Nin shaacir ah baa laga hayaa,”WARANKA DHAAWACYADIISU WEY BOGSOODAAN,LAAKIIN CARABKA DHAAWACIISU MA BOGSOODO “
Hadda madaxdeena maanta ku hardamaya kursiga waxaann u soojeedin lahaa in hadalada la is oranayo aad looga fekaro, yaan maanta oo keliya lagu fekerin in wax lagu kala rito carabka ee hala fiiriyo mustaqbalka dambe saameynta uu ku yeelan doono jiilasha yar yar ee afkiina daawanaya ama u fahmi karta dowladnimaduba iney tahay meel markaas Ninka joogaa uu siduu rabo ka yeelo,kuwa ku heystaana ay qeylo iyo qadaf uga qaataan,
Mudanayaal, waxaa tihiin madax nasiib u yeelatay xili dowladdii iyo dalkiiba uu naga burburay iney xukunka dowladnimada ku soo hormaraan dalkana hogaamiyaan, waxaa leydinka sugayay inaad macalimiin u noqotaan shacabkiina iyo dhalinyarada dagaalada sokeeye ku dhashay {Roll Modal} si ay idinkaga bartaan casharo dowladnimada,nabada,sharciga iyo kala dambeynta ku saabsan.
Lkn maanta nasiibdaro waxey ardeydiinu idinka baranayaan oo kala taageerayaan hadaladiina iyo hab dhaqankiina, iyadoo ay koox walibaana iskala safan tahay dhankii uu jiro odaygoodu, Waayoo waa waxa keliya oo ay soo arki jireen waqtiyadii dagaalada sokeeye.
Tankale, Waa arin loo baahan yahay in uu dalku yeesho mucaarad iyo muxaafid talada ku loolamaya, oo tani waa qeyb ka mid ah badbaadada dowladnimada, sababtoo ah hadii uu hal dhinac dalka iska maamusho waxaa xoogeysanaya dictator-nimada waana halkii aan shalay soo eednay,
Balse dhinaca kale iyadoo leys mucaaradayo oo leys dhaliilayo misna waa in laga wada mideysan yahay danaha guud sida,dalka,dadka,Xasiloonida,Dowladnimada,ilaalinta Sharciyada, dareenka bulshada iyo waxkasta oo wax u dhimi kara wadajirka iyo horu-u-socodka dalka.
Runtii intaan ayaa maanta madaxdiina oo dhan dowlad iyo murashixiinba ceeb iyo taariikh xumo idinkugu filan,shacabkeenana niyad jab iyo quus noogu filan, waayoo hadalada xanafta leh, cagajugleynta iyo ficilada ka soo baxaya dhanka Siyaasiyiinta musharixiinta ah ma aha wax u wanaagsan dhagaha shacab loo tababarayo hanaan dowladeed iyo kala dambeyn, dhanka Madaxda dowladana sida ka muuqata Tanasul la’aanta, isla weynida, aamusnaanta, Caburinta, iyo ka gaabinta howlihii loo doortay, iyaduna waa mid walwal iyo rajo xumo ku beeraysa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidaas daraadeed, hadii shalay la oran jiray shacabku waa dad aan dowlad rabin welina aan u bislaan, Maanta waxaa noo muuqata shacab dowlad iyo nidaam raba iyo Madax dowladnimadii isku heysta oo looga cabsi qabo iney sabab u noqdaan burbur ku yimaada nabadgelyada, heydaha dalka iyo dowladnimadaba, dibna noogu celin kara wadadii qodxaha badneyd ee horey loo soomaray.
-TALO SOOJEEDIN:-
Waxaan talo ahaan ugu soojeedinayaa madaxdeena maanta joogta iyo madaxdeenii shalayba in ugu horeyn dalka iyo dadka loo turo, waana in ciladaha jira aad carabkiina uga wada hadashaan oo aaney dhicin in leydiin kala dab qaado, waa in fursad loo siiyo arintaan garab sadexaad oo lagu kalsoonaan karo, waa in ficilada iyo hadalada lakala adeegsanayo aad looga fiirsado oo aan lagu kala cad goosan, gaar aahaan Siyaasiyiinta Murashixiinta ah waa in ay wax ka badelaan aragtida ay hada ku mideysan yihiin oo ah mid aysan birito ku sii wada socon doonin oo hadii midkood guuleysto ay intooda kale uga hor imaan doonaan, taa bedelkeedana waa iney la yimaadaan hab kale oo ay dhaaliilaha jira ku soo bandhigi karaan oo aaney ka muuqan cakirnaan siyaasadeed,
Si gaar ah waxaan baaq ugu dirayaa MD Farmaajo, RW Rooble, Gudoonka Baarlamaanka, iyo xubanaha kale ee dowlada, waxaana leeyahay Mudanayaal idinkuna waxaa tihiin madaxda maanta dalka hogaamineysa waxaana idin saaran waajib gaar ah oo ka duwan midka saaran madaxda musharixiinta ah ee aad la ficiltameysaan, sidaas daraadeed talada iyo toosinta Qaranka ee aad hada isku koobteen fadlan balaariya oo hadii uu PLAN A idiin shaqeyn waayay ku dhiirada PLAN B lana imaada tanaasul Siyaasadeed, oo iyadoo aaney shisheeye idiin kala gar naqin la fadhiista walaalihiina mucaaradka ah & cid kasta oo lagama maarmaan u ah xaaladdan,waayoo waxaa suurtagal ah hadii la wada hadlo in la helo isfaham yo jawi nabadeed oo fududeyn kara in la qabto doorashooyinka dalka, hadiise labadiina dhinacba ay garashadiinu sidaan tahay iyo in labo daraf lakala taagnaado ilaa inta uu waqtigu ka dhamaanayo, indhihiinuna ay arkaan oo keliya xukunka iyo manaafacaadka ku hoos qarsoon kursiga loo wada ordayo hoostiisa, .......WAXAAD MAANTA BI’ISAAN,BIRI HA U SHALAAYINA .!!
WQ/- Abdulkadir Dulyar.
Maxaa yaab isdabayaal.!!
What is 1xbet korean betting in 2021? - Legalbet
ReplyDeleteSportsbook choegocasino Betting is one of the most popular markets for online betting, and as such, there are many Asian markets that you 1xbet can bet 샌즈카지노 on in 2021.