QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Showing posts with label Khaatumada xun. Show all posts
Showing posts with label Khaatumada xun. Show all posts

Saturday, April 26, 2014

QISO YAR OO CAJIIB AH.

Waxaa jiray Nin Salaadaha Masaajidka ku ilaalin jiray oo lagu yaqaanay Masjidka, Ninkii ayaa Xanunsaday markii Masjidkii laga waayey ayaa Nin Sheekh ah oo Masjidka isku yaqaaneen ayaa Damcay inuu soo Booqdo markuu tagay ayuu Arkay Ninkii oo Sakaraad ah, markaasuu Sheekhu ku yiri:- Towxiidka Qabso. Wuxuu ku jawaabay:- Sheekhoow Aniga iyo Kalimadda aad Sheegayso waa nala kala Dhexmaray (yacni ma Awoodo inaan ku Dhawaaqo), Sheekhii ayaa intuu Naxay ku yiri:- Sabab Sow Adigii Salaadaha Masjidka ku soo Tukan jiray ee Fiicnaa?, wuxuu yiri:- Sheekhoow taasi igama ahayn Allaah Dartii ee waxaan lahaa ha Lugu dhaho waa Nin Wanaagsan, markaan Xaafadeyda Imaadana waxaan doono ayaan sameen jiray, Sheekhoow Saddex jeer oo Horena waan Xanuunsaday, markaasaan Gabadheyda yar ku iri Kitaabka Qur'aanka ii keen, markay ii keento ayaan dhihi jiray ilaahayow Qur'aankaaga ayaan kugu Baryayee i Caafi, ilaaheyna wuu iga Aqbalay, haddana sidii oo kale ayaan yeelay laakin markii ay ii keentay Gabadheydii markaan Qur'aankiiba waa la iga Qariyey oo waan Arki waayey.
Haddaba, markuu intaa u sheegay ayuu Sheekhii kacay oo Guriga ka baxay markuu Iridda sii marayo ayuu Qeylo Maqlay, markuu soo noqdayna wuxuuba laa kulmay Ninkii oo Meyd ah, Subxaanallaah.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW kHAATUMADA NOO SAMEE)
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, September 28, 2013

QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: 

 Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? Odeygii aya ku jawaabey: “Waxaan lahaa wiil oo aan aad u jeclaa, waxaan jeclaa inuu noqdo aqoonyahan, sidaa darteed waxaan barey aqoon, oo waan ku dadaaley, si aan loogu dadaalin qof ficiis ah kadib waxaan ka dhigey aqoonyahey weyn. Nasiib daro wuu xanuunsadey, markii isbitaalkii la dhigey ayaa daqtarkii ii sheegey in wiikeygu ku jiro saacadahii ugu danbeesey ee noloshiisa.. aad baan uga murgey, kadib wiilkeygii ayaa igu yiri “Aabe!
ii keen shahaadooyinkeygii oo dhan” markaas baan u keeney shahaadooyinkiisii, intuu soo iisoo taagey ayuu igu yiri: “Aabbe waa kuwan shahaadooyinkeygii si fiican ayaad wax ii soo bartey, laakiin nasiib daro ima aadan barin hal erey oo Qu’raan ah, Sideen u hor istaagaa Rabbigeyga ???” su’aashaas ayaa ilaa maanta iga ooysiineeso, anigoo arkaaya ayuu wiilkeygii ku geeriyoodey horteeda!!” SUBHANALLAH!! Ciyaalka hala baro diintooda, si ay u badbaadaan aakhiro iyo aduun, adigana kuu anfacaan!!
SII AKHRI QORAALKA

Thursday, September 26, 2013

Qiso Kaa Oohin Doonto Aadna U Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Caasi Waalidiin Ma liibaano”..

::::::::::::::::::Qiso Xanuun Badan Iyo Odey 90 Sano Jir ah~~~~~
Odeygaan 90 Sano Jir ah ayaa isbitaal Ku jiray, waa Camoole Dhib badana Ka muuqdo, Waxaa Isbitaalkii soo Boqday Wiil, Salaan kadib, Odeygii ayaa waxa uu ka codsaday Wiilkii,..
Wiilkii ayaa yiri Adeer Caadi waaye i weydii Codsigaaga, Odeykii 90 sano jirka ahaa ee Camoolaha ahaa ayaa yiri wiilkeygiyow 3 Beri afka waxba ma saarin Gaajo ayana Basteey la ahay,wuxuuna kaloo yiri Cuntada ey Bixiyaan isbitaalka Abiteed uma haayo *ma Cuni Karo) igumana Soconayo.
Hadaad heyso Beeso ama Lacag waxaan kaa codsanaa in aad ii soo iibiso hal xabo Rooti ah, Wiilkii ayaa intuu aaday Suuqa wuxuu kasoo iibiyay Rooti iyo Cabitaan iyo Cuno, wuxuuna siiyay Odeygii waayeelka aha, Odeygii Markuu Rootigii Jab ama Gabal yar ka Goostay, ayaa wuxuu Fiirayay Wiilkii intuu dhoole cadeeyay ayuu wuxuuna ku yiri, Qeyr Allaha Ku siiyo Wiilkeygiyow,
Wiilkii ayaa wuxuu Weeydiiyay Su,aal ah Adeer Wax ilmo ah Malihid miyaa?
Odeygii ayaa yiri Wiilkeygiyow waan leeyahay Ciyaal, 10 ilmo ah ayaan leeyahay oo Wiilal iyo Gabdho iskuugu Jiro, Laakiin

wey weynaadeen oo ey Guursadeen Qof walbana wuxuu la Joogaa Xaaskiisa weyna i iloobeen meeshaan ayeeyna iiga tageen, wuxuu Yiri waxaa Maalin ii yimid Anigoo Guri Kaligeey Jooga Midki ugu Naxariista Badan ee ilmaheyga aha, Guri ayan kaligey ku Noolaa Qabow badan wuxuu i yiri Aabow waxaan ku geynaa Meel aad ku nasato aadna u fiican,
Aniga Camoole ayaan ahay (indhoole) Ul yar intuu ii dhiibay ayuu i yiri Aabow halkaan Fadhiiso waa laguu imanaa,. meeshana waa Isbitaal,
wuxuu yiri, Cimrigeeyga waa 90 Sano mana fileyn in ey Maalin un isbitaal iiga tagi doonaa anigoo Kaligey ah waxaa ii dhaantay in aan wax ciyaal ah dhalin
Wiilkii ayaa wuxuu weydiiyay Adeer xitaa ma jiro miyaa Mid ka mid ah Caruurtaada oo isbitaalka Maalin kuugu soo Booqatay ama kuugu yimid?
Meeqaa Sano ayaadna isbitaalkaan ku Jirtaa?
Odeygii ayaa wuxuu yiri waxaan ku jiraan isbitaalka 2 Sano
Albaabkeeyga xitaa ma eynan soo garaacin ilaa 2 sano,
Wiilkii ayaa ku yiri adeer Ilaah u Bari in uu soo Hanuuniyo iyaga kuna sonoqdan,
Odeygii ayaa yiri, maya Wiilkeygiyow Gacmaha ayuuna Kor u taagay Samada isago dhahaayo kama Tagaayo Maalinta Yowmul Qiyaamo Alle Hortiis ayaan istaaga kana soo Horjeesan doonaa iyaga,
Markeey Ciyaalka ahaayen kama uusan tagay hada xiligii uu u baahnaa Taageerdooda ayeey Meel cidlo ah ugu Dhaqaaqen,
waalasoo koriyay waalasoo Kabiyay waxayna iloobeen waqtigoodii hore iyagoo aan waxba aheyn in lagu soo tabac iyo tiir beelay,
waxay moodan in ey Raaxo ku jiraan, Cabaar Kadib Odeygii wuu iska Ooyay,
wuxuuna Yiri Allow Aduun iyo Aaqiroba Yeeyna ku Farxin,
10 Caruur ah oo Hal qeyr qabo aanan ku jrin,
Wiilkii wuu iskaaga Tagay mudo 2 bil ah ayuu soo Noqday wuxuu arkay Sariirtii uu ku Jiifay Odeyga oo Faaruq ah wuxuu weydiiyay Digtorkii Isbitaalka, Aaway odeygii Halkaan Jiifay? waxaa loo sheegay in uu dhintay, wax dad ahna eynan u imaanin oo ey ogeysiiyeen Caruurtiisa in uu dhintay Aabahood Laakiin waxaay yiraahdeen Mashquul ayaan nahay mana imaan karno, waala daahiriyay waana la karfana lana Duugay,.. Nabiga (cs) wuxuu yiri, Ma Galaayo Janada Qof aan waalidkiis Waajibaadkooda Gudanin,,,

Allow Waalidkeen Dambigood dhaaf una Naxariiso,
Sidoo kale Walidinta Islamka aaaaaaamiiiiiiin Ya Rabi
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: