QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Showing posts with label Qiso Cajiib ah.. Show all posts
Showing posts with label Qiso Cajiib ah.. Show all posts

Thursday, September 29, 2016

Cadaas wuxuu ahaa Wiil Carbeed, oo ka soo jeeda Ashuuriyiintii oo ku noolaa Woqooyiga Ciraaq, Magaalada Naynawa, wuxuu la noolaa Aabihii, Hooyadii, Walaalihii iyo Ehelkiisa kale. Wuxuu Alle ku Manaystay Maskax, Firfircooni iyo Akhlaaq wanaag.

Wuxuu kaga hor maray Dhalintii la Faca ahayd Diintiisa Nasaarada oo uu aad u Bartay iyo Dabaasha Webiga Dijla oo uu aad ugu Fiicnaa.

Waxaa noloshiisii iyo Mustaqbalkiisii bedelay, markay Maalin Koox Xoog waa weyni ka Qafaasheen Duleedka Naynawa oo Adoon ahaan u iibiyeen, waxey Gacaniba gacan ku Wareejiso wuxuu Aakhirkii u Gacan galay Labo Walaalo ah oo ka mid ahaa Madaxda Qureysh Waa Cutba Binu Rabiica iyo Shayba Binu Rabiica, waxey Geeyeen Bustaan ay Daif ku lahaayeen, halkaasu Sannado badan ku Noolaa oo Beerta uga Shaqaynayey.

Cadaas Maalin waxaa ku soo Kediyey Buuq iyo Qeylo ka taagan Magaalada Daa'if, markuu eegay wuxuu arkay Nin Dhalinyaro ah iyo Nin Gar madoob oo Caruurtii, Dumarkii ay Dhibaayaan oo Dhagxaan kala Daaleen oo Dhiig badani ka socdo iyo Ninkii Dhalinta ahaa oo Dhagaxa isaga Dhigay.

Wuxuu eegay Labadiisii Sayid, waaba iyagoo Ninka Fiirinaayo oo isku leh Asnaamtaan ku Dhaartay waa Muxamed Bin Abdullaah.
wey u Qalbi Dibceen waayo Qaraabaa ka Dhexeysay.

Haddaba, Labada Walaalo Midkood ayaa igu yiri Gacankaa Cinabka ah Xeeradaa ku Rid oo u geey, wax haka Cunee. Haddaba, Cadaas wuu u Caga Fududaaday waayo waxaa Xanuujiyey Dulmiga loo geystay. Cadaas wuxuu yiri Hortiisaan Dhigay, waana sheegay in la igu soo dhiibay. Waxaan eegay Iftiinka Wejigiisa iyo Haybadiisa iyo Dhiiga jirkiisa ku yaal.

Rasuulka Gacantiisa Midig ayuu Cinabkii u Fidiyey, Xabad ayuu soo qaatay oo intaanu Afka gelin yiri:- Bismilaah.

Cadaas wuu la yaabay Kelmadaan, wuxuuna Rasuulka CSW, ku yiri:- Waxaan kaa Maqlay Dadka Magaaladaan ma Dhahaan.
Intaas ka dib Rasuulka ayaa Warsaday Cadaas Dhulkee ka timi iyo Diintee heysataa. Cadaas wuxuu ku jawaabay:- Waxaan ahay Nasraani Reer Naynawa ah.

Rasuulka CSW, ayaa ku yiri:- Waa Tuuladii Adoonkii Fiicnaa ee Yuunis Bin Matta.
Cadaas wuu yaabay!, Walaahi waxaan Naynawa ka imi iyadoon Tobaan Qofna aqoon Xaqiiqdan aad sheegtay. sidee u Ogaatay Yunus Bin Matta adigoon wax Akhrin oo Ummad aan wax Akhrin ka soo jeeda.
Rasuulku wuxuu si Deggan ugu yiri:- Kaasi waa Walaalkay oo Nebi ahaa, Aniguna Nebi ayaan ahay.

Haddaba, Cadaas wuxuu yaqiinsaday inuu Hor joogo Nebiga ay Ciise iyo Injiil ku Bishaareynayeen, intuu ku Foorarsaday ayuu Gacmaha, Madaxa iyo Lugahaba ka Dhunkaday.

Cutba iyo Shayba ayaa is eegay iyagoo Dhahaayo:- Waakaa wuu kaa Fasahaadiyey Cunugaagii, Markuu Cadaas u soo Laabtayna waxey yiraahdeen Cadaas maxaa ku Helay sow Adigii Ninka Madaxa iyo Lugahaba ka Dhunkaday, wuxuuna ugu jawaabay Sayidii:- Dhulka ma joogo Qof ka Khayr badan. waxey isku dayeen iney ka Leexiyaan, laakin Madaxuu ka Ruxay, hadalkoodana waxba kama soo qaadin.

Imaankaa Qalbigiisa u gudbay, wuxuuna yaqiinsaday in Alle khayr la doonay oo u qoray inuu la kulmo Nebigii u Dambeeyey, oo Saaxiibadii ka mid noqon.
Cadaas Alle ha u Naxariisto, Rasuulkana Alle Naxariis iyo Nabad gelyo kor kiisa ha yeelo..

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW IIMAAN SUGAN NASII).
W.Q:- Macoow Ustaad.
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, September 17, 2016

14 september 2011 arbaco abare 7:0- 8:0 habeenimo waxaan ka soo baxay xarunta shaqada radio gaalkacyo oo aan ka tirsanaa aniga oo ku sii jeeday gurigayga waxaan soo raacay oo isoo qaday agaasimihii waqtigas maamulka xarunta hayay Ader abdulaahi xirsi cadde oo gaadhigiisa aan soo raacay si uu ii soo dhaweeyo madaama waqti habeena ahayd shaqadana ku daahay.

Xogaa markaan soo soconay waxan adeer ka codsaday inuu igu dajiyo laamiga dheer aaga suuqa si aan u lugeeyo inkasta oo uu isku dayay inuu igu qanciyo in uusan meesha igu dajin haddana anna ka sii codsaday oo rabay inaan halkaas ka lugeeyo oo aana sii dhibin wuuna iga aqbalay meshii baana isku macsalamaynay iyo inaan bari shaqada imaan doono haduu alle idmo si markas howla xarunta quseeya u xalino.

Markii aan socday muddo ka yar 10 daqiiqo waxaa la iga soo wacay radio risaala muqdisho oo aan wakiil wareed u ahaa si aan u siiyo haddi news jiro lkn waxan u sheegay inaan meel mugdiya gali rabo oo aana telka ku sii hadli karayn sidii buuna iga qancay wiilkii studio war qabadka joogay habeenkas.

Intaas ka dib maxa dhacay?

Waxaan soo jaray laamigan ku socday si aan ugu leexdo jid kale oo aan xaafada u sii mari lahaa inkastoo uusan agaas ka dhawayn gurigeeno haddana waxan halkas u soo maray inaan kala badasho jihooyinka xiliyada aan shaqada aado iyo markan ka soo baxo markaan luuqa soo galay waxaa isoo wacay agasimihii oo iwaydinayay arrima la xariira waraysiyo shaqada quseyay su'aashii u horaysay markaan ka jawaabay waxaan dhankayga midig ka dareemay saan culaysa waxana hilmaamay in qof taleefoonka iigu jiro waxana qalbigayga ku jeediyay halka aan sharqanta ka dareemayo isla inta aana eegin gadalkayga waxaan hortayda ka arkay qof qaba dhar cad cad oo dhabarkiisa i xigo baskooladna la soo baxay waxaan dareemay in wax sahlan aysan socon haddana ma jirto meel aan kaga baxayo khatarta aan ku suganahay wuxuna qofkii kuriday xabad masjid iga horeeyay oo dad taagnayeen xiligaana aha bacdal salaada cisha waxaa iigu xigtay qof kale oo maas garaatiya oo jaakad qaba oo isna isku kay raacashay magacayga iyo xabad baskoolad ka soo baxday oo madaxa la iiga waday alle mahadiis xabadii madaxa uu iiga waday waxay iiga dhacday gacanta midig oo aan isaga dhigay, intaas kadib waxaan go'aan ku gaaray wixii awoodayda inaan sameeyo ma awoodo waxaan orad ahayn intaan nafta iga bixin ama meel halisa la igu dhufan waxaan durba ku dhaqaaqay inaan ordo haddana xabaduhu wa igu socdan majirto ciidan ama meel aan ku ordayo oo aan badbado ka radinayo balse waxan is leeyay kolba ku dhimo meel meydkaaga laga arkayo isla waqtigaas halkan ku soo ordana ah laamigan soo jaray daqiiqadihii is badalay.

Intaan ordayo xabadkasta oo jirkayga ku dhacda way iga sii baxaysa waxana hortayda ku arkaya iyaddo holcaysa sida dhinbil dhuxul ka duulaysa gacantu waa i jabantahay xididadeeduna banankay yaalan mida jaban ,caloosha waxan ku wada hayaa gacanta midix oo aan uga dhigay xadhig.

Xabadii 5naad baa igu dhacday intaan lugaha iyo madaxa ka ahayn jirkaygu kama fiyooba waxaan kari la ahay inaan sii ordo badbaadase alla haya waxaa iga istaagtay rasaastii labada gees iiga imanaysay kaliya rajadan qabana ah inaan laamiga imid oo qof socda aana arkayn meesha waxaa ku yaala maqaxiyo shaaxa laga cabo cashoyinka fududna laga cuno balse dhawaqa rasasta oo aad ugu dhaw baa laga sii kala cararay oo qofkasta is leeyahay ka dheerow waxa soo socda oo aysanba ogayn in aan badbaado raadis ahay.!

Waxan isku tiirshay darbi maqaaxi aan soo ag maray markii hore oo dhalinyaro ciyaaro ku dawanayeen isla markiiba waxaa isoo baxay 2wiil oo dhalinyara oo aad u baqaya kalsooni baddana ku qabin inay isii ag joogaan waxay eegayan halkaan ka soo orday waxayna ayagoo geesaha fiirinaya i waydiinayan qofka xabaduhu ku dhacen adiga miyaa anna jawabtaydu waa haah!

Way i fariisiyeen mana sii hayo xasuus sidaas u badan oo durba waan is badalay waxaan niyadayda ku si danbaysa kolba hadda dhimato sidee laguu ogaanayaa ? Hooyaday oo aan aad u jeclahay ayaan ka walwalaya marka ay maqasho waxa dhacay haddana aan ku ogahay qof samir baddan.

Intaan meeshas aalay waxaa soo buux samay dad baddan oo qofkasta doonayo inuu ogaado waxa dhacay iyo inaan noolahay awoodaydu ma dhama inaan dadka sii dhagaysto ama eego xitaa aan aad u sheegto waxaan rabo hadalkaygana lama maqli karayo ilaa aad la iigu dhaweeyo dhagta maahane.

Gabadh aana magaceeda iyo wajigeeda aana aqoon baa cod dheer ku dhahaysa gabadha meesha ka qaada muslim ma tihiin miyaa iyo walaal ashahaado intaba waan maqlaya ashahaadku afkayga kama bixin ilaa aan baskooladaba arkay oo alle swt baa i haleelsiyay alxamd.

Buuq iyo su'aalo baddan kadib waxaa isoo qaday walaalihii meesha is kugu yimid oo rag u badna waxay igu sidaan gacmahooda oo ma jiro wax gaadhiya ay wataan ama meesha marayay xiligaas ilaa ay iga soo gaarsiiyeen meeshan awal kaga soo dagtay gaariga ader abdulaahi oo ah laamiga hal boolaha u ah magaalada waxana ku ag dhaw dukaamo gacanacsi qaarkood lagu hor gado khaatka xiligas waxaa ku sugna dadka jaadka gada waxayna kala kulmeen in hooyooyinkii halkas ku sugnaa ay wiil darawala ku dhahan qaad gabadha dadku waxay is waydiinayan ma dhimatay qof jawaab dhaba ka bixin karayana kuma jiro kaliya markaan soo qadnay way noolayd bay odhanayan dhalinyarada gacmahoda igu siday khayr baddan allaha siiyee.

Dadku waxay i waydinayan awaye dadki ku dilay magaranaysay iyo su'aalo xitaa haddan ka jawaabo aysan waxba ka qaban karayn markas sabato ah maahan askar qaarba dhahaya haddan qaadno amay dadki dilay jidka kale nooga soo baxan tasina waa cabsi kale oo bulshada i kor dhooban haysa aniguse horan ugu balan qaday inaan dartood dhiigayga u daadinayo aana la wadagayo wanaaga iyo dhiiri galinta ugana baqanayn xaqiiqda qof iibsaday naftiisa kana fogaday alle swt ku faanaya inuu dilayo qofkii aan sheegin wuxuu rabo.

Hooyaday markan shaqada adayo adbay u walwali jirtay dhawr mar waxay igu tiri is ka daa shaqadan wana dareen ku dhashay markay aragtay hanjabado isoo garaya la igu leeyahay waxaa tahay gaalo waxad u shaqaysa gaalo raaciin adigana waa lagugu jana tagaya goor aan fogayn markasta waxan u dira taleefoon si aan ugu sheego inaan nabad qabo meshan joogana waan la wadaga waxan la ahay saxiib iina suurta galisa inan is fahano in naddan duco ayayna iigu kaalmaysa xilikasta.

Gaadhigii waa iso qaday waxana la i kenay spitalka wayn ee gaalkacyo inta aan xaladahas u soo marayo helida gar gaar caafimaad warkii wuxu gadhay waalidkay iyo walalaahay oo geeri loogu sheegay doonaya inay soo arkan meydkayga halkuu yaalo oo logu shegay.

Walashay iyo walalkey baa la xadhiidhay xarunta radio gaalkacyo si ay warkaas u xaqiijiyaan lkn maba jirto cid og oo wax walba kadis bay ku dhaceen idaacadana waxaa ka baxaya barnaamijka faqidaada radyaha oo aan soo duubay jahwareer kadib waxaa arrinta loo shegay qayb kale oo bahdan wada shaqaynaynay ah meel shaaxa laga caba ku sugnaa waxayna toos usoo adeen spitaalka oo ay noqdeen dadkii iigu horeyay oo aan wajiyadooda arko markii qaybta gar gaarka dag dag la i keenay.

Waalidkay waxay ku war galiyeen inaan noolahay waxayna wiilashii iigu soo galeen qolkii aan ku jiray oo aysan jirin wax la ii qabtay qolka hal wiil oo meelu wax ka bilaaba aan ogayn una haysta in waxa igu yaala tooray yihiin ayaa ku sugan wuxuu ku canaanaya wiilasha naga aamusa gabadha waxba ma qabto tooray baa ku taala iyo hadalo kale balse ayagu warkaas kuma qanacsana inaan hadli karayo bayna arkayan waxaan u shegay in dhiig igu socdo una bahanahay gar gaar waxaan ku iri "yaana meesha silic ugu dhiman oo aan uga dan lahaa inaysan dhaqaatiir joogin xiligaas ana intaan hadli karayo sheego xaalkayga wuxuu ku suganyahay".

Dadaal ay sameyeen bahdii saxaafada oo garab iyo gaashanba ii ah waxa la ii gudbiyay spitaalka GMC Gaalkcyo Medical Center si aan u helo daryeel caafimaad oo lama huran ay tahay , xaladaydu hadba dhinac bay u liicaysa oo markasta waxan soo jeesanaya anoo hawa kale ku jira oo sida qof miyir doorsamaya noqonaya alle mahadiis

Waxaa la isaray raajooyin dhaqtarkuna wuxuu u sheegay asxabtaydi shaqada in la igu samaynayo qaliin dhanka caloosha isagoo sharaxaad ugu daray waxyabaha imaan karaya iyo hadi ay yimadan filashadu waxay tahay mahad jama koronto iyo rooble xasan abdi ayana saalada ila galay waxan indhaha kala furay dhaqtarka oo i leh xoriyo adeer seetahay iyo ashaado waxan mahad ka codsaday inuu hooyo ii la hadalsiiyo wuuna iga yelay waxan iri hooyo ha walwalin waan caafimaad qaba waxay iigu jawaabtay hooyo laba daarood tii alle kuu qoray allaha kuu fududeyo anoo daremaya in ay murugo badan ka muuqato telkana mahad aya la wareegay waxan u raacshay yaan aabe loo sheegin waayo abahay ma joogin dalka waqtigaas lkn waqti hore bay gaartay aqbaartu anase moog.

Cirbadii suuxdinta ayaa la igu dhuftay waxana bilabanaysa xal u helida caafimadkayga ku dhawaad 2saac haddaysan ka badnayn ayaan dhawac ahay wana rajada koowad ee aan leenahay aniga iyo inta iga naxaysa in markan spitaal lagu kalsoonyahay aan ku suganahay.

Waxaan soo naxay waqti danbe oo indhahaygu qabteen iyadoo ay i garab taganyihiin bahda saxaafada gobolka mudug , sidookale waalidiintay ,walaalahay iyo dad kale oo baddan baa iyaguna spitaalka soo buux dhafshay xamdi alle mudo yar waan ka bogsooday dhaawici iyo xanuunkii isoo maray.

December 28 2011 xaalad caafimaad baa la iigu qaaday magaalada nairobi ee wadanka kenya.

Qofkasta markay wax ku dhacaan wuxuu ka&nbsp; dhintaa ama ka wanaagsamaa waa maskixiyan in alle i badbaadiyay ka sakoow waxaan qiraya inaan ku caafimaday dhiiri galintii ay har iyo habeen ila taagnayeen walaalahay saxaafada mudug , Bulshadayda qiimaha baddan ee wanaaga jecel oo aan iyaga wax ku noqday dhalinyarada iyo dhamaan wax garadkii qiima badna ee ila wadaagay dareenkoodi.

Gunaanad.

Mahad oo dhan allaha wayn ee ifka na keenay bay u sugnaatay.

Intaan noolahay marna kama baxayan xasuustayda halyeeyadii habeen iyo malinba ii taagna isiyay naftooda ina huray noloshooda oo ugu horeeyo my dhaqtar Dhagacade iyo dhamaan bahda caafimadka (GMC )allaha idinka abaal mariyo wanagad ii gashen abalkinana ma gudi karayo.

Sidookale dhakhaatiirta kala ah

Dr burhan cali geelle
Dr Salaax
Dr bashiir ali biixi
Dr Maxamed Jamac salaad
Ban mahad balaadhan u celinayaa

Madaalayasha bahda saxaafada mudug oo aya guna ii ahaa dawooyinkaan ku ladnaaday la aantoodna aanan helen caafimadkas iyo farxadi qalbigayga ku dhigantihin wallahi.

Mamulkii gobalka mudug ee waqtigaas uguna horeyay
Maxamed Yuusuf Jamac tigay
Said abdi faarah
Farxan ali xaad
Iyo afhayeenkii hore galmudug Axmed Baasto

Wasiiradii iyo laamihii amaanka ee igu soo booqday Spitaalka iyo dhamaan bulshaydeena qiimaha baddan ee aan rabin dulmiga iyo xad gudubka u taagan hormarka dalka adbaan idin kaga mahad celinayaa garab istaagiini.

Waxaan isagana u mahad celinayaa
Safiirki soomaaliya u fadhin jiray kenya Mohamed Ali americo
Wariyaasha sida waanagsan iigu soo dhaweayay nairobi waqtigii caafimaadka la
iigu qaaday uguna horeeyan walaalahay Abdiqafar axmed shire
Mohamed ahmed ilkacase
Mohamed gaarane aadan
Gabdhihii iyo wiilashii kalsoonida i tusay jazakumullahu kheyr.

Ururka dhalinyarada galmudug nairobi oo xaflad xasuus iyo kalgacayla iyaguna ii sameyay idinma ilaawin dhamaantiin allaha idin xafido walaalayaal.

Ururka saxafiyiinka qaranka soomaaliyeed wanaag iyo sharaf baan idiin hayaa idinkana

Waxaan alle u waydiinaya naxariis iyo danbi dhaaf walaalihii naga geeriyooday ee dhiigya cabeenadu dileen annagana gadaashood kuwa fidnooba alle nagama dhigo.

Waan u dhiman dalkayga iyo dadkaygaba kamana ganban doono runtu waxay tahay kumana shaqeeyo eex qabiil iyo qof jeclaysi mana aaminsani wax dheer soomaalinimo i yadaa i deeqda hadday ku deeqday u halgan ciida iyo calankaba.

Gobonimo ku dhimo intaad nacamlays ku lumid lahayd.
SII AKHRI QORAALKA

Friday, September 16, 2016

Waan hubaa hadii aad aqrisato inaad
ilmeeneysid.


 Sacdiyo waxeey eheed gabar
kunool magaalada Kismaayo gaar ahaan
xaafada calanleey
Waxeey eheed gabar qurux badan jecelna
wax barashada aadna u fur furan.
Walaalkeed oo joogay Sweden ayaa
soowacay waalidkii una sheegay Sacdiyo
ineey imaato Nairobi si uu uga kaxeeyo.
Hassan oo ahaa Sacdiyo aabeheed ayaa
u sheegay sacdiyo ineey dhowaan u anba
bixi doonto dalka kenya kadibna kasii
aadi doonto Sweden. Sacdiyo ayaa timi
boosteejada laga soo anba baxo ee
kutaala wadada Somali Star ee xaafada
Calanleey. Sacdiyo ayaa sidan ku
biloowday shekadeedi.
1/8/2008 waxeey eheed maalinta aan
kasoo anba baxaayay magaalada
kismaayo anigoo usoo kici tamaayay
magaalada Nairobi.waxeey eheed markii
iigu horeeysay ee aan dalkeeyga Hooyo
dibada uga baxaayo waxaana
dareemayay culeeys kasoo ahaa inaan
katagaayo qoyskeeyga iyo asxaabteeyda.
Waxaan nimi boosteejada Hoyadeey
Sahro ayaa aad iigu ooysay, ilinta
kasocotay Hooyadeey sahro waxeey
eheed mid aan la’ooyay.eyadoo ii
raacisay “Hooyo Illaah hakunabad geeyo
Meel dadka dhaxdooda ahna seexo”.Goor
eey tathay 5 galabnimo ayaan kasoo
anba baxnay magaalada Kismaayo.
Waxaan gaariga dhaxdiis isku baranay
Libaan oo ahaa wiil isagana usoo socday
magaalada Nairobi. Libaan aniga oo kale
muusan eheen horey ayuu u tagay
Magaalada Nairobi. Libaan wuxuu
noqday wiilka kaliyah ee aan gaariga iska
dhax fahanay. Maalin ayaa gaari nooga
jabay tuulada Qooqaani. Intaan safarka
kusoo jirnay naxariisyo badan ayaan ka
dareemay Libaan taas oo xagiisa inta
badan isii jiidan jirtay. Habeen iyo maalin
gaariga nooga haleeysnaa qoqaani aniga
iyo libaan sidii qof iyo hooskiisa ayaan
isku daba soconay anigoo inta bada
kawareeysan jiray Xaladaha Nairobi.
Rakaabka aad ayeey u daalanaayeen
dhaqso ayeey seexdeen balse aniga iyo
Libaan sheeko ayaan ku gaarnay 4
habeenimo. Intaan safarka soo eheen
anig iyo Libaan iskumeel ayaan wax
kuwada cuneeynay iskumeel ayaan
gaariga kawada fadhiisaneynay taas
eyadoo jirto wali Libaan xad gudub iguma
uusan dayin. Kadib waxaan nimi dhobleey
isla galabkiina kasoo anba baxnay.

Waxaan nimi xerada qoxootiga ee
xagardheer waxaana joognay maalin
Libaan ayaa ina geeyay xaafad uu lahaa
adeerkiisa.
Subaxdii danbe 8:30 AM ayaan kasoo
baxnay xagardheer anagoo Nimi Nairobi
6:15 PM.
Aniga maanan kala garaneeyn waxaan
wacay Numberka abtigeey waxaana u
sheegay inaan nabad imi Nairobi uuna
iigu imaado boosteejada gaariga. Libaan
ayaa igu yiri
“ Sacdiyo barashadeena, safarka miyeey
ku koobneed”
“Aboowe maya, barashadeena marabo
ineey halkan ku ekaato numberka
Abtigeey qoro waad iga heli kartaa”
Habeenki daal ba’an ayaa I haayay waan
iska seexday wixii kadanbeeyay waxaan
had iyo jeer niyada kuhayay Libaan
anigoo iska xasuusan jiray hadaladiisa
iyo quruxduu eebe siiyay. 

sadax maalin
kadib goor habeen ah waxuu libaan soo
wacay numberkii Abti si uu iila hadlo.
Habeenki waxaan ka codsaday inuu ii
yimaado waliba si dhaqso ah. libaan
igama uusan diidin wuxuuna iigu
jawaabay “Birito ayaan kuu imaanayaa
waxaana isoo wadaayo wiil walaalkeey
ah” Niyada ayaa iidagtay madaama aan
maqlay Libaan codsiika iyo xaalada uu
kusugan yahay. Wixii intaa kadanbeeyay
wuxuu qalbigeeyga ii sheegay inaan
Libaan jeclahay. Libaan iyo wiil lasocday
ayaa ii yimadeen maalintii danbe anigoo
mar mar dareemayay inaan aamusay oo
aan libaan kumaqanahay sida uu u
shekeeynaayay iyo bulsho nimada
kamuuqatay. Waxaan ka qortay
numberkiisa banaanka gurigana uga soo
haray. Waxaan abtigeey ka codsaday
telephoneka wuuna iga aqbaly.
Habeenki 8 fiidnimo ayaan wacay
“Aboowe haye xaaladaada kawaran”
“Abaayo fiican, adiga side tahay”
Markaan is wareeysanay kadib ayaan
Libaan kacodsaday inuu marlabaad ii
yimaado madama uu isaga xafadeeyda
yaqaano anigoo u raaciyay “ Libaan
maalintaas oo dhan anaad ila jogeeysaa”
Maalintaas gabar habaryarteey dhashay
ayaan kacodsaday ineey eyadana ii
timaado waxaana rabay ineey wiilka
libaan la imaan doono iga mashquuliso
intaan libaan la sheekeeysanaayo. Malin
qamiis ah goor eey tahay 2:00 PM ayaa
waxaa isoo wacay Libaan iina sheegay
inuu xaafada usoo dhoowyahay.


 waxaan
usoo dhoweeyay ninkeeyga inuu yahay
camal anigoo u diyaariyay qado iyo guri
shekada ku qurxoon. Markuu yimi ayaan
Qado u geeyay isaga iyo wiilki lasocday.
Markeey qadadeyeena nasteena ayaan
Hawo u sheegay ineey wiilka usii
shekeeyso libaan ayaan u bilaabay
sheekada aan kalahaa, anigoo uga
bilaabay “ Libaan habeenadan
fakarkeeygu wuu batay”
“ Maxaa dhacay jaceyl miyaa gu galay
abaayo ?”
Libaan marnaba muusan iska dhaadhicin
inaan aniga Damac iga soo galaayo oo
wuxuu aad u tixgalinaayay barashadeena
ku xusneed walaalnimo kaliyah. “ Aboowe
wadankan aan ku cusbahay waan ku
cidlooday, taas eyadoo jirto ayaa arin
kale isii heysataa”
“waa maxay arinta kale ee kuheysto
abaayo?”
“Aboowe, wanaagaaga shekadaada
kaftankaaga ayaa ijiitay inta badana
adaan kaa fakaraa”
Libaan wuu naxay,murugana wajigiisa
soo fuushay kuna yiri abaayo aniga
marabou inaan ku qiyaano meshan arimo
cafimaad ayaan u imi weeyna igu
adagtahay taas
“taas wax weeyn maahan aboowe”
“Abaayo Sacdiyo runtii waad istaahisha
nolol iyo jaceyl in lagula qeeybsado balse
ifahan”
Waxaan kala kulmay libaan niyad jab aad
u weyn waxaana ka codsaday
“Aboowe madama aan arintan kusoo
bandhigay adna aad igu gacan seertay ha
gooynin xiriirkeeni saxiibtinimo” “ Abaayo
taas madhici doonto, waxaana kuu
ahaanayaa sidaan horey kuugu ahaa”
Waxaan ii biloobatay nolol adag Fakar iyo
soo jeed ah, waxaan had iyo jeer kafakari
jiray Libaan cuntadii waan waanba
ilaaway, jiifna waxeeyba ila eheed hadaan
jiifsado inaan libaan heli doonin. Qolka
ayaa waxaa iigu imaaday abtigeey iyo
xaskiisa iguna dhaheen waxaa mardhoow
imaanaya walaalkaa balse waxaas iima
cadeeyn oo Libaan oo kaliyah ayaa ii
muuqday. Libaan wuxuu iigu imaan jiray
maalin dhaaf isagoo ii shekeyn jiray
igana qosli siin jiray, xiliga uu ila joogo
fakar ama murug intaba maanan dareemi
jirin.
Maalinti maalmaha kamid ah ayuu Libaan
ii yimi Waxaan u sheegay inaan dartiirs
qabri u dhowahay. Libaan oo eey ka
muuqato murugo ayaa iigu jawaabay
“Abaayo manta Diktoorka ayaan u tagay
wuxuuna igu yiri waxaad qabtaa Cancer-
ka beerka kudhaca”
Wuxuuna ii sheegay Libaan cudurka
haayay taas oo naxdin ba’an igu sii
kordhisay
Libaan oo aan uga bartay farxad ayaa
maalintaas ka arkay indhihiiisa Ilin
(Oohin) ka daadaneeyso, anigoo waan
iscelin waayay waan sasabay una
sheegay aduunkan in lagu wareeynin
uuna iska samro Illaahna baryo. Waxaan
dareemay inaan kasii daray sababtoo ah
xanuunka hayay gacaliyaheyga libaan
wuxuu ahaa mid aan maranaba kuu
niyad dhiseyn. Waxaan ka codsaday
Libaan inuu gurigooda isoo baro si aan
had iyo jeer uga war haayo. Waxaan u
bandhigay Libaan inuu iguursado aana
haduu illaah iga siinaayana aan ubad u
dhalo. “ Libaan aboowe waxaan
go’aansaday inaan isguursano sideed u
araktaa”
“Abaayo miyaad waalatay, waad araktaa
xanuunka Ihaayo adigana guur iyo
waxaan lojoogin ayaad igu soo
hadalqadeeysaa”
“Libaan waa iga dhab waxaan rabaa
inaan Ciyaal aad adiga leeydahay dhalo,
taasi waa ii farxad Waalidkaana waa u
farxad ”
“Abaayo adigana naftaada miyaad
nacday,maxaad kawadaa waxyaabahan
dhan aad sameyneysid”
“Aboowe jaceylka aan kuu qabo ayaa wax
walbo kaween”
Waxaan indhaha Libaan ilbiriqsi walba
soo dhaafayay ilin isagoo markii danbe
hab isiiyay iiguna jawaabay isagoo
ooynaya
“Abaayo, bal fiiri maanta waxaan heystaa
jaceylka duniga ugu qaalisan bulse
cafimaad ma heysto”
“Aboowe waxwalbo weey dhacaan
dulqaad iyo samir badan muuji”
Waxaan go’aan ku gaarnay inaan is
guursano libaan familkooda ayuu u
bandhigay weeyna ka aqbaleen. waxaan
ana Abtigeey u sheegay inaan guursan
rabo uuna war galiyo Hooyo iyo Aabe.
Abti ayaa igu qeyliyay iiguna jawaabay.
“Abti mafiyoowday, walalkaa ayaa
imaanaya barnaamijki aad u timi nairobi
ayuuna hirgalin rabaa”
“Maya abti maanan waalan ee
jaceylkeyga dhulgaalo kuma badalan karo
”
Waxaa isoo wacay hooyo iyo aabe, balse
aniga kama aanan laba labeen go’aanki
aan horey uga gaaray Mustaqbalkeyga.
Abtigeey oo aan gurigiisa joogay markuu
arkay inaan madax adkeeyay igu yiri
“Waa kuma wiilka Abti ?” “Abti waa
Libaan wiilkaan isla soo safri jirnay” Abti
magalada ayuu kasoo maqlay wiilka
xanuunka haayo habeenki markuu guri
yimi ayuu yiri “Abti wiilka inuu xanuunsan
yahay iyo waliba cudurka haayo ma
ogtahay?”
“haa abti waan ogahay inuu libaan
Kansarka beerka qabo” abtii wuu yaabay
gurigiisa ayuuna iska galay. Libaan
waxaan maalin walbo ugu tagi jiray
gurigooda anagoo intaan wado joogno
wax naga maqnaa eeysan jirin farxad
galabki ayaan gurigeena iska soo aadi
jiray Farxada jaceyl ee uu libaan itusay
maahan mid aan iloowi doono waligeey
waalidkiisa waxeey go’aan ku gaareen bil
kadib inaan is guursano aniga iyo libaan
waxaan bilaabatay qaban qaabadi
guurka. Maalin ayuu guriga iigu yimi
Libaan isagoo faraxsan sheeko iyo kaftan
ayaana iska galnay, wuxuu igu yiri “
Malaga yabaa inuu Illaah cudurkan iga
qaado?” “ Haa Aboowe, illaah waxwalbo
wuu awodaa”
Waxaan markasto oo aan tukado Illaah
kabaryi jiray inuu gacaliyaheeyga ii
daweeyo.
Waxaa Libaan Aabihiis uu soo maqlay
inuu jiro wadaad tuulo Nairobi udhoow
joogo daaweeyo cudurada kuna daweeyo
dhirta. Waxaa libaan lagu war galiyay
isbuuca soo sacda in loowadi doono
wadaadkaas. Libaan cudurka haayay
wuxuu ahaa mid aad iyo aad uga xanuun
badan balse wuxuu aaminsanaa jiifka
ineey u darantahay cudurka.
Waxaa ii yimi Libaan oo ordayo wuxuu ii
sheegay wadaad inuu aadi doono
isbuuca soo socdo anagoo sheekadii
wadno ayaa salaadi casar la’aqimay
Libaan wuxuu galay salaad.
Libaan wuxuu Illaah marwalbo kabaryi
jiray cafimaad. Wuxuu waqtiga socdaba
Waxaa lagaaray maalintii uu libaan bixi
lahaa . Libaan wuxuu ii yimi goor fiid ah
abaarihii 7:00 PM wuxuuna igu
wargaliyay inuu birito bixidoono “ Abaayo
birito waan baxayaa waxaana dareemi
doonaa cidlo madamaama aan adiga kaa
tagaayo” aniga waxaan dareemay farxad
iyo naxdin dhinac waxaan iska tusay
gacaliyaheyga oo Illaah idinkii isoo
caafimaadi doono, dhanka kale Isagoo
waxbo laga soo qaban waayo-taas oo
Libaan ku keeni doonto niyad jab.
Habeenki wuu i mac salameeyay isagoo
kaftamayana igu yiri “ Hadaan baxo fakar
iyo cunto kasoon hagalin aniga waan
kusoo noqonaa haduu rabi idmo” gacanta
ayuu iga shumiyay iguna yiri “Guurkeena
waa Bil kadib Illaah waxaan ka baryaa
inuu wiil iga kaa siiyo” aniga hadalka
ayaa igu dhagay markaan arkay Libaan
oo safar galaayo waxaana ku iri “Waan
kuu xiiso doonaa”
Subaxdi danbe ayuu baxay Waxaan intuu
sii maqnaa Illaah uga baryaayay inuu
caafiyo gacaliyaheeyga.
4 sacadood kadib ayuu isoo wacay iina
sheegay inuu gaaray goobtii wadaadka. 2
maalin kadib waxaa lasoo sheegay
Libaan xaladiisa ineey kasoo dartay
waxaan isdhahay aad meesha Libaan
joogo balse aniga maanan garaneyn.
Habeenki ayuu isoo wacay isoo aad u
xanuunsanaayo wuxuu igu yiri waan
fiicanahay isagoo niyada ii dhisaayo
balse runtaa waxeey eheed inuu aad u
xanuun sanaayay “ Sacdiyo macaneey
aad ayaan kuugu xiisay xagaaga inaan
mardhow imaado ayaan rabaa”
“Aboowe aad ayaan kuugu xiisay
naftigeeyga” Waxaan Libaan dareemay
markuu ila hadlaayay ineey ilin kasocoto
anigana waan is celin waayay.Habeenku
ila hadlaayay subaxdeedi 9:00AM waxaa
lasoos sheegay inuu dhintay Libaan.
Markaan maqlay dhimashada
gacaliyaheeyga sidaan dareemay Ilaah
unbaa garanaayo runtii maahan mid aan
kasii faleeyn karo.
Libaan iyo aniga waxaan eheen kuwo
iskufahmay nolosha marnaba dhicin inuu
qilaaf nasoo dhax galo.wax
dhameeystiran lama wado helo sababtoo
ah jaceylka libaan iyo aniga oo dhankasto
ka siman ayaa iscalfan waayay. Waxaan
Illaah uga baryayaa Libaan inuu janada
kawaraabi Markaan dhintana uu illa
kulansiiyo.
Bil kadib walaalkeey wuxuu kayimi
Sweden si uu iiwado balse aniga go’aan
waxaan ku gaaray inaan u laabto
Kismaayo,Somalia waxaana ibadashay
walasheey.
SACDIYO WAXEEY WAQTIGAN
KUNOOSHAHAY MAGAALADA KISMAAYO
MEEYSANA GUURSAN. WAXAAN HAYAA
ADDRESS-KI LAGALA XIRIIRI LAHAA
WAXEEYNA II SHEEKTAY NOLOSHEEDA
DANBE HADEEY GUURSATO INEEY IIGA
SOO FALEEYN DOONTO
SII AKHRI QORAALKA

Monday, November 30, 2015

Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi
Wabarakad Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Wasalaatu Wasalaam Calaa Nabiyanaa
Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca
Allah Ayaan kubillaabaynaa Ee Naxariis
Guud iyo mid Gaaraba Naxariista Allaah baa Mahad u sugnaatay Mahadidilkeed Allihii ina siiyay Nimcooyin badan
Adoomadiisana ku Farad yeelay inay Soo
xajiyaan Adoomo farbadana ay ajiibeen
yeedhmada allah Nabad galyo iyo
Naxariis ha ahato Midkii ina tusay Macaanka Nolasha Midkii aqoonyahano Naga Dhigay Jaahilnimadii inaga saaray
Muuhammed Rasuulullaahi S,C,W intaa ka
dib ikhwaatii fillah Waxaanu idin soo
Diyaariyay Qiso xanuun badan oo ku dhacday
hooyo soomaaliyeed qiso cajiib ah ee
akhrista walaalayaal si fiican u akhrista
waad mahadsan tihin dhamaantiin.


walaalayaal Dhacdadan ayaa ku dhacday qoys
somaliyeed oo ku nool wadanka Australia
waxaana ka shekenayo nin u kuur galay
sida ay wax u dhaceen waxaa uuna ku
bilabayaa shekadiisa sidan subxanallaah
ufiirsada qof noolow maxaa aragtid ku laaban walaahi wax aad la yaabtaan ayaad ku arkaysaan walaalayaal ila
akhrista Arrintan ayaa markii aan maqlay igu noqotay
arrin layaab leh oo aan suurtagal ahayn
ka bacdi waxaan raadiyay sida ay wax
uga jiraan arintan anoo rabo in aan ka sal
gaadho in ay run tahay iyo in kale Haddaba
akhristayaasha sharafta lahow aniga oo baadhitaankeeyga ku soo guuleeystay inay arrintu jirto ayaa waxaa ay dalbadeen
qoyska ay arintu ku dhacday in arintooda
la sheego laakiin aan marnaba
warbaahinta loo gudbin magaca qoyska
ayaga oo kadalbaday warbaahinta in magaca qoyska la baahin Aniga oo tix galin siinaayo codsiga
qooyskaas ayaa waxaa aan jecelahay in
aad idin la wadaago say wax u dhaceen
iyo sida ay qisadu tahay waatan ayada oo
hooyada qoyskaas ka sheekaynayso
ayada oo tilmaamaysa sida wax udhaceen waxay tidhi

SII AKHRI QORAALKA

Sunday, November 29, 2015

Boqorku waxa uu dhalay gabar Allah isugu daray qurux, akhlaaq wanaag iyo waliba diin, waxa loogu wan qalay magaca Maryam. Maryam waxa maalin maalmaha kamid ah ay si lama filaan ah u gaday silsilad dahab ah oo ay lahayd aadna qaali u ahayd si ay Masaajid hor Allah ugu dhisto. Waqti yar kadib masjidkii markii gacanta sidaa looga qaaday waxay ay doontay inay maalin soo fiiriso, shaqaalihii ayaa amar lagu siiyay inay faaruqiyaan masaajidka.  Kadibayay soo gashay oo ay indhaha ka siibtay naqaabkii si ay ugu raaxaysato quruxda guriga ay aaqiro kasii dhisatay. Mid kamid ah shaqaalihii ka shaqaynayay masjidka oo kor saarnaa ayaa lagu ilaaway oo masjidka ku baaqi noqday, waxa uu arkay quruxdeeda kadibna qalbigiisii taagta darnaa markiiba waa uu raacay, gurugiisii ayaa uu ku noqday isaga oo maalinba maalinta ka dambaysay jacaylka uu u hayo inanta boqorku kusii kordhayay illaa uu sariirta dul dhigay oo uu bukaan noqday. Shaqaalahan oo magiciisa la odhan jiray Cali waxa dhashay hooyo da’ ah oo aad iyana u taagdaran, cid kalana aan lahayn isaga mooyaane. Hooyadii ayaa waydiisay Cali: wiilkaygiiyoow sidee laguu hayaa waadigan furaashka ka kici waayaye? Cali: Maamo waxa aan jeclaaday gabarta  boqorku dhalay, waan jeclaaday hadii aan guursan waayona waan dhimanayaa. Hooyadii da’da ahayd iyada oo aad u dareemaysa xanuunka wiilkeeda ayaa ay u jihaysatay dhankii ay ka xigtay inanta boqorku dhalay, waxa ay ku tidhi iyada oo rajo beeshay waxaan kuula socdaa arin aad la yaabi doonto, wiilkayga ayaa ku arkay maalintaad masjididka soo booqatay, waa uu ku jeclaaday adiga la’aantaana masii noolaandoono. Maryam ayaa si qabaw ugu jawaabtay: waan aqbalay. Hooyadii: waan aqbalayaa?!!!!!!! Maryam: Haa waan aqbalay balse hal shardi waa inuu fuliyaa, waa inuu 40 habeen salaatu layl oo aan kala go’ lahayn kadibna diyaar ayaan ahay anigoon wax aduun ah ku xidhaynin. Sidii ayay hooyadii Cali iyadoo faraxsan u baqooshay dhinacii gurigeeda iyo wiilkkeedii oo warkii si dagdag iyo farxad badan ugu sheegtay. Wiilkii oo farxad iyo raynrayn ka muuqato ayaa yidhi marxaba hooyo shardigaa waan fulinayaa. Habeenkii koowaad ayaa taag darri awgeed uu fadhiga ku tukaday, habeen labaad iyo sadexaadkiina sidii oo kale isagoo qalbigiisu ku maqan yahay Maryam.    Cali habeenba habeenka kusii xiga waxa uu usii dhawaanay dhanka Allah isaga oo qalbigiisu ku sii xirmayay Allah SWT oo awood usii kordhaysay. Jacayl kale ayaa qalbigiisa ku abuurmay, waa jacaylka Allah SWT isaga oo uu ka tirtirmay baahidii iyo jacaylkii gabartu. 40 kii habeen markay u dhamaadeen ayaa hooyadii waydiisay goorma ayaynu hooyo u tagnaa inantii boqorka ? Cali: Hooyo macaan wax baahiya oo ina haysaa ma jirto imaka, dhabahaantii waxa aan jecelahay Allah SWT oo ah abuuraha dhamaan dunuda iyo korkeeda, isaga ayaa igu filan. Mansha Allah.. Bal fiiri Allah kacabsiga gabartaas, waxa ay garatay in dawada Cali u baahan yahay ay tahay Iimaan iyo Kalgacalka Allah SWT. Faafi maalin kale ayaad fahmi qiimaha waqtiga yar ee aad ku bixisay faafinta fariintane.
http://qisooyin.daarusalaam.com
ka aqriso qisooyin diini ah
Boqorku waxa uu dhalay gabar Allah isugu daray qurux, akhlaaq wanaag iyo waliba diin, waxa loogu wan qalay magaca Maryam. Maryam waxa maalin maalmaha kamid ah ay si lama filaan ah u gaday silsilad dahab ah oo ay lahayd aadna qaali u ahayd si ay Masaajid hor Allah ugu dhisto. Waqti yar kadib masjidkii markii gacanta sidaa looga qaaday waxay ay doontay inay maalin soo fiiriso, shaqaalihii ayaa amar lagu siiyay inay faaruqiyaan masaajidka. 
Kadibayay soo gashay oo ay indhaha ka siibtay naqaabkii si ay ugu raaxaysato quruxda guriga ay aaqiro kasii dhisatay. Mid kamid ah shaqaalihii ka shaqaynayay masjidka oo kor saarnaa ayaa lagu ilaaway oo masjidka ku baaqi noqday, waxa uu arkay quruxdeeda kadibna qalbigiisii taagta darnaa markiiba waa uu raacay, gurugiisii ayaa uu ku noqday isaga oo maalinba maalinta ka dambaysay jacaylka uu u hayo inanta boqorku kusii kordhayay illaa uu sariirta dul dhigay oo uu bukaan noqday. Shaqaalahan oo magiciisa la odhan jiray Cali waxa dhashay hooyo da’ ah oo aad iyana u taagdaran, cid kalana aan lahayn isaga mooyaane. Hooyadii ayaa waydiisay Cali: wiilkaygiiyoow sidee laguu hayaa waadigan furaashka ka kici waayaye? Cali: Maamo waxa aan jeclaaday gabarta

boqorku dhalay, waan jeclaaday hadii aan guursan waayona waan dhimanayaa. Hooyadii da’da ahayd iyada oo aad u dareemaysa xanuunka wiilkeeda ayaa ay u jihaysatay dhankii ay ka xigtay inanta boqorku dhalay, waxa ay ku tidhi iyada oo rajo beeshay waxaan kuula socdaa arin aad la yaabi doonto, wiilkayga ayaa ku arkay maalintaad masjididka soo booqatay, waa uu ku jeclaaday adiga la’aantaana masii noolaandoono. Maryam ayaa si qabaw ugu jawaabtay: waan aqbalay. Hooyadii: waan aqbalayaa?!!!!!!! Maryam: Haa waan aqbalay balse hal shardi waa inuu fuliyaa, waa inuu
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, November 28, 2015


Qiso Jaceyl oo kaa oohin doonta.
Waa Qiso jaceyl ah oo aad u qiiro badan waxbadana ka faa,ideysan doonta, waxaa soo jeedinaya, ustad Yussuf(RaximahuLAAH).
Posted by Yaranka HASHI AHMED. on Saturday, August 22, 2015
SII AKHRI QORAALKA

Friday, November 27, 2015

Qiso cajiib ah
Odey Duq ah ayaa wuxuu la Noolaay Wiilkiisa iyo
Gabar uu sodog u yahay iyo Cunug yar oo 4 jir ah oo uu
 awoowe u ahaa. Odeyga waxuu ahaa Nin Da’diisu
ay aad u Weyneed, Gacmahiisana way jareenaayeen,
Araga Indhahiisana aad bey u Liiteen. Tilaabadana
way dhibeesey, Markuu Cuntada cunaayana ama uu Cabaayo biyaha, inta badan waxuu ku daadin jirey
Miiska cuntada lagu cuno, awooda Gacmahiisa oo
aad u liita dartood, sidaa darted Wiilkiisa iyo Gabarta
uu sodoga u ahaa oo miiska kula cunteen jirey aad
bey u dhibsadeen Duqa.
“Waa inaa Xal keenaa oo Arintaan ka joojiinaa!” Wiilkiisii ayaa yiri.
Wiilkiisa iyo Gabadhuu sodoga u ahaa waxey u
diyaariyeen miis yar oo gooni loogu bixiyo
Cuntadiisa, si uusan u dhibin mar danbe, xili intooda
kalena ay ku Raaxeesanaayaan miiskii weynaa ee
Rashinka. sidoo kale markaana waxey u Hagaajiyeen Baaquli Dhoob ah si uusan mar kale u
jabinin Alaab danbe.
Markii
ay Fiiriyaan Odeyga dhiniciisa, Mararka qaar
Indhahiisa waxa ka Muuqatey Murug, waxuuna
Dareemaayey in Gooni loo Takoorey.
Cunugii yaraa uu Awoowga u ahaa Xaalada oo dhan Indhaha ayuu ka Fiirinaayey, wax walbana wuu
Dareemaayey.
Habeen kii danbe iyadoo Cashada loo Fadhiyo ayaa
Wiilkii yaraa aad
SII AKHRI QORAALKA

Thursday, November 26, 2015

QISO CAJIIB AH. 
Qisadan waa Mid ka mid ah Qisooyinka ugu Cajiibka badan, uguna soo Jiidashada badan oo ay qoreen Culumada Islaamka, ayaan Maanta idiin soo Bandhigeynaa. Qisadaan oo Run ahaantii noqon doonta mid Dareen Baaxad leh kugu Reeb...ta. Gabar aad u Qurux badneed, Hanaan Wacana ilaahey ku Maneystay ayaa waxaa la Sheegay inuu aad uga Helay Nin ay meel isku Arkeen, Ninkii ayaana aad ula Yaabay Gabadhaan Quruxdeeda iyo Qaabka ilaah u Sameeyay. Ninkaan ayaa isku dayay inuu Gabadhan Xiriir la Sameeyo, si uu ula Sheekeysto, balse marar badan ayey ku Gacan Seyrtay, Iyado ka diiday inuu Hadal la Furto. 

Ninkii ayaa Waddo walba u soo maray siduu mar uun ku Heli lahaa Gabdhaan. Balse Adoonta ilaahey ku Xiran, Quruxdana lagu Maneystay ayaa Go’aankeeda ku Adkeysatay, iyadoo Fursad dhan u Diiday inuu Ninkani usoo Dhawaado. Ninkii ayaa Go’aansaday inuu Kufsado Gabadhan, oo uu Xoog wax uga Qaato, maadaama uu Xeelad wax uga waayey, wuxuuna Xoogay Gabadhii oo aan Raali ka aheyn, wax walbana Qasab ayuu uga Qaatay, Balse Arinka la yaabka leh ee Qalbigaaga Dhaqaajin doona ayaa ah Arinka ay Gabadhani ku Dhaqaaqday intii uu Ninkani Howshiisa watay. Gabadhan ayaa Aragtay in Ninkani uu ka Xoog badiyay, wax ay sameyn kartaana aysan jirin, waxeyna ku Fikirtay waxa ugu Dhow ee Gacanteedu Gaarto iney soo Qabsato, balse
Sheygii ugu Dhawaa ayaa Noqday Dab shidan oo meel Agteeda ah yaalay, Waxeyna Gacmaha la Gashay Dabkii ayadoo Gacmaheeda u Bareertay iney Gubto. Ninkii ayaa Howshiisa Dhameystay, balse markuu ka Istaagay ayuu la Yaabay Ficilka ay Sameysay Gabadhu iyo Sababaha ku Dhaliyay iney is Gubto, waxuuna Weydiiyay Maxaa Sababay? Waxeyna ugu Jawaabtay:- Markii aan Arkay inaad iga Awood Badisay, oo aanan Heynin Waddo kale oo aan isaga kaa Celiyo, waxaan Go’aansaday inaan Gacmaheyga Gubo, si aanan kuu Dareemin, Danbigana aanan Kuula Wadaagin. Arinkan ayaa la Yaab iyo Dhakafaar ku noqday Ninkii, balse Ficilka ay Sameysay Gabadhani ayaa noqday tusaale Cajiib badan, Qalbiga Qofka Muslimka ahna Dhaqaajiya, ayadoo ay Haboon tahay in lagu Cibro qaato
SII AKHRI QORAALKA

Qiso: Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan.


Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan...

Sheekh Cali Dhandhaawi ilaahay ha u naxariistee waxa uu ku yiri Xasuus qorkiisii: 
Dimishiq waxaa ku yaaley masjid wayn oo la yiraahdo Jaamic al tawbah, Waa Jaamic 
wayn oo barakaysan oo Quruxbadan, Waxaa loogu magacaabey Jaamic al tawbah Wuxuu ku 
ooli jirey meel Macaasida lagu sameeyo barigii hore, kadibna waxaa iibsadey Mid ka mid 
ah Boqoradii Qarnigii Todobaad ee Hijriga, Intuu dumiyey ayuu masjid ka dhisey.
Masjidka waxaa Joogi jirey Sheekh ilaa Todobaatan jir ah Magiciisana waxaa la oran 
jirey, Sulaym AL Suyuudi, Dadka xaafadda daganina aad bay ugu kalsoonaayeen wixii ku 
saabsan arimaha diintooda iyo duunyadoodaba way ula noqon jireen, Sheekha waxaa la 
joogi jirey Ardey aad u dhawrsani badan oo aan waxba haysan, Masjidka ayuu ka daganaaa 
Qol, waxaa soo maray ardaygaas Inusan waxba cunin laba maalin, wuxuu cunana ma uusan 
heli jirin, maalintii Sadexaad ayuu is yiri waad dhimanaysaa, wuxuu ka fakarey wuxuu 
samayn lahaa, markaasuu wuxuu Is tusiyey In ay u bannaantahay inuu wax soo xado si uu 
dhimashada uga bad baado.

Sheekh Dandaawi wuxuu leeyahay Qisadan waa Qiso dhab ah dadka ay ku dhacdayna waan 
garanayaa.
Masjidku wuxuu ku yaaley xaafado qadiim ah, guryuhu barigii horena way xidhiidhsanaan 
jireen oo dhinaca ayeey isku wada hayeen, qofkuna wuxuu awoodey inuu guri intuu fuulo 
uu xaafadda dhan isu wada maro.
Ardaygii Masjidkii buu dhakada ka fuuley kadibna wuxuu ku dulsocdey xaafadihii isku 
dhegsanaa, indhihiisu waxay ku dhaceen dumar kadibna wuu ka ill laabtey oo wuu ka 
fogaadey, wuxu arkey Gurigi Cidlo ah oo ay ka so baxayso Urta Karinta cuntada, 

Gaajadii haysey awgeed Sidii bir labta oo kale ayaa dhankii guriga loogu jiidey, 

gurigii buu kor ka dalooliyey kadibna Kijadii buu galey, digsigii dabka Saarnaa ayuu 
ka qaadey daboolka, Mise waxaa kar karaya Baadijaan, Mid buu la soo baxay Kadibna wuu 
qaniiney, Ma uusan awoodin inuu liqo caqligiisii iyo diintisii ba u soo noqdey, wuxuu 
yiri " Acuudu billlaah, Ma anigoo
Daalibul Cilmi ah oo waliba Masjidka degan Ayaan 
guryaha dadka u dhacayaa oo Xadayaa?.
Wuxuu sameeyey ayaa la waynaadey kadibna wuu istiqfaarsadey wuxuu ku celiyey 
Baadijaankii dhergii, kadibna wuxu ku soo noqdey meeshuu ka yimid, Sheekhii Darsiga 
bixinayey buu iska ag fadhiistey isagoo aan awoodin inuu maqlo waxa uu sheekhu 
sheegayo Gaajo awgeed.
Markii Darsigii dhamaadey ee ay dadkii kala dareereen, waxaa sheekhii u timid Haweeney 
is asturaysa Dumarkuna xiligaas Way asturnaayeen, Sheekhii bay la hadashey hadal uusan 
maqlin Ardaygu, kadibna sheekhii baa dhinicii ardayga soo jalleecay kaligiis buu arkey 
inuu ka joogo ardaydii, markaasuu u yeedhey wuxuu ku yiri" Reer Ma leedahay? Ardaygii 
wuxuu yiri Maya" Sheekhii wuxu ku yiri Guur ma doonaysaa? Kadibna wuu aamusey, 
Sheekhii ayaa mar labaad ku celiyey Guur ma doonaysaa? Markaasuu ardaygii ku yiri Yaa 

Sayidii Rooti waxaan siisto ma haysto Maxaan ku guursadaa?

Sheekhii wuxuu ku yiri Haweentani waxay ii sheegtey in ninkeedii uu dhintey 
Magaaladanna way ku cusubtahay, Cidna uma joogto aan ka ahayn Adeerkeed oo Wayn, wuuna 
la socdaa hadda, waxayna dhaxashey gurigii ninkeeda iyo macaashkiisi, waxayna rabtaa 
inay hesho nin ay ku guursato Sunada Rasuulka SCW, Si aysan u kaliyoon, oo aysan 
markaa u damaaciyin Dadka xun xun, ee Ma rabtaa inaad guursato? 

Ardaygii wuxuu yiri Haaah, Haweentii buu waydiiyey wuxuu ku yiri Ninkaan adiguna ma 

rabtaa haween yahay? Waxay tiri haaah, Adeerkeed buu u yeedhey iyo laba markhaati, 
Meherkiina Sheekhii baa ka dhiibey wuxuuna ku yiri Qabso Ninkaaga, Kadibna gacantiisii 
bay qabsatey oo gurigeedii bay la aadey, Markey gurigii gashey Ayeey wayjigii iska 
faydey, Mise waaba Gabadh dhalin yaro ah oo Quruxbadan,Gurigii buu eegey Mise waa 

gurigii markii dhawayd Is lahaa Ka xad baadijaanka, Waxay ku tiri wax ma cunaysaa 

Markaasu yiri haah, jikadii bay gashey waxay daboolka ka qaadey Dherigii waxay tiri 
Cajiib badanaa guriga ayaa soo galay maanta, Ardaygii waa ooyey Qisadiii buu uga 
sheekeeyey, waxay ku tiri tani waa Midhaha Amaanada waxaad ka dhawrsatey inaad cunto 
baadijaan xaaraam ah, ilaahay wuxuu ku siiyey gurigii dhammaa iyo gabadhii lahayd si 
xalaal ah.
SII AKHRI QORAALKA

Thursday, November 19, 2015

[Ruuxii kacabsada Allah SWT Hor Istaaggiisa Wuxuu Mudan Yahay Laba Janno ]

Waa Qiso gaaban dhacdayna waqtiga Nabiga SCW. Qisadani waxay kumagac dheertahay "wiilka yar ee Qabriga kadhex hadlay" .
Waxaa jiray wiil yar oo ahaay mid Laazima masjidka oo salaadba Salaada kale kusuga, wuxuu ahaa wiil Caado kadhigtay markuu salaada Cishaha dukto inuu aabihiisa oo Markaas duq ahaay booqdo.
Habeen Habeenada kamid ah ayaa Inankii yaraa markuu salaada cishaha Uu soo dukaday ayuu dhex wuxuu Lakulmay gabar aad uqurxoon Waxayna kucazuumday xaafadeeda si Uu xumaan ula sameeyo. wiilka yar Damac baa galay wuuna raacay, wuu Daba socday ilaaa ay gurigeedii Kagashay, markuu kadaba gali rabo Gurigeedii ayaa wiilka waxaa kusoo Dhacday aayad aayadaha Qur'aanka Kamid ah aayadaasna waxay ahayd:

(إِنَّ الَّذِينَ اتَّقَوْا إِذَا مَسَّهُمْ طَائِفٌ مِنَ الشَّيْطَانِ تَذَكَّرُوا فَإِذَا هُمْ مُبْصِرُونَ)
Kuwa dhowrsaday hadduu taabto Shar shaydaan waxay xasuustaan Allah SWT oo waantoomaan, wayna Arkaan xaqa ]

Wiilkii yaraa markuu soo xasuustay Aayadaas istaagiisa ayuu kadhacay Oona suuxay, habeenkii seddax Meelood markee meel tagtay ayuu Soo kacay waxaase loo qaaday Xaafadii aabihiis, aabihiis ayaa wuxuu Waydiiyay, " wiilkaygiyoow waa Aayadee aayadaas ood xasuusatay? " Wiilka markuu aayada bilaabay inuu Aqriyo ayuu suuxay marlabaad Naftane way kabaxday.

Cumar Bin Khattaab ayaa maqlay Qisadii wiilkaas wuxuuna go'aansaday Inuu booqdo Qabrigii wiilka wuxuuna kudhahay, " Fulaan Ibnu Fulaan Wuxuuna kudul aqriyay aaydaan (وَلِمَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ جَنَّتَانِ) "

Wiilkii ayaa wuxuu kadhex jawaabay Qabriga dhexdiisa

"قد أعطانيها ربي يا عمر مرتان "
Eebaheega wuxuu jannada isiiyay cumaroow Laba jeer ]
SII AKHRI QORAALKA

Qiso Aad Umacaan

Waxay tiri, waxaan ahaa gabadh dhalinyaro ah waxaan Ku soo barbaarey guri diin leh waxaan gaadhey 32 jir, wiil ayaa isoo dooney markaanu heshiiney ayaa lagu yiri waa Qof wayn oo wakhtigii guurka way dhaaftey caruur badanna dhali Maysee Faraha ka qaad. Waxaa noo yimid nin xagga wiilka Ka socda wuxuuna noo sheegey in arintii ay ka noqdeen, waxay igu noqotey arin adag hase ahaatee waan iska samrey. Waxaan aadey Cimro xaramka barakaysan ayaan Ku soo Ducaystey oo ilaahay soo baryey, kolkii aan Ku noqonayey wadankaygii waxaan diyaaradda isku aragney saaxiibtey iyo ninkeedii oo isla socda iyo wiil kale oo saaxiibtey ninkeeda ay saaxiib yihiin. Kolkii aan nabadnimid wadankii dhawr casho kadib waxaa isoo wacdey saaxiibtey waxay igu tiri wiilkii diyaaradda inala saarnaa ayaa doonaya inuu Ku soo doono, aad baan ugu farxay waanuna heshiiney kadibna waan is guursanney. Markiiba waxaan Qaadey Uur Dhakhtar kana waan diidey inaan u tako si aanan u ogaan waxa calooshayda Ku jira waxa uu yahay, habeenkii umulidda markii la gaadhey waxaa ii yimid hooyadey iyo walaashey waxaan kala qaadey indhaha waxanna waydiiyey ma wiil baa mise waa gabadh, iyagoo ilmaynaya ayeey Dhaheen waxaad umushey laba wiil iyo Gabadh. Wuxuu ninkii hore iiga tagey inaanan ilmo badan u dhalayn ilaahayna waxa uu i siiyey markiiba saddex ilmood oo mataano ah. Qof kasta oo ilaahay isku xidha ilaahay madayacayo wuxuuna ka arsaaqi meel uusan ka filanayn.
SII AKHRI QORAALKA

Wednesday, November 11, 2015

QISO YAR OO CAJIIB AH.

Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu
Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu
Cimraysan jiray, marka ay Sannadka Xajka Gaarto waxa uu
Iibsan jiray Awr, Sannad ka mida Sanadadii Xajka ayuu C/
laahi Ibnu Mubaarak Awrkii doontay, ka hor intaanu Xajka
Tegin, balse meeshii uu Awrka ka Iibsanayay ayuu ku Arkay
Gabar Rifeysa Shimbir, C/laahi Ibnu Mubaarak wuxuu
Weydiiyay Sababta? Waxey tiri:- Waxaan Haystaa Afar
Caruur ah, Odaygaygii waa Hore ayuu Dhintay, Caruurtaydii
waxay Cunto ma Heysato Bakhtiga ayaa u Xalaal ah, Anigu
Buurigaa yar ayaan ugu Shaqayn jiray, kiina wuu Xumaaday
ee ii Hagaaji C/laahi Ibnu Mubaarak wuu Naxay Naftiisa
ayuu Canaantay, Lacagtiina wuu Siiyay.
Sanadkaa Xajkii muusan Tegin Gurigiisa ayuu iska Fariistay
ilaa ay Dadkii ka soo noqdeen Xajkii ka dib Deriskiisii ayuu
Salaamay, wuxuuna ku yiri:- Alle Xajka ha Idinka Aqbalo,
iyaguna waxay ku yiraahdeen:- Adna ilaahay Xajkaaga
Hakaa Aqbalo waa taanu Xajka kugu Aragnee.
C/laahi Ibnu Mubaarak wuu Yaabay Dhowr Qofna sidaas
ayey ku yiraahdeen. Gurigiisii ayuu Tagay Habeenkii Siduu u
Fikiraayay ayuu Seexday, Wuxuu ku Riyooday Rasuulka
CSW, oo ku leh:- Hayaabin C/laahi markaad Lacagta aad
Xajka ku Tegi lahayd Bixisay ayaan ilaahay kuu Weydiiyay
inuu Abuuro Malag kuu Eg oo kuu Xajiya.
Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW XAJ IYO CUMRO NOO SAHAL, YAA RABBI).
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, October 31, 2015

waa qiso ku socoto gabdhaha dhamaantood.

waa qiso dhab ah mudana ina ku cibro qadano wa gabar adoo kale ah
cimrigeeda wuxuu ahaa gabadhaas 20 sano labaatan jir bey aheyd
waxey dhigan jirtay dugisa dhaxe Iyo kuliyad waxeyna ku tukan
jirtay saladaheeda iskuulka dhxdiisawaxey asxaabteeda kula dhaqmi
jirtay dhaqan wanaagsan waxeyna aheyd ardayad wanaagsan
asxaabteeda wey jeclaayeen. side bey u jeclaan weynaayaan
gabadhaas oo kale oo ah mid barakeesan oo quranaka xambaarsan
side bey u jeclaan weynayaan gabadhaas oo kale ayadoo
hadalkeeda oo idil qalbiga dhaqaajinaayo nafyaashana hurinaayo
waxey jecleyd gabadhaasi kheerka hamigeeda iyo fikirkeeda
wuxuu aha sidey saaxibyaasheed kheerka ugu yeeri laheyd
Hamigeeda waxuu gaaray gabadhaas iney ka mid noqoto gabdhaha
Jannada firdoosa dag. Hamigeyda wuxuu kaloo ahaa sidii ay diinta
ufaafin laheyd una gaarsiin laheyd asxaabteeda sidee bey ku toobad-
keeni karan asxaabteyda wey wacdisaa oo u digtaa.
gabadhaasi hadii ay soomantahay iyo hadii kale afkeeda kama
daali jirin ku cel-celinta aqrinta quraanka gabadha hooyadeed
waxey aheyd mid dhahda waa la yaab oo cajiib gabadheyda
wallahi wax badan bey iga ooyisay gabahdeyda xilliyada aan gurgiga
ku sugneen waxey aheyd gabadheyda mid xitaa qadada diida
markii aan weydiiyayna waxey oran jirtay ayadoo ilmeeneesa
Ma aqaano hooyo waxaan leeyahay maanta maan soo arag qof aan
kheer u sheego saaxibadeena igama qaataan wanaaga sida baan u
ooyayaa hooyooy bey tiri gabadhii, hooyadii ba ku tiri gabadheydii .
samir hooyo waad arki toontaa dhaxalka iyo heerka dacwadaada
ay gaarto miyaadan ogeyn allaah inuu hanuuniyo kii uu doono
haka quusan Naxariista allaah samir oo kaliya gabadheydaay.
Gabadheyda waxey aheyd wallaahi thumma wallaahi mid
rabbaaniyad ah hammigeeda wuxuu ahaa dhanka allaah hadalkiida
wuxuu ahaa dhanka allaah dhamaamteed waxey aheyd rabbaaniyad
waxey tiri gabadha hooyadeed ma ilaawo habeenkaan xilli uu Allah i
soo kiciyay sida caadada ii aheyd haafka danbe ee habeenkii.

waxan maqlay cod waxan mooday iney quran iska aqrisaneeso
Balse xaalku waa uu ka duwanaa sidaa oo markaan qolkeedii galay
waa ayadoo taagan Allaah hortiisa oo gacmaheeda kor u taagtay
Taasi waxey aheyd caadada gabadha oo ma aysan cusbeen
laakin waxa igu adkaaday oo la yaabay iguna cusbaa waa markaan
maqlay ducada gabadheydii waa duco aan la yaabay wey ku
celcelineesay ducadaas gabadheyda ayadoo waliba oyneeso
'' ma taqaanaan walaalayaal maxey gabadha ku duceesaneesa
hadaba qoraalka haka daalin sii aqri waa tanaa ducadeeda''

Rabiyood iiga dhig sabab hanuunka saaxibyaasheey iyo toobadooda
gacanteyda ku keen Rabiyoow hadaan darajadaas mudneen
maan ahaadeen daaciyad kulliyadeeda dhexdeeda Rabiyoow
Ha u dib dhigin toobada saxibyaashee danbi ay galeen dartiis ..
waxey leedahay gabadha waalidkeed sanadkii kaas xigay
waxan u safarnay Magaalo kale intaan safarka ku dhex jirnay
gaariga dushiisa booskii yaraa ay ka fadhisay gaabdheyda bay kalasoo baxday kutubkeedii quraanka yaraa ay wadatay
waxeyna bilaawday iney quraank aqriso sida caadadeeda aheyd
si ay waqtigeeda ugu mashquuliso aqrinta quraanka ayadoo
quraanka aqrineeyso baa allaah amarkiiis Gaarigii gadoomay
dhamaanteen waan bad-baadnay illaa ayadii mooyee
Hooayadii baa tiri waxaan raadinay gabadheydii Balse waxaanu
helnay ayadoo meyd ah wajigeedana ka muuqato farxad waliba
dhoola cadeeneesa kuna dhagan kutubkeedii quraanka ahaa
Maxaa ka nasiib wanagsan maxey kheerka is bartay gabadhaasi
kheerna ku dhimatay waxaa u sugnaaday liiban iyo kheer
ilaah waxaan ka baryeena Dintiso ino nagu sugo!!!!
SII AKHRI QORAALKA

Qiso aad U Xanuun Badan.

Gabar ayaa waxay Xaramka ku dhex aragtay maamo weyn
oo ooyeeysa gacmahana kor u taageysaa oo aan ilmada kala
joojineyn
Gabadhii way u timid maamadii oo waydiisay maxaa ku
helay maamo oo sidaan ugu ooyeeysa waxayna ugu
jawaabtay sidaan
Maamo: Waxaan ahaa gabar waxa is guursanay nin kadib
waxaan wada nooleyn mudo 8sano ah waxna maan u dhalin
mudadaas.
Kadib wuxuu guursadey gabar kalle oo alle uu kasiiyay wiil.
Waxaan aha inta kadib mid aad u qalbi jaban oo u
murugeysan.
Labo sano kadib ayaa maalin waxaa dhacday in ninkaygii
iyo xaaskiisi labaad ay safar u baxeen waxaan la iiga tagay
wiilkii yaraa ee ay dhaleen, markii ay sii baxayeen ayaa
waxaan go,aansadey inaan wiilka dilo oo gowraco lkn
intaanan taa ku dhaqaaqin ayaa waxaa ii soo dhacay tilifoon
kaas oo la iigu sheegay ninkaygii iyo xaaskiisi kaleba in shil
gaari ay ku geeriyoodeen.

kadib waxaan ku fikiray in wiilka yaraa aan
silciyo oo silac uu
u dhinto,
waan garaacay waliba garaacis uu waliba la miir
doorsoomay,
waliba isagoo ku dhawaaqaya 'Maamaa Maamaa'
waxaana ku dhextuuray maqasiinka isagoo miirdoorsoomay,
wuu soo naxay saacado kadib isagoo leh 'Maamo Caano'
Hadane marlabaad ayaan garaacay ilaa uu ka
miirdoorsoomay waxaana ku soo xiray maqasiinkii
marlabaad.
waxyar kadib waxaa i qabtay hurdo waan gam ay lkn
waxaan arkay riyo aan ka seexan waayay hurdadaas kadib
waxaan arkay anigoo la i cadaabayo qalbigayga lagu
shubayo dhagaxaan naar ka sameysan gacmahaygana
budhadh naar ah lagu garaacayo.
Marqura ayaan soo booday waxaana maqlay Saqiirkii oo
cod hoose ku leh 'Maamo Biyo'
Anigoo naxsan ayaan biyo siiyay oo Caano yarna u
sameeyay
mudo kadib wuu koray wiilkii wuxuuna ii haystay waligii
inaan Hooyadiis ahay waan guursadey tiro 3 nin oo kala
duwan lkn wax owlaad ah alle ima siin.

Hada waxaan ahay 68 jir isagiina waa 32 jir Maanta qofka
xajka i keenay waa isaga wuxuuna ileeyahay kalimadii
markii aan garaaci jiray uu igu oran jiray ee 'Maama'
Waxaan la ilmeeyaa sida aan yeeli jiray xanuunkeeda iyo
sida uu ii wanaajiyay maanta oo aan cid kale haysan iyo
anigoo u sheegi karin sida aan ku sameyn jiray markuu ahaa
saqiirka 'Yaa allah'
Walliga saqiir yar ha xasdin ama qof bani aadam ahba ma
ogid bari sida aad isku noqon doontaane
Ilaahow Hooyo haka qaadin caruurteeda markay saqirka
yihiin oo koriimo uga baahanyihiin
Aaaamiin
SII AKHRI QORAALKA

Sunday, March 29, 2015

Wiil ayaa Waxa uu Waydiiyay Hooyadii " Hooyo Maxaad la Ilmaysaa? Waxay ugu Jawaabtay Hooyo Waxaan ahay Dumar!..Wiilkii Yaraa ayaa Waxa uu Ku yiri Hooyadiis Hooyo Ma aanan Fahmin!..Laabta ayay Ku Qabatay Waxayna Ku Tiri "Hooyo Waligaa Ma Fahmi Kartid!..
Intaas Kuma uusan Joogsan Wiilkii Waxa uu u Tagay Aabihiis Waxa uuna Ku yiri Aabe " Hooyaday Maxay Sabab la'aan u Ilmaysaa? Aabihii ayaa Waxa uu ugu Jawaabay " Dhamaan Dumarka oo Dhan Waxay u Ilmeeyaan Sabab la'aan!..Wiilkii Waa uu Waynaaday Walina Waxaa Ku Taagan Su'aashii ahayd Hooyaday Maxay u Ilmaysaa!..

Ugu Dambayntii Waxa uu u Tagay Nin Xakiim ah ( Nin Caqli Badan) Waxa uu Ku Yiri Waxaan Ku Waydiinayaa Dumarka Maxay u Ilmeeyaan? Waxa uu ugu Jawaabay:
Dumarka Rabi Waxa uu u Suubiyay Labo Garbood oo Adag Si ugu Qadaan Culayska Aduunyada, Waxa uuna u Suubiyay Labo Gacmood oo Jilic'san Naxariisna Badan Si ay Raaxo ugu Dareemaan, Waxa uu Kaloo Rabi Siiyay Awood Gudaha ah si ugu Dulqaadato Dhalmada, Waxay Kaloo u Dulqataan Ilmahooda Marka ay Waynadaan Marka ay Ku Caasiyaan, Waxuu Kaloo Rabi Siiyay Awood ay ugu Dul'qataa Culays Walba oo Reerka Ku yimaada, Waxay Wax Walba u Hurnaan Ilaalinta Reerkooda, Jaceylka Ilmaheeda ay u Hayso Waa Mid aan Dhamaad lahayn, Hadii Ilmaheedu ay Qalbiga Ka Dhawacaan Kadibna ay u soo Alaabtaan Iyada oo Ilmeenayso Xanuunkii Horana aan Xasuusan ayay Laabta Ku Qabataa!..Runtiina Ma Awoodo in aan soo Koobo, Balse Meesha Kaliya ay Ka Jilicsan yihiin ayaa Waxay Tahay Midaas in ay Sabab la'aan Iskaga Ilmeeyaan, Hadaba Sidaas Darteed Ixtiraam Dumarka Xataa Hadii ay Sabab la'aan u Ilmayso!..
Xiriirka Qarsoon ee Adiga iyo Iyada Idiin Dhaxeeyo Waxa uu Go'aan Marka ayay Aduunyada Ka Tagdo Balse Waxaa Jirkaaga iyo Maskaxadaada Marwalba Ka Dheg Guuxayo Xusuus Joogto ah Ku Noqdo Bini'aadam'nimadeeda Qiimaha Badan, Waxaadna Ogaan Doontaa in Jirkeeda ay Kaa Quudan Jirtay Maalin Walba!..
# Allow Hooyoo'yinkeena Ka Mid Dhig Xuurul'caynta Janada iyo Dhamaan Hooyooyinka Muslimiinta oo Idil_Allahuma Aamin
SII AKHRI QORAALKA

Imaam Maalik Binu Anas RC, ayaa Wuxuu ku Riyooday Malakul Mowt oo Kor taagan, ka dib Wuxuu Weydiiyey: Waqtigeyga Meeqa ayaa ka Karay, Malakul Mowtki Shanta Farood ayuu u Ishaaray. ka dib Imaam Maalik Binu Anas Hurdadi markuu ka Toosay wuxuu ula tagey Riyadii inuu u Fasiro Riyo Fasirkii weynaa ee Maxamed Binu Siirin RC, wuxuuna ugu Fasiray Shantii Farood ee Malkul Mowtku Riyada Dhaxdeeda u Ishaaray inay tahay Shanta Qaybka ee ilahay uun Ogyahay مفاتيح الغيب, Cid kalena aan Ogaan Karin, wuxuuna ugu Fasiray Riyadii Aayadaan Quraanka ah:-
إِنَّ اللَّـهَ عِندَهُ عِلْمُ السَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ الْغَيْثَ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْأَرْحَامِ ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ مَّاذَا تَكْسِبُ غَدًا ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ بِأَيِّ أَرْضٍ تَمُوتُ ۚ إِنَّ اللَّـهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ ﴿سورة لقمان 34
oo Micnaheedu yahay:- Eebbe Agtiisa ayuu yahay Ogaanshaaha Sacadda Qiyaame iyo Roob Di'iddu, wuxuuna Ogyahay waxa Makaanka (Ilmo galeenka) ku sugan, Nafna ma Oga waxey Mudan doonto Berri, Nafna ma Oga Dhulka ay ku Dhiman doonto, Eebbe ayaa Og, kuna Xeel dheer.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAHOOW NAXRIISTAADA NA SII, YAA RABBI).
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, January 24, 2015

QISO DIINI AH~

Akhri oo ku cibro qaado walaalkeyga / walaasheyda muslimka ahow.

Qisadaan waa qiso diini ah oo kudhacday wiil muslim ah oo kalunsanaa jidka rabigiis kadibna Alle ( S.W.T ) kusoo hanuuniyey riyo cajiib ah. Wiilkaan wuxuu lanoolaa qaar kamid ah qaraabadiisa wuxuu ahaa mid kasii jeeday waxyaabaha uu Allaah amray. Kuna siijeeday waxyaabaha uu Allah naga reebay. Habeen habeenada kamid ah ayaa Allaah S.W.T khayr ladoonay, waxa uu hurdadiisa ku arkay isagoo mugdi kudhex sugan, hadana uu usoolaabtay hanuun. Qisadaan waxaa kasheekeeyay wiilka ay qabsatay wuxuuna leeyahay sidaan.

Habeen habeenada kamid ah ayaa waxaan tagay furaashkaya/joodariga sida caadada ii aheyd si aan useexdo, markii aan tegey meeshii aan seexan lahaa ayaa waxaan dareemay wax bini aadam u raad eg oo misna igu soo dhawanaya. Waxaan Allah kaman galay sheydaan dhagartiisa waana iska seexday. Waxaan hurdadii ku arkay shey iidhaw oo hadana aad uyar oo misna samada kasoodhacaya dhulkana kusoo socdo waan yaabay... Waxaan cadayn waayay/sifeeyn kari waayey sheyga waxa uyahay. Waxaan arkay sheygii yaraa o isku dalay "NAAR WEYN " subxaanallah. Oo igu sohobanaysa.
Waan fariistay anigoo walbahaarsan misna raadinaayo shaqsi aan ukaashado masiibadaan. Meel anan arki karin ayay iiga dhawaaqeen waxayna igu yiraahdeen. " Tani waa saacadii qiyaamaha bilaawgeedii. Maalinta qiyaamana weydhacday. Tana waxay kamid tahay calaamadihii ugu horeeyay"
Waan argagaxay!!! Waxaan xasuustay wax walboo acmaal ah ee aan hormarsaday. Haday wanaagsanaan lehed iyo haday xumaan leheed. Waxaan bilaabay qoomamayn midii iigu darnayd. Waxaa isoo fodsaray cabsi iyo walbahaar. Waxaan isweydiiyay " inteed howsha kabilawda? " sideen kubadbaadi karaa?" waxaan maqlay mid dhawaaqaayo oo leh " Maanta ma ahan maalin ay qomamayn wax tareyso waana lagaa abaal marin doonaa waxa aad qabatay.. Xagee baad kusugnaanjirtay xiliyada salaadaha? Maxaad aheyd mid qabta marka ay kuuyimaadaan amarada allah? Ma eheyd nin wanaaga qaato xumaantana isaga taga? Waxaad aheyd mid hilmamay Rabigiisa waxad wakhtiyadaada kulumisay CIYAAR & HEESO maantana waxaad imaan adigoo oo ilmeynaayo kadib markaad aragtay cadaab kaaga " Waxaa sii siyaaday shalaygeyga kadib markan maqlay mid iigu yeeraya cadaabka adag. Waan ilmeeyay illa ay ilmadu iga idlaatay/dhamaatay. Laakiin waxba imay tarin isla daqiiqadaa ayaan katoosay hurdadii waxaan eegay nafsadayda. Way rumeysan weyday riyadaan. Waxaa iga soboday neef weyn waxaa iso wajahday cabsi horleh mana kasuulin in aan baqayo. Nafsadayda ayaa waxaan ku iri " wallaahi baan kudhaartee kani waa digitaan kaaga imadaayday dhanka Allah s.w.t maalinta la isa soo saari doonana waa lama huraan. Maxaad Allah ucaasin ayaan isweydiyay. Miyadan aheyn mid dhex dabaasho wax uu Allaah xarimay? Su,aalo farabadan ayaan kusoo degdegay maskaxdayda umana helin ilaa hal jawaab oo qura. Taasoo aheyd Allaah ulaabasho si maalinka weyn uga badbaado. Waxaa baryay waagii waxaana lagaaray salaadii subax waan tukaday nafsadaydana waxay darentay Raaxo iyo wanaag Subaxdaas. Waan so baxay waxaan koray gaarigayga waxaan egay gudihiisa waxaaba kabuuxo canjelado HEESO ah waan kasaaray dhamaantood waxaana kutuuray melaha qashinka lagu tuuro. Waxaan raadiyey canjelado islaami ah oo wax tar iileh. Xaaladaa ayaan kusugnaa maalin kastana waxan ahaa mid mid kusiidhawanayo wadada hanuunka.

Badanaa tiro dad ah oo kulunsan dhaldhalaalkan dunida ee beenta ah. Oo badana inta ay hilmaamsiisay maalin aan lahilmaami karin maalinkaa oo uu shaqsigu ka cararayo Walaalkiis-Hooyadiis iyo aabihiis- xaaskiisa iyo caruurtiisa, waa maalin maalka iyo caruurtuba aanay waxba taraynin ilaa ruux Allah ula taga qalbi wanaagsan iyo camal suuban mooyaanee.
يفر فيه المرء من أخيه و أمه و أبيه وصاحبته وبنيه، يوم لا ينفع مال ولا بنون إلا من أتي الله بقلب سليم
walaalaheygiyoow miyaaysan eheyn in aan Allah s.w.t aan ulaabano inta aynaan geeriyoon ka hor.. Wabillahi tawfiq.
SII AKHRI QORAALKA

Wednesday, January 29, 2014

Imaam Tujiyo Masaajid weyn oo ku yaalo dalka Suuriya ayaa wuxuu jameecadiisa u sheegay Shan sano ka hor Qiso Cajiib ah oo ku Dhacday. Imamka ayaa sheegay in Habeen Habeenada ka mid ah uu Riyo ku arkay Nabiga CSW, isagoo u sheegay inuu Ninka Deriskiisa ah u Sheego inuu isaga Nabiga CSW uu Jannada Deris kula noqon doono.

Subaxdii markii la tukaday ayuu Imamkii u tagay ninkii deriskiisa ahaa ee fariinta uu uga siday Nabiga CSW, Wuxuuna u sheegay inuu fariin uga sido Nabiga CSW, balse uusan u sheegaynin fariintaas ilAa uu u sheego waxa uu Suubiyay ee uu ku Muteystay Darisnimada Nabiga CSW ee Janada.

Ninkii ayaa diiday inuu Imaamka u sheego waxa uu Suubiyay, Hase ahaatee Imaamkii ayaa asna Dhaartay oo u sheegay inuusan Fariinta Gudbinaynin ilaa uu u Sheego waxa uu ku Muteystay Jaceylka iyo Darisnimada Nabiga CSW. Ninkii ayaa dabadeedna ka Codsaday Imaamka inuusan Dad kale u Sheegin waxa Sirta ah ee uu u Sheegi doono. Imaamkii ayaa Arrintii aqbalay.

Intaasi ka dib Ninkii ayaa bilaabay sheekadii, waxeyna u dhacday sidatan:- Waxaan Guursaday Gabar, Aniga oo u heysta inay tahay Bikro. Reerkeedana sidoo kale ayay Aaminsanaayeen. Hase ahaatee waxa Dhacday markii aan Aqal Galnay inaan Ogaado inaysan Bikro ahayn, balse

ay Uur Afar Billood ah leedahay. dabadeedna waan Xanaaqay, aad ayaana Arrintii uga Xumaaday.

Hase ahaatee maanan Furin, cidna uma sheegin Xumaantii Gabartaas, Gabartiina Waxaan u Sheegay inaan u Ceeb Asturi doono, waxaana ka Codsaday inay Ilaahay SW, ay u Towbad keento. Taladii ayay Qaadatay, Cafis ayay Ilaahay SW, weydiisatay, Anigana in badan ayey igu Shukrisay maadaama aan u Ceeb Asturay, waxayna noqotay Gabar Taqiyad ah oo Ilaahay SW aad uga Cabsata.

Waxaan ka Guuray Xaafadii aan Deganeen si aan ugu Ceeb Asturo oo aan loo Ogaanin inay Uur leedahay, maxaa yeelay hadaan Aniga Uurkaas Sheegto Dadka ayaa Yaabilahaa, haddii ay Shan Bilood oo kaliya ka dib Canug ay Dhali laheed oo 9 bilood ah. intaasi ka dib Waxaan Degnay meel aanan nalaga Aqoonin, dabadeedna Saq dhexe ayaan ugu yeeray Umuliso iyadoo ka Dhalisay Wiil.

Wiilkii ayaan ku Duubay Go’ weyn oon lahaa, ka dibna Salaadii Subax ayaan Aaday Masajidka Aniga oo cidna aysan ii jeedin. Markaas ayaan Wiilkii Albaabka dhigay. Dabadeedna Gudaha ayaan iska galay. Dadkii Salaada u yimid ayaa Arkay Wiilka meesha yaalo oo Habaartan Bilaabay. Waxaan iska Dhigay Ruux aanan waxba ka Ogeyn markaas Dadkii meesha isugu yimid ayaan ku iri:- Wiilkan Miskiinka ah ee meesha lagu Xooray Aniga ayaa Qaadanaayo.

Dadkii ayaa ii Duceeyay iyagoo u Maleeyay inaan waxba ka Ogeen. Xaaskeygii ayaan u keenay Wiilkeedii, una sheegay inay Ilaah SW ay Dembi Dhaaf weydiisato oo aysan Cunugeedana Dhib u geysan. Haweenaydii weli waxay ku Sugan tahay Taqwo iyo Oohin Alle SW.

Dadkaygii waxaan u sheegay in Xaaskayga Canugii ka soo dhacay iyadoo Shan Bilood ah, ileen 5 bilood ayaan is Qabnaa, balse Xaaskeygana waa 9 bilood. Hase ahaatee waxaan inta u Raaciyay inuu Ilaahay SW uu Canugii naga Dilmay uu noogu Badalay Wiil kale oon Masaajidka ka soo Qaadanay. Dadkiisii ayaa haddana u Duceeyay. Ilaahaygii Abuurtay, iyo Xaaskeyga oo kaliya ayaa Ogaa wax walbo oo aan Suubinaayey.

Haddabaa, Ninkaas u Ceeb Asturkaas Xaaskiisa ayuuna ku Muteystay Jannada iyo Darisnimada Rasuulka CSW. Meeqa Anaga naga mid ah ayaa u Ceeb Asturi lahayd Gabar aan Guursanay oon Ceeb ku Aragnay? Ciyaar ma aha Ceeb Ssturka, ileen Ilaahay SW ayaaba la baxay: AS-SATTAAR (Qariye, Daboole ama Ceeb Asture).

Meeqa ayaan Xumaan iyo Ceeb Suubinaa ama aan ku Kacnaa, haddana Ilaahay SW noo Ceeb Asturaa? Ka waran haddii mar walbo oo aan Xumaan ku kacno uu na f\Fashili lahaa Eebbe? Dadka oo loo Ceeb Qariyo waxa lagu helaa Ridaha Ilaahay SW, maadaama Eebe Naftiisa noo Ceeb Asturo.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALOOW JANADA NABIGA CSW, DERIS NOOGA YEEL, YAA RABBI).
SII AKHRI QORAALKA

Wednesday, October 23, 2013

QISO CAJIIB AH.

Nin Reer Miyi ah ayaa Maraayay Meel Buur Agteeda ah, Waxuu arkay Nin Waayeel ah oo Buurta Agteeda Fadhiya, wuuna Indho la’aa, waxaana Ninka Jirkiisa ka Muuqday inuu Qabo Cuduro aad u badan. Waxay u Ekayd in Odaygu aanu sii Noolaan doonin. Qaybo Jirkiisa ka mid ah Dareen ma lahayn, sidaa darteed, Hal Dhinac oo Keliya ayuu u Fariisan karay. Marka Ninkii Reer Miyiga ahaa uu Odayga in yar Gudbau (Dhaafay), ayuu Maqlay Odaygii Maskiinka ahaa oo leh: Ilaah ayaa Mahad leh, Allahii iga Badbaadiyey Cuduro badan oo uu Dadkiisa ku Imtixaamay, Runtiina Alle wuxuu iga Doortay qaar badan oo ka mid ah kuwa uu Abuuray.

Ninkii Reer Miyiga ahaa ayaa ku soo noqday Odaygii, wuxuuna ku yiri:- Walaal, ma wax Alle kaa Badbaadiyay ayaa jirta? Ilaah ayaan ku Dhaartaye Cudur Jirkaaga ka Maqan ma jiro, ee Bal Ilaah ka Bari (Tuug) inuu ku Caafiyo.

Odaygii ayaa Isagoo Dhinac isku Tiirinaayo Ninkii ugu jawaabay:- Walaal, Haddaan heysto Af iyo Carab aan Ilaah ku Xuso, iyo Qalbi aan Ilaaheey ku Xiriiro, maxaa kaloo iga Maqan, Nolosha Qiimaheeda waaba intaas, intaasba Dad aan heysan ayaa Jiro.

Erayadaan ayaa Badalay Ninkii Reer Miyiga ahaa, oo ahaa Nin aan Diinta ku Fiicnayn, Ilaah SW, ayuu u Towbad keenay, oo Dembi Dhaaf Weydiistay, mudadaas ka dibna waxuu ahaa mid Alle ku Xiran.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW NAXARIISTAADA NA SII, YAA RABBI.
SII AKHRI QORAALKA

Monday, October 14, 2013

GAARINIMADA I YO DAACADNIMAD “QISO CAJIIB AH OO DHEXMARTAY SICIID BINU MUSAYIB & ABUU WADAACA...

Qisadan soo socotaa waxa ay dhex martay Siciid Binu Musayib oo ka mid ahaa taabiciyiintii iyo abuu wadaaca.

Guurkii labada dirham

Siciid Bimnu Musayib oo ka mid ahaa taabiciyiintii(raggii asxaabta rasuulak arkay laakiin aan rasuulka naftiisa arag) ayaa waxa uu kitaab u akhriyi jiray dad badan maadaam uu aha sheikh caalim ku ah diinta islaamka.

Abuu wadaaca nin la odhan jiray baa ka mid ahaa xerta ardada ah ee shiikha culuunta kala duwan ka akhrisata,maalin maalmaha ka mid ah ayuu abuu wadaaca casharkii iyo masaajidkii aanu imanin.xanuun ku dhacay xaaskiisa awgii ayaanu u maqnaa.

Abuu wadaaca waxa uu ahaa nin sabool ah laakiin asluub,akhlaaq iyo diinba alle(swt) uu siiyey,kuna dhaqma oo ku camal fala diinta.shanta salaadood masaajidka ayuu saful awalk aahaa inta badan.

Siciid binu musayib kolkuu dhawr casho waayey abuu –wadaaca ayuu maalintii dambe yimid oo ka soo qayb galay sidii caadada u ahayd xalqadii waxbarashada ee masaajidka uga socotay.Siciid baa arkay abuu wadaaca kolkaasuu ku yidhi:maalmahadn waad maqnayse maxaa ku helay ,miyaad xanuusanaysay?

Abuu-wadaaca:maya anigu maan xanuusanayn laakiin xaaskayga ayaa xanuusanaysay, xanuunkiina kamay kicin ee waa ay u geeriyootay.

Siciid:oo maxaad noogu soo sheegi weyday intay xanuusanaysay waanu soo booqanlahayn,jinaasadana waanu ka soo qayb geli lahayne’

Abuu-wadaaca:ilaahay baan qorin.

Muddo kolkay ka soo wareegtay geeridii xaaskii

Abuu- wadaaca ayuu maalin kale siciid ku yidhi

Abuu-wadaaca waar ma guursatay?

Abuu-wadaaca:oo yaa gabdh siinaya ninkaygan saboolka ah ee aan 2 Dirham mooyee wax kale haysan?

Siciid waxa uu dhalay gabadh wax ka qiimo iyo qaayo badnayd,diintana aad u baratay oo kitaabka iyo sunnaha rasuulka(scw) gaws-dambeedka ku haysata.

Siciid waxa uu yaqaanay dhaqan wanaaga ,daacadnimada iyo qanaacadda uu Alle(swt) ku manaystay ninkan Abuu-wadaaca sidaas awgeed buu go’aansaday in uu inantiisa siiyo oo u dhiso.

Sidii baanu ugu dhisay siciid inantiisii ninkaas saboolka ah laakiin iimaanku qanjaha joogo,gabadhiina waxa uu ugu meheriyey 2dii Dirham ee uu haystay.

Qisadani waxaynu ka faa’iideysanaynaa in aan gabdhaha nin adduun haysta uun lala raadin ee loo sahamiyo nin diin iyo dhaqan suuban leh oo islaam ah.
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: