QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Showing posts with label Khaatumada wanaagsan. Show all posts
Showing posts with label Khaatumada wanaagsan. Show all posts

Tuesday, May 13, 2014

Waa wiil dhalin yara ah, Da’diisuna ay tahay 20 Sano jir waxa uu ahaa mid ku Da’daalo Salaadaha gaar ahaan Salaada Subax jamecadeeda, Maalin maalmaha ka mid ah sida uu ahaa Dhaqankiisa waxa uu Guriga ka baxay inta aanan lagaarin Aadaankii Salaada Subax wuxuuna soo aaday Masaajidka, kadib markii uu Tukaday Labadii rakcadood Sunada Masjidka, waxaa uu Bilaabay in uu soo qaato Kitaab Quraan si uu u Aqristo inta laga gaarayo wakhtiga Gelitaanka Salaada, Waa la Aqimay Salaadii, wuu istaagay si uu Kitaabkii meeshii uu ka soo qaaday ugu celiyo, kadibna waxa uu galay Safkii ugu horeeyay si uu iimaankii ugu xirto Salaadii, Iimaankii oo Dadka (Safka) Simaayo iyo Dadkii Salaada u taagnaa ayaa Halmar waxay ka war heleen Wiilkii Dhalinyarada ahaa oo Halmar Istaaga ka dhacay, markii la Fiiriyayna waxa uu ahaa mid Miyir Daboolmay, Isla markiiba waxaa loola soo Cararay Isbitaalka.

Dr Khaalid Al’Jubeyri ahna Nin Daaci ah markaasna joogay Isbitaalka ayaa Dhacdaan ka waramaayo wuxuuna ku bilaabay sidatan:- Wakhtiga wuxuu ahaa Xili Waaga uu Baryi rabo waxaana la noo keenay wiil dhalin yaro ah loona wado sidii Qof Dhintay oo kale, islamarkiiba waxaan bilaabay in aan baaro Xaaladiisa Caafimaad durba waxaan ogaaday in uu Dhiig ku furmay Garaacida wadnihiisa uu aad u hooseeyo, waxaan Fiiriyay Wiilka mise Naftii baa aad u hayso, waxaadna moodaa in ay ka sii baxayso, waxaan isku daynay in aan ka shaqeysiiyo wadnihiisa iskuna dayno in aan waxaan u qaban karo aan u qabto, waxaan ag istaajiyay Dhaqtar si xaaladiisa dhaq dhaqaaq uu ula socdo, anigana waxaa doonay Qalab aan markaas u baahneyn, dag dag baan islamarkiiba ku soo laabtay Idhahaygu waxay islamarkii qabteyn Dhaqtarkii aan Wiilka uga tagay oo
Dhagtiisa u Dhaweeyay Afka Wiilka, Dhagtana wax ugu Sheegayo, Wiilkana uu haysto Gacanta Dhaqtarka, waan Fiirayay aniga oo aad ula yaabay!!Halmar si lama filaan ah ayaa Wiilkii Gacantiisa u siidaayay Dhaqtarka asaga oo isku Dayaaya in dhinaca Midig uu ii fiiriyo kuna dhawaaqayo أشهد أن لا إله إلا الله .. وأشهد أن محمداً عبده ورسوله , intaas kadib waxaa istaagay Garaacidii Wadnaha ka dibna waxaa ka baxaday Naftii, Runtii aad baan isku Dayay inaan Badbaadino, balse waxaa wax walba ka weyn Qadarka Rabi, Naf walbana Maalin ay leedahay aysan ka dibdhacey.

Waxaa halmar Illin iyo Sawaxan bilaabay Dhaqatarkii Wiilka dhagta waxa ugu sheegay waxaan isku daynay in aan aamuso Rabina aan xusuusino, Mida kalana waxaan ku iri ma aha markii ugu horaysay ee aad aragto Qof Dhimanayo ee maxaa dhacay? Wax jawaab ah nama uusan siin waxa uu siiwatay Oohintiis, qadar wakhti kadib ayuu dagay, markale ayaan waxaan waydiinay waxa uu u shegay Wiilka? Waxa uu yiri markii uu Arkay Wiilka Dr Khaalid oo aad ugu Da’daalayo siduu Wadnahayga uga Shaqaysiin lahaa, marna sii socda marna soo socda ayuu Afka ii soo Dhaweeyay waxa uuna igu yiri u sheeg Dr Khaalid waxba yuusan is dhibin In aan Dhimanaayo waa Hubaal!! Walaahi baana ku Dhaaranayaa waan arkaa Halkii aan Jannada ka Dagi lahaa!!!{ إِنَّ الَّذِينَ قَالُوا رَبُّنَا اللَّهُ ثُمَّ اسْتَقَامُوا تَتَنَزَّلُ عَلَيْهِمُ الْمَلائِكَةُ أَلَّا تَخَافُوا وَلا تَحْزَنُوا وَأَبْشِرُوا بِالْجَنَّةِ الَّتِي كُنْتُمْ تُوعَدُونَ }
Tani waa Tusaalo Farqiga u dhaxeeya Qofka Rabigiisa marwalba ku Xiran iyo Qofka aanan Rabigiisa ku Xirneyn.(ILAAHOOW KHAATUMADEENA KHEER KA DHIG, YAA RABBI).
SII AKHRI QORAALKA

Sunday, May 4, 2014

Qiso Cajiib ah

wiilkan dhalinyarada ah wuxu dhahay waxan ahayn arday tiro fara badan ah oo dhigata jaamacad ku taala magaalada aan ku noolahay waxa nagu fara badnaa xafladaha ay ardaydu qabsanaso markaa anagu waxan ahayn koox heesta oo xafladaha ka heesta waxa musiga noo tumi jiray wiil maxamed la dhaho! dabeeto maalin ayuu nooyimid maxamed isaga oo badalan wajigiisa nuur ka muuqdo si edeblehna u socda markaas ayaanu ku dhahnay maxamed maxaa ku helay wuxu nagu dhahay ilaahay ayaan u tawbad keenay mana rabo ficilada xun inaan mardanbe sameeyo! markaas ayuu hadana bilaabay inuu na waaniyo isaga oo dhahaya.


 walalaalayaal ma garanano xili aan dhimanayno imisaa iyaga oo caafimaad qaba dhintay iyaga oon xanuun lahayn! ma ogin xili malagu inoo iman inay tahay hada mar dhow barri ilaahay ayaa og walal aynu tawbad keeno ilaahayna u noqono bishu waa ramadaan khayrka aynu badsano! dabeeto waxan ku dhahay sxb maxamed warkan iska ilaw oo bari sabtida waxa jirta xaflad wayn ee soo diyaar garow! markay aroornimadii sabtida tahay ayaan jaamacadii imid markaas ayaan arkay ardaydaan kooxda wada ahayn oo wajigooda murugo ka muuqato markaas ayaan ku dhahay maxaa dhacay? waxay dhaheen shalay jimcihii maxamed markii uu salada ka soo baxay ayuu gaadhi ku jiidhay masaajidka hortiisa waananu soo aasnay!


• subxanalah wuxu dhintay isaga oo sooman wuxu dhintay maalin jimce ah oo nabigu scw sheegay inaanu qofkaas cadaabo qabri lahayn wuxu dhintay bishii albaabada naarta la xidhay kuwii janadana la furay wuxu dhintay isaga oo khayr ka yimid •

• subxaanalah inagana in badan oo inaga mida ma moogana geerida wuxu ku jiraa qaflad taas oo ah aduunyo wll waxa la inaga rabaa inaynu ku dadaalno arimaha diinta •

• wll ilaahay danbigeena iyo khaladaadkeena ha dhaafo •

• wll ilaahay khaatumada khayr ha inoogu khatimo •

• wll ilaahay ha inaga dhigo safka dhaxla janooyinkiisa •
SII AKHRI QORAALKA

Tuesday, April 29, 2014

Qisadan waxa ka sheekaynaya Wiilka Ay ku dhacday. Wuxuuna yiri: Waxaan Ahaa Mid Aanan tukan salaadda, sigaarka Afuufa, xumaha Isaga dhex jira, Ma Aanan dareensanayn dambi, toobadna Haba sheegin. Waxaan ku farxi jirey Inaan Ahay Muslim, Naxariista Rabbina Ay Wayntahay Laakiin Waxaan illawsanaa In ciqaabtiisu Ay daran tahay, Qabashadiisuna Aanan laga baxsan karin. Waligey Masjidka Maan galin Inkastoo uu Masjidka Ii dhawaa. Xilli Walba Waxaan Maqli jirey Aadaanka salaadaha Laakiin Maan Ajiibin
Waligay Bisha Ramadan Markay soo gasha Waa bisha kaliya ee Aan tukan jirey Waana soomi jirey. Ma garanayo sababta, Ma bishaas baan caabudi jiray.
Sidaas Oo Ay tahay xataa bishaasi Ma geli jirin masjidka.

Habeenkii Waxaan u tagi jirey si Aan saaxiibadeyda ula soo
dhafro. Xiliyada Qaarna galab Hore baan bixi jiray Oo Aan uun Magalada gali jirey. Kama Aanan fikiri jirin guur, caruur & Mustaqbal Midna Inkasta oo Aan Wax ku darsaday da'dii 35aad.

Markaan gurigayga kasoo baxayo Ayaa waxaan Wadada Hortayda Ah ku Arki jiray gabar Ayada dhan Wada xijaaban Oo Masjidka Inoo dhaw galaysa, Waxaan Iska dhaadhiciyay sidii Aan gabadhaas kula hadli Lahaa Oo Aan gurigayga ku keensan lahaa. Naftayda xumaan Ayay iiqurxineysaa shaydaana bini'aadamka Wuu dhagraa Iima muuqato Haybada &
sharafta ka muuqata gabadha. Markay socoto Waxaad moodaa In waddada ka bax la yiri, darbiga Ayay isku dhejin jirtay. Inta badan waxaan Arki jirey ayadoo u socota salaadda Casarka.

Waxaan go'aan saday Inaan La hadlo, laakiin iima jawaabto
dhowr galab hadii aan sidaasi u bartilmameedsan jiray bay i dhibsatay, galabkii dambe Ayayna go'aansatay Inay ila hadasho Meel Aan Albaabka gurigayga ka fogeyn bay mareysay. Markaa bay igu tiri "Maxaad Iga donaysa walaal? Waxaan ku Iri "Waxbo soo dhaaf, gurigayga soo gal Waa keligey Oo qura cidna Ma
joogto. Marka Aan hadalka iyo kaftanka ku badiyey Oo Ay u
jeedo Inaan Ahay qof Ilaahay ka fog, ima canaanan, Mana Aysan igu xanaaqin, balse
Waxay igu xirtay shuruud inay gurigayga soo gasho.
Waxay Igu tiri "Gurigaaga Waan soo geli doonaa, Waliba sariirtaada Waan ku fadhiisan doonaa hadad kasoo baxdo
shuruudan, Intaan farxay ayaan kudhahay, Maxay tahay shuruudda, wallaahi waan kasoo bixi doonaaye? Waxay tiri Afartan casho (40 maalin) waa inaad masjidka ku tukataa salaadaha, oo aad
casarkii iyo subaxa kadib aad dhagaysataa duruusta
masjidka Insha Allah.

Kadib anna waan kuu fulin doonaa ballantii. Hayeh!! waan yeeli doonaa ayaan kudhahay, kadibna way baxday. Halkii
baan howshii ka billaabay aniguna anoo fulinaya ballantii, laakiin labo usbuuc gudahooda
anigii dhan waan is baddalay. Waxaan is arkay anigoo ooynaya mar walba markii aan ogaaday halka aan kusocday iyo baadida i haystay, mar kasta waan ka shallaayaa inaan illawsanaa hadalkii Nebigeenna Suubban (NNKH) ee ahaa annaga (Muslimiinta ah) iyo iyaga (Gaalada) xarigga inoo dhexeeya waa Salaadda, kii ka
tegaana waa gaal. Toobad nasuuxa ayaan toobbad keenay, waxaana
intaa kadib noqday qof ka qoomameeyo falkii uu sameyn jirey, waxaana noqday qof masjidka ku xiran
oo salaad kasta safka hore taagan. Waxaan helay raaxo iyo iimaan, inkastoo aan ooyn jirey markastoo aan soo xasuusto falalkeygii xumaa.

Subaxii ay 40 cisho kasoowareegtay ayay ii timid gabadhii, salaanta Islamka kadib waxay igu tiri, haye ma kuu fuliyaa ballantaadii? Waxaan kudhahay Macaadallaah!! walaasheyeey!! aad baan uga shallaayaa
hadalkii aan ku dhahay, dhanka kalena waxaan ku
farxaa inaad hanuunkeyga sabab u noqotay, orod iska laabo Allaha ku xifdiyee!!! Waxay igu tiri Walaalkayoow!! waxaan ku kalsoonnaa Rabbigey inaanu i dulleyn doonin, in badan ayaanan ku hanweynaa inuu ducadeyda aqbali doono, oo uu ku hanuunin doono, kana masixi doono laabtada wixii ku jirey. Mahad waxaa iskaleh
Allihii ajiibay baryada
addoontiisa, ee dhowray addoontiisa. Ayadoo ilmeyneysa ayay sidaas tiri, aniguna intaan madaxa fooriyey ayaan la ilmeeyey!!

Muddo yar gabadhii markay aragtay wanaaggeyga iyo sida
aan mar walba masjidka ugu xiranahay, way ila soo xiriirtay, waxayna iisoo bandhigtay guur. Kaalmada Allah darteedna wuu noo
fududaaday guurkaas,
waxayna noqotay xaaskeyaga aan jeclahay. Waxayna noqotay gabadhii sababta unoqotay hanuunkeyga

Walalayal Ruuxi illahay Hanuun la doono Meel sahlan Ayuu ka tusaa Xaqa.

# Allah (SWT) Ha Inaga dhigo kuwa uu
Hanuunkiisa La doonay una carara xagiisa xili Walba ~ AMEEN AMEEN YAA ABBI*
SII AKHRI QORAALKA

Monday, April 21, 2014

Qiso Yar oo cajiib ah.

(waxey ka dhacday Sweden (Malmo).
Waxaa meel Deggenaa Qoys heysta Diinta Kristaanka, haddaba Qoyskaasi waxey Deris ahaayeen Hooyo Muslim ah, oo aanan weligeeda waxba Dhalin, hase yeeshee Hooyadu waxey aheyd mid mar kasta ku Dadaasha Cibaadada Rabbi, oo Salaadda iyo Dikriga Allaah aad ayey u Xafidi jirtay.
Hooyada ayaa Maalin Qoyskaasi Kiristaanka ahi ku soo Booqdeen Gurigeeda, oo ayna weligooda soo Gelin. Hooyadii waxey u soo Dhoweysay si Kal iyo Laab ah, Qoyskii Kristaanka iyagoo ku Faraxsan Hooyada soo Dhoweynteeda ayey Guriga soo galeen.

Intaas ka dib ayaa Aabihii Qoyska Kiritaanka ahaa weydiiyey:- Hooyo aaway Wehelkaaga (Ninkaaga), waxeyna ugu jawaabtay:- Wehelkeygu waa Rabbi, isaga ayaan Garabsadaa Rabbigeey. misana Odaygii wuxuu weydiiyey:- Aaway Nuurkii Guriga (Caruurtaada), waxeyna ugu jawaabtay:- Aniga Nuurkeyga iyo Ubadkeyga waa Kitaabka Alle, isaga ayaana Wehel ii ah. Haddana wuxuu weydiiyey oo uu ku yiri:- Hooyo maxaad qabataa oo aad ka shaqeysaa?, waxeyna ugu jawaabtay oo ay ku tiri:- Shaqeyda waa Cibaadada Allaah iyo Dikrigiisa, iyada ayaana wax kasta iiga Qiimo weyn.
Odaaygii intuu yaabay ayuu misana ku yiri:- Allahaaga waa kee ?, waxey ku tiri:- Allaheyga waa kan Adiga ku Abuuray, anigana i Abuuray, waana Kaligii, waxna ma Dhalin, isna lama Dhalin, wax la mid ahna ma jiraan, wax kastana wuu ka Deeqtoon yahay oo waa kan ina Arzaaqa, waana kan ay Awoodiisa ku dhisan tahay Adduunyada oo dhan.
Haddaba, intaas Dabadeed Odaygii iyo Dhamaan Qoyskiisaba meeshii ayey ku Islaameen, oo ay ku qaateen Diinta Islaamka.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW TOWBADA & TOWFIIQDA NA WAAFAJI)
SII AKHRI QORAALKA

Wednesday, April 9, 2014

QISO CAJIIB AH.

Waxaa laga wariyey Mansuur Ibnu Camaar, Inuu yiri waxaan baxay Habeen, Anigoo u maleeyey inuu Waagu beryay, mise waaba Habeen Bar, waxaan hor Fariistay Guri Albaab yar leh, Mise Guriga waxa ka Ooynaaya Wiil Dhalinyaro ah oo leh:-
(ilaahoow Sharaftaada iyo Cizadaada ayaan ku Dhaartay, Ma Dooneeyn inaan Khilaafo Ammarkaaga, Ilaahoow ma aheyn mid Mooggan Awooddaada, mana aheyn mid aan Ogeyn Ciqaabtaada, mana aheyn mid Aragtidaada iska Qarin karaayey, laakin Nafteyda ayaa Xumaantaas ii Qurxisay, waxaana iga Qaalib noqday Xumaanteydii, Haddana Ilaahoow ma heysto Cid Cadaabtaada iga Badbaadineysa ee Ilaahoow adiga ayaan marnaba kaa Maarmin, waxaan kaa Baryaan Dembiyadeyda aan galay inaad iga Cafisid, Cid kale oo Dembiyada Cafisa ma jirto aan Adiga aheyn Rabbiyoow).
Markaas ayaan Argagaxay oo aan Aqariyey Aayadan Quraanka ah oo Dhaheysa:- (Kuwa Allaah iyo Maalinta Qiyaame Rumeeyayoow, uga diga Nafihiina iyo Ehelkiinaba Naar, Naartaas oo lagu Huriyo Dad iyo Dhagaxaan, korkeedana ay ku Sugan yihiin Malaa'ig, Ad-adag oo Argagax leh, oo aan Allaah Caasiyayn waxa uu Faro, Falaayana waxa uu Amro).
Markuu Waagii Baryay ayaan arkayba Gurigii oo Tacsi taal, misana waxaan arkay Hooyadii Guriga oo Oyneysa, kolkaas ayaan ku iri:- Hooyo maxaa Dhacay?, markaas ayaa Hooyadii igu tiri:- Wiilkaygii ayaa Geeriyooday, waxaan ku iri:- Goormuu Geeriyooday?, waxey igu tiri:- Xalayto mid Baas baa ku Dul Aqriyey Aayad Naarta ka Sheekaynyso Markaas ayuu Xasuusteeda iyo Cabsideeda la Dhintay.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW CADAABTAADA NAGA BAD-BAADI).
SII AKHRI QORAALKA

Tuesday, November 12, 2013


QISO CAJIIB AH.

Nin Dadkii Saalixiinta ka mid ahaa ayaa wuxuu yiri:- Waxaan soo galay Masar waxaan arkay Nin Biraha ka Shaqeysta (Birtume) isagoo Birta Dabka ugu soo Bixinaayo Gacantiisa, Birtii oo Guduudan Gacantiisa ku Gedgedinaayo isago...
o aanan ku Gubanayin.
waxaan is iri Ninkaanu waa Owliyo oo Dabka kuma Gubanaayo, ka dib waan u Dhawaaday waana Salaamay oo waxaan ku iri:- Walaalkeygiyoow Allihii kugu Maneysantay Karaamadaan ayaan kugu dhaarshee ii Ducee. markaas ayuu Ooyey, wuxuuna igu yiri:- Walaaloow sida aad Imoodday ma ihi. Kolkaas ayana ku iri:-Walaaloow waxaan aad Samanayso Qof aanan Owliyo ahayn ma Samayn karo,. wuxuuna yiri:- Arrintaan waxay ku Timid Sheeko Yaab badan hadaad Rabto inaan kaaga Sheekeeyana waan kaaga Sheekeyn. ka dib ayana ka Codsaday inuu Iiga sheekeeyo Sheekadaas, wuxuuna Halakiisa ku Bilaabay:- Maalin maalmaha ka mid ah waxaan Dhex Fadhiyey Dukaankaan waxaana ahaa Nin Firfircoon oo Bulsho ah, waxaa ii Timid Naag aanan weli Arkin Naag iyada ka Qurux badan, waxayna igu tiri:- Walaalow wax aad ilaahay Dartiisa u Bixinayso ma Heysaa? waxaan ku iri:- Guriga ma ii Raacaysaa aan ku
Isticmaalee waxaad Rabto oo Dhanna waan ku Siinaa, ka dib Cabbaar ayey i Fiirisay, waana iga Tagtay. in muddo ah ayey iga Maqnayd ka dib Wey ii Timid, waxayna igu tiri:- Dan iyo Baahi ayaa igu Kaliftay inaan kaa Ogolaado inaan ku Raaco ee inakeen. Dukaankii ayaan Xiray Guriga ayaan u watay markii aan Guriga Galnay waxay igu tiri:- waxaan ka soo Tagay
Caruur aan Dhalay oo aad u baahan ee Hadda wax yar isii sii aan ugu sii Geeyo ee waana kuu soo noqonaa, Ballan adag ayaan ka Qaaday in ay ii soo noqoto, waxaana siiyey Xoogaa Daraaahim ah. wey Baxday Saacad ka dib ayey ii Timid Guriga ayey iigu soo gashay albaabka ayaan xirtay, waxay igu tiri:- Maxaad u Xirtay Albaabka? waxaan ku iri:- Dadka inay na Arkaan ayaan ka Baqayaa. Kolkaas waxay iku tiri:- Walaal Dadka waad ka Baqeysaa, oo Alihii ku Abuuray maxaad uga Baqi weyday? waxaan iri:- Alle waa Dembi Dhaafe Naxariis badan. ka dib Xaggeeda ayaan Aaday markaasay Ooysay oo Jaraysay illinteedaba Dhabanada ku soo Hooreen.. waxaan ku iri:- Maxaad la Oyneysaa oo aad la Jaraynaysaa? waxay igu tiri ilaahay Cabsidiisa ayaan la Oynayaa oo aan la Jaraynayaa, ka dib waxey intaas ii Raacisay:- Walaaloow haddi aad ilaahay dartiis ii Dhaafto, waxaan Ballan Qaadi in uusan Alle kugu Cadaabin Dab (Naar) Adduun iyo Aakhiro. Intaas markeey igu tiri:- Waan Istaagay wixii aan Hayey oo Dhami waan siiyey, waxaana ku iri:- Gabaryahay waxaan kugu Dhaafay illaahay Cabsidiisa.
markay iga Tagtay waxaa aad ii Qabatay Hurdo, waan Seexday waxaan Riyo ku Arkay Naag aad iyo aad u Qurux badan, Madaxana ku wadato Taaj ka Samaysan Yaaquudka Gaduudan, waxay igu tiri:- ilaahay Kheyr ha inaga kaa Siiyo.
waxaan ku iri:- oo Tumaa ahayd ?
waxay igu tiri:- waxaan ahay Hooyadii Caruurta lahayd ee kuu Imaanaysey ee aad Alle Dartiis ku Dhaaftay ilaahay Dab kugu Gubi maayo Adduun iyo Aakhiro.
ka dib waxaan ku iriL- Isu kay Sheeg? Qabiilkee ka Dhalatay ilaahay hakuu Naxariistee? waxay igu tiri:- waxaan ka soo Jeedaa Nasabka Rasuulka CSW.
Intaas, ka dib waxaan Xasuustay Aayaddii Alle ee Ahayd (Ilaaheey wuxuu Doonayaa Inuu idiin Dhaafiyo Wixii Xumaan ah, Ahlu Beydoow oo uu idiin Dhahiro).
Waxaan markiiba ka soo Booday Hurdadii laga soo Billaabo Maalintaas Dab oo dhan kuma Guban, waxaana Rajaynayaa Aakhirana in aan ku Guban Insha Allaah.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW JISMIGEENA NAARTA KA BAD-BAADI, YAA RABBI).
SII AKHRI QORAALKA

Wednesday, October 2, 2013

QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah


Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin wadaad ah oo gaarigiisa wato waxuu wadada ku arkey wiil yar oo daba ordaayo gabar labisan, si uu ula hadlo ama u shukaansado, wadaadkii aadbuu u dhibsadey sida anshax xumada ah uu wiilku u foodeenaayo gabarta, markaas buu go'aansadey inuu u naxsteexeeyo wiilka.

kadib gaarigiisii ayuu ka soo dagey oo waxuu u yeerey, una nasteexeeyey wiilkii, asigoo soo xasuusiyey cabsida ilaahey iyo ciqaabta aakhiro jirta.

kadib wiilkii dhalinyarada ahaa aad buu u qalbi qashuucey, oo waxaa ka soo daadatey ilin asigoo leh : "Sheekhoow

wax i waaniyo sanadahaan maanan arag, oo xaqa i tuso, waxaan dhex dabaalan jirey danbi iyo macsi, waxaana mahad leh ilaahii ii kaa soo direy inaad i waanisid. igumana ogid maanta ka dib danbi."

sheekhii aad buu ugu farxey wiilka siduu xaqa ilahey u tusey , kadibna waxuu ka qortey numberkiisa.

mudo laga joogo laba isbuuc ayuu wadaadkii soo xasuustey inankii dhalinyarada aha inuu waco, markuu waxey waxaa ka qabtey wiilkii, markaas buu wadadakii ku yiri: "ASC ma i garaneesaa aniga?"
wiilkii baa yiri: "haa waan ku garanaayaa waxaa tahey wadaadkii ilaahey iisoo direy, iina nasteexeeyey, ALHAMDULILLAH waagii baa iigu danbeesey macsi iyo danbi, oo salaad igama tagto alhamdulilah"
Sheekhii baa yiri: "waa ilaah mahadii ee goormaanu kulanaa"
wiilkii baa yiri: "galabta casirkii xaafada ayan kugu martiqaadaayaa iigu imow insha allah"

sidii baa lagu balamey, waxaana la gaarey waqtigii balanta wadaadkii markuu yimid xaafada ayuu aridii soo gar-garaacey waxaa ka furey nin odey ah oo wajigiisa ka muuqato murug tiro badan. markaas buu ku yiri: "Awey hebel (wiilkii dhalinyarada ahaa)"
odeygii oo yaaban baa yiri: "fiir gacmaheega soo ma qoyna, oo hadan ayan iska dhaqey ciidii aan ku soo duugey wiilkeega. SUBXAANALLAH "

sheekhii baa yiri: "Inaa li laahi waa inaa ileehi raajicuun, oo saakey baan la hadlaayey. galabtaana balansaneen."
aabihii baa yiri: "sheekoow wiilkeega salaada duhur ayuu soo dukadey masjid ka ayuu kitaabka ku soo aqristey. kadib wuu yimid waxuuna yiri xoogaa baan seexanaayaa asigoo qadeenin, sidii beyna nafta uga baxdey."

sheekii aad buu uga naxey mowtul-faja'a ku yimid wiilka, odeygkii dhaley ayaa sii raacsadey warkiisa :
"wiilkeega waxuu ahaa qof ay dhalinyaro nimo qaadey oo danuubta iyo macsida ku dhaca mar walbo, laakiin laba isbuuc ka hor wiilkeega aad buu u soo toosey oo salada kama tagi jirin xitaa waxuu tukan jirey salatul leyl ka. ee goormaa is barateen wiilkeega ??"
sheekii baa ku jawaabey: " Labo isbuuc ka hor"
abihii baa yiri: "oo ma waxaa tahey wadaadka wiilkeega wadada toosan tusiyey" wadaadkii baa yiri: HAA
aabihii intuu ku soo boodey ayuu dhunkadey wadaadkii kuna yiri " shiikoow willkeega sabab fiican ayaa u noqotey, oo naar baad ka bad baadisey JAZAKALLAH"

ALLOW KHAATIMADA NOO TOOSI
SII AKHRI QORAALKA

Monday, August 5, 2013

Qiso diini ah oo mudan in lagu cibro qaato:

Labo dhalinyaro ah oo reer Madina ah ayaa waxey u dalxiis iyo khamri-cab u tageen Dalka Turkey. markii ay gaareen istabul(caasimada turky) waxey iibsadeen Khamri, waxayna kiraysteen Taxi waxayna aadeen meel tuulo ah, waxayna dageen Hotel kuyaalay tuulada, si aan loo arag bay halkaas u tageen...
Markii ay Hotelka galeen ayaa waxaa waraystay Receptionka(xafiiska aqbalaada) shaqalihiisa nin kamida ah waxuuna weydiiyey xageed katimaadeen?
Markaas bay ugu jawaabeen waxaan ka nimid magaalada Madiina Al-Munawara..
Markaas baa ninkii shaqaalaha ahaa aad ugu farxay wuxuuna siiyey hool dhan halka uu ka kireyn lahaa qol, asagoo ku karameynaya dadka ka yimid magaaladii Nabiga(naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee). Wiilashii hoolkoodii bay tageen, halkoodii bay ku dhafreen oo ay ku cabayeen khamrigii, markaasay sarqaameen, midbaa aad usii wareeray midna waa roonaa xogaa.. Kadib way iska seexdeen..
Kadib waxaa si lama filaan ah albaabka lagusoo garaacay saacadii afartii iyo bar arooryo. Midkood baa toosay albaabkii buu furay asagoo aad u hurdeysan, mise waa ninkii hotelka shaqaalaha ka ahaa asagoo leh..

"Imaamkii Masaajidka wuu diiday inuu natujiyo markii uu ogaaday in rag reer Madiina ah ay tuulada joogaan". Marka waan idin sugaynaa ee masaajidka hoos kuyaala noogu imaada. Markaasaa wiilkii naxay, kadibna wuu toosiyey saaxibkiis, wuxuuna weydiiyey. "War quraanka wax maka xafidsantahay?" Markaasuu ugu jawaabay inuusan awoodin inuu imaam noqdo. Kadib way fariisteen waxayna kafakareen siday arintaas uga bixi lahaayeen, mise mar labaad baa waxaa albaabkii soo garaacay ninkii shaqaalaha ahaa oo wuxuu ku yiri waan idin sugaynaa intuusan waagu baryin.
Markaasay qubaysteen oo dharki iska badaleen oona soo aadeen masaajidkii.. Mise masaajidku wuu buuxdhaafay sidii maalin jimce ah, markaasaa dadkii oodhan baa salaamay.
Midkoodbaa Imaamkii noqday, markii uu salaada xirtay oo bilaabay faataxadii ayaa waxaa ooyay dhamaan dadkii masaajidka kujiray, ayagoo xasuusanaya masaajidkii nabiga(Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee), markaasaa wiilkii imaamka ahaana la ooyay. Kadibna Qul Huwale baan aqiinay, labadaas bes baan kutujiyey dadkii.
Salaadii markii aan kabaxnay dadkii oodhan baa iiyimid oo isalaamay.. taasina waxay ahayd sababta Allah swt uu ku hanuuniyey labadii wiil, wiilkii imaamka ahaana hadda waa shiikh weyn..
Mararka qaar Allah swt waxuu kugu beegayaa arin aad kuhanuuntid(Alloow na hanuuni)
Markii uu nabigeena Mohamed(Naxariis iyo Nabadgalo Korkiisa ha ahaatee) uu gaaray Sidratul Muntahaa baa Allah swt u waxyooday, "Muxamadoow(Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee) madaxaaga kor u qaad, oo wax iwaydiiso, waana kusiiniye". Nabigeena(Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) ayaa yiri, "ALLAHAYOOW WAXAAD UMMADIHII HORE KU HALAAGTAY DHUL LAGOOYN, KUWANA WAAD BADASHAY MUUQOODII, EE ALLAHAYOW UMADEYDA SIDEE KA YEELAYSAA"
ALLAHA swt ayaa ugu jawaabay " WAXAAN KUSOO DAJINAYAA NAXARIISTEYDA, DAMBIGOODANA DAMBI DHAAF BAAN UGU BADALAYAA, KII IBARYAANA WAA SIINAYAA, KII ITALO SAARTANA WAAN KAAFINAYAA, KII MACSI SAMEEYANA ADUUNKAN KU ASTURAYAA, MAALINTA QIYAAMANA SHAFEECADAADAN KAA AQBALAYAA,  HADII AAN AHAY ALLAHA NAXARIISTA BADAN ADNA AAD TAHAY SHAFEECAHA"
SIDEE BAY U DAYACMEYSAA UMADAADA U DHAXEYSO ALLAH NAXARIIS BADAN IYO NABI SHAFEEC AH.
DHOWRSANAANTAADEE ALLAHAYOW WEYNAAN BADANIDAA OO NAXARIIS BADANIDAA.
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: