QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Saturday, October 31, 2015

Qiso aad u xanuun badan.

Qiso aad U Xanuun Badan.

Gabar ayaa waxay Xaramka ku dhex aragtay maamo weyn
oo ooyeeysa gacmahana kor u taageysaa oo aan ilmada kala
joojineyn
Gabadhii way u timid maamadii oo waydiisay maxaa ku
helay maamo oo sidaan ugu ooyeeysa waxayna ugu
jawaabtay sidaan
Maamo: Waxaan ahaa gabar waxa is guursanay nin kadib
waxaan wada nooleyn mudo 8sano ah waxna maan u dhalin
mudadaas.
Kadib wuxuu guursadey gabar kalle oo alle uu kasiiyay wiil.
Waxaan aha inta kadib mid aad u qalbi jaban oo u
murugeysan.
Labo sano kadib ayaa maalin waxaa dhacday in ninkaygii
iyo xaaskiisi labaad ay safar u baxeen waxaan la iiga tagay
wiilkii yaraa ee ay dhaleen, markii ay sii baxayeen ayaa
waxaan go,aansadey inaan wiilka dilo oo gowraco lkn
intaanan taa ku dhaqaaqin ayaa waxaa ii soo dhacay tilifoon
kaas oo la iigu sheegay ninkaygii iyo xaaskiisi kaleba in shil
gaari ay ku geeriyoodeen.

kadib waxaan ku fikiray in wiilka yaraa aan
silciyo oo silac uu
u dhinto,
waan garaacay waliba garaacis uu waliba la miir
doorsoomay,
waliba isagoo ku dhawaaqaya 'Maamaa Maamaa'
waxaana ku dhextuuray maqasiinka isagoo miirdoorsoomay,
wuu soo naxay saacado kadib isagoo leh 'Maamo Caano'
Hadane marlabaad ayaan garaacay ilaa uu ka
miirdoorsoomay waxaana ku soo xiray maqasiinkii
marlabaad.
waxyar kadib waxaa i qabtay hurdo waan gam ay lkn
waxaan arkay riyo aan ka seexan waayay hurdadaas kadib
waxaan arkay anigoo la i cadaabayo qalbigayga lagu
shubayo dhagaxaan naar ka sameysan gacmahaygana
budhadh naar ah lagu garaacayo.
Marqura ayaan soo booday waxaana maqlay Saqiirkii oo
cod hoose ku leh 'Maamo Biyo'
Anigoo naxsan ayaan biyo siiyay oo Caano yarna u
sameeyay
mudo kadib wuu koray wiilkii wuxuuna ii haystay waligii
inaan Hooyadiis ahay waan guursadey tiro 3 nin oo kala
duwan lkn wax owlaad ah alle ima siin.

Hada waxaan ahay 68 jir isagiina waa 32 jir Maanta qofka
xajka i keenay waa isaga wuxuuna ileeyahay kalimadii
markii aan garaaci jiray uu igu oran jiray ee 'Maama'
Waxaan la ilmeeyaa sida aan yeeli jiray xanuunkeeda iyo
sida uu ii wanaajiyay maanta oo aan cid kale haysan iyo
anigoo u sheegi karin sida aan ku sameyn jiray markuu ahaa
saqiirka 'Yaa allah'
Walliga saqiir yar ha xasdin ama qof bani aadam ahba ma
ogid bari sida aad isku noqon doontaane
Ilaahow Hooyo haka qaadin caruurteeda markay saqirka
yihiin oo koriimo uga baahanyihiin
Aaaamiin
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: