QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Thursday, September 29, 2016

Qiso Macaan oo dhexmartay nabiga scw iyo adoon Cadaas la dhaho.

Cadaas wuxuu ahaa Wiil Carbeed, oo ka soo jeeda Ashuuriyiintii oo ku noolaa Woqooyiga Ciraaq, Magaalada Naynawa, wuxuu la noolaa Aabihii, Hooyadii, Walaalihii iyo Ehelkiisa kale. Wuxuu Alle ku Manaystay Maskax, Firfircooni iyo Akhlaaq wanaag.

Wuxuu kaga hor maray Dhalintii la Faca ahayd Diintiisa Nasaarada oo uu aad u Bartay iyo Dabaasha Webiga Dijla oo uu aad ugu Fiicnaa.

Waxaa noloshiisii iyo Mustaqbalkiisii bedelay, markay Maalin Koox Xoog waa weyni ka Qafaasheen Duleedka Naynawa oo Adoon ahaan u iibiyeen, waxey Gacaniba gacan ku Wareejiso wuxuu Aakhirkii u Gacan galay Labo Walaalo ah oo ka mid ahaa Madaxda Qureysh Waa Cutba Binu Rabiica iyo Shayba Binu Rabiica, waxey Geeyeen Bustaan ay Daif ku lahaayeen, halkaasu Sannado badan ku Noolaa oo Beerta uga Shaqaynayey.

Cadaas Maalin waxaa ku soo Kediyey Buuq iyo Qeylo ka taagan Magaalada Daa'if, markuu eegay wuxuu arkay Nin Dhalinyaro ah iyo Nin Gar madoob oo Caruurtii, Dumarkii ay Dhibaayaan oo Dhagxaan kala Daaleen oo Dhiig badani ka socdo iyo Ninkii Dhalinta ahaa oo Dhagaxa isaga Dhigay.

Wuxuu eegay Labadiisii Sayid, waaba iyagoo Ninka Fiirinaayo oo isku leh Asnaamtaan ku Dhaartay waa Muxamed Bin Abdullaah.
wey u Qalbi Dibceen waayo Qaraabaa ka Dhexeysay.

Haddaba, Labada Walaalo Midkood ayaa igu yiri Gacankaa Cinabka ah Xeeradaa ku Rid oo u geey, wax haka Cunee. Haddaba, Cadaas wuu u Caga Fududaaday waayo waxaa Xanuujiyey Dulmiga loo geystay. Cadaas wuxuu yiri Hortiisaan Dhigay, waana sheegay in la igu soo dhiibay. Waxaan eegay Iftiinka Wejigiisa iyo Haybadiisa iyo Dhiiga jirkiisa ku yaal.

Rasuulka Gacantiisa Midig ayuu Cinabkii u Fidiyey, Xabad ayuu soo qaatay oo intaanu Afka gelin yiri:- Bismilaah.

Cadaas wuu la yaabay Kelmadaan, wuxuuna Rasuulka CSW, ku yiri:- Waxaan kaa Maqlay Dadka Magaaladaan ma Dhahaan.
Intaas ka dib Rasuulka ayaa Warsaday Cadaas Dhulkee ka timi iyo Diintee heysataa. Cadaas wuxuu ku jawaabay:- Waxaan ahay Nasraani Reer Naynawa ah.

Rasuulka CSW, ayaa ku yiri:- Waa Tuuladii Adoonkii Fiicnaa ee Yuunis Bin Matta.
Cadaas wuu yaabay!, Walaahi waxaan Naynawa ka imi iyadoon Tobaan Qofna aqoon Xaqiiqdan aad sheegtay. sidee u Ogaatay Yunus Bin Matta adigoon wax Akhrin oo Ummad aan wax Akhrin ka soo jeeda.
Rasuulku wuxuu si Deggan ugu yiri:- Kaasi waa Walaalkay oo Nebi ahaa, Aniguna Nebi ayaan ahay.

Haddaba, Cadaas wuxuu yaqiinsaday inuu Hor joogo Nebiga ay Ciise iyo Injiil ku Bishaareynayeen, intuu ku Foorarsaday ayuu Gacmaha, Madaxa iyo Lugahaba ka Dhunkaday.

Cutba iyo Shayba ayaa is eegay iyagoo Dhahaayo:- Waakaa wuu kaa Fasahaadiyey Cunugaagii, Markuu Cadaas u soo Laabtayna waxey yiraahdeen Cadaas maxaa ku Helay sow Adigii Ninka Madaxa iyo Lugahaba ka Dhunkaday, wuxuuna ugu jawaabay Sayidii:- Dhulka ma joogo Qof ka Khayr badan. waxey isku dayeen iney ka Leexiyaan, laakin Madaxuu ka Ruxay, hadalkoodana waxba kama soo qaadin.

Imaankaa Qalbigiisa u gudbay, wuxuuna yaqiinsaday in Alle khayr la doonay oo u qoray inuu la kulmo Nebigii u Dambeeyey, oo Saaxiibadii ka mid noqon.
Cadaas Alle ha u Naxariisto, Rasuulkana Alle Naxariis iyo Nabad gelyo kor kiisa ha yeelo..

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW IIMAAN SUGAN NASII).
W.Q:- Macoow Ustaad.
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: