QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Showing posts with label Aabo Macaan. Show all posts
Showing posts with label Aabo Macaan. Show all posts

Monday, October 14, 2013

SHEEKO QALBIGA TAABANEYSA.

Wax badan waad aqrisay sheekooyin ku saabsan jaceylka Hooyo ilmeheeda u heyso, maanta waxaan idiin hayaa jaceylka Aabe iyo waxa uu ilmihiisa u huri karo.

Aabe Haaruun wuxuu ilmo dhan ka dhalay hal gabar oo 16 jir ah aad ayuu u jecel yahay gabadhiisa, xaaskiisa waxay geeriyootay gabadha yar oo hal sano jir ah, isaga ayaa gabadhiisa hooyo iyo aabe u ahaa, mana uusan guursan xaas kale.

Asma waxay dhigataa iskuul dugsi sare, waxay aad u dhibsatay aabeheed oo dhagool ah, maadaama marka ay ardayda qaar is qabtaan ku caayaan dhagoolnimada aabeheed.

Maalin ayey guriga ku soo laabatay iyadoo aad u careysan, aabeeheed Haaruun wuxuu u diyaariyay qado, markii uu u keenay way diiday inay qadeyso, Haaruun isagoo is leh tolow gabadha yari miyey xanuusan tahay ayuu u ishaaray madax isago weydiinayay; madaxa miyaa ku xanuunaya.

Asma yarey afka ayey furatay waxayna ku tiri aabeheed erayo aan u qalmin, oo ay ka mid yihiin:-
"Oday yahow dhagoolkaa maxaa aabe iiga kaa dhigay,
adiga ayaa nolosha igu dhibay,
mar walba dadka lama kaftami karo adiga daraadaa."

Oday Haaruun ma uusan fahmeyn hadalka gabadha balse wuxuu dareemayay inay isaga heysato oo ay u careysan tahay, wuxuuna isku dayay inuu gabadha yar dajiyo, balse nasiib daro ma aysan ka yeelin waxayna orod uga baxday guriga .

Iyadoo ordaysa ayey laamiga gashay iyadoon dhinacyada eegin, waxaana si xun ugu dhacay gaari xowli ku socday, isbtiaalka ayaa loola cararay, waxay gashay xaalad koomo ah.

Aabe Haaruun aad ayuu uga naxay shilka gabadhiisa ay gashay, wuxuu u tagay dhaqtarkii wuxuuna u sheegay (isagoo isticmaalaya luuqada dhagoolada ee ishaarada ah) in uu aad u jecel yahay gabadhiisa uuna doonayo in xaaladeeda caafimaad lagu dadaalo, dhaqtarkii ayaa yiri gabadhaada xiligaan hada la joogo dhiig ayey u baahantahay waayo aad ayey u dhiig baxday.

Haaruun oo ay gabadha isku dhiig ahaayeen ayaa yiri aniga dhiigeyga haloo shubo, intii aan dhiiga laga shubin ayaa la baaray waxaana loo sheegay in ay isaga laftiisa dhiig la'aan heyso oo aan dhiig laga shubi karin, hadii laga shubana uu qatar gali karo.

Wuxuu ku adkeystay in dhiiga laga shubo, sidii ayeyna sameeyeen dhaqaatiirti.

Aabe Haaruun xogaa kadib waa uu geeriyooday dhiiga faraha badan ee laga shubay dartiis.

Asma markii ay soo naaxday oo xaaladeeda roonaatay waxaa loo sheegay in uu aabeheed geeriyooday dhiiga lagu shubayna asaga uu lahaa.

Iyadoo aad u murugeysan ayey ka shalaysay in uu aabeheed geeriyoodo iyadoon ka raali galin qaladkii ay gashay.

MUHIIMADA SHEEKADA: Inta uu waalidkaa noolyahay ka duceyso, marka uu geeriyoodo shalayto waxba kuuma tareyso.
SII AKHRI QORAALKA

Thursday, September 26, 2013

Qiso Kaa Oohin Doonto Aadna U Xanuun Badan Mudana In Lagu Cibro Qaato “Caasi Waalidiin Ma liibaano”..

::::::::::::::::::Qiso Xanuun Badan Iyo Odey 90 Sano Jir ah~~~~~
Odeygaan 90 Sano Jir ah ayaa isbitaal Ku jiray, waa Camoole Dhib badana Ka muuqdo, Waxaa Isbitaalkii soo Boqday Wiil, Salaan kadib, Odeygii ayaa waxa uu ka codsaday Wiilkii,..
Wiilkii ayaa yiri Adeer Caadi waaye i weydii Codsigaaga, Odeykii 90 sano jirka ahaa ee Camoolaha ahaa ayaa yiri wiilkeygiyow 3 Beri afka waxba ma saarin Gaajo ayana Basteey la ahay,wuxuuna kaloo yiri Cuntada ey Bixiyaan isbitaalka Abiteed uma haayo *ma Cuni Karo) igumana Soconayo.
Hadaad heyso Beeso ama Lacag waxaan kaa codsanaa in aad ii soo iibiso hal xabo Rooti ah, Wiilkii ayaa intuu aaday Suuqa wuxuu kasoo iibiyay Rooti iyo Cabitaan iyo Cuno, wuxuuna siiyay Odeygii waayeelka aha, Odeygii Markuu Rootigii Jab ama Gabal yar ka Goostay, ayaa wuxuu Fiirayay Wiilkii intuu dhoole cadeeyay ayuu wuxuuna ku yiri, Qeyr Allaha Ku siiyo Wiilkeygiyow,
Wiilkii ayaa wuxuu Weeydiiyay Su,aal ah Adeer Wax ilmo ah Malihid miyaa?
Odeygii ayaa yiri Wiilkeygiyow waan leeyahay Ciyaal, 10 ilmo ah ayaan leeyahay oo Wiilal iyo Gabdho iskuugu Jiro, Laakiin

wey weynaadeen oo ey Guursadeen Qof walbana wuxuu la Joogaa Xaaskiisa weyna i iloobeen meeshaan ayeeyna iiga tageen, wuxuu Yiri waxaa Maalin ii yimid Anigoo Guri Kaligeey Jooga Midki ugu Naxariista Badan ee ilmaheyga aha, Guri ayan kaligey ku Noolaa Qabow badan wuxuu i yiri Aabow waxaan ku geynaa Meel aad ku nasato aadna u fiican,
Aniga Camoole ayaan ahay (indhoole) Ul yar intuu ii dhiibay ayuu i yiri Aabow halkaan Fadhiiso waa laguu imanaa,. meeshana waa Isbitaal,
wuxuu yiri, Cimrigeeyga waa 90 Sano mana fileyn in ey Maalin un isbitaal iiga tagi doonaa anigoo Kaligey ah waxaa ii dhaantay in aan wax ciyaal ah dhalin
Wiilkii ayaa wuxuu weydiiyay Adeer xitaa ma jiro miyaa Mid ka mid ah Caruurtaada oo isbitaalka Maalin kuugu soo Booqatay ama kuugu yimid?
Meeqaa Sano ayaadna isbitaalkaan ku Jirtaa?
Odeygii ayaa wuxuu yiri waxaan ku jiraan isbitaalka 2 Sano
Albaabkeeyga xitaa ma eynan soo garaacin ilaa 2 sano,
Wiilkii ayaa ku yiri adeer Ilaah u Bari in uu soo Hanuuniyo iyaga kuna sonoqdan,
Odeygii ayaa yiri, maya Wiilkeygiyow Gacmaha ayuuna Kor u taagay Samada isago dhahaayo kama Tagaayo Maalinta Yowmul Qiyaamo Alle Hortiis ayaan istaaga kana soo Horjeesan doonaa iyaga,
Markeey Ciyaalka ahaayen kama uusan tagay hada xiligii uu u baahnaa Taageerdooda ayeey Meel cidlo ah ugu Dhaqaaqen,
waalasoo koriyay waalasoo Kabiyay waxayna iloobeen waqtigoodii hore iyagoo aan waxba aheyn in lagu soo tabac iyo tiir beelay,
waxay moodan in ey Raaxo ku jiraan, Cabaar Kadib Odeygii wuu iska Ooyay,
wuxuuna Yiri Allow Aduun iyo Aaqiroba Yeeyna ku Farxin,
10 Caruur ah oo Hal qeyr qabo aanan ku jrin,
Wiilkii wuu iskaaga Tagay mudo 2 bil ah ayuu soo Noqday wuxuu arkay Sariirtii uu ku Jiifay Odeyga oo Faaruq ah wuxuu weydiiyay Digtorkii Isbitaalka, Aaway odeygii Halkaan Jiifay? waxaa loo sheegay in uu dhintay, wax dad ahna eynan u imaanin oo ey ogeysiiyeen Caruurtiisa in uu dhintay Aabahood Laakiin waxaay yiraahdeen Mashquul ayaan nahay mana imaan karno, waala daahiriyay waana la karfana lana Duugay,.. Nabiga (cs) wuxuu yiri, Ma Galaayo Janada Qof aan waalidkiis Waajibaadkooda Gudanin,,,

Allow Waalidkeen Dambigood dhaaf una Naxariiso,
Sidoo kale Walidinta Islamka aaaaaaamiiiiiiin Ya Rabi
SII AKHRI QORAALKA

Tuesday, August 20, 2013

WELIGAA HA DEG DEGIN Sheeko Cajiib ah:

Wiil ayaa dhigan jiray jaamacad. Aabihiina wuxuu ahaa nin maal qabeen ah, wiilka wuxuu aad u jeclaa gawaarida cayaaraha (sports cars) wuxuuna ku taami jiray inuu helo gaari noocaas ah, kadib markii uu dhameeyay jaamacadii ayuu aabihii ka codsaday inuu helo hadiyad balse muusan sheegin waxa uu doonayo.
Aabihii oo ogaa waxa uu jecel yahay wiilkiisa ayaa maalintii danbe u yeeray inankiisa, kadib udhiibay Baakad sajalaataysan, wiilkii ayaa furay baakadkii, markaas ayuu arkay Kitaab Quranah.
Intuu xanaaqay ayuu yiri:

“Lacagtaan ogahay ayaad haysataa balse Qur’aan ayaad ii qurtay oo kaliya Soo maaha?” Markaas ayuu albaabka ka dagay isagoon hadal kale dhihin.
Wiilkii guriga aabihii ayuu ka tagay, nin wax qabsada ayuu noqday, shaqo iyo ganacsi ayuu yeeshay. Kadib sanado badan kadib ayaa waxaa u yimid aqbaaroraneysa in aabihii geeriyooday, una dhaafay dardaaran ah inuu dhaxlo maalkiisa, sidaa darteedna ay tahay inuu yimaadosi uu waraaqihii u saxiixo, aabihiina u duugo. Markiiba wuusoo baxay, yimid meeshii aabihii dagnaa.
Aaskii kadib ayuu bilaabay inuu gurigii aabihii baaro, hagaajiyanawaraaqihii aabihii, markaas ayuugalay qolkii khaaska ahaa ee aabihii, wuxuu arkay Baakad meesha yaala iyo waraaqo, markaas ayuu arkay Kitaabkii Qur’aanka ahaa ee abihii siiyay oo halkii yaalo, wuu qaaday, saa waxaa hoos yaalo bashqad, wuu eegay, saa waxaa ku qoran heshiis aabihii lasoo galay ganacsata gawaaridii uu jeclaa, isagoo wiilkii usoo gaday gaarigii u rabay, ahayd inuu “dealer-ka” keeno gaarigaas dhowr bari kadib.
Oohin ayuu halkii la fariistay. Wuxuu ogaaday inuu aabihii maalintii horeba gaariga soo iibiyay balse uu sugayay keenidiisii, Quraankiina u gafay, aabihiina xiriirka ka goostay.
Wuxuu gartay khaladaadkiisii foosha xumaa balse waa mar meesha lugu kala tagay.
Hadaba meeqa mar ayaad Ilaahay nimcadiisa aadin sugin oo degdegsiimo ku dhaafisaa? Mar walbo goorma Alaala goorta ay tahay wax hubso hana deg degin ileen Shaydaanka baa dag degee……..
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: