QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Showing posts with label ALHAMDULILAH. Show all posts
Showing posts with label ALHAMDULILAH. Show all posts

Monday, May 12, 2014

Qiso Cajiib ah. Cabdallah Bincmah Wuxuu ahaa nin Xubnihiisa Shaqeen waayeen, waxaana noqday Qof Baraalis (mayd) oo kale ah, ma Dhaqaaqi karo, Madaxa Bes buu Dhaqaajin karaa.... Wuxuu is Dhihi jiray waxaad tahay Qofka ugu Xaaladda Xun Dadka, lakiin Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa layiri:- 

Ma lagu Tusaa Qof kaa daran?, Markaas ayuu yiri Haa.Haddaba, waxaa loo geeyey Nin sidiisa oo kale ah, laakiin waxaa uu uga sii Liitay, Ninkaasi ma Hadli karo, wax ma Maqlikaro, Madaxana ma Dhaqaajinkaro.Intaas waxaa ka sii daran waxaa dhacday mar inay Ehelkiisa ay Arkeen asagoo Ooyaya oo ilmo ka socoto markay sii Fiiriyeen bay Arkee Dhiig, markay sii Raaceen dhiiggiina waxay arkeen in Labo Farood ay Go’an tahay waxa Goosteyna uu ahaa Dooli… waayo asagu ma Qaylin karo, Mana Dhaq-dhaqaaqi karo.Haddaba, Cabdallah Bincmah Wuxuu Yiri:- 

Markaas ayaan Ogaaday inaan ku Suganahay Nimco weyn Allaah baana ku mahadsan. Haddaba Walaal, Marna Ma Qiimeesay Faa'iidada ay kuu leeyihiin Gacmahaga, Lugahaga, Indhahaga, Codkaaga, Mar kasta ku Shukri Allaah, Nimcadiisana Xusuusnoow
SII AKHRI QORAALKA

Wednesday, February 5, 2014

الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وبعد
Dad baa waxay ku murmaan had iyo jeer labada waalid ee Nabiga scw ma gaalay ahaayeen mise muslim marka halkan ayaan idiinku soo gud binayaa axaadiis saxiix ah oo uu nabigu scw arinkaas ku cadaynayo, qofka muslimka ahna wuxuu magaca muslim ku mutaystay inuu yahay u hogaan same wixii Allaah iyo Rasuulkiisu scw ay fareen,

wax dood ahna aan ka keenin mar haduu maqlo wixii Allaah iyo Rasuulkiisu scw amreen . Allaah wuxuu yidhi
قال تعالى (فَلْيَحْذَرِ الَّذِينَ يُخَالِفُونَ عَنْ أَمْرِهِ أَن تُصِيبَهُمْ فِتْنَةٌ أَوْ يُصِيبَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ)
Allah Sareeye wuxu yidhi (Haka digtoonaadaan kuwa khilaafaya amarka Nabiga scw inay fitno ku dhacdo ama ku dhaco cadaab kulul)
Haddaba Axaadiista ka hadlaysa xaaladda labada waalid ee Rasuulka waakuwan e bal sifiican aan u wada dhuuxno.
عَنْ أَنَس بن مالك رضي الله عنه، أَنَّ رَجُلًا، قَالَ: يَا رَسُولَ اللَّهِ، أَيْنَ أَبِي ؟ قَالَ: فِي النَّارِ، فَلَمَّا قَفَّى، دَعَاهُ، فَقَالَ: " إِنَّ أَبِي وَأَبَاكَ فِي النَّارِ " رواه مسلم
Anas binu maalik waxaa laga warinayaa in nin uu yidhi Rasuul Allow aabahay xaguu joogaa ? wuxu yidhi Naarta, markuu tagay buu u yeedhay uu yidhi
aabahaa iyo aabahayba naartay ku jiraan. Waxaa wariyay muslim.
Hadaan ogaanay in nabigu scw hadalkaa yidhi ma wax shakiyaa inoo yaal , mase inoo haboon tahay inaan dhahno maya rasuul allow aabahaa waa ahlu janno e ha odhan sidaas, xaasha inaan ku af celino, waxa inoo haboon waxa weeye inaan rumayno .
وقال الإمام النووي رحمه الله في شرح مسلم (قوله ( أن رجلا قال يا رسول الله أين أبي قال في النار فلما قفى دعاه فقال إن أبي وأباك في النار ) فيه أن من مات على الكفر فهو في النار ولا تنفعه قرابة المقربين وفيه أن من مات في الفترة على ما كانت عليه العرب من عبادة الأوثان فهو من أهل النار وليس هذا مؤاخذة قبل بلوغ الدعوة فان هؤلاء كانت قد بلغتهم دعوة ابراهيم وغيره من الأنبياء صلوات الله تعالى وسلامه عليهم وقوله صلى الله عليه و سلم أن أبي وأباك في النار هو من حسن العشرة للتسلية بالاشتراك في المصيبة)
Imaamu nawawi (rx) wuxuu ku yidhi sharxu saxiixu muslimka dhexdiisa (hadalkiisa ah (in nin uu yidhi Rasuul Allow aabahay xaguu joogaa ? wuxu yidhi Naarta, markuu tagay buu u yeedhay uu yidhi aabahaa iyo aabahayba naartay ku jiraan) waxaa kusugan in qofkii ku dhinta gaalnimo inuu naarta ku jiro, mana anfacayso qaraabada uu layahay kuwo xagga allah u dhow, waxaa kaloo kusugan in qofka dhinta xilliga FATRADA kuna dhinta waxay carabi caabudaysay oo sanabo leh, ahlu naarkuu kamid yahay, mana aha in qofkii laciqaabay isagoyna gaadhin dacwadi ka hor, waayo kuwaas waxay ahaayeen kuwo ay gaadhay dacwadii nabi ibrahiim iyo ambayada kalaba , amaanta allah sareeye iyo bad’baadadiisu kor kooda ha ahaato, hadalka uu Rasuulku yidhi: aabahay iyo aabahaaba naartay ku jiraan . waxay ka mid tahay la dhaqankiisa wanaagsan , oo uu ku samarsiinayo inuu la wadaago musiibada.
Waxaa kaluu yidhi nabigu
عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ - رضي الله عنه -، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم: " اسْتَأْذَنْتُ رَبِّي أَنْ أَسْتَغْفِرَ لِأُمِّي فَلَمْ يَأْذَنْ لِي، وَاسْتَأْذَنْتُهُ أَنْ أَزُورَ قَبْرَهَا فَأَذِنَ لِي ) رواه مسلم
Waxaa laga warinayaa abuu hurayrah inuu yidhi wuxuu yidhi Rasuulka allaah Rabigay baan ogolaansho waydiistay inaan u dambi dhaaf way diiyo hooyaday , iimana ogolaan, waxaa kaloon ka oglaan sho dalbay inaan booqdo qabrigeeda wuuna ii ogolaaday. Waxaa wariyay muslim.
عَنْ سعد بن أبي وقاص رضي الله عنه، قَالَ: جَاءَ أَعْرَابِيٌّ إِلَى النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم فَقَالَ: إِنَّ أَبِي كَانَ يَصِلُ الرَّحِمَ، وَكَانَ وَكَانَ، فَأَيْنَ هُوَ؟ قَالَ: " فِي النَّارِ "، قَالَ: فَكَأَنَّ الأَعْرَابِيَّ وَجِدَ مِنْ ذَلِكَ، فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللَّهِ، فَأَيْنَ أَبُوكَ؟ قَالَ: " حَيْثُمَا مَرَرْتَ بِقَبْرِ كَافِرٍ فَبَشِّرْهُ بِالنَّارِ "، قَالَ: فَأَسْلَمَ الأَعْرَابِيُّ بَعْدُ، فَقَالَ: لَقَدْ كَلَّفَنِي رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم تَعَبًا، مَا مَرَرْتُ بِقَبْرِ كَافِرٍ إِلا بَشَّرْتُهُ بِالنَّارِ ) رواه ابن ماجه من حديث عبد الله عمر العدوي رضي الله عنه ، و البيهقي في دلائل النبوه من حديث سعد بن أبي وقاص الزهري ، وصححه الألباني في الصحيحة رقم ( 18 )
Waxaa laga warinayaa Sacad binu abii waqaas inuu yidhi: nin reer baadiye ah baa u yimid Nabiga scw oo ku yidhi : aabahay wuxuu ahaa nin xidhiidhiya qaraabada , oo sidan iyo sidan buu ahaaye xaguu joogaa? Wuxuu yidhi: Naarta ku jiraa. Waxaad moodaa inuu ka xanaaqay reer baadiyihii arinkaas, markaasuu yidhi Rasuulkii Allow aabahaa xaguu joogaa? Wuxuu yidhi meelkasta ood ku marto qabri gaal naar ugu bishaaree. Wuxuu yidhi ninkii reer baadiyaha ahaa baa islaamay kadib, oo yidhi Runtii Nabigu scw dhibbuu igu kalifay,qabri kasta oo gaal oon soo maro naar baan ugu bishaareeyaa. Ibnu maajah iyo Beyhaqi ayaa wariyay waxaana saxiixiyay albani (rx) Saxiixada ka fiiri lambarka ( 18 )
Waxaa dhici karta in qaar daliishadaan xadiis been abuur ah oo sheegaya in Allah usoo nooleeyahay nabiga labadiisa waalid oy islaameen, wuxuu yidhi sheekh albani (rx)
قال الإمام الألباني رحمه الله في الصحيحة تحت رقم (2592)(و قد لا يتورع بعضهم أن يركن في ذلك إلى الحديث المشهور على ألسنة بعض الناس الذي فيه أن النبي صلى الله عليه وسلم أحيا الله له أمه ، و في رواية : أبويه ، و هو حديث موضوع باطل عند أهل العلم كالدارقطني و الجورقاني ، و ابن عساكر و الذهبي و العسقلاني ، و غيرهم كما هو مبين في موضعه ، و راجع له إن شئت كتاب " الأباطيل و المناكير " للجورقاني بتعليق الدكتور عبد الرحمن الفريوائي ( 1 / 222 - 229 ) و قال ابن الجوزي في " الموضوعات " ( 1 / 284 ) : " هذا حديث موضوع بلا شك ، و الذي وضعه قليل الفهم ، عديم العلم ، إذ لو كان له علم لعلم أن من مات كافرا لا ينفعه أن يؤمن بعد الرجعة ، لا بل لو آمن عند المعاينة ، و يكفي في رد هذا الحديث قوله تعالى : *( فيمت و هو كافر )* ، و قوله صلى الله عليه وسلم في ( الصحيح ) : " استأذنت ربي أن أستغفر لأمي فلم يأذن لي " .)اهـ
Wuxuu yidhi Al-imaam Albani(rx) (waxaa la arkaa dadka qaar inayna dhowrsan oo ay u cuskadaan arinkaas, xadiiska caanka ku ah carrabada dadka ee uu ku sugan yahay in nabiga scw Allaah uu usoo nooleeyay hooyadiis , riwaayadna ay leedahay labadiiisa waalid , waana xadiis been abuurad iyo baadil ka ah dadka cilmiga leh agtooda sida Daaraqudni, Joorqani ,ibnu Casaakir , Dahabi , iyo Casqalaani.iyo kuwo kalaba sida ku bayaansan meelahiisa qaar, hadaad rabtana ugu laabo kitaabka(Al-abaadhiil Wal-manaakiir) Joorqani leeyahay ee uu tacliiqiyay dr. Cabdiraxman Al-farawaai(1/222-229) ibnu Jowzina wuxuu ku yidhi kitaabkiisa layidhaa (Al-mowduucaat) ”1/284” (kani waa xadiis been abuur ah shaki la’aan , qofkii been abuurayna waa mid fahan yar, cilmi darrona hayso,waayo haduu cilmi u lahaan lahaa in qofkii ku dhinta gaalnimo ayna anfacayn rumayntiisa marka lasoo celiyo, iskaba daaye ma anfacayso xataa markuu geerida arko, xadiiskanna radin waxaa ugu filan hadalka Allah sareeye( فيمت و هو كافر oo dhinta isagoo gaal ah) iyo qowlka Nabiga scw ee saxiixa ku jira (Rabigay baan idan waydiistay inaan u dambi dhaaf way diiyo hooyaday , iimana idmin)
Wallaah Aclam
SII AKHRI QORAALKA

Friday, August 16, 2013

Nin ayaa maalin maalmaha ka mid ah soo raacey Doon, doontaas waxaa saarnaa, dad aad u fara-badan, doontii ayaa qalib matey, dhamaan dadkii oo idil waxey noqdeen kuwo dhinta, marka laga reebo ninkii maahane..
Xeeb ayuu kusoo gaaray si naf la caari ah, wax dad ah muusan arkin wax caawiya iska daayee.. Rafaad iyo silac fara badan kadib ayaa waxuu bilaabay inuu dhinto daash isaga oo soo aruursaday xaabo. Gaajo ayaa qabatey wuxuu ku dhaqaaqey bal inuu raadsado geed miro la cuno leh, hase ahaatee waxuu dib ugu soo laabtay daashkii oo gubanaya, markaas
buu wuxuu yiri, Allow maxaa sidaan igu gashay.
habeenkii wuxuu seexday daashkii uu dhistay meel aanan ka fogeyn, subixii ayaa wuxuu kusoo kacay qeylada markab soo gaaray goobtii uu joogey... Ragii markabka saarnaa ayaa soo badbaadiyey, markii ay meel dhexe marayaan ayuu ku yiri: War nimanyahaw sidee ku ogaateen inaan joogo  meeshaan..
Waxey ugu jawaabeen anagoo mareyna meel fog ayaa waxaa xaley aragney qiiq iyo holac hawada qabsaday, dabadeed waxaa niri meeshaas qof baa ku dhibaateysan oo u bahaan caawinaad ee ina keena. Sidii ayaan kuugu imaaney, kuguna soo badbaadinay.
Fiiro Gaar ah: Hadaba ILAAHAY swt, wuxuu wanaag kuu soo mariyaa meel aadan filaneynin ee waligaa haku deg degin inaad ka xumaato go,aankiisa. Ninkaan wuxuu ka xanaaqey daashkii laga gubey, balse ILAAHAY swt  waxuu dabkaas ugu badalay, badbaado iyo isaga oo dhulkiisii iyo dadkiisii ku laabtey. Meeqaa dhib nasoo gaara oon ku deg degnaa inaan sabar la,aan is dhiibno, lagana yaabo inuu ILAAHAY swt,  wanaag noo soo wado.
Sidookale waxaad ogaataa, NabiyuLAAHI Yussuf cs, Dhibka iyo rafaadka ay walaalihiis soo marsiiyeen, waxuu ugu badalay in uu noqdo, waziirka masar.
ILAAH swt sabarka hanagu arzuqo.
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: