QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Wednesday, January 29, 2014

QISO CAJIIB AH: Wanaaga uu leeyahay, qof muslim ah oo aad u ceeb asturtid.

Imaam Tujiyo Masaajid weyn oo ku yaalo dalka Suuriya ayaa wuxuu jameecadiisa u sheegay Shan sano ka hor Qiso Cajiib ah oo ku Dhacday. Imamka ayaa sheegay in Habeen Habeenada ka mid ah uu Riyo ku arkay Nabiga CSW, isagoo u sheegay inuu Ninka Deriskiisa ah u Sheego inuu isaga Nabiga CSW uu Jannada Deris kula noqon doono.

Subaxdii markii la tukaday ayuu Imamkii u tagay ninkii deriskiisa ahaa ee fariinta uu uga siday Nabiga CSW, Wuxuuna u sheegay inuu fariin uga sido Nabiga CSW, balse uusan u sheegaynin fariintaas ilAa uu u sheego waxa uu Suubiyay ee uu ku Muteystay Darisnimada Nabiga CSW ee Janada.

Ninkii ayaa diiday inuu Imaamka u sheego waxa uu Suubiyay, Hase ahaatee Imaamkii ayaa asna Dhaartay oo u sheegay inuusan Fariinta Gudbinaynin ilaa uu u Sheego waxa uu ku Muteystay Jaceylka iyo Darisnimada Nabiga CSW. Ninkii ayaa dabadeedna ka Codsaday Imaamka inuusan Dad kale u Sheegin waxa Sirta ah ee uu u Sheegi doono. Imaamkii ayaa Arrintii aqbalay.

Intaasi ka dib Ninkii ayaa bilaabay sheekadii, waxeyna u dhacday sidatan:- Waxaan Guursaday Gabar, Aniga oo u heysta inay tahay Bikro. Reerkeedana sidoo kale ayay Aaminsanaayeen. Hase ahaatee waxa Dhacday markii aan Aqal Galnay inaan Ogaado inaysan Bikro ahayn, balse

ay Uur Afar Billood ah leedahay. dabadeedna waan Xanaaqay, aad ayaana Arrintii uga Xumaaday.

Hase ahaatee maanan Furin, cidna uma sheegin Xumaantii Gabartaas, Gabartiina Waxaan u Sheegay inaan u Ceeb Asturi doono, waxaana ka Codsaday inay Ilaahay SW, ay u Towbad keento. Taladii ayay Qaadatay, Cafis ayay Ilaahay SW, weydiisatay, Anigana in badan ayey igu Shukrisay maadaama aan u Ceeb Asturay, waxayna noqotay Gabar Taqiyad ah oo Ilaahay SW aad uga Cabsata.

Waxaan ka Guuray Xaafadii aan Deganeen si aan ugu Ceeb Asturo oo aan loo Ogaanin inay Uur leedahay, maxaa yeelay hadaan Aniga Uurkaas Sheegto Dadka ayaa Yaabilahaa, haddii ay Shan Bilood oo kaliya ka dib Canug ay Dhali laheed oo 9 bilood ah. intaasi ka dib Waxaan Degnay meel aanan nalaga Aqoonin, dabadeedna Saq dhexe ayaan ugu yeeray Umuliso iyadoo ka Dhalisay Wiil.

Wiilkii ayaan ku Duubay Go’ weyn oon lahaa, ka dibna Salaadii Subax ayaan Aaday Masajidka Aniga oo cidna aysan ii jeedin. Markaas ayaan Wiilkii Albaabka dhigay. Dabadeedna Gudaha ayaan iska galay. Dadkii Salaada u yimid ayaa Arkay Wiilka meesha yaalo oo Habaartan Bilaabay. Waxaan iska Dhigay Ruux aanan waxba ka Ogeyn markaas Dadkii meesha isugu yimid ayaan ku iri:- Wiilkan Miskiinka ah ee meesha lagu Xooray Aniga ayaa Qaadanaayo.

Dadkii ayaa ii Duceeyay iyagoo u Maleeyay inaan waxba ka Ogeen. Xaaskeygii ayaan u keenay Wiilkeedii, una sheegay inay Ilaah SW ay Dembi Dhaaf weydiisato oo aysan Cunugeedana Dhib u geysan. Haweenaydii weli waxay ku Sugan tahay Taqwo iyo Oohin Alle SW.

Dadkaygii waxaan u sheegay in Xaaskayga Canugii ka soo dhacay iyadoo Shan Bilood ah, ileen 5 bilood ayaan is Qabnaa, balse Xaaskeygana waa 9 bilood. Hase ahaatee waxaan inta u Raaciyay inuu Ilaahay SW uu Canugii naga Dilmay uu noogu Badalay Wiil kale oon Masaajidka ka soo Qaadanay. Dadkiisii ayaa haddana u Duceeyay. Ilaahaygii Abuurtay, iyo Xaaskeyga oo kaliya ayaa Ogaa wax walbo oo aan Suubinaayey.

Haddabaa, Ninkaas u Ceeb Asturkaas Xaaskiisa ayuuna ku Muteystay Jannada iyo Darisnimada Rasuulka CSW. Meeqa Anaga naga mid ah ayaa u Ceeb Asturi lahayd Gabar aan Guursanay oon Ceeb ku Aragnay? Ciyaar ma aha Ceeb Ssturka, ileen Ilaahay SW ayaaba la baxay: AS-SATTAAR (Qariye, Daboole ama Ceeb Asture).

Meeqa ayaan Xumaan iyo Ceeb Suubinaa ama aan ku Kacnaa, haddana Ilaahay SW noo Ceeb Asturaa? Ka waran haddii mar walbo oo aan Xumaan ku kacno uu na f\Fashili lahaa Eebbe? Dadka oo loo Ceeb Qariyo waxa lagu helaa Ridaha Ilaahay SW, maadaama Eebe Naftiisa noo Ceeb Asturo.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALOOW JANADA NABIGA CSW, DERIS NOOGA YEEL, YAA RABBI).
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: