QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Friday, September 16, 2016

Qiso cajiib badan oo kaa ilmeysiin doonta, gabadhi ay ku dhacday ayaa ka sheekeyneysa.

Waan hubaa hadii aad aqrisato inaad
ilmeeneysid.


 Sacdiyo waxeey eheed gabar
kunool magaalada Kismaayo gaar ahaan
xaafada calanleey
Waxeey eheed gabar qurux badan jecelna
wax barashada aadna u fur furan.
Walaalkeed oo joogay Sweden ayaa
soowacay waalidkii una sheegay Sacdiyo
ineey imaato Nairobi si uu uga kaxeeyo.
Hassan oo ahaa Sacdiyo aabeheed ayaa
u sheegay sacdiyo ineey dhowaan u anba
bixi doonto dalka kenya kadibna kasii
aadi doonto Sweden. Sacdiyo ayaa timi
boosteejada laga soo anba baxo ee
kutaala wadada Somali Star ee xaafada
Calanleey. Sacdiyo ayaa sidan ku
biloowday shekadeedi.
1/8/2008 waxeey eheed maalinta aan
kasoo anba baxaayay magaalada
kismaayo anigoo usoo kici tamaayay
magaalada Nairobi.waxeey eheed markii
iigu horeeysay ee aan dalkeeyga Hooyo
dibada uga baxaayo waxaana
dareemayay culeeys kasoo ahaa inaan
katagaayo qoyskeeyga iyo asxaabteeyda.
Waxaan nimi boosteejada Hoyadeey
Sahro ayaa aad iigu ooysay, ilinta
kasocotay Hooyadeey sahro waxeey
eheed mid aan la’ooyay.eyadoo ii
raacisay “Hooyo Illaah hakunabad geeyo
Meel dadka dhaxdooda ahna seexo”.Goor
eey tathay 5 galabnimo ayaan kasoo
anba baxnay magaalada Kismaayo.
Waxaan gaariga dhaxdiis isku baranay
Libaan oo ahaa wiil isagana usoo socday
magaalada Nairobi. Libaan aniga oo kale
muusan eheen horey ayuu u tagay
Magaalada Nairobi. Libaan wuxuu
noqday wiilka kaliyah ee aan gaariga iska
dhax fahanay. Maalin ayaa gaari nooga
jabay tuulada Qooqaani. Intaan safarka
kusoo jirnay naxariisyo badan ayaan ka
dareemay Libaan taas oo xagiisa inta
badan isii jiidan jirtay. Habeen iyo maalin
gaariga nooga haleeysnaa qoqaani aniga
iyo libaan sidii qof iyo hooskiisa ayaan
isku daba soconay anigoo inta bada
kawareeysan jiray Xaladaha Nairobi.
Rakaabka aad ayeey u daalanaayeen
dhaqso ayeey seexdeen balse aniga iyo
Libaan sheeko ayaan ku gaarnay 4
habeenimo. Intaan safarka soo eheen
anig iyo Libaan iskumeel ayaan wax
kuwada cuneeynay iskumeel ayaan
gaariga kawada fadhiisaneynay taas
eyadoo jirto wali Libaan xad gudub iguma
uusan dayin. Kadib waxaan nimi dhobleey
isla galabkiina kasoo anba baxnay.

Waxaan nimi xerada qoxootiga ee
xagardheer waxaana joognay maalin
Libaan ayaa ina geeyay xaafad uu lahaa
adeerkiisa.
Subaxdii danbe 8:30 AM ayaan kasoo
baxnay xagardheer anagoo Nimi Nairobi
6:15 PM.
Aniga maanan kala garaneeyn waxaan
wacay Numberka abtigeey waxaana u
sheegay inaan nabad imi Nairobi uuna
iigu imaado boosteejada gaariga. Libaan
ayaa igu yiri
“ Sacdiyo barashadeena, safarka miyeey
ku koobneed”
“Aboowe maya, barashadeena marabo
ineey halkan ku ekaato numberka
Abtigeey qoro waad iga heli kartaa”
Habeenki daal ba’an ayaa I haayay waan
iska seexday wixii kadanbeeyay waxaan
had iyo jeer niyada kuhayay Libaan
anigoo iska xasuusan jiray hadaladiisa
iyo quruxduu eebe siiyay. 

sadax maalin
kadib goor habeen ah waxuu libaan soo
wacay numberkii Abti si uu iila hadlo.
Habeenki waxaan ka codsaday inuu ii
yimaado waliba si dhaqso ah. libaan
igama uusan diidin wuxuuna iigu
jawaabay “Birito ayaan kuu imaanayaa
waxaana isoo wadaayo wiil walaalkeey
ah” Niyada ayaa iidagtay madaama aan
maqlay Libaan codsiika iyo xaalada uu
kusugan yahay. Wixii intaa kadanbeeyay
wuxuu qalbigeeyga ii sheegay inaan
Libaan jeclahay. Libaan iyo wiil lasocday
ayaa ii yimadeen maalintii danbe anigoo
mar mar dareemayay inaan aamusay oo
aan libaan kumaqanahay sida uu u
shekeeynaayay iyo bulsho nimada
kamuuqatay. Waxaan ka qortay
numberkiisa banaanka gurigana uga soo
haray. Waxaan abtigeey ka codsaday
telephoneka wuuna iga aqbaly.
Habeenki 8 fiidnimo ayaan wacay
“Aboowe haye xaaladaada kawaran”
“Abaayo fiican, adiga side tahay”
Markaan is wareeysanay kadib ayaan
Libaan kacodsaday inuu marlabaad ii
yimaado madama uu isaga xafadeeyda
yaqaano anigoo u raaciyay “ Libaan
maalintaas oo dhan anaad ila jogeeysaa”
Maalintaas gabar habaryarteey dhashay
ayaan kacodsaday ineey eyadana ii
timaado waxaana rabay ineey wiilka
libaan la imaan doono iga mashquuliso
intaan libaan la sheekeeysanaayo. Malin
qamiis ah goor eey tahay 2:00 PM ayaa
waxaa isoo wacay Libaan iina sheegay
inuu xaafada usoo dhoowyahay.


 waxaan
usoo dhoweeyay ninkeeyga inuu yahay
camal anigoo u diyaariyay qado iyo guri
shekada ku qurxoon. Markuu yimi ayaan
Qado u geeyay isaga iyo wiilki lasocday.
Markeey qadadeyeena nasteena ayaan
Hawo u sheegay ineey wiilka usii
shekeeyso libaan ayaan u bilaabay
sheekada aan kalahaa, anigoo uga
bilaabay “ Libaan habeenadan
fakarkeeygu wuu batay”
“ Maxaa dhacay jaceyl miyaa gu galay
abaayo ?”
Libaan marnaba muusan iska dhaadhicin
inaan aniga Damac iga soo galaayo oo
wuxuu aad u tixgalinaayay barashadeena
ku xusneed walaalnimo kaliyah. “ Aboowe
wadankan aan ku cusbahay waan ku
cidlooday, taas eyadoo jirto ayaa arin
kale isii heysataa”
“waa maxay arinta kale ee kuheysto
abaayo?”
“Aboowe, wanaagaaga shekadaada
kaftankaaga ayaa ijiitay inta badana
adaan kaa fakaraa”
Libaan wuu naxay,murugana wajigiisa
soo fuushay kuna yiri abaayo aniga
marabou inaan ku qiyaano meshan arimo
cafimaad ayaan u imi weeyna igu
adagtahay taas
“taas wax weeyn maahan aboowe”
“Abaayo Sacdiyo runtii waad istaahisha
nolol iyo jaceyl in lagula qeeybsado balse
ifahan”
Waxaan kala kulmay libaan niyad jab aad
u weyn waxaana ka codsaday
“Aboowe madama aan arintan kusoo
bandhigay adna aad igu gacan seertay ha
gooynin xiriirkeeni saxiibtinimo” “ Abaayo
taas madhici doonto, waxaana kuu
ahaanayaa sidaan horey kuugu ahaa”
Waxaan ii biloobatay nolol adag Fakar iyo
soo jeed ah, waxaan had iyo jeer kafakari
jiray Libaan cuntadii waan waanba
ilaaway, jiifna waxeeyba ila eheed hadaan
jiifsado inaan libaan heli doonin. Qolka
ayaa waxaa iigu imaaday abtigeey iyo
xaskiisa iguna dhaheen waxaa mardhoow
imaanaya walaalkaa balse waxaas iima
cadeeyn oo Libaan oo kaliyah ayaa ii
muuqday. Libaan wuxuu iigu imaan jiray
maalin dhaaf isagoo ii shekeyn jiray
igana qosli siin jiray, xiliga uu ila joogo
fakar ama murug intaba maanan dareemi
jirin.
Maalinti maalmaha kamid ah ayuu Libaan
ii yimi Waxaan u sheegay inaan dartiirs
qabri u dhowahay. Libaan oo eey ka
muuqato murugo ayaa iigu jawaabay
“Abaayo manta Diktoorka ayaan u tagay
wuxuuna igu yiri waxaad qabtaa Cancer-
ka beerka kudhaca”
Wuxuuna ii sheegay Libaan cudurka
haayay taas oo naxdin ba’an igu sii
kordhisay
Libaan oo aan uga bartay farxad ayaa
maalintaas ka arkay indhihiiisa Ilin
(Oohin) ka daadaneeyso, anigoo waan
iscelin waayay waan sasabay una
sheegay aduunkan in lagu wareeynin
uuna iska samro Illaahna baryo. Waxaan
dareemay inaan kasii daray sababtoo ah
xanuunka hayay gacaliyaheyga libaan
wuxuu ahaa mid aan maranaba kuu
niyad dhiseyn. Waxaan ka codsaday
Libaan inuu gurigooda isoo baro si aan
had iyo jeer uga war haayo. Waxaan u
bandhigay Libaan inuu iguursado aana
haduu illaah iga siinaayana aan ubad u
dhalo. “ Libaan aboowe waxaan
go’aansaday inaan isguursano sideed u
araktaa”
“Abaayo miyaad waalatay, waad araktaa
xanuunka Ihaayo adigana guur iyo
waxaan lojoogin ayaad igu soo
hadalqadeeysaa”
“Libaan waa iga dhab waxaan rabaa
inaan Ciyaal aad adiga leeydahay dhalo,
taasi waa ii farxad Waalidkaana waa u
farxad ”
“Abaayo adigana naftaada miyaad
nacday,maxaad kawadaa waxyaabahan
dhan aad sameyneysid”
“Aboowe jaceylka aan kuu qabo ayaa wax
walbo kaween”
Waxaan indhaha Libaan ilbiriqsi walba
soo dhaafayay ilin isagoo markii danbe
hab isiiyay iiguna jawaabay isagoo
ooynaya
“Abaayo, bal fiiri maanta waxaan heystaa
jaceylka duniga ugu qaalisan bulse
cafimaad ma heysto”
“Aboowe waxwalbo weey dhacaan
dulqaad iyo samir badan muuji”
Waxaan go’aan ku gaarnay inaan is
guursano libaan familkooda ayuu u
bandhigay weeyna ka aqbaleen. waxaan
ana Abtigeey u sheegay inaan guursan
rabo uuna war galiyo Hooyo iyo Aabe.
Abti ayaa igu qeyliyay iiguna jawaabay.
“Abti mafiyoowday, walalkaa ayaa
imaanaya barnaamijki aad u timi nairobi
ayuuna hirgalin rabaa”
“Maya abti maanan waalan ee
jaceylkeyga dhulgaalo kuma badalan karo

Waxaa isoo wacay hooyo iyo aabe, balse
aniga kama aanan laba labeen go’aanki
aan horey uga gaaray Mustaqbalkeyga.
Abtigeey oo aan gurigiisa joogay markuu
arkay inaan madax adkeeyay igu yiri
“Waa kuma wiilka Abti ?” “Abti waa
Libaan wiilkaan isla soo safri jirnay” Abti
magalada ayuu kasoo maqlay wiilka
xanuunka haayo habeenki markuu guri
yimi ayuu yiri “Abti wiilka inuu xanuunsan
yahay iyo waliba cudurka haayo ma
ogtahay?”
“haa abti waan ogahay inuu libaan
Kansarka beerka qabo” abtii wuu yaabay
gurigiisa ayuuna iska galay. Libaan
waxaan maalin walbo ugu tagi jiray
gurigooda anagoo intaan wado joogno
wax naga maqnaa eeysan jirin farxad
galabki ayaan gurigeena iska soo aadi
jiray Farxada jaceyl ee uu libaan itusay
maahan mid aan iloowi doono waligeey
waalidkiisa waxeey go’aan ku gaareen bil
kadib inaan is guursano aniga iyo libaan
waxaan bilaabatay qaban qaabadi
guurka. Maalin ayuu guriga iigu yimi
Libaan isagoo faraxsan sheeko iyo kaftan
ayaana iska galnay, wuxuu igu yiri “
Malaga yabaa inuu Illaah cudurkan iga
qaado?” “ Haa Aboowe, illaah waxwalbo
wuu awodaa”
Waxaan markasto oo aan tukado Illaah
kabaryi jiray inuu gacaliyaheeyga ii
daweeyo.
Waxaa Libaan Aabihiis uu soo maqlay
inuu jiro wadaad tuulo Nairobi udhoow
joogo daaweeyo cudurada kuna daweeyo
dhirta. Waxaa libaan lagu war galiyay
isbuuca soo sacda in loowadi doono
wadaadkaas. Libaan cudurka haayay
wuxuu ahaa mid aad iyo aad uga xanuun
badan balse wuxuu aaminsanaa jiifka
ineey u darantahay cudurka.
Waxaa ii yimi Libaan oo ordayo wuxuu ii
sheegay wadaad inuu aadi doono
isbuuca soo socdo anagoo sheekadii
wadno ayaa salaadi casar la’aqimay
Libaan wuxuu galay salaad.
Libaan wuxuu Illaah marwalbo kabaryi
jiray cafimaad. Wuxuu waqtiga socdaba
Waxaa lagaaray maalintii uu libaan bixi
lahaa . Libaan wuxuu ii yimi goor fiid ah
abaarihii 7:00 PM wuxuuna igu
wargaliyay inuu birito bixidoono “ Abaayo
birito waan baxayaa waxaana dareemi
doonaa cidlo madamaama aan adiga kaa
tagaayo” aniga waxaan dareemay farxad
iyo naxdin dhinac waxaan iska tusay
gacaliyaheyga oo Illaah idinkii isoo
caafimaadi doono, dhanka kale Isagoo
waxbo laga soo qaban waayo-taas oo
Libaan ku keeni doonto niyad jab.
Habeenki wuu i mac salameeyay isagoo
kaftamayana igu yiri “ Hadaan baxo fakar
iyo cunto kasoon hagalin aniga waan
kusoo noqonaa haduu rabi idmo” gacanta
ayuu iga shumiyay iguna yiri “Guurkeena
waa Bil kadib Illaah waxaan ka baryaa
inuu wiil iga kaa siiyo” aniga hadalka
ayaa igu dhagay markaan arkay Libaan
oo safar galaayo waxaana ku iri “Waan
kuu xiiso doonaa”
Subaxdi danbe ayuu baxay Waxaan intuu
sii maqnaa Illaah uga baryaayay inuu
caafiyo gacaliyaheeyga.
4 sacadood kadib ayuu isoo wacay iina
sheegay inuu gaaray goobtii wadaadka. 2
maalin kadib waxaa lasoo sheegay
Libaan xaladiisa ineey kasoo dartay
waxaan isdhahay aad meesha Libaan
joogo balse aniga maanan garaneyn.
Habeenki ayuu isoo wacay isoo aad u
xanuunsanaayo wuxuu igu yiri waan
fiicanahay isagoo niyada ii dhisaayo
balse runtaa waxeey eheed inuu aad u
xanuun sanaayay “ Sacdiyo macaneey
aad ayaan kuugu xiisay xagaaga inaan
mardhow imaado ayaan rabaa”
“Aboowe aad ayaan kuugu xiisay
naftigeeyga” Waxaan Libaan dareemay
markuu ila hadlaayay ineey ilin kasocoto
anigana waan is celin waayay.Habeenku
ila hadlaayay subaxdeedi 9:00AM waxaa
lasoos sheegay inuu dhintay Libaan.
Markaan maqlay dhimashada
gacaliyaheeyga sidaan dareemay Ilaah
unbaa garanaayo runtii maahan mid aan
kasii faleeyn karo.
Libaan iyo aniga waxaan eheen kuwo
iskufahmay nolosha marnaba dhicin inuu
qilaaf nasoo dhax galo.wax
dhameeystiran lama wado helo sababtoo
ah jaceylka libaan iyo aniga oo dhankasto
ka siman ayaa iscalfan waayay. Waxaan
Illaah uga baryayaa Libaan inuu janada
kawaraabi Markaan dhintana uu illa
kulansiiyo.
Bil kadib walaalkeey wuxuu kayimi
Sweden si uu iiwado balse aniga go’aan
waxaan ku gaaray inaan u laabto
Kismaayo,Somalia waxaana ibadashay
walasheey.
SACDIYO WAXEEY WAQTIGAN
KUNOOSHAHAY MAGAALADA KISMAAYO
MEEYSANA GUURSAN. WAXAAN HAYAA
ADDRESS-KI LAGALA XIRIIRI LAHAA
WAXEEYNA II SHEEKTAY NOLOSHEEDA
DANBE HADEEY GUURSATO INEEY IIGA
SOO FALEEYN DOONTO
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
Show comments
Hide comments

1 comment:

  1. Runtiii aad baan u murugooday, waan qalbi jilcanahay waana naxariis badnahay ma sheegi karo wxan hada dareeemayo.

    ReplyDelete

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: