QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Showing posts with label Sheeko xikmad badan. Show all posts
Showing posts with label Sheeko xikmad badan. Show all posts

Thursday, September 29, 2016

Cadaas wuxuu ahaa Wiil Carbeed, oo ka soo jeeda Ashuuriyiintii oo ku noolaa Woqooyiga Ciraaq, Magaalada Naynawa, wuxuu la noolaa Aabihii, Hooyadii, Walaalihii iyo Ehelkiisa kale. Wuxuu Alle ku Manaystay Maskax, Firfircooni iyo Akhlaaq wanaag.

Wuxuu kaga hor maray Dhalintii la Faca ahayd Diintiisa Nasaarada oo uu aad u Bartay iyo Dabaasha Webiga Dijla oo uu aad ugu Fiicnaa.

Waxaa noloshiisii iyo Mustaqbalkiisii bedelay, markay Maalin Koox Xoog waa weyni ka Qafaasheen Duleedka Naynawa oo Adoon ahaan u iibiyeen, waxey Gacaniba gacan ku Wareejiso wuxuu Aakhirkii u Gacan galay Labo Walaalo ah oo ka mid ahaa Madaxda Qureysh Waa Cutba Binu Rabiica iyo Shayba Binu Rabiica, waxey Geeyeen Bustaan ay Daif ku lahaayeen, halkaasu Sannado badan ku Noolaa oo Beerta uga Shaqaynayey.

Cadaas Maalin waxaa ku soo Kediyey Buuq iyo Qeylo ka taagan Magaalada Daa'if, markuu eegay wuxuu arkay Nin Dhalinyaro ah iyo Nin Gar madoob oo Caruurtii, Dumarkii ay Dhibaayaan oo Dhagxaan kala Daaleen oo Dhiig badani ka socdo iyo Ninkii Dhalinta ahaa oo Dhagaxa isaga Dhigay.

Wuxuu eegay Labadiisii Sayid, waaba iyagoo Ninka Fiirinaayo oo isku leh Asnaamtaan ku Dhaartay waa Muxamed Bin Abdullaah.
wey u Qalbi Dibceen waayo Qaraabaa ka Dhexeysay.

Haddaba, Labada Walaalo Midkood ayaa igu yiri Gacankaa Cinabka ah Xeeradaa ku Rid oo u geey, wax haka Cunee. Haddaba, Cadaas wuu u Caga Fududaaday waayo waxaa Xanuujiyey Dulmiga loo geystay. Cadaas wuxuu yiri Hortiisaan Dhigay, waana sheegay in la igu soo dhiibay. Waxaan eegay Iftiinka Wejigiisa iyo Haybadiisa iyo Dhiiga jirkiisa ku yaal.

Rasuulka Gacantiisa Midig ayuu Cinabkii u Fidiyey, Xabad ayuu soo qaatay oo intaanu Afka gelin yiri:- Bismilaah.

Cadaas wuu la yaabay Kelmadaan, wuxuuna Rasuulka CSW, ku yiri:- Waxaan kaa Maqlay Dadka Magaaladaan ma Dhahaan.
Intaas ka dib Rasuulka ayaa Warsaday Cadaas Dhulkee ka timi iyo Diintee heysataa. Cadaas wuxuu ku jawaabay:- Waxaan ahay Nasraani Reer Naynawa ah.

Rasuulka CSW, ayaa ku yiri:- Waa Tuuladii Adoonkii Fiicnaa ee Yuunis Bin Matta.
Cadaas wuu yaabay!, Walaahi waxaan Naynawa ka imi iyadoon Tobaan Qofna aqoon Xaqiiqdan aad sheegtay. sidee u Ogaatay Yunus Bin Matta adigoon wax Akhrin oo Ummad aan wax Akhrin ka soo jeeda.
Rasuulku wuxuu si Deggan ugu yiri:- Kaasi waa Walaalkay oo Nebi ahaa, Aniguna Nebi ayaan ahay.

Haddaba, Cadaas wuxuu yaqiinsaday inuu Hor joogo Nebiga ay Ciise iyo Injiil ku Bishaareynayeen, intuu ku Foorarsaday ayuu Gacmaha, Madaxa iyo Lugahaba ka Dhunkaday.

Cutba iyo Shayba ayaa is eegay iyagoo Dhahaayo:- Waakaa wuu kaa Fasahaadiyey Cunugaagii, Markuu Cadaas u soo Laabtayna waxey yiraahdeen Cadaas maxaa ku Helay sow Adigii Ninka Madaxa iyo Lugahaba ka Dhunkaday, wuxuuna ugu jawaabay Sayidii:- Dhulka ma joogo Qof ka Khayr badan. waxey isku dayeen iney ka Leexiyaan, laakin Madaxuu ka Ruxay, hadalkoodana waxba kama soo qaadin.

Imaankaa Qalbigiisa u gudbay, wuxuuna yaqiinsaday in Alle khayr la doonay oo u qoray inuu la kulmo Nebigii u Dambeeyey, oo Saaxiibadii ka mid noqon.
Cadaas Alle ha u Naxariisto, Rasuulkana Alle Naxariis iyo Nabad gelyo kor kiisa ha yeelo..

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW IIMAAN SUGAN NASII).
W.Q:- Macoow Ustaad.
SII AKHRI QORAALKA

Monday, October 14, 2013

SHEEKO XIKMAD BADAN:
WIIL IYO AABAHIIS

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa aabo lacag leh wiilkiisa yaraa u wadey safar, si uu u soo barto wiilkisa nolosha faqiirtinimada ah.

Waxey waqti la qaateen oo marti u ahaayeen qoys iska beeraleey ah oo faqiiriin ah.
Mudo bil ah kadib ayaa ayaa odeygii wiilkiisa weydiiyey : “aabe sidee u aragtaa noloshaan maxaasa ka baratey??”

Wiilkii yaraa baa yiri:
“1-gurigeena waxaa ku taalo meel lagu dabaasho, laakiin iyaga waxee heestaan wabi weyn oo ay ku dabaashaan.

2-anaga waxaa ifsanaaa nal(laambat), laakiin iyaga waxey heestaan xidigo habeenkii oo ay ifsadaan

3- anaga cuntada waan gadanaa, laakiin iyaga way beertaan oo way soo saartaan

4-gurigeena darbiyo badan ayuu leeyahey oo naga ilaaliya dhibka, laakiin iyaga saaxiibo badan ayeey leeyahiin oo dhibka ka ilaaliya

5- waqtigeena waxaan ku dhuminaa daawashada TV, laakiin iyaga waxey waqtigooda la qaataan qoyskooda”

Kadib waxuu intaas ku darey wiilkii yaraa: “Aabo waad ku mahadsantahey sidaa ii tustey inaan anaga nahey faqiiriin.”

CASHARKA LAGA QADANAAYO SHEEKADA:
Taajirnimada ma ahan lacagta kaliya, ee waxaa taajir ah qofka noloshiisa dhacsan kara kuna nool nolol raxmad EEBBE leh.
SII AKHRI QORAALKA

SHEEKH AAD U XIKMAD BADAN & WIIL SHEEKHA U TAGAY SI UU KALA TALIYO ARIN UU ISKA JOOJIN WAAYAY,,

Nin dhalinyaro ah ayaa wuxuu u yimid nin sheikh ah. wuxuu ku yiri sheekhow waxaan iska goyn la'ahay arin aan dareemayo in aysan fiicnayn. marka aan suuqa dheex marayo waxaan fiiri fiiriyaa gabdhaha suuqa maraya anigoo marba mid isha la raaca. marar qaarna kamaba jeesan karo. sheikh ii sheeg maxaan sameeya si aan arrintaan naftayda uga reebo, ninkii sheekha ahaa ayaa wiilkii u dhiibay galas caano ah oo buuxa. wuxuu u sheegay in uu geeyo meel markaas cabaar u jirtay balse la dheex marayo suuqa, wuxuu yiri galaaska yaysan ka daadan dhibic caano ah. sidoo kale wuxuu raaciyay wiil kale oo ul wata wuxuuna ku yiri garaac hadii ay dhibic caano ah ka daadato. ninkii dhalinyarada ahaa aya qaaday caanihii suuqa ayuu la sii dheex maray ilaa uGu danbeyn uu geeyay meeshii loo rabay. kadib sheekhii ayuu ku soo laabtay asagoo faraxsan una sheegay in uu ku guuleystay howshii loo diray. sheekhii ayaa waydiiyay sida ay uGu suuragashay in uu geeyo galaaska isagoo aysan caanuhu ka daadan. wuxuu ku jawaabay wiilkii waxaan ka baqayay in suuqa dhexdiisa la igu garaaco oo dadka hortooda ku ceeboobo. sidaas darted waxaan diirada saaray galaaska caanaha ah in aan ilaaliyo. sheikh aya hadana waydiiyay in uu arkay dadka agtiisa marayay & in uu xasuusto karo wajiyadooda. wiilkii aya yiri qof aan wajigiisa arkay majiro oo xitaa waxa wadada hareeraheeda ka dhacayay lama socon. sheekhii aya wiilkii ku yiri hadaba waa sidaas oo kale qofka muslimka ah wuxuu ka cabsada ALLAH subxaanahu watacalaa & in maalinta qiyaamaha makhluuqa hortooda lagu ceebayo sidaa awgeed wuxuu ka dheerada qof muslimka ah dhamaan waxa uu ILLAHAY xaarimay.

ALLAH inaga dhigo kuwii ALLAH si dhab ah uga cabsada oo ka dheerada wuxuu ALLAHAY xaarimay oo la yimaada wuxuu ILLAHAY ina faray Allahuma Aamiin
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, September 28, 2013

Sheeko:-
Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan qofna albaabka ka furin.

Maalinkii koowaad waxaa yimid ninka waalidkiis, albaabka ayey soo garaaceen, ninkii iyo xaaskiisa wey is fiiriyeen wuxuuna doonayay inuu albaabka ka furo waalidkiis balse maadaama uu balan galay ma uusan ka furin irida, xoogaa kadibna waalidkiis waa iska laabteen.

Isla maalinkaas wax yar kadid waxaa yimid gabadha waalidkeed albaabka ayey soo garaaceen, gabadhii iyo ninkii way is fiiriyeen, inkastoo ay balan gashay hadana way is celin waysay ilin ayaa indhaheeda ka timid kadibna

way istaagtay albaabkii ayey ka furtay waalidkeed.

Ninkii waxba ma uusan dhihin, sanado kadib waxay isu dhaleen 4 wiil, cunuga shanaad wuxuu ahaa gabar markaas dhalatay.

Aabihii qoyska wuxuu sameeyay xaflad aad u weyn oo dad badan uu ku casuumay isagoo u dabaal dagaya gabadha u dhalatay.

Xafladii markii ay dhamaatay oo dadkii kala tageen, habeenkii ayaa xaaskiisa weydiisay sababta uu sidaan dhan ugu dabaal dagay gabadha yar isagoo aan si sidaas lamid ah hore ugu dabaal dagin afartiisa wiil.

Ninkii isagoo dhoola cadeynaya ayaa wuxuu yiri: “Maxaa yeelay iyadu waa qofka albaabka iga furi doona.”
SII AKHRI QORAALKA

QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB

Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen: Saciid ardadiisa waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii-widaacah. C/Laahi dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa. “Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay” buu C/Laahi ugu jawaabay. “Maxaad jirradeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan waxka duugnee?” intuu ku yiri oo u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri: “C/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah”. “Yaa sheekhow gabar isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar dirham baa xoolo iga dhaca”. Sheekhii baa markaa yiri: “Subxaanallaah, miyaanu muslimku afar dirham ku dhowrsan karin!”, una raaciyey “Anaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay”.
C/Laahi bin Widaacah oo isaga laftiisu sheekada ka sheekeynayaa waxa uu leeyahay: Markaas baan xishood iyo darajayn dartood uga aamusay. “Maxaad u aamustay? ma inantaydaan kuu cuntamayn?”. “Eebe hakuu naxariistee maxaad saa u leedahay haddaad doonto gabadhaada kumanaan dirham baad ku guurin kartaaye” baan ku iri. Markaas buu sheekhii yiri “Waa runtaa, balse iska daayoo shuhuud u yeero”. Shuhuud baan markaa u yeertay, waxaana gabadhii la igula mehriyey Afartii dirham, halkaana lagu kala faataxaystay.
Kolkaan Salaaddii Cishaha tukannay baan anigu gurigeygii iska aaday, waana tanoo ninbaa iridkii aqalkeyga garaacaya. “Waa kuma?”. Qofkii iridka garaacayey baa yiri: “Waa Saciid”. Ilaah baan ku dhaartaye waxaan Saciidyo magaalada ku aqoon jiray waan soo wada xusuustay aan ka ahayn Saciid bin Al-Musayib, maxaa yeelay weligey maanan arag asagoo gurigiisa ka baxaya, inuu Salaad Masjidka ugu socdo ama meyd wax kasoo aasayo maaha eh. Markaas baan iri: “Waa Saciidkee?”. “Saciid bin Al-musayib”. Jirkayga oo dhan baa halmar jareeyey, waxanan is iri: “Armuu sheekhu ka shallaayey inantuu ku siiyey oo kuu cudur daaran rabaa”. Markaas baan anoo cagajiid ah iridkii furay, saa waa gabar dadaboolan, faras alaabi ku raran tahay iyo adeegto cad. Sheekhii intuu isalaamay buu yiri: “C/Laahiyow waatan naagtaadii”. Markaas baan si yare xishood ku jiro u iri: “Alle hakuu naxariistee, maxaad ayaamo ugu kaadin weydey”. Suu yiri: “Sabab!”, kuna daray: “Sow ima oran afar dirham baan haystaa?, mise waxaad dooneysaa in Eebbe iyiraahdo maxaad ninka habeenkaa doobnimo ugu dhaaftay adoo xaaskiisii haya. Waa taa naagtaadii waana taa alaabadiinnii, waana taa gabar idiin adeegta iyo kun dirham ood masruufataan. C/Laahiyow amaanada Eebbe iga guddoon. Waxan dhaar kuugu marayaa inaad iga guddoomaysid gabar Soon iyo Salaad badan, Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiisana aqoon badan u leh, ee Alle kaga cabso, aniga darteeyna ha uga xishoon ee haddaad wax aadan jeclaysan ku aragto intaad edbiso gacanteyda kusoo sin”. Waanu sii dhaqaaqay.
C/Laahi waxa uu leeyahay: Wallaahi baan ku dhaartaye weligey ma arag naag ka aqrin og Kitaabka Alle, kagana aqoon badan Sunnada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), kagana cabsi badan Allihii abuurtay, waxanay ahayd mas’alada culimada wareerisa ta jawaabteeda la weydiiyo.Mar kasta oon Saciid is aragno waxa uu iweydiin jiray: “Qoftii say tahay?” markaas baan dhihi jiray: “Waa nabaddeeda”.
Kedib markay gabadhii wiil iidhashay baan maalin anigoo suuqa u baxay waxaan soo laabtay islaan aanan weligey arag oo aqalka dhex fadhida. Ka noqo markaan islahaa bay xaaskaygii tiri: “Soo gal C/Laahiyow, waa qof araggeeda Eebbe kuu banneeyaye”. Markaas baan weydiiyey: “Tumaad ahayd, Alle hakuu naxariistee?”. “C/Laahiyow gabadhaan hooyadeed baan ahaye maxaad kala kulantay?”. “Khayr Alle haydinka siiyo, si fiican baad u tababarteen una edbiseen”. “C/Laahiyow annaga ha noogu danayne haddaad xumaan ku aragtid edbi, waxaan nafteeda ka ahaynna adaa leh, dhoola caddayntana haka badin yaanay ku dhayalsane. Eebe haydiin barakeeyo dhallaanka cusub, ha ka dhowro Shaydaan, hana kadhigo mid Alle ka cabsi badan sidii awoowihii. Wallaahi baan ku dhaartaye Afartan (40) sanadood oon isqabnay ma aanan arag maalinna asagoo Allihiis ku caasinaya, lacagtaana asagaa idiinsoo dhiibaye qaata”.
Cabdullaahi waxa uu leeyahay: “Waan ka qaatay lacagtii,waxayna ahayd Shan diinaar, siday islaantii markaas nooga baxdayna siddeed iyo toban sanadood wejigeeda dib uma aanan arag ilaa geeriyi na kala geysay”. Dhammaad qisadii Saciid bin Al-Musayib.?
SII AKHRI QORAALKA

QISO XIKMAD BADAN: wiilkii yaraa iyo wadaadkii caalimka ahaa

waxaa jirey wiil dhalanyaro ah oo sheydaan was-waasiyey kuna jahwareerey sadax su'aal oo uu jawaab u waayey wiilka. waxuuna go'aansadey inuu raadsado wadaad caalim ah si uu u helo jawaabta su'aalahaas asigoo horey u weydiiyey dad jaamiciyiin ah una awoodi waayeen iney siiyaan jawaab waafi ah.
wiilkii aya wadaadka u yimid sheekadoodiina sidaasn ayeey aheed:

wiilka: shiikhow waxaan rabaa inaa iiga jawaabtid sadax su'aal u madaxa iga wareerisey ?
Shiikhii: i weydii waxan isku dayi doonaa inaan kaaga jawaabo insha allah.
willkii: shiikow.. 1) Ilahey ma jiraa? haduuse jiro i tus ilaahey ?..... 2) qadarta ma jirtaa?... 3) sheydaanka naar aya laga abuurey ilaaheyna waxuu noosheegey inuu naar galaayo, marka sidee wax dab ka sameesan uu waxa uga tari karaa dab kale ?? inee dab hadii lagu daro dab waxba iskama qaadaayaane??

shiikii ayaa la yaabey wiilka su'aalahiisa, intuu fikirey ayuu dharbaaxyo xoog badan ku dhuftey.
wiilkii ayaa yiri: "shiikhow waxbaan ku weydiiyey ee maxaad ii dishey oo u xanaaqdey". markaas buu shiikhii ku jawaabey: "maanan xanaaqine ee dharbaaxshada aan ku dhuftey waxey juwaab u tahey sadaxdaadii su'aalood oo dhan !!"
wiilkii oo yaaban baa yiri"shiikow kuma fahmine ii faafaahi ?"

JAWAABTII KOWAAD:

shiikii yaa yiri: "dharbaaxsahaan markaan kugu dhuftey maxaad dareentey?"
wiilkii baa yiri: "aad baan u xanuunsadey?" shikhii baa ku jawaabey: "xanuunka aa dareentey i tus siduu u egyahey?? " wiilkii baa yiri "shiikow xanuunka waa la dareemaa mooyee lama arko " shiikii baa yiri "jawaabtii koowaad waa taas ee ILAAHEY lama arkee waa la dareemaa."

JABAATII LABAAD:

shiikhii yaa yiri: "Xaley miyaad ku riyootey anigoo ku dharbaaxaayo??"
wiilkii: "maya waligeeyna kuma riyoon midaas"
shiikhii: "hadaba qadarta waa taas oo way dhacdaa, qadar kuu quran bey aheed inaa ku dharbaaxo !!"

JAWAABTII SEDAXAAD:

shiikihii "gacanta ku dharbaaxdey oo ku xanuunjisey, maxey ka sameesantahey? jirkaaguna maxuu ka sameeseesanyahey? "
wiilkii: "gacantaada waxey ka sameesantahey maqaar, kurkeeguna maqaar ayuu isna ka sameesanyahey "
shiikhii: "hadaba sideey dharbaaxshadeeda kuu xanuunjisey iyadoo ka sameesan maqaar jirkaagana ka sameesanyahey maqaar "

SUBAHAANALLAH waa jawaab waafiya runti........

wiillkii oo aad u qanacsan walibo la yaaban xikmada shiikha ayaa u mahadceliyey, sidiina ku qancey
SII AKHRI QORAALKA

Thursday, September 26, 2013

QISO CAJIIB AH.

Laba Nin oo Safar ah ayaa waxay u Fariisteen Qado, mid wuxuu Watay 5xabo oo Rooti ah, kan kalana wuxuu watay 3xabo oo Rooti ah, Nin Saddexaad oo Safar ah ayaa ku soo Biiray balse aan Rooti Wadan, waxay Go'aansadeen inay Rootiga Qeybsadaan, sidaa darteed waxay Sameeyeen, Xabad kasta oo Tooti Saddex Jab ayey u Qeybiyeen, waxayna noqotay 24jab, Qofkiiba wuxuu Cunay 8 jab oo Rooti ah.

Ninkii Saddexaad ee Labada Nin u yimid ayaa Istaagay markii uu Qadada Dhameystay si uu sii wato Safarkiisa, wuxuuna Labadii Nin uga Tagay Lacag Siddeed (8)Dirham ah si uu u bixiyo Rootigii ay siiyeen.

Ninkii 5 Rooti lahaa ayaa wuxuu kii kale siiyay (3)Dirham, isna wuxuu la haray 5Dirham ayuu qaatay, balse Ninkii kale kuma uusan Qancin, wuxuuna Rabay Lacagta in kala Bar la siiyo.

Labadii Nin markii ay is mari waayeen waxay isula Tageen Khaliifkii Islaamka Cali bin Abii Daalib RC.

Cali bin Abii Daalib RC, markii uu Dhageystay Labada Nin wuxuu u sheegay Ninkii 3da Rooti lahaa in Ninka kale uu siiyay Lacag ka badan intii uu Xaqa u lahaa, wuxuuna ka Codsaday inuu inta la siiyay Aqbalo. Haddaba, Ninkii 3da Rooti lahaa waa uu Diiday inuu Aqbalo 3da Dirham.

Cali bin Abii Daalib RC wuxuu yiri:- Xaqiiqdii Ninka 3da Rooti lahaa wuxuu Xaq u leeyahay Hal (1) Dirham oo kaliya, kadibna sidaan ayuu ugu Sharaxay:-

Nimanka isku Dar waxay heysteen 8xabo oo Rooti ah, Halkii Rootiba waxay u Qeybiyeen 3jab taas oo ka dhigeysa 24jab oo Rooti ah, Ninka Saddexda Rooti lahaa waxaa Dhankiisa ka yimid 9jab oo Rooti ah (3X3=9) isaga Nafsad ahaantiisa wuxuu Cunay 8jab, Ninka Lacagta Dhiibay wuxuu siiyay 1jab oo kaliya, midka 5 Rooti leh waxaa Dhankiisa ka yimid 15jab oo Rooti ah (3X5=15) isaga Nafsad ahaantiisa wuxuu Cunay 8jab oo Rooti ah waxaa ka soo Hartay 7jab oo Rooti ah oo uu siiyay Ninka Lacagta bixiyay. Sidaa darteed Ninka 5 Rooti lahaa wuxuu leeyahay (7)Dirham, Halka midka 3 Rooti lahaana uu leehaya (1)Dirahm.

Maasha Allaah, Caddaaladdu waa sidaas.
(ALLOOW NAGA YEEL KUWII CADAALAADDA KU DHAQMA).
SII AKHRI QORAALKA

QISO YAR OO WAX KU QAADASHO MUDAN. Nin ka mid ah Saalixiinta (Dadkii Wanaagsana) Ayaa Maalin Wiilkiisa, ku yiri Aabo maku tusaa Awood Haddad Hesho Aan lagaa Guulaysan Karin? Wiilki wuxuu yiri:- Aabo ma Awood Hadaan Helo Aan leyga Gulaysan Karin, Cadowgaygana Kaga Adkanayo, Mar kastana Libinta aan anigu Helaayo, Aabihi Wuxuu yiri:-
Haa Wiilkaygiyoow Awooda Wax kasto Xumaan ah Waad kaga Adkanaysa Cadowgaada oo Naf Iyo Shaydaan Koow ka yihiina Waad kaga Guuleysaneysaa, Wiilki Wuxu yiri:- Haa Aabo ii sheeg aan ka Guulaysto Cadowgayga Shaydanka iyo Nafteydaba. Aabihii Wuxu Yiri:- Aabo Waxaad Markasta oo Aad Cadowgaaga la Kulantid Ama Aad ka Cabsato Waxaad Dhahdaa (Allaah Baan Talo Saartay, Inta la Talo Saartana Asiga ayaa u Wanaagsan), Waxaa Hubaal Ah Inaad Cadowgaaga ka Gulaysanaysid, Wiilki oo Faraxsan ayaa Meeshi Kaga Tagay Aabihii Asigoo u Mahad Celinaaya, Wanaaga uu Barayna Kaga Shukrinayo, Aabayaashi Wanaagsanaa Waxay Ahaayeen Kuwa Caruurtooda Cabsida Allaah Baro, ee Ma Aheyn Kuwa Cabsida Shaydaanka Baro Caruurtooda. (ALLOOW ADDUUN & AAKHIRADEENABA WANAAJI. YAA RABBI).
SII AKHRI QORAALKA

Wednesday, August 21, 2013

SIRTA SALAADA

Imaam qazaani ayaa waxaa wax  laga weydiiyay sirta salaada kujirto.  markaas buu si uu dadka wax u fahansiiyo ayaa waxuu usoo qaatay qiso, oo runtii aad u yaab badan cajiibna ah, wax lagu cibroqaadana ah.  markaasaa waxuu yiri “ waxaa jiray nin boqor ah ninka boqor ka ahi qasrigiisa waxaa ku nooleed abeeso, iyo ubaxyo aad u tiro badana.
Abeesadu dhaq dhaqaaq ma sameeyneeyso waayo, ubaxyada ayaa suuxinaayo yacni ubaxyada suntooda ayaa suuxinaayaan, waxna cuni meyso, ma dhaqdhaqaaqeeyso, meesheeda, uunbeey jiifeysaa maantoo dhan.

Odaygii markii sakaraadkii u imaaday ayuu la dardaarmay wiilkiisii wuxuu ku yiri” wiilkeeygiyow adiga ayaa iga dhaxlaayo boqortinimadayda iyo qasrigeeyga iyo xooloheeyga oo dhan.  ee hadaan dhinto oo aad I dhaxasho waxaan kuu dardaarmaya inaadan jarin ubaxyada, haisku jarin wiilkeeygiyoow. saas ogaaw.
Odaygii wuu dhintay, wiilkii ayaa dhaxlay boqortinimadii iyo xoolihii dhamaa markaasuu wiilkii yiri”

sababta uu aabahay igu diiday maxay tahay inaan jarin ubaxyada? maxay tahay sirta kujirto oo aabe iga qarinaaya? waa inaa ka sal gaaraa sirta kujirto ubaxyada .
Markaas buu shaqaalo soo kaxeeyay, ubaxyadii buu kusii daayay wixii oo dhan waa la jaray, markii la jaray ayuu wiilkii kursigiisii ku fariistay, qasriga ahaa abeesadii inteey suuxii kasoo baxday oo ay soo miirsatay, ayay soo kacday kadibna, wiilkii, cuntay oo lugtii kagadhagtay. markaasuu yiri” hada ayaan gartay sirta kujirta ubaxyada in la daayo oo aan lajarin. sirtaana waxaa weeye, ubaxyada, waxeey suuxinayeen abeesada.

Markaas ayuu imam khazaani yiri” suaashii aad I weydiiseen oo salaada ku saabsaneeyd,  waxeey tahay.  salaada sirta kujirto waxa waaye, cadaabul qabriga ayuu qofka kaga badbaadayaa. qofkii salaadatukado oo siduu ilaaheey s.w.t doonaayay uguna tala galay u tukadaa, qofkaas wuxuu kaga bad baadayaa cadaabu qabriga. laakiinse hadii salaada noqoto  waa la tukada iska tuko, la aqbali mayo, aqbal iskadaayee ayada ayaa ku habaareeyso. waayo, qofka markuu tukado, salaadiisa samada ayaa loo qaadayaa ayaa la yiri. marka qofka aan salaadiisa sifiican u tukan oo ku xasilin salaada. markii samaa u  duunyaa la marinaayo ayaa iridaha samada laga xiranayaa. markaas ayaa sidii maro madoow oo jeexjeexmatay camal loosoo tuurayaa ilaa dhulka meesha ugu hoose ka tagto. markaas ayay dhaheeysaa, sidaa ii tayacday Ilaaheey swt hakuu dayaco ilaa qiyaamo saaca . laakiin hadii u tukadid sidii rasuulka c.s.w camal u tukan jiray, kor ayaa loo qaadaa, albaabada samada ayaa loo furaa waa la soo dhaweeyaa, markaas ayaa waxay ku leedahay Ilaaheey swt hakuxafido sidaa ii xafiday ilaa qiyaamo saaca.


Allahu akbar Ilaaheey swt hanagu daro kuwa salaada xifdiya. Waayo salaada waxey  kamid tahay, sheeyga koowaad oo maalinta qiyaamaha laga xisaabinaayo qofka bini adaamka ah. Hadii Salaadada xumaato oo soonkaagii, zakadaaadii,sadaqadaadii fiicnaadaan, qalaas waxba kuu fiicnaanimaayaan, waayo salaadadi ayaa xumaatay. Lakinse salaadaadii hagaagto, soonkaagi, zakadaadi, sadaqadaadi iyo  acmaashaadii oo dhana ilaaheey s.w.t  ayaa kuu hagaajinaayo.

 maasha alaah. Dardaarankii rasuulka c.s.w. ayaa aheyd, in salaada in lagu dadaalo.
Ilaahayoow na hanuuni oo salaada na jecleesii oo qalbigeena ku weynee aaamiiiin……
SII AKHRI QORAALKA

Tuesday, August 20, 2013

WELIGAA HA DEG DEGIN Sheeko Cajiib ah:

Wiil ayaa dhigan jiray jaamacad. Aabihiina wuxuu ahaa nin maal qabeen ah, wiilka wuxuu aad u jeclaa gawaarida cayaaraha (sports cars) wuxuuna ku taami jiray inuu helo gaari noocaas ah, kadib markii uu dhameeyay jaamacadii ayuu aabihii ka codsaday inuu helo hadiyad balse muusan sheegin waxa uu doonayo.
Aabihii oo ogaa waxa uu jecel yahay wiilkiisa ayaa maalintii danbe u yeeray inankiisa, kadib udhiibay Baakad sajalaataysan, wiilkii ayaa furay baakadkii, markaas ayuu arkay Kitaab Quranah.
Intuu xanaaqay ayuu yiri:

“Lacagtaan ogahay ayaad haysataa balse Qur’aan ayaad ii qurtay oo kaliya Soo maaha?” Markaas ayuu albaabka ka dagay isagoon hadal kale dhihin.
Wiilkii guriga aabihii ayuu ka tagay, nin wax qabsada ayuu noqday, shaqo iyo ganacsi ayuu yeeshay. Kadib sanado badan kadib ayaa waxaa u yimid aqbaaroraneysa in aabihii geeriyooday, una dhaafay dardaaran ah inuu dhaxlo maalkiisa, sidaa darteedna ay tahay inuu yimaadosi uu waraaqihii u saxiixo, aabihiina u duugo. Markiiba wuusoo baxay, yimid meeshii aabihii dagnaa.
Aaskii kadib ayuu bilaabay inuu gurigii aabihii baaro, hagaajiyanawaraaqihii aabihii, markaas ayuugalay qolkii khaaska ahaa ee aabihii, wuxuu arkay Baakad meesha yaala iyo waraaqo, markaas ayuu arkay Kitaabkii Qur’aanka ahaa ee abihii siiyay oo halkii yaalo, wuu qaaday, saa waxaa hoos yaalo bashqad, wuu eegay, saa waxaa ku qoran heshiis aabihii lasoo galay ganacsata gawaaridii uu jeclaa, isagoo wiilkii usoo gaday gaarigii u rabay, ahayd inuu “dealer-ka” keeno gaarigaas dhowr bari kadib.
Oohin ayuu halkii la fariistay. Wuxuu ogaaday inuu aabihii maalintii horeba gaariga soo iibiyay balse uu sugayay keenidiisii, Quraankiina u gafay, aabihiina xiriirka ka goostay.
Wuxuu gartay khaladaadkiisii foosha xumaa balse waa mar meesha lugu kala tagay.
Hadaba meeqa mar ayaad Ilaahay nimcadiisa aadin sugin oo degdegsiimo ku dhaafisaa? Mar walbo goorma Alaala goorta ay tahay wax hubso hana deg degin ileen Shaydaanka baa dag degee……..
SII AKHRI QORAALKA

Monday, August 19, 2013

Ardey caajisloow ah, habeenkiina dhafri jiray, ayaa maalin maalmaha kamid ah, waxa uu kasoo qeyb galay, muxaadaro kasocoty jaamacad, taasoo macalinku uu ku sharaxayey cilmiga xisaabta iyo dhibaatada laga maro barashadiisa.

Ardeygii ayaa fasalkii ku dhex hurday ayadoo muxaadaraadii socoto, waxa uuna soo toosay ayadoo fasalkii lagu kala dareerayo, durbadiiba inuu baxo ayuu bilaabay, balse wuxuu eegay sabuurada, wuxuuna arkay qoraal xisaabeed aad u fara badan oo ku xardhan sabuurada.

Ardeygii ayaa fasalka kusoo noqday, waxa uuna bilaabay inuu min guuriyo wixi sabuurada ku qornaa, isagoo buugiisa ku qoronaya, waxa uuna naftiisa ka dhaadhiciyey in waxani yihiin,
waajib ama shaqo guri oo loo diray ardeyda si ay usoo xaliyaan.

Ardeygii ayaa guriga la aaday qoraalkii badnaa, ee soo miin guuriyey, waxa uuna guda galay in uu xal u helo dhowr su,aalood oo aad u adkaa, isagoo waxbadan waqti ku lumiyey matbacadaha iyo buugaag aqrinta. Ugu dambeyn dadaal dheer kadib waxa usuura gashay inuu xal usoo helo su,aalihii. waxa uuna kusoo laabtay jaamicadii isagoo doonayey inuu soo gudbiyo wixii uu kasoo shaqeeyey.

Macalinkii ayaase yiri: Su,aalaha sabuurada ku qornaa ma aysan ahayn shaqo guri(home work), mana amrin ardeyda in ay kasoo shaqeeyaan, ee maxaa adiga kugu kalifay in aad kasoo shaqeyso?. Ardey ayaa yiri: Ya Allah, waqti badan iyo dhafar badan ayaan u galay in aan xal u helo, adigana waxaa leedahay shaqo laguu diray ma ahan.

Macalinkii ayaa yiri: Su,aalaha sabuurada ku qornaa, waxey ahaayeen qaar ka mid ah tusaaooyin aan ardeyda siinayey, tusaalooyinkaasna waxey ka mid yihiin su,aalihii ay ka cajiseen ama xal u waayeen culimadii ugu weynaa ee cilmiga xisaabta....
Ardeygii ayaa yaabay, waxa uuna yiri: Macalin anigaaba xal usoo helay, waxa ay culimadu ka caajiseene..

Kadib markii la xaqiijiyey, daraasado badana lagu sameeyey ayaa la ogaaday in ardeygaasi uu si sax ah u xaliyey mas,alado boqolaal sano xal loo weysanaa oo cilmiga xisaabta ah. Hadiise uu soo jeedi lahaa ardeygaasi wuxuu aamini lahaa in su,aalahani yihiin mustaxiil xal u helistoodu, mana uusan isku howleen baarista iyo maskax adeegsiga.

Muhiimada sheeka: Shey mustxalil ah oo aan xal loo heli karin majirto, soomali waxey dhahdaa. "Dadaalaa waa gaaraa"
SII AKHRI QORAALKA

Sunday, August 18, 2013

Doctor baa waxuu isbitaalka kusoo galay si dag dag ah, waayo waxaa loogu wacay in uu qalniin sameeyo, wuuna aqbalay codsigii. Si dhaqso ah ayuu dharki iskaga badalay, waxuuna dhaqso ku aaday qolka qalniinka. Albaabka hore ee qolka qalniinka waxuu kula kulmay wiilka qalniinka lagu sameyn doono aabahiis oo sugayey dhaqtarka wiilkisa qalniinka ku sameyn doono.
Odaygi wiilka dhalay markuu arkay dhaqtarkiba qeyli ayuu afka furtay, waxuuna lahaa, "Maxaa xiligaan usocotaa??, Soo ma ogid in wiilkeyga noolashiisa ay qatar ku jirto?.
Doctorki in uu dhoola cadeeyey ayuu ku yiri.
"Iga raali noqo, aniga isbitaalka ma joogin, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan ku imid markii la isoo wacay oo la ii sheegay in aan wiilyar qalniin ku sameyn doono. Waxaan rajeynayaa in aad is dajiso si aan shaqadeyda aan u sameeyo.
Odaygi aad buu usii xanaaqay, waxuu yiri. "Maxaa tiri, is daji aa? Kawaran hadii wiilka la qalaayo uu ahaan lahaa wiilkaga, miyaad is dajin lahayd??? Waxaa kaloo iga jawaabtaa, hadii wiilkaga hada dhinto maxaa sameyn lahayd???.
Doctorki hadana asagoo dhoola cadeynayo ayuu ku yiri, "Caro ayaa nalaga abuuray, carana waa nalagu duugayaa" Cizi iyo sharaf ILAAH ayey u sugnaatay. Dhaqar, noolasha ma sii dheereyn karo. Kac oo wiilkaga lahadal intaan qalniinka sameynin, insha Allah, inta awoodanada ayaan sameyneynaa.

Qalniinki saacado badan ayuu qaatay, daqtarkiina aad bey ugu farxeen natiijada qalniinka.
Banaanka ayuu usoo baxay daqtarki, odaygi ayuuna usheegay, warki farxada lahaa, oo ahayd in wiilkisa uu badbaaday, asagoon ka sugin jawaabta uu odayga bixin doono ayuu ku yiri, wixii suaal aad qabto, kalkaalisada usheeg, wuuna baxay asagoo aad u dag dagsan.
Odaygii ayuu kalkaalisada ku yiri, maxuu daqtarka sidaan iskula weynyahay??? Waxyar muu suga si aan si fiican uga wareysto xaalada wiilkeyga.

Kalkaalisadi ayadoo ilmo indhaheeda ka qubanayaan, ayey odaygi ku tiri "Shalay ayaa Daqtarka wiilkiisi shil baabur ku dhintay, duugti wiilkiisa ayuu ku mashquulsanaa markaan ugu soo waceynay, qalniinka wiilkaga, hada marka uu noolasha wiilkaga badbaadiyeyna, waxuu usii cararay, si uu u dhameystiro, duugitaanki wiilkisa.
Muhiimada qisada waxa waye:
Waligaa Ra,yigaaga gaaban haku xukumin qofna, waayo ma ogid sida ay noolashooda tahay iyo waxa ay la tacaalayaan.

SII AKHRI QORAALKA

Friday, August 16, 2013

Nin ayaa maalin maalmaha ka mid ah soo raacey Doon, doontaas waxaa saarnaa, dad aad u fara-badan, doontii ayaa qalib matey, dhamaan dadkii oo idil waxey noqdeen kuwo dhinta, marka laga reebo ninkii maahane..
Xeeb ayuu kusoo gaaray si naf la caari ah, wax dad ah muusan arkin wax caawiya iska daayee.. Rafaad iyo silac fara badan kadib ayaa waxuu bilaabay inuu dhinto daash isaga oo soo aruursaday xaabo. Gaajo ayaa qabatey wuxuu ku dhaqaaqey bal inuu raadsado geed miro la cuno leh, hase ahaatee waxuu dib ugu soo laabtay daashkii oo gubanaya, markaas
buu wuxuu yiri, Allow maxaa sidaan igu gashay.
habeenkii wuxuu seexday daashkii uu dhistay meel aanan ka fogeyn, subixii ayaa wuxuu kusoo kacay qeylada markab soo gaaray goobtii uu joogey... Ragii markabka saarnaa ayaa soo badbaadiyey, markii ay meel dhexe marayaan ayuu ku yiri: War nimanyahaw sidee ku ogaateen inaan joogo  meeshaan..
Waxey ugu jawaabeen anagoo mareyna meel fog ayaa waxaa xaley aragney qiiq iyo holac hawada qabsaday, dabadeed waxaa niri meeshaas qof baa ku dhibaateysan oo u bahaan caawinaad ee ina keena. Sidii ayaan kuugu imaaney, kuguna soo badbaadinay.
Fiiro Gaar ah: Hadaba ILAAHAY swt, wuxuu wanaag kuu soo mariyaa meel aadan filaneynin ee waligaa haku deg degin inaad ka xumaato go,aankiisa. Ninkaan wuxuu ka xanaaqey daashkii laga gubey, balse ILAAHAY swt  waxuu dabkaas ugu badalay, badbaado iyo isaga oo dhulkiisii iyo dadkiisii ku laabtey. Meeqaa dhib nasoo gaara oon ku deg degnaa inaan sabar la,aan is dhiibno, lagana yaabo inuu ILAAHAY swt,  wanaag noo soo wado.
Sidookale waxaad ogaataa, NabiyuLAAHI Yussuf cs, Dhibka iyo rafaadka ay walaalihiis soo marsiiyeen, waxuu ugu badalay in uu noqdo, waziirka masar.
ILAAH swt sabarka hanagu arzuqo.
SII AKHRI QORAALKA

Thursday, August 15, 2013

Nin Masiixi ah ayaa waxa uu gurigiisa ku casuumay nin muslim ah, oo ay aqoon guud ay ka dhaxeysay.
Masiixigii ayaa soo qabtay canab, waxa uuna u keenay Muslimkii. Muslimkii ayaa cunabkii cunay.. Waxyar ka dib, hadana waxa uu u keenay, khamri.
Muslimkii ayaa yiri: Xaaram waye khamriga, mana ii banaano in aan cabo.
Masiixigii ayaa yiri: Alla maxaan idinla yaabay, dadkiinan Muslimiinta ah,  Canab ayaan kuu keenay, waadna cuntay, qamro canab laga sameeyeyna waad diiday oo waxaa tiri waa xaaram, ee bal, Sidey ku dhacday bal ii fasir.?
Muslimkii ayaa ninkii ku yiri: NAAG MAKUU JOOGTAA??
Masiixigii ayaa yiri: HAA, WAANA UU U YEERAY NAAGTIISA?
Muslimkii ayaa hadana weydiiyey Masiixigii: GABAR MAKUU JOOGTAA??
Masiixigii ayaa yiri: HAA, WUUNA U YEERAY AYADANA.
Muslimkii ayaa yiri:
BAL II SHEEG SABABTA ILAAHAY TAN KUUGU BANEEYEY(NAAGTA), LAKINSE TANKALE(GABADHA), KAAGA XAARANTIMEEYEY, AYADOO SIDAAD OGTAHAY, GABADHU AY KA TIMID HOOYADA??????
Masiixigii ayaa sidaas ku ISLAAMAY waxa uuna qirtay toowxiidka..
Qisadaan waxaan ka faa,idnay, in aad maskax adeegsato marka aad dadka diintan wanaagsan aad u sharaxeysid.
SII AKHRI QORAALKA

Tuesday, August 13, 2013

QISO CAJIIB AH.

Masjid Ku Yaalo Dalka Fransiiska Ayaa Waxaa Yimid Wiil Cadaan Ah, Wuxuu u Yimid Imaamkii Masaajidka, Wuxuuna Ku Yiri:- Waxaan Rabaa Inaan Caruurta Muslimiinta Aan Wax La Barto!!, Imaamkii Ayaa Wuxuu Weydiiyey Aaway Waalidkaa? Cunugii Yaraa Ayaa Yiri Hooyadey Ayaa Ila Socoto Banaanka Ayay Taagantahay! Maadama Aysan Muslim eheen, Masjidka Ma aysan soo Galin.


 Imaamkii Ayaa U soo baxay Banaanka Wuxuu La Hadlay Islaantii, Wuxuuna Weydiiyey Sababta Ay Cunugeeda Masaajidka u Keentey? Isalaantii ayaa Waxay Tiri:- Waxaan Leeyahay Deris Muslimiin Ah Caruurta Waalidkooda Mar Walba Gacanta Ayay ka Shumiyaan, Farxad ayaa ka Muuqato, Sidoo Kale Ma Arkin Muslim Waalidkiisa Ku Xareeyey Meelaha Dadka Waayeeladaa Geeyo, Ee Imaamow Cunugaan Wax ii Bar laga Yaabee in Sidii Caruurtiina oo Kale inuu Noqdo oo Uusan Igu Tuurin Meesha Waayeelada Lagu Xareeyo Markaan Duqoobo.
الا سلام دين الر حمه، الحمد الله علي نعمة الا سلام..

(ILAAHOOW DIINTAADA U GAR-GAAR, YAA RABBI).
SII AKHRI QORAALKA

Tuesday, August 6, 2013

Ibrahim Hashi Ahmed
waxa lawariyay wiil udhashay wadanka maqrib (Morooko) oo muslim ah, wuxu aaha faqiir wuxu kunoolaa ameerika, maalin maalmaha kamid ah aaya wuxu korayay meel, asaga iyo dadkalo badan waxaa dhacday marka inay dadki dagtaan. waxaa meeshi kusoo haray asaga iyo gabar aad uqurxoon, oo xiran dhar qaawanaasho ah, sida haweenka kale ee dalkas. gabadhi markay aragtay inay mesha wiil kaligeed kula noqotay waxay dareentay cabsi ay asaga kabaqayso, laakiin markiba waxay dareentay inuusan wiilka marna Fiirineynin, waxay aragtay asagoo indhihiisa kaleexinaayo, dhaqankan iyo tasarufkan cusub ayay layabtay wiilkii wuxuu doonay inuu soo dagto, waylasoo dagtay. way istaajisay oo waxay kutiri
soo maqurux badni markaasu kuyiri ma ogi anigu kuma eegin, markaasay kutiri, oo maxadan ii eegin yacni maxaad ifirini ladahay. wuxu kuyiri ALLAH ayaan kaamagan galay, anigu ALLAH ayaan kabaqayaa, dintayda ayaana igarebaysa inaan ku eego. ALLAH ayaa iga reebay inaan muxramadka eego, waxay tiri madintaada sidaan kuu amraysa??


wuxu yiri haa, waxay tiri dinta kuudiday inaad halmar xita i eegto bataatanba kuuma saamaxayso inaad samayso wax ka mida noocyada dhibka. wuxu kuyiri haa waa sidaas, waxay kutiri ma i aqbalaysaa inaad iguursato?? wuxuu yiri aniga muslim ayaan ahay adigu maxay tahay diintaada?? waxay tiri ma ahi muslimad wuxuu yiri hadaba iima banaana inaan ku guursado. waxay tiri hadaba waan islaamayaa, ee maxaan sameeyaa wuxuu usheegay sida uusamayo qofka marka uu soo Islaamayo, way Islaamtay, islaamnimadeedana, way wanaajisay.


way is guursadeen wayna ku liibaaneen kurkooda waxay hanti lahayd ayay ku wareejisay wuxuu noqday taajir milyoner. qofki ALLAH kabaqaa makhraj ayuu ALLE ufuraa. wuxuuna ka irzaaqaa meelusan ogayn. aragiisa unbuu xaaraanta kalaabay wuxu ALLAH ka irzaaqay meeluusan ogayn. ALLAHU AKBAR.
SII AKHRI QORAALKA

Monday, August 5, 2013

Gabadhii quruxda badneed oo ey dadkoo dhan wada jeclaadeen
sheko murti iyo Leh.

Waxaa jirtay gabar aad iyo aad u qurux badan indhihii arkaana ey jeclaanaayaan waxaa arkay wiil dhalin yara ah woona jeclaaday woxoo u yimid aabihiisa woxoona ku dhahay aabe maanta gabar ayaan arkay oo aad u qurxan waana jeclaaday waxaan rabaa inaad ii doontid ....................
aabihiis wuu ku farxay arintii woxoona aaday si uu ugu doono gabadhaas wiilkiisa markoo arkay gabadhi ayoo odaygii ka helay woxoona ku yiri wiilkiisa gabadhaan adiga ma u qalantid waxaa tahay wiil yar waxaa u qalbo nin ka weyn oo dhaqan kara ...
wiilkina wuu iska celiyay duqa wuna la dooday waxey isla aadeen saldhiga booliska wexeyna arinti u soo bandhigeen askarigi meesha joogay askarigii woxuu ku yiri

keena gabadha saan idinku kala saaro waxaa la keenay gabadhii...
askarigi markoo arkay gabadhi wuu ka helay wuxuuna ku yiri lamadiinaba uma qalantiin gabadha waxaana u qalma ninka naftiisa dalkisa u huraayo una shaqeenaya umadiisa dartooda waana aniga

arinti ayaa lagu dooday kadib waxaa leeskula tagay qaadigii maxkamada waxaa loo soo bandhigay arintii woxoona yiri hala keeno gabadha isla marki waa la keenay gabadhi qaadigi markoo arkay gabadha wuu jeclaaday asigana woxoona ku yiri..

intiinaba uma qalantiin gabadhaan waxaa u qalma nin xikmad yaqaan oo xaakim ah dadkana shareecada ku kala sooro arinti wey xumaatay waxaa badatay doodi iyo dagaalki waxaa leeskula tagay madax weynihii meesha ka talinaayi si uu arintaan xal ugu keeno

madax weynihii markoo arkay gabadhi ayoo sidi caadada eheed ka helay wuuna jeclaaday woxoona ku yiri kuligiin uma wada qalantiin ee anaa u qalmo oo madax weyne eh dalkana xukuma isla marki waxaa hadashay gabadhi .........

wexeyna tiri anigaa xaal haayo waxaana xalka ah waan ordayaa idinkana waa iga soo daba ordeeysiin waxaana i guursanaayo ninki i soo qabtaa wey wada ogolaadeen nimanki 5ta ahaa gabadhiina wey oroday ragiina wey ka daba ordeen sidi loo ordaayi ayey ragi 5ta ahaa wexey hal mar ku wada dheceen god dheer...

gabadhi ayaa soo kor istaagtay godkii wexeyna ku tiri ma i taqaaniin anigaan saan aad iiga daba carareesiin aniga waxaan ahay aduunyo waana qurux badanahay qof walbana woxoo jecel yahay in uu i helo
lkn ma jiro qof i helaayo qofki isku dayaana inoo i helo woo dhimanayaa marka sheekada waxaa ku jirto xikmad gabadha ey dadku wada jecelyihiina waa

aduunyada ...aduunyada aad ayey u qurux badantahay dadkuna wey wada jecelyihiin waana laga wada dhimanayaa oo lagu
waari maayo marka yaan leesku dhiibin aduunyo yaana la raac raacin mar walbo halagu fikiro tii aaqiro... maxaa yeelay aakhiro ayaa kasii quruxbadan oo laga dhimaneyn .... shukran aqrintada
SII AKHRI QORAALKA

Thursday, August 1, 2013

Gabadh dhalin yaro ah oo wiil Qol la seexatey?

Gabdho dhalin yaro ah ayaa u baxay safar iyagoo jecel inay wax soo baadhaan, waxaa la socday macalimiintoodii, kadiba waxay gaadheen meel laga guurey, gabadh gabdhaha ka mid ah waxay ka fogaatey ardaydii iyo macalimiintii, markii hawshii dhamaatey dhammaaan dadkii baskii buu korey, gabadhiina way ka tageen iyagoo moodaya inay la socoto.
Gabadhii way soo noqotay mise meeshii waa cidla dadkiina way tageen, cabaar bay qaylisey mise cid maqlaysaa ma jirto, kadibna dantu waxay ku kaliftey inay bal u lugayso tuulada ugu dhaw, waxay soo lugaysaba waxay ku soo beegmatay buul yar oo meel ka dhisan, way gar garaacdey wiil dhalin yaro ah baa ka soo baxay, waxay tiri waxaan rabaa tuulada iigu dhaw wuxuu ku yiri halkan tuulo kama dhawa ee iska joog barri baan ku gayne.
Gabadhii iyadoo baqaysa bay buulkii soo gashay sariirtisii buu u habeeyey , Habeenkii markii la gaadhey ayuu Shamac daartay, Gabadhu way baqaysaa nin dhalin yaro ah oo ay qol la huruddo halista uu leeyahay habeenkii oo dhan way is ilaaalinaysey waxayna fiirinaysey bal waxa uu sameeyo.
Markuu xoogaa joogaba shamaca ayuu gacantiisa saaraa oo ku gubaa, waagii markuu baryey isagoo fara guban ayuu gabadhii ka xeeyey, gabadhuna waxay moodaysay inuuba jin yahay ninkaan farihiisa gubaya.
Markay aabaheed u tagtey ayeey qisadii uga sheekaysey kadibna odaygii waa rumaysan waayey, wuxuu is yir gabadh dhalin yaro ah nin kama bad baadayso waxbaa jira, Odaygii wuxuu iska dhigey Nin safar ah Meeshii ninkii joogey ayuu tagey, kadibna ninkii dhalin yarada ahaa ayaa marti qaadey, Markii la is waraystey odaygii wuxuu arkey wiilka faraha guban, maxaa kugu dhacay buu ku yiri, wuxuu yiri waxaa igu dhacay, gabadh dhalin yaro ah oo lunsan baa habeen dhawayd ila soo seexatey qolkan yar, kadibna shaydaankii ayaa i amrey inaan ka shaqaysto, markasta oo uu i amro inaan ficil xun ku sameeyo gabadha dabkaas baan gacanta galiyaa, Odaygii go'aan wuxuu ku gaadhey in uu wiilka gabadha u guuriyo sidaas buuna ku guursadey gabadhii.

Wuxuu ka tagey xaaraan Hal habeen ah, ilaahayna waxa uu siiyey xalaal lagu waaro.

ilaahay khayrka ha ina waafajiyo xumaha iyo sharkana ha inaga bad baadiyo.
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: