<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script>
<!-- auto -->
<ins class="adsbygoogle"
style="display:block"
data-ad-client="ca-pub-9362466489742270"
data-ad-slot="5943276542"
data-ad-format="auto"></ins>
<script>
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
</script>
Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.
Showing posts with label SALAADA. Show all posts

Sunday, August 24, 2014
Friday, July 25, 2014
QISO YAR OO CAJIIB AH.
(Janada Ayuu Galay Asagoon Hal Mar Sujuudin).

Waxaa Jiray Nin la Oran Jiray Camar Binu Thabit Binu Waqash, Islaamka iyo Muslimiinta, aad Buu u Necbaa Naceeb Daran, Maalin Maalmaha Ka mid ah Nabiga CSW, wuxuu u Baxay Dagaalkii Uxud, si uu ula soo Dagaalamo Mushrikiintii Reer Quraysh, Balse Hal Mar Waxaa Camar Binu Thabid la soo Baxay Jaceylka uu u Qabo Muslimiinta iyo Nabiga CSW, wuxuu Bilaabay inuu Dadkii weydiiyay Nabiga CSW, si uu ugu Sheego inuu Rabo inuu Islaamo. waxaa lagu yiri: Nabiga CSW iyo Saaxiibadiisa waxey u Baxeen Dhinacaas iyo Buurta Uxud, waxeyna la soo Dagaalamayaan Mushrikiintii Quraysh.
Camar wuu Baxay ilaa Meeshii uu ka gaaray Buurtii Uxud, Markiiba wuxuu la kulmay Nabiga CSW, Asaga oo ay Daamankiisu ka Qubanayaan illin Farxad Darteed, Halkii ayuuna Nabiga CSW, Hortiisa ku Islaamay, Dagaalkii Baa Biloowday ka dibna Nabiga CSW, wuxuu Amray inuu Seefta Qaato oo uu Dagaalka Dhinac ka galo, Camar Dagaalkii ayuu Dhinaciisa ka galay, wuxuuna Maalintaas u Dagaalamay si aan Caadi ahayn ilaa ay kaga Dhacaday Seef, Dhaawac aad u Darana uu soo gaaray, Inta aysan Nafta ka bixin ayaa waxaa Arkay Dad ay Qaraabo yihiin, wey u soo Dhawaadeen, ka dibna waxey ku yiraahdeen Camarow maxaa ku keenay Halkaan, ma Naceeb aad u Qabtid Reerka aad ka Dhalatay Mise Jecel Islaamka aad u Qabtid ayaa ku timid?, wuxuu yiri: waxaan u imid Jaceyl aan u Qabo Islaamka, waana Islaamay Rabbi iyo Rasuulkiisna waan Rumeeyay, ka dibna waxaan Dhinacayga ka Qaatay Seefta Dagaalkii ayaa Sidaas ku soo galay ilaa waxaad Arkaysaan uu iga soo gaaray. Haddaba in yar ka dibna wey ka Baxaday Naftii, wuxuuna la kulmay Rabigiisii. Saxaabadii Rasuulka CSW, ayey u yimaadeen waxeyna weydiiyeen Xaaladda Camar Binu Thabit. Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Waa Ahlu Janno.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW JANNADA NAGU ARZAAQ).
(ILAAHOOW JANNADA NAGU ARZAAQ).
Wednesday, January 29, 2014
Nin waxaa jirey fundi ahaa oo guryaha dhiso wuxuuna ushaqayn jirey mid kamida sharikadaha waawayn.
Ninkii fuundiga ahaa waa waynaaday hawl gabna wuu noqday. wuxuuna ka codsaday shirkadii inuu shaqada kafariisto maadaama uu waayeel noqday shirkadana wakhti badan usoo shaqeeyey. wuxuuna dhiibtay warqadii rukhsada.
Wuxuuna udhiibay ninkii sharikadda uwaynaa.
Markuu ka qaaday warqadii ayuu ku yiri waan ku fasaxaynaa laakin hal shardi ayaan kuugu fasaxaynaa.
Fuundigii duqoobay wuxuu yiri .waa maxay shardiga aad iga codsanayso.

Wuxuu yiri ninkii sharikadda u waynaa.
Shardiga aan kuugu xirayo waxay tahay maadaama aad naga tagayso waxaan kaa codsanayaa inaad noo dhisto halguri oo ahaa kii kuugu dambeeyey ood noo dhisto.
Fuundigii wuxuu yiri waa yahay.
Wuxuuna billaabay dhismihii guriga isagoo boobsiinaya dhismaha guriga.
waayo waxaa kuxiran nasashadiisa.
Gurigii sidii kuwii hore uu udhisi jirey uma uusan dhisin wax walbo wuxuu kadhigay boobsiis iyo kuwaaliti la’ aan,
daaqada xun xun albaab aan tayo lahayn biro tacbaan ah
Wuxuu dhisay guri imooti ah.
Markuu dhameeyey ayuu uyimi ninkii sharikadda uwaynaa wuxuuna ku wargeliyey inuu gurigii dhameeyey.
Isagiina waxaa lagu war geliyey maadaama uu sharikadda in badan usoo shaqeeyey abaalna ku leeyahay inuu qaato guriga uu hadda dhisay.
Nin kii fuundiga ahaa aadbuu ushallaayey oo wuxuu jeclaystay inuu udhisi lahaa si aad uquruxbadan waa haduu ogaan lahaa in isaga lasiin doono.
=====================
Taa waxaa lamida salaadda aan tukanayno ilaahaybaa iska leh laakiin aakharo marka latago adiga ayaa lagu siindoonaa
Haddii markii aduunka aad joogtay aad tukatay salaad qiimo leh iyadiibaad heleysaa kuna farxaysaa
Ama hadii aad tukatay salaad iskarid halmar ah aakharo waxaaad jeclaanaysaa Alla maxaan usoo hagaajin waayey
AKHYAAREY SALAADA SALAADA SALAADA SALAADA

Wednesday, August 21, 2013
SIRTA SALAADA
Imaam qazaani ayaa waxaa wax laga weydiiyay sirta salaada kujirto. markaas buu si uu dadka wax u fahansiiyo ayaa waxuu usoo qaatay qiso, oo runtii aad u yaab badan cajiibna ah, wax lagu cibroqaadana ah. markaasaa waxuu yiri “ waxaa jiray nin boqor ah ninka boqor ka ahi qasrigiisa waxaa ku nooleed abeeso, iyo ubaxyo aad u tiro badana.
Abeesadu dhaq dhaqaaq ma sameeyneeyso waayo, ubaxyada ayaa suuxinaayo yacni ubaxyada suntooda ayaa suuxinaayaan, waxna cuni meyso, ma dhaqdhaqaaqeeyso, meesheeda, uunbeey jiifeysaa maantoo dhan.
Markaas ayuu imam khazaani yiri” suaashii aad I weydiiseen oo salaada ku saabsaneeyd, waxeey tahay. salaada sirta kujirto waxa waaye, cadaabul qabriga ayuu qofka kaga badbaadayaa. qofkii salaadatukado oo siduu ilaaheey s.w.t doonaayay uguna tala galay u tukadaa, qofkaas wuxuu kaga bad baadayaa cadaabu qabriga. laakiinse hadii salaada noqoto waa la tukada iska tuko, la aqbali mayo, aqbal iskadaayee ayada ayaa ku habaareeyso. waayo, qofka markuu tukado, salaadiisa samada ayaa loo qaadayaa ayaa la yiri. marka qofka aan salaadiisa sifiican u tukan oo ku xasilin salaada. markii samaa u duunyaa la marinaayo ayaa iridaha samada laga xiranayaa. markaas ayaa sidii maro madoow oo jeexjeexmatay camal loosoo tuurayaa ilaa dhulka meesha ugu hoose ka tagto. markaas ayay dhaheeysaa, sidaa ii tayacday Ilaaheey swt hakuu dayaco ilaa qiyaamo saaca . laakiin hadii u tukadid sidii rasuulka c.s.w camal u tukan jiray, kor ayaa loo qaadaa, albaabada samada ayaa loo furaa waa la soo dhaweeyaa, markaas ayaa waxay ku leedahay Ilaaheey swt hakuxafido sidaa ii xafiday ilaa qiyaamo saaca.
Allahu akbar Ilaaheey swt hanagu daro kuwa salaada xifdiya. Waayo salaada waxey kamid tahay, sheeyga koowaad oo maalinta qiyaamaha laga xisaabinaayo qofka bini adaamka ah. Hadii Salaadada xumaato oo soonkaagii, zakadaaadii,sadaqadaadii fiicnaadaan, qalaas waxba kuu fiicnaanimaayaan, waayo salaadadi ayaa xumaatay. Lakinse salaadaadii hagaagto, soonkaagi, zakadaadi, sadaqadaadi iyo acmaashaadii oo dhana ilaaheey s.w.t ayaa kuu hagaajinaayo.

Odaygii markii sakaraadkii u imaaday ayuu la dardaarmay wiilkiisii wuxuu ku yiri” wiilkeeygiyow adiga ayaa iga dhaxlaayo boqortinimadayda iyo qasrigeeyga iyo xooloheeyga oo dhan. ee hadaan dhinto oo aad I dhaxasho waxaan kuu dardaarmaya inaadan jarin ubaxyada, haisku jarin wiilkeeygiyoow. saas ogaaw.
Odaygii wuu dhintay, wiilkii ayaa dhaxlay boqortinimadii iyo xoolihii dhamaa markaasuu wiilkii yiri”
sababta uu aabahay igu diiday maxay tahay inaan jarin ubaxyada? maxay tahay sirta kujirto oo aabe iga qarinaaya? waa inaa ka sal gaaraa sirta kujirto ubaxyada .

Markaas buu shaqaalo soo kaxeeyay, ubaxyadii buu kusii daayay wixii oo dhan waa la jaray, markii la jaray ayuu wiilkii kursigiisii ku fariistay, qasriga ahaa abeesadii inteey suuxii kasoo baxday oo ay soo miirsatay, ayay soo kacday kadibna, wiilkii, cuntay oo lugtii kagadhagtay. markaasuu yiri” hada ayaan gartay sirta kujirta ubaxyada in la daayo oo aan lajarin. sirtaana waxaa weeye, ubaxyada, waxeey suuxinayeen abeesada.
Markaas ayuu imam khazaani yiri” suaashii aad I weydiiseen oo salaada ku saabsaneeyd, waxeey tahay. salaada sirta kujirto waxa waaye, cadaabul qabriga ayuu qofka kaga badbaadayaa. qofkii salaadatukado oo siduu ilaaheey s.w.t doonaayay uguna tala galay u tukadaa, qofkaas wuxuu kaga bad baadayaa cadaabu qabriga. laakiinse hadii salaada noqoto waa la tukada iska tuko, la aqbali mayo, aqbal iskadaayee ayada ayaa ku habaareeyso. waayo, qofka markuu tukado, salaadiisa samada ayaa loo qaadayaa ayaa la yiri. marka qofka aan salaadiisa sifiican u tukan oo ku xasilin salaada. markii samaa u duunyaa la marinaayo ayaa iridaha samada laga xiranayaa. markaas ayaa sidii maro madoow oo jeexjeexmatay camal loosoo tuurayaa ilaa dhulka meesha ugu hoose ka tagto. markaas ayay dhaheeysaa, sidaa ii tayacday Ilaaheey swt hakuu dayaco ilaa qiyaamo saaca . laakiin hadii u tukadid sidii rasuulka c.s.w camal u tukan jiray, kor ayaa loo qaadaa, albaabada samada ayaa loo furaa waa la soo dhaweeyaa, markaas ayaa waxay ku leedahay Ilaaheey swt hakuxafido sidaa ii xafiday ilaa qiyaamo saaca.
Allahu akbar Ilaaheey swt hanagu daro kuwa salaada xifdiya. Waayo salaada waxey kamid tahay, sheeyga koowaad oo maalinta qiyaamaha laga xisaabinaayo qofka bini adaamka ah. Hadii Salaadada xumaato oo soonkaagii, zakadaaadii,sadaqadaadii fiicnaadaan, qalaas waxba kuu fiicnaanimaayaan, waayo salaadadi ayaa xumaatay. Lakinse salaadaadii hagaagto, soonkaagi, zakadaadi, sadaqadaadi iyo acmaashaadii oo dhana ilaaheey s.w.t ayaa kuu hagaajinaayo.
maasha alaah. Dardaarankii rasuulka c.s.w. ayaa aheyd, in salaada in lagu dadaalo.
Ilaahayoow na hanuuni oo salaada na jecleesii oo qalbigeena ku weynee aaamiiiin……

Monday, August 5, 2013
Qiso diini ah oo mudan in lagu cibro qaato:
Labo dhalinyaro ah oo reer Madina ah ayaa waxey u dalxiis iyo khamri-cab u tageen Dalka Turkey. markii ay gaareen istabul(caasimada turky) waxey iibsadeen Khamri, waxayna kiraysteen Taxi waxayna aadeen meel tuulo ah, waxayna dageen Hotel kuyaalay tuulada, si aan loo arag bay halkaas u tageen...
Markii ay Hotelka galeen ayaa waxaa waraystay Receptionka(xafiiska aqbalaada) shaqalihiisa nin kamida ah waxuuna weydiiyey xageed katimaadeen?
Markaas bay ugu jawaabeen waxaan ka nimid magaalada Madiina Al-Munawara..
Markaas baa ninkii shaqaalaha ahaa aad ugu farxay wuxuuna siiyey hool dhan halka uu ka kireyn lahaa qol, asagoo ku karameynaya dadka ka yimid magaaladii Nabiga(naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee). Wiilashii hoolkoodii bay tageen, halkoodii bay ku dhafreen oo ay ku cabayeen khamrigii, markaasay sarqaameen, midbaa aad usii wareeray midna waa roonaa xogaa.. Kadib way iska seexdeen..
Kadib waxaa si lama filaan ah albaabka lagusoo garaacay saacadii afartii iyo bar arooryo. Midkood baa toosay albaabkii buu furay asagoo aad u hurdeysan, mise waa ninkii hotelka shaqaalaha ka ahaa asagoo leh..
"Imaamkii Masaajidka wuu diiday inuu natujiyo markii uu ogaaday in rag reer Madiina ah ay tuulada joogaan". Marka waan idin sugaynaa ee masaajidka hoos kuyaala noogu imaada. Markaasaa wiilkii naxay, kadibna wuu toosiyey saaxibkiis, wuxuuna weydiiyey. "War quraanka wax maka xafidsantahay?" Markaasuu ugu jawaabay inuusan awoodin inuu imaam noqdo. Kadib way fariisteen waxayna kafakareen siday arintaas uga bixi lahaayeen, mise mar labaad baa waxaa albaabkii soo garaacay ninkii shaqaalaha ahaa oo wuxuu ku yiri waan idin sugaynaa intuusan waagu baryin.
Markaasay qubaysteen oo dharki iska badaleen oona soo aadeen masaajidkii.. Mise masaajidku wuu buuxdhaafay sidii maalin jimce ah, markaasaa dadkii oodhan baa salaamay.
Midkoodbaa Imaamkii noqday, markii uu salaada xirtay oo bilaabay faataxadii ayaa waxaa ooyay dhamaan dadkii masaajidka kujiray, ayagoo xasuusanaya masaajidkii nabiga(Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee), markaasaa wiilkii imaamka ahaana la ooyay. Kadibna Qul Huwale baan aqiinay, labadaas bes baan kutujiyey dadkii.
Salaadii markii aan kabaxnay dadkii oodhan baa iiyimid oo isalaamay.. taasina waxay ahayd sababta Allah swt uu ku hanuuniyey labadii wiil, wiilkii imaamka ahaana hadda waa shiikh weyn..
Mararka qaar Allah swt waxuu kugu beegayaa arin aad kuhanuuntid(Alloow na hanuuni)
Markii uu nabigeena Mohamed(Naxariis iyo Nabadgalo Korkiisa ha ahaatee) uu gaaray Sidratul Muntahaa baa Allah swt u waxyooday, "Muxamadoow(Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee) madaxaaga kor u qaad, oo wax iwaydiiso, waana kusiiniye". Nabigeena(Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) ayaa yiri, "ALLAHAYOOW WAXAAD UMMADIHII HORE KU HALAAGTAY DHUL LAGOOYN, KUWANA WAAD BADASHAY MUUQOODII, EE ALLAHAYOW UMADEYDA SIDEE KA YEELAYSAA"
ALLAHA swt ayaa ugu jawaabay " WAXAAN KUSOO DAJINAYAA NAXARIISTEYDA, DAMBIGOODANA DAMBI DHAAF BAAN UGU BADALAYAA, KII IBARYAANA WAA SIINAYAA, KII ITALO SAARTANA WAAN KAAFINAYAA, KII MACSI SAMEEYANA ADUUNKAN KU ASTURAYAA, MAALINTA QIYAAMANA SHAFEECADAADAN KAA AQBALAYAA, HADII AAN AHAY ALLAHA NAXARIISTA BADAN ADNA AAD TAHAY SHAFEECAHA"
SIDEE BAY U DAYACMEYSAA UMADAADA U DHAXEYSO ALLAH NAXARIIS BADAN IYO NABI SHAFEEC AH.
DHOWRSANAANTAADEE ALLAHAYOW WEYNAAN BADANIDAA OO NAXARIIS BADANIDAA.

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: