QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Showing posts with label Faaidada Cabsida Allaah swt. Show all posts
Showing posts with label Faaidada Cabsida Allaah swt. Show all posts

Thursday, May 1, 2014

Qiso Cajiib ah

Wiil dhalinyaro ah ayaa wuxu dhigan jiray Jaamacada azhar waqti hore, waxuuna wax ka dhigan jiray xalqad sheekh dhigi jiray. c|laahi wuxu kayimid tuulo fog cid magaalada kuma laha hadaba maalin ayuu xalqada sheekha ka habsaamay dabeeto cuntadii ayaa ardaydii sheekha wax ka baran jirtay iska cuneen dabeeto markuu wax uu cuno waayay ayuu suuqa u soo baxay waa intaasoo wax yar uu cuno soo helaaye inyar markuu soo socday ayaa wuxu arkay guri furan oo miis cunto ah dhex yaalo si dag dag ah ayuu gurigii u soo galay cidna ma arkayso markuu cuntadii soo qaaday uu gacmahiisa ku hayo ayuu isdhahay miyaanad ilaahay ka baqanayn halkan miyaanad cilmi u iman cilmiguna waa nuur miyaad cuni adigoon cidii lahayd waydiisan ! 


markaas ayuu iskaga tagay wuxu ku soo laabtay xalqadii sheekha isaga oon waxa cunin gaajo la ildaran cidna aanay ogayn ilaahay mooyaane! dabeeto waxa si dag dag ah sheekhii ugu soo gashay gabadh waxayna sheekhii dhagta ugu sheegtay hadalo uu c|laahi fahmi waayay! markaas ayuu sheekhii dhahay
c|laahi guur diyaar ma u tahay? c|laahi wuxu dhahay maad igu ciyaaraysaa maanta qado casho iyo quraac midna ma cunin sideen u awoodaa inaan guursado! sheekhii wuxu dhahay c|laahiyow gabadhan odaygeedii wuu dhintay waxa ayna leedahay gabadh dhalinyar ah ay iyadu dhashay aabaheed wuxu uga dhintay hanti fara badan markaa waxay rabtaa nin wanaagsan oo hantidaa iyo lacagtaa u ilaaliya? 

c|laahi wuxu dhahay haday saa tahay waa caadi! mudo yar ka bacdi waxa isa soo raacay gabadhii sheekhii c|laahi iyo dhamaan ardaydii ! siday gabadhii u waday waxay keentay gurigii markii hore uu c|laahi cuntada ku arkay! markaas ayuu c|laahi ooyay! dabeeto sheekhii ayaa ku dhahay ma waxad diidantahay guurka? c|laahi wuxu dhahay may sheekhow gurigan mar hore ayaan imid aniga oo gaajaysan waxan arkay cunto miiskan taala markaan gacmahayga ku qaaday ayaa dar ilaahay uga tagay ilaahayna isagii iyo khayrkale oo la socda ayuu dib ii gu soo celiyay"

• subxaanalaah walaal ilaahay ayaa dhahay :

يقـــــول الله تعـــالـــــي " ومن يتق الله يجعل له مخرجاويرزقهً من حيث لا
يحتسب "
• qofka ilaahay ka baqda ilaahay wuxu uyeela wax kasta xal iyo dhinac uu uga baxo waxanu ka arsaaqaa meel aanu ka filanayn •

• ogow adoonkii alow qofka dar ilaahay wax uga taga ilaahayna wuxu ugu badlaa wax ka khayr badan •

• walal ilaahay ha inaga dhigo kuwa markasta khayrka badsada •

• walal ilaahay ha inaga dhigo kuwa dhaxla janooyinkiisa •
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, April 26, 2014

QISO CAJIIB AH.
(Boqorkii ka Cararay Boqortooyadiisii).

Nin Ummadihii Hore ka mid ah oo uu ku sugan yahay Boqortooyadiisii ayaa Fakarey, wuxuuna gartay inuu Boqortooyada ka Dhammaanaayo, waxa uu ku Dhex jirana uu ka Mashquuliyey Cibaadada Rabbigiis, markaas buu Habeen Habeenada ka mid ah ka Dhuuntay Qasriga, wuxuuna ku Waabariistay Boqortooyo kale, wuxuuna Tagey Xeebta, wuxuuna Mushqaayad ku samayn jirey Labanka (Bulukeetiga), wuuna Cuni jirey, Haraagana wuu Sadaqaysan jirey, sidaasna kama Suulin ilaa Arrinkiisa, Cibaadadiisa iyo Fadligiisu gaaray Boqorkoodii.

Markaas ayaa Boqorkoodii u soo Cid diray inuu u yimaado, wuuna Diiday inuu u yimaado, markaas buu ku soo Celiyey, ilaa saddex jeer, wuuna Diiday inuu u yimaado, ka dib Boqorkii wuxuu soo Fuulay Faraskiisii, Ninkii markuu arkay boqorkii ayuu Cararay, Haddaba Boqorkii markuu Arrintaas arkay ayuu ka Daba Orday, mase gaarin.

markaas ayuu Boqorkii u yeeray Ninkii isagoo dhahaayo:- Addoonka Alloow wax dhib ah kuu gaysan maayo, ka dib ayuu Istaagay ilaa uu soo gaaray, markaas ayuu ku yiri:- Yaa tahay Adiga?. Wuxuu yiri:- Anigu waxaan ahay: Hebel hebelkii lahaa Boqortooyada Heblaayo Hebel.
Arrintayda ayaan ka Fakaray, markaas baan gartay waxa aan ku Dhex jiro inay Go’ayaan, wuxuuna iga Mashquuliyey Cibaadada Rabbigeey, markaas baan isaga tagey, halkaan ayaana imid si aan u Caabudo Rabbigeey. Markaas buu yiri Boqorkii:- waxaad samaysay Aniga iigama Baahi badnid.
Intaas ka dib Boqorkii Faraskiisa ayuu ka soo degay, wuuna sii Daayay, ka dibna Ninkii ayuu raacay, si wadajir ah ayayna Allaah SW, u Caabudi jireen, markaas bay Ilaahay ka Baryeen inuu iyaga oo Wadajira Dilo, sidii ayeyna ku Dhinteen iyagoo Wada jira.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW NAXRIISTAADA NA SII).
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, February 1, 2014

QISO CAJIIB AH.
(Ilaaheey ayaan ka Xishooday).

Qisadaan wuxuu Imaamkii weynaa ee Imaam Dahabi uga Sheekeeyey Kitaabkiisa Siyar Al-Axlaam. wuxuuna ku Bilaabey sidatan:- Dad badan ayaa Safrayey galay Xili Habeen ay tahay, markaas ayaa Waqtiga ku Dhacay oo meel Hawd ah (duur) iskaga Hoydeen. Markey isku Diyaariyeen iney Jiiftaan Duurka, ayaa waxaa yimid Libaax, dhamaantood way Boodeen oo Geedka ayey... Fuuleen, markii laga Reebo Hal Nin oo Xiligaas Salaatullayl ku jirey. Libaaxii wuxuu ku kor Wareegtay Ninkii Salaada Tukanaayey, Ninkiina Salaadiisii ayuu iska sii watey, ka dibna Libaaxii isagoon, wax ku Sameynin ayuu iska baxay. Kolkii uu Salaadii Dhameestey ayaa Saxiibadiis ku yiraahdeen:- War Saaxiboow ma waalan tahey sow maadan Arkeynin Libaaxa? Adigana waad iska Taagan tahey, maka Baqeysid miyaa inuu ku Cuno?, Markaas buu ku yiri Saaxiibadiisa:- Wallaahi waxaan ka Xishooday Ilaahey, oo Anigoo Hor taagan Rabbigeyga inaan ka Cabsado, Khalqi ka mid ah Khalqigiisa.

(ILAAHOOW IIMAAN SUGAN NA SII, YAA RABB
SII AKHRI QORAALKA

Monday, October 14, 2013

MARWALBA ALLAAH TALO SAARO.
***Sheeko Qalbiga Taabaneysa****

Gabar ayaa habeen waxay ku soo daahday xaafada ay daganeyd gabar kale oo ay saaxiibo yihiin, kadib way soo baxday, intii ay wadada mareysay ayey cabsi dareentay maadaama ay wadada cildo aheyd, waxayna talo saaratay Allaah, wax yar kadib waxay aragtay nin geed horteeda ah ku gambanaya way naxday waxay Allah ka barisay inuu badbaadiyo ayadoo ducooyin badan afka ku heysa ayey si tartiib ah ninkii u ag martay, gurigeedii ayeyna si nabad ah ku tagtay.

Subixii ayey waxay maqashay in wadadii ay soo martay geedkii ninku ku jiray agtiisa lagu dilay gabar, xiliga uu dilka dhacay waa qadar 10 daqiiqo camal kadib markii ay meesha martay,

Waxay dareentay in ninka dilka geystay uu yahay kii ay soo agmareysay, si ay police-ka ugu sheegto ninka tilmaantiisa ayey aaday saldhiga.

kadib taliyihii saldhiga joogay ayaa u sheegay in ay hayaan dhowr nin oo habeenkaas la soo qabtay loogana shakisan yahay dilka gabadha in ay geysteen, sidaa darteed wuxuu gabadhii ka dalbaday in ay ragaas wajiyadooda eegto oo ay sheegto hadii uu ku jiro ninka ay habeenkii aragtay.

Gabadhii ayaa si geesinimo leh u soo hor istaagtay ninamkii eedeysanayaasha ahaa waxayna ka aqoonsatay ninkii, wayna sheegtay, ninkii ayaa isna dambigii qirtay.

Gabadhii ayaa taliyaha ka codsatay in ninka loo weydiiyo sababta uu iyada u soo weerari waayay.

Markii la weydiiyay ninkii ayaa ku jawaabay; "kaligeed meysan aheyn, waxaa dhinacyada ka socday laba nin oo dhaadheer oo xoog badan."

#Allaahu Akbar, waxaa hubaal ah in qofkii Allaah magan gala in uu
Allaah badbaadinayo.
SII AKHRI QORAALKA

Thursday, September 26, 2013

QISO YAR OO WAX KU QAADASHO MUDAN. Nin ka mid ah Saalixiinta (Dadkii Wanaagsana) Ayaa Maalin Wiilkiisa, ku yiri Aabo maku tusaa Awood Haddad Hesho Aan lagaa Guulaysan Karin? Wiilki wuxuu yiri:- Aabo ma Awood Hadaan Helo Aan leyga Gulaysan Karin, Cadowgaygana Kaga Adkanayo, Mar kastana Libinta aan anigu Helaayo, Aabihi Wuxuu yiri:-
Haa Wiilkaygiyoow Awooda Wax kasto Xumaan ah Waad kaga Adkanaysa Cadowgaada oo Naf Iyo Shaydaan Koow ka yihiina Waad kaga Guuleysaneysaa, Wiilki Wuxu yiri:- Haa Aabo ii sheeg aan ka Guulaysto Cadowgayga Shaydanka iyo Nafteydaba. Aabihii Wuxu Yiri:- Aabo Waxaad Markasta oo Aad Cadowgaaga la Kulantid Ama Aad ka Cabsato Waxaad Dhahdaa (Allaah Baan Talo Saartay, Inta la Talo Saartana Asiga ayaa u Wanaagsan), Waxaa Hubaal Ah Inaad Cadowgaaga ka Gulaysanaysid, Wiilki oo Faraxsan ayaa Meeshi Kaga Tagay Aabihii Asigoo u Mahad Celinaaya, Wanaaga uu Barayna Kaga Shukrinayo, Aabayaashi Wanaagsanaa Waxay Ahaayeen Kuwa Caruurtooda Cabsida Allaah Baro, ee Ma Aheyn Kuwa Cabsida Shaydaanka Baro Caruurtooda. (ALLOOW ADDUUN & AAKHIRADEENABA WANAAJI. YAA RABBI).
SII AKHRI QORAALKA

Thursday, August 1, 2013

Gabadh dhalin yaro ah oo wiil Qol la seexatey?

Gabdho dhalin yaro ah ayaa u baxay safar iyagoo jecel inay wax soo baadhaan, waxaa la socday macalimiintoodii, kadiba waxay gaadheen meel laga guurey, gabadh gabdhaha ka mid ah waxay ka fogaatey ardaydii iyo macalimiintii, markii hawshii dhamaatey dhammaaan dadkii baskii buu korey, gabadhiina way ka tageen iyagoo moodaya inay la socoto.
Gabadhii way soo noqotay mise meeshii waa cidla dadkiina way tageen, cabaar bay qaylisey mise cid maqlaysaa ma jirto, kadibna dantu waxay ku kaliftey inay bal u lugayso tuulada ugu dhaw, waxay soo lugaysaba waxay ku soo beegmatay buul yar oo meel ka dhisan, way gar garaacdey wiil dhalin yaro ah baa ka soo baxay, waxay tiri waxaan rabaa tuulada iigu dhaw wuxuu ku yiri halkan tuulo kama dhawa ee iska joog barri baan ku gayne.
Gabadhii iyadoo baqaysa bay buulkii soo gashay sariirtisii buu u habeeyey , Habeenkii markii la gaadhey ayuu Shamac daartay, Gabadhu way baqaysaa nin dhalin yaro ah oo ay qol la huruddo halista uu leeyahay habeenkii oo dhan way is ilaaalinaysey waxayna fiirinaysey bal waxa uu sameeyo.
Markuu xoogaa joogaba shamaca ayuu gacantiisa saaraa oo ku gubaa, waagii markuu baryey isagoo fara guban ayuu gabadhii ka xeeyey, gabadhuna waxay moodaysay inuuba jin yahay ninkaan farihiisa gubaya.
Markay aabaheed u tagtey ayeey qisadii uga sheekaysey kadibna odaygii waa rumaysan waayey, wuxuu is yir gabadh dhalin yaro ah nin kama bad baadayso waxbaa jira, Odaygii wuxuu iska dhigey Nin safar ah Meeshii ninkii joogey ayuu tagey, kadibna ninkii dhalin yarada ahaa ayaa marti qaadey, Markii la is waraystey odaygii wuxuu arkey wiilka faraha guban, maxaa kugu dhacay buu ku yiri, wuxuu yiri waxaa igu dhacay, gabadh dhalin yaro ah oo lunsan baa habeen dhawayd ila soo seexatey qolkan yar, kadibna shaydaankii ayaa i amrey inaan ka shaqaysto, markasta oo uu i amro inaan ficil xun ku sameeyo gabadha dabkaas baan gacanta galiyaa, Odaygii go'aan wuxuu ku gaadhey in uu wiilka gabadha u guuriyo sidaas buuna ku guursadey gabadhii.

Wuxuu ka tagey xaaraan Hal habeen ah, ilaahayna waxa uu siiyey xalaal lagu waaro.

ilaahay khayrka ha ina waafajiyo xumaha iyo sharkana ha inaga bad baadiyo.
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: