QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Showing posts with label Hooyo Macaan. Show all posts
Showing posts with label Hooyo Macaan. Show all posts

Monday, May 12, 2014

Qofkii aanan Qiimeeynin Qiimaha Nolashiisa ay Hooyadiis ku leedahay Ma helo Asagana Qof Qiimeeya Qiimaha Nolashiisa!Wiil Dhaqtar aha ayaa waxaa uu Doonay Gabar,Kadib markii ay ogaatay Duruufta Wiilka uu ku Noolyahay ayaa waxay ku xirtay Shardi midkaas oo ah In Maalinta Xaflada ay dhacayso in aysan Hooyadiis imaan xaflada!!Wiilkii Dhalanyiradii ahaa Arinti wax uu ka suubiyo ayuu garan waayay waxa uuna la tashaday Wiil Saaxiibkiis ah Aabihiis ahaana Macalin Jaamacada wax ka dhigo intabadana asaga ayuu la tashan jiray waxii talo ahana waa uu ka qaadan jiray...Markii uu Arantii uga waramay uu dhaqagaystay ayuu waxa uu Wiilkii way diiyay maxay tahay Sababta ay Shuruuda ay kuugu Xirtay?

 waxa uu si Xishood leh ugu jawaabay oo uu yiri: Aabahay waxa uu dhintay Aniga oo Sanad Jira, Intaas waxii ka dambeeyay waxaa isoo korisatay Hooyaday waxay masruufkayga ka soo saari jirtay Dadka ayay dharka u dhaqi Jirtay waxa ka soo galao ayay igu masaruufi jirtaya islamar ahaantaasna waxbarashadaydana ay ka bixin jirtay...Waxaas oo dhana waxay ahaayen wax la soo dhaafay! mana rabo Dhib in ay Nolashayda ku noqoto!! hadana waxaan rabaa in aan Aniga Mustaqbalkayga dhisto! Macalinkii ayaa waxa uu ku yiri Wiilkii waxaan kaa rabaa in dalab yar aad ii suubisid, markii aad suubisidna aan Bari mar kale isku soo laabano, maxay tahay buu yiri, waxa uu ku yiri: Maanta markaad Guriga tagdid waxaa suubisaa Hooyadaa labada gacmood in aad u dhaqdid, Sidii buu suubiyay mar'allaale markii uu si tartiib ah u bilaabay in uu u dhaqo Gacmaha Hooyadiis ayaa waxaa ka soo daadatay ilmo, Muuqaalka Gacmaha Hooyadiis iyo sida ay u egyihiin!!! waxayna aheyd markii uu ugu horeeyay ee uu Fiiriyayay amaba taabtay gacmaha Hooyadiis waxa dhaawac iyo Nabar ka soo gaaray Dhar'dhaqida darteed!!

Mar'allaale markii uu sidaas u dhameeyay Hawshii maba uusan Sugin Maalintii labaad waxa uu Taleefoonka ku wacay Macalinkiisii waxa uuna ku yiri: Aad baad u Mahadsan tahay waan gaaray Go'aankaygii Hooyadayna marna kuma Doorsanayo Maalin,Sababtoo ah Cumrigooda oo dhan bay waxa ka dooratay Mustaqbalkayga...

Qofkii aanan Qiimeeynin Qiimaha Nolashiisa ay Hooyadiis ku leedahay Ma helo Asagana Qof Qiimeeya Qiimaha Nolashiisa
SII AKHRI QORAALKA

Waxaa la yiri Waqtigii Rasuulka CSW, inuu jiray Wiil
Dhalinyaro ah oo la yiraahdo Calqamah, Wuxuu
ahaa mid aad ugu Dadaala Daacada ilaahey,
Salaadda, Soonka iyo Sadaqada, Wuu Jiradey
waxaa aad u Adkaatay Jiradiisa, Xaaskiisa ayaa
waxey u tagtay Rasuulka CSW, waxeyna ku tiri:- Rasuulkii Alloow:- Ninkeyga Calmaqah wuu Jiran
yahay, waxaan dooney inaan ku Ogaysiiyo
Rasuulkii Ilaahayoow Xaalkiisa. Rasuulka CSW, Wuxuu u direy Cammaar, Suhayb
iyo Bilaal wuxuuna ku yiri:-


 uTaga oo Shahaadada u Qabta, wey Aadeen, Guriga ayeyna ugu Galeen,
waxey Arkeen asaga oo Harjadaya oo ay Naftu
Dhibeyso, waxey u Meeriyeen Towxiidka ( ﻻﺍ ﻪﻟﺍ ﻻ ﻪﻠﻟﺍ ) Carabkiisu ma awoodin inuu dhaho, waxey u
Cid-direen Rasuulka CSW, iyagoo u Sheegaya
inuusan Carabkiisu karin Shahaadada, 
Wuxuu yir:-
Nabigu CSW:- Labadiisa Waalid mid ma Nool yahay?. Waxey dhahen:- Rasuulkii Alloow, Hooyo Da’ ah,
ayaa dhashay. Kolkaas ayuu Rasuulka CSW, yiri
Hooyada ha leeygu yeero, Kuna dhaha hadaad u
tagi kartid Rasuulka CSW, ayaa kuu baahan, haddii
kale Gurigaga Joog ilaa uu kuu yimaado, wuu u
Tagey wuuna u Sheegay Aqbaartii Rasuulka CSW, waxeyna tiri:- Nafteyda Naftiisa waan ku
Furanayaa, Anigaa mudan inaan u Tago Rasuulka
CSW.. Wey Cuskatey oo waxey ku Istaagtey Ul, waxey u
Timid Rasuulka CSW, weyna Salaantey, wuuna ka
Qaaday Salaanta, wuxuuna ku yiri:- Hooyadii
Calqamah Run ii sheeg Hadaad Been ii Sheegtid
Waxyi baa Alle Xagiisa ka imaan:- See ahaan jirey
Xaalka Wiilkaaga Calqamah?. Waxay ku tiri:- Rasuulki Alloow wuu Salaad
badnaa, wuuna Soon badnaa, wuuna Sadaqo
badnaa. Ka din wuxuu Rasuulka CSW, ku yiri:-
Xalkaagu waa Sidee Adiga? waxey tiri:- Rasulkii Alloow waan ka Carays nahayIsaga. 

kolkaas ayuu yiri Rasuulka CSW:- Sabab?.
waxeyna tiri:- Xaaskiisa buu Dhankeeda u badnaa,
wuuna i Casin jirey. Rasuulka CSW wuxuu yiri:- Carada Hooyada
Calqamah ayaa ka Dabooshey Carabkiisa
Ashahaadada. ka dib waxaa uu yiri:- Bilal soco oo ii
keen Xaabo badan. Kolkaas ayey tiri Hooyada
Calqamah:- Rasuulkii Ilaahayow maxaad ku
Samaynaysaa Xaabada?. 

Wuxuu yiri Rasuulka CSW:- Hortaada ayaan ku Gubayaa. waxey tiri:- Rasuulkii Alloow Qalbigeyga ma
Awoodo in aad Wiilkayga Dab ku Gubto Aniga
hortayda. Wuxuu yiri Rasuulka CSW:- Hooyadii Calqamaay
Cadaabta Alle ayaa ka Daran, Hadaad Rabtid inuu
Ilaahey ka Raalli noqdo, Adigu Raali ka noqo,
Ilaaheyga Nafteyda ay Gacantiisa ku jirtaan ku
Dhaartaye waxba Tari meeyso Salaadiisa, Soonkiisa
iyo Sadaqadiisa, haadii aad adiga ka Caraysan tahay. Waxey tiri Umu Calqamah:- Rasuulkii Alloow waxaa
Marag ka ahey Ilaahay Sareeye, Malaa’igtisa iyo
Muslimiinta waxa jooga halkaan inaan Raali ka
ahey Wiilkayga Calqamah. Intaas ka dib Rasuulka CSW, wuxuu yiri:-

 Bilaal u Tag oo soo Fiiri inuu Awoodo Shahaadada iyo in
kale? waxaa Suurto Gal ah iney Hooyadaa
Calqamah ku Hadashey Qalbigeeda waxaan jirin oo
ay iga Xishootay Aniga.
Bilaal wuu u tagey wuxuu maqley Calqamah oo ku Dhawaaqaayo Towxiidka
(ﻪﻠﻟﺍ ﻻﺍ ﻪﻟﺍ ﻻ ), Bilaal ayaa soo Laabtay wuxuu yiri:- Carada Hooyadiis ay ka Carootay ayaa Carabkiisa u
Diidey inuu Ashahaato, Raali markey ka Noqoteyna
waa kaas Dhahey. intaas ka dib wuu Dhintay. Isla maalinkii waxaa yimid Nabiga CSW, wuxuu
Amray in la Dhaqo oo la Karfano, kadib wuu ku
Tukadey, wuuna ka Qeyb galay Aaskiisa, ka dib
buu yiri:- Qabrigiisa agtiisa asago taagan
(Muhaajiriin iyo Ansaareey Qofkii ka Fadila
Xaaskiisa Hooyadiis (micnaha qofkii Xaaskiisa ka weyneeyo Hooyadiisa) waxaa Korkiisa ahaatay
Nacallada Ilaahey iyo tan Mala’igta iyo tan Dadka
Dhamman, Ilaahey ka Aqbali maayo Wax yar oo
Wanaag ah ilaa uu u Towbad keeno Alle kor
ahaaye, uu u Samafalo Hooyadiis, uu Dalbo Raali
ahaanshaheeda, Ilaahey Raali Ahaanshihiisa waa iney Raali kaa tahay Carradisana waa Carradeeda. Wabillaahi Towfiiq.

(ALLOOW HOOYO ADDUUN & AAKHIRABA
DEMBIGEEDA DHAAF).
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: