurka waxaa iga hor taagan asbaabo dhowr ah, waxaa iga hor taagan qabyaalad, waayo waalidkeyga iima ogola gabarta qabiilka ay kasoo jeedo, anigana waan ku qancay gabarta dhaqan ahaan iyo diin ahaan intaas dhan, waa gabar dabci wanaagsan oo diyaar u ah iney waalidkeyga ula dhaqanto sida waalidkeeda camal, lakiin kaliya waxay waalidkeyga iigu diidayaan qabiilkeeda marabno waayo hada kahor ayay aabahaada dileen, marka qabiil dhan iney soo duuleena aabaheyga ma dilin ee tuug ayaa dilay oo shaqsiyaad ay soo adeegsadeen marka sheekh talo ayaan kaa rabaa. Ilaahey Jannadiisana haku geeyo ehelkeedana hakaa dhigo maalinta qiyaame amiin adiga iyo inta umada wanaaga iyo qeerka la jecel.


==========================================================================

JAWAABTA SHEIKH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH.

=========================================================================


Walaalkaas Waxaan Leeyahay:




Adeer Khayr Allaha Ku siiyo, gabadha naftaadu jeclaatay iney hoy kula gashana Allaha kuu fududeeyo, hadey khayr kuu tahay, Ilaahayna farxad iyo khayr ha idiin ku dhameeyo. Arrinta gabadha reerkaagu ku diidayo oo ah qabiilka waa arrin Ummadda Jaahiliyadii kaga hartay, oo aan Islaamka sal iyo raad ku lahayn, waxaana dadku ku kala fadli badanyahay Taqwada oo keliya.


Laakiin Saaxiib inkastoo arinkaasu yahay arrin aan wanaagsanayn, haddana waxaan ka xumahay inaanan kugu la talin karin inaad reerkaaga khilaafto oo gabadhaas guursato, waayo in kastoo aad xaq u leedahay doorashadaada in laguu daayo, hadana wax kasta oo aynu xaq u leenahay mar walba iyo waqti walba ma fulin karno, bil mitaal nebigeennu calayhi salaatu wasalaam wuxuu damcay inuu kacbada dumiyo oo kor u qaado laba albaabna u yeelo, arrinkaas oo xaq uu u lahaa inuu sameeyo waxaa ka celiyey inaa. Qureshi markaas u bislayn oo gaalnimadii ku cusbaayeen.


Waxaa jira wax badan oo xaq ah, laakiin aadan mar walba fulin karin oo duruuftu kuu diido, hadii aad tiraahdo duruuf iyo waxa jira toona u aaba yeeli maayana, ay dhici karto dhibaatooyin wajiya kale leh iney dhacaan, sidaa darteed loo baahanyahay sabir iyo dulqaad iyo sugnaan la sugnaado, inta waji oo wax lagu xallin karana la eego, sidaa awgeed saaxiib waxaan kugula talinayaa marka hore inaad ku dadaasho waalidka inaad ka dhaadhiciso rabitaankaaga, gabadhaanuna aaney dembi ku lahayn wax qabiilkeeda dad ka mid ahi sameeyeen, (ولا تزر وازة وزر أخرى ) eedna aaney ku lahayn iney reer ka dhalatay, taasina ay berriba gabadhooda iyaga ku dhacdo, dulmigana cawaaqibtiisu xuntahay, oo aanu daahin, laba qof oo is jecelna aan la kala geyn, sabir iyo dulqaad dheerna aad muujisaan adiga iyo gabadhaaduba, intii dad wax garada ee ehelka iyo culimadana aad la kaashato, gabadha lafteeda si indirect ah hooyo iyo walaalo u barto, hadey ka helaan wax badan ayey fududayneysaa. waxaan rajaynayaa waalidku khayr uun bey kula jecelyihiine, iney rabitaankaaga tixgeliyaan, hadii aad ku guulaysan weydo arrinkaa, sabirka kaalmayso, gabar aan ehelku kula ogolaan kugula talin maayo, ilaahayna gabdhaha waa badiyey, ee mid kale oo qalbiguna doono, waalidkuna raalli ku noqdo raadso.


Ilaahayna umuurta ha idiin sakhiro Adeer, sabirka iyo salaadana badi ilaahay ayaa quluubya haya e, inuu waalidka kuu soo jeediyo, aamiin.
SII AKHRI QORAALKA

Sunday, December 28, 2014

Sheekh Waxaan ahay nin dhalinyara ah oo Soomaaliya ku nool, Aabahay wuxuu dhintay aniga oo 3 sano jira.. Waxaanu ku noolayn gobol ka mid ah Soomaaliya, waxaanuna la degganayn Ayeeyaday & Awoowahay Hooyo, oo iyagu na hayey.. Aabahay wuxuu ahaa Madi, Hooyadiis aaney ilma kale dhalin, markuu dhintayna wey gablantay.. Ayeyo Aabe dhashay wexey ku noolayd gobol kale.. Ayeeyaday & Awoowahay Hooyo oo aanu la joogney ayaa wexey ku taliyeen in Ayeeyo Aabe naloo diro, si ay noogo indha qabowsato oo durriyadii madigeeda ay u aragto.. wey na soo jicsimeen Annaga iyo Hooyo, waxaanuna u nimi Ayeeyo Aabe, oo meel baadiye ah deggan.. 

Aad ayey noogu faraxday, dhawr bilood ayaanuna halkaas la joogney.. markii ilaa 3 bil aan joogney ayaa meeshii Abaar xumi ku dhufatay, xoolihiina ayeeyo ka dhamaadeen, noloshiina adkaatay, wexeyna ku talisay in
nala kexeeyo oo meeshii aanu ka nimi nala ku celiyo.. Laakiin meeshaan baadiyaha aan joogno, waqtigaas taleefanna ma jiraan, Taarna ma leh, gaarina waaba dhif in la arko. Waxaa meesha joogey Oday Aabahay la dhashay oo Adeer ii ah, laakiin isagu bah kale ahaa.. Xoola badan ayuu haystey.. Xoolahaasna wexey isugu jireen, qaar aabahay lahaa, iyo qaar ay wadaageen.. Wexey ayeeyo ku tiri: Maandhow Ilmaha iyo hooyadood nooli sii ha ku noqdaan meeshii ay ka yimaadeen! Odaygii Jaanis ayuu u arkay uu is yiri ka faa’iidayso wuxuuna keenay xujjo.. wuxuu yiri: Haddii Naagtu i ogolaato inaan guursado (Hooyo ayuu sheegayaa) waan jicsimayaa? Hadii kale waxba siin maayo!! 

Hooyo Sheekh markaa wexey ahayd qof dhalinyar oo jaamacad ka baxday, Oday reer baadiya ah iney guursatana diyaar uma ahayn! Tan kale guurba markaa uma soo jeedin oo caruurteeda iney korsato ayey rabtey, arrinkiina wey ka diidey.. Isaguna nooma naxariisan, Caruurta uu Adeerka u yahay, oo Xoolohoodii uu haysto..Ayeeyo warqad ayey dirtay, magaaladii noogu dhoweyd ayaa la geeyey, ka dibna waxaa loo diray Ayeeyo iyo Awoowe Hooyo, markii ay gaarteyna wey nasoo dooneen, iyagoo tilmaantii Ayeeyo siisay soo raacay.. 

Annaga waan weynaaney Alxamdulilah, Qur’aankii 12 jir ayaan ku dhameeyey, Dugsi sarena anigoo 18 jir ayaan dhameeyey, waxaanan damcay inaan Dibadda Jaamacad u aado, waxaan u tegey ninkii Odag a ee berigii aan yaraa i xumeeyey, in aan kula xisaabtamo Xoolihii Aabe ee uu diidey anoo yar, Waxaa kaloo sheekh jirey Xoolo Awoowe Aabe dhalay uu ka tegey oo Ayeeyo iyo Eedooyin dhaxal ku lahaayeen oo uu iyagana u diidey, haddaan u tegey, oo aan ku iri: Adeerow Jaamacad baan u socdaa ee wixii aabahay wax iga sii, waa ii diidey, waana i caayey, isagoo weliba xoolihii haysta oo aan ogahay.. Alxamdulilah sheekh anoo samirsan baan kasoo tegey,Hooyo haddaan u imi wexey igula talisay inaan dalka Jaamacad ka galo, waana qaatay, anoo wada ayaan shaqa fiican helay, Jaamacaddii wexey ii dhamaatay 2013, shaqadii shaqa ka fiican oo gobolka kuwa ugu heer saraysa ayaan helay, Alxamdulilah.. Hadda waxaa la iisoo sheegay Odagii oo xanuunsan oo lugihii lasoo laabay oo meel cidla ah yaalla, ilmana ma laha oo waa gablan, Hooyo mar kasta wexey igula dardaarantaa inaan iska cafiyo una asxaan sameeyo, laakiin qalbigayga marna ima siin karo inaan asxaan u galo ama xataa u jiir noxo, marka maadaama uu tiisii gudan waayey, hadaan anna tayda gudan waayo ma dambi baan ku galayaa, mise xaaladdu waa jazaa’u sayi’atin mithluhaa? Sheekh Allaha ku xifdiyo waxaan ilaahay ka baryayaa inuu Jannada nagu kulmiyo nagana dhigo kuwa carshiga Ilaahay wada harsada, waayo Ilaahay dartiis ayaan kuu jeclahay.. ========================================
JAWAABTI SHEIKH MOHAMED IDIRIS XAFIDAHULAAH.========================================Saaxiibkaas waxaan leeyahay: Walaal Ilaahay haku Jeclaado sidaad dartiis iigu jeclaatay, dembigeenana Allaha dhaafo.. Khayrkana Allaha ku waafajiyo.. Aadanuhu waa miskiin, marka uu caafimaadka qabo, oo xoolaha haysto, wuu ku qooqaa, haddaan Eebe wanaagga iyo dhawrsanaanta solonsiin.. Adduunyaduna waa wareeganeysaa sida garaan garta oo maalinba heer ayey joogtaa, maalin xoog maalin tabar yari, maalin hodon maalin faqri, maalin raaxo maalinna rafaad, maalin caafimaad maalinna cudur, dadkuna sidaas ayey boosaska u kala bedeshaan, qofkii aan taa garan meel xun ayuu ku dambeeyaa.. Haddaba Duqqa Adeerkaa ah tii ku dhacday ma filayo inaad jeceshahay iney adiga ama durriyadaada ku dhacdo, qof walbaana wuxuu Allaha Weyn la hor tegayaa wixii uu geystey, qofna qof kale wax ka xambaari maayo, Odagu wuxuu waajib gabay Rabbi ayaa kala xisaabtamaya, Adiguna hadaad gabto waa sidoo kale.. Sida Hooyoba kugu la talisay ayaan kugu adkaynayaa inaad cafiso oadaga, wixii aad wanaag u tari kartana u tarto, taas adiga ayaa ku raaxaysanaya, oo laabtaadu ku nasaneysaa, waayo Cafisku waa raaxo, Aargoosiguna waa dhimbil dab ah, mana filayo qabow iyo raaxo inaad ka dooraneyso dhimbil iyo kulayl.. 

Maantaba waad aragtaa sabirkii halka uu ku gaarsiiyey, hadaad sii waddana wanaaga ayaa sii badanaya inshallaah, Odagaa Miskiinkaana hadda ayuuba adduunyada ku arkay mirihii kharaaraa ee dulmigiisa, gabow, Cudur iyo Gablan intaas ayaa isu raacday.. Waxaad ogaataa adiga iyo akhristayaashuba, weligaaba aargoosiga aad naftaada is tiraahdo u aar gud, waxaa ka adag oo ka xanuujin badan, Aargoosiga Eebe, Inaad Rabbi u deyso ayaana wanaagsan, isaga ayaa sida ugu wanaagsan daalimiinta uga aar guta, wabillaahi tawfiiq..
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: