QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Showing posts with label SHEEKO NAXDIN LEH. Show all posts
Showing posts with label SHEEKO NAXDIN LEH. Show all posts

Sunday, November 29, 2015

Gabdhihii xafada soo degay mudo badan waxeey ku maqnayeen baritankii Faiza iyo qabiilka eey ka dhalatay. Baritaan dheer kadib, Gabdhihii waxeey soo ogadeen In eey Faiza ka dhalatay qabiilada Somalidu eey heybsocaan. Sidoo kale waxeey isugu warameen in Faiza eey qiyameeysay Feysal. Iyagoon ogeyn sida wanaagsan oo eey isu guursadeen iyo jaceylka weyn oo ka dhaxeya. Gabdhihii waxeey ka masereen sida lamanahaan eey isu jecelyihiin. Gabdhihii gabar ka mid ah, oo markaa qaraabo sokeeye la ah Feysal aad beey uga xumaatay arintii, waxeeysa dhahday “Sidee Ina Adeerkey ku qabi karaa gabar la heybsooco” Aqristoow maxeey kula tahay hadeey Faiza ahaan laheyd gabar cadaan ah’ miyaa la heeybsooci lahaa, mise la raadin lahaa qabiilkeeda? Gabadhii waxeey arintii gaarsiisay qoyskii uu Feysal ka dhashay oo markaa ku nolaa UK iyo Canada. Qoyskii baa arintii la yaabay, waxey ku noqotay, fajac, waxeeysa dhaheen sideese ku suurtoobi kartaa arintaan. Waxeey dhaheen arintaan waxaan u maleneynaa in eey tahay been abuur. Balse gabadhii reerka dumineysay baa waxey dhahday, arintaan waa xaqiiq, oo waxaan barayay mudo dheer. Waxaana la Ii sheegay in gaabadhani eey tahay reerkaa la heeybsooco, ehelkeedina sifican loo yaqaan.  Qoyskii ayagoo fajacsan baa waxeey dhaheen, Gabadhani miyeey sixirtay Feysal, waxeeysa dhaheen Feysal lagama yaabo in uu guursado qabilkaa asagoo og. Qoyskii waxeey so waceen Feysal, waxeey dhaheen, Gabdhaa guursatayn mataqanaa Qabiilkeeda? Feysal waxa uu ku jawabay haah waan garanayaa oo gabadhani waa reer hebel. (Feysal waxuu wali u hestaa gabadhan in eey ka dhalatay qoyski eey la degeneyd markuu baranayay, sidaan hore ugu xusnay shekadan qeybtedii 1-aad). Xaqiiqdi Feysal marka uu guursanayay gabadhaan waxaa indho tiray quruxdeedi iyo adaabtedi. Jaceeyl baa saaqay oo hami weyn ma uusan gilin ogaanshaha qabiilkeedi. Feysal wuxuu ahaa nin qurbaha joogay mudo, oo waxa uu yimid asagoo yar. Kadib Qoyskii ba dhaheen, war gabadhaa guursatay waxeey ka dhalatay qabiil laheybsooco. Miyaad walatay Feysaloow. Feysal baa dhahay, waxaad shegeysaan suurta gal ma ahan. Waxeey dhaheen bal adiga wareeyso xaaskaagii. Feysal guriisa marka uu aaday kadib, waxa uu yeeray Faiza waxuusa dhahay, Faiza waxaan maqlay in aadan aheyn qabiilkii aan kugu bartay oo aad tahay qabiil laheybsooco. Faiza weey naxday, hadalkii baa ku dhegay, markiiba waxeey ogaatay in gabdhihi deriska la ahaa eey Feysal u warameen. Kadib baa waxeey dhahday, “Hadii aad qabiil igu guursatay, anigu qabiil eey Somalidu heeybsocaan baan ka dhashay, Balse hadii aad Jaceyl igu guursatay waxaan ahay Faiza dii aad shaley jeceyld”. Feysal baa fajacay wuxuu xasuustay hadalkii eey qoyskisii eey ku lahayeen in uu run yahay. Intaa kadib Feysal talaa ku cadaatay, fakar buu bilaabay. Faiza na weey calool xumaatay oo weey ilmeeysay ilaa indhaheedu casaan noqdeen, oo hadal baa kasoo bixi waayay. Weey isku yar- yaraatey, waxaa qalbigeedi kusoo noq noqday dardarankii abaheed.  Feysal waxa uu bilaabay in uu hadal la qeybsan waayo Faiza. Mar walba wa uu fikiraa, farxadii iyo reyn-reyn tii guriga waxeey isu bedeshay mugdi iyo amusnaan. Faiza wax xal ah gacan kuma eeysan heeyn, waxeey go’aan satay in eey Faisal ka sugto waxii xal ah oo eey ku wada noolaan lahayen. Feysal waxa uu la xariiray qosykisii asigoo leh, waad run shegteen oo gabadhaan qabay ma ahan reerka aan mooday. Waxa eey ku jawabeen’ reerkaa isma geyno, gabdhaheynana ha ceybeyn. Adeerkiis oo nin weyn ahaa, dhaqanka somalida aad u kala yaqaan baa yiri, hadii nin oo u bareero arin falkaan oo kale ah, oo noqoto in uu guursado gabar la heybsooco wa aan ka samri jirnay oo waxa aan kasoo qadin jirnay nin aan xabaalnay. Sidoo kale waxa uu dhahay adeer sooma ogid magaca aad hugantahay sharafta uu leeyahay. Ma gabar aad geeydo baad weeyday marka aad guursaneyso gabar aadan geyn. Adeer maxaad nolosha isugu xabaaleysaa. Feysal asigoon is ogeyn baa ilmo ka daadatay. Adeerkii waxa kale uu yiri, ma waxaad doneysaa in dadku eey nala hadli wayaan oo la guursan waayo gabadhaheena. Ileen ceyb looma dhinto, war maxaa ku helay adeeroow. Gabadhan fur waa hadii aad doneysid in aad sharafteena iyo sumacadeena kor u qaado. Feysal hadal ma uusan oran qaracan aawgeed. Intaa kadib Feysal aad buu u cishooday. Sawir uu la sawirnaa Faiza oo marka wallet-ka ku siday buu lasoo baxay oo je-jeexay. Muda yar kadib Feysal waxaa soo wacday gabadhii deriska la aheyd oo dumineysay reerka quruxda badnaa. Waxeey ku tiri gabadha aad qabto wa eey ku qiyaameysey. Jaceylkeedi haduu run ahaa ma eeysan kaa qarin laheyn qabiilkeda. Waxa eey rabtay kaliya waa hantidaada,yaa guursadda gabdhaan oo kale, waxey ogeyd in aa tahay nin wax bartay oo ka dhashay reer ladan. Inta eey goor hore tahay oo dadku aqlin ina adeer gabadhan isaga tag oo ka fogoow. Intaa kadib Feysal cilkii iyo caradii waxa uu kula dhacay Faiza asigoo leh qabilkaaga waxaad iiga qarisay in aad aniga I hesho aawgeed. Faiza waxa eey ku dhahday ma aanan ogeyn in aad tahay qabileyste(Qof qabiil ka danbeya). Feysal baa caradii ku weynatay waxa uu bilaabay in uu gacan u qaado Faiza. Wuu garaacay, waxa uu jibiyay kalxanta. Faiza weey xanuunsatay , waxeey u wacday Police. Poliskii baa yimid, waxeey isku dayeen in eey feysal eey qabtaan. Feysal aad buu qeyliyay, asigoo ku cel celinayo ma garaneysaan gabadhaan waxa eey igu sameysay. Feysal waxa uu isku deyay in uu ka fakado poliiska asigo isticmalaayo xoog, balse poliski baa si xoog ah u qabteen oo wa eey xir xireen. Feysal waxa lo kaxeeyay xabsiga.  Habeenkaa waxeey aheyd habeen mugdi ah oo taarikh ku leh Nolasha Faiza. Feysal waxaa uu hoydey Xabsiga dhexee. Faiza waxaa la seexiyey Cisbitaal. Caruurtii waxa eey la seexdeen gabadhii dariska la aheyd, will yar uu feysal dhaley baa gabdha waxa uu ku yiri HABARYAR waan gaajoonayaa? Inta eey si caro leh ula hadashey bey tiri, waryaa aniguu habaryartaa ma ahi! ee mar dambe ha igu oran habar-yar iyadoo qeylineysa. Wilka yaraa wa uu iska amuusay’ wa uu garan waayey waxa uu ka sameyay habaryarti, -War la iskuma hayo, Gabdha qabilkeeda beey difaaceysaa-.Habeenkaas Faiza hurdo waa ka soo go’i weydey, aad bey u wal-washey, fikir aad uu dheer bey gasheey, Ilaa markii danbe gabar nurse ka ah cisbitaalka eey ku tiri, wax walba okey bey noqonyaan ee ha wal-welin iyadoo dhoolo cadeyneysa, War la iskuma hayo, Faiza waxaa mar walba Qalbigeeda ku dhacayey dar-daranki Aabaheed oo ahaa Aabo iska ilaali Ajiida ( Ajii oo macnaheedu yahay dadka wax heybsoca) si kasta Arintu ha ahaate fikirkeeda waxa u dheraa caruurteeda oo aad uu jecleyd. Wel wel noolaleed beey gashay. Su,aalo badan ayeey nafteyda weydineysay. Su’alaha eey is weydineysay waxaa ka mid ahaa; Noloshaada sidee noqon dontaa, yaase wehel ku noqonaayo. Caruurteyda sideesa kaligeey u bar-bariyaa. Waxey kale oo laheyd Allow imtixaanka aduun I fududeey. Faizo Cisbitaalki waa laga soo saary , gurigeedi baa lagu celiyey iydoo laga kabey kalxanta iyo gacanta oo jabaneyd. Faiza markii eey guriga ku laabatey waxey eey ka war heshay caruurteedii oo dayacan, dugsi iyo skool midna eeynan aadin. Waxaa arintii ka war heley Faiza walalkeed oo London ku noola, waxa uu uu soo direy lacag kaafisay Faiza iyo caruurteda. Feysal laftisu xanuun badan buu qalbiga ka dareemayay; waxaa helay taah iyo wal-bahaar. Wuxuu naftiisa weydiyey xagee wax ka qabtaa, maxaan sameyaa oo caruurteydii sidaan ula nooladaa? Faiza sideey ii arki doontaa,? Maalmo kadib qoyskii uu ka dhashey baa lowyar uu qabtey dacwadiisa baa bilabatey. Reerka arinkoodi Magaalada oo dhan baa ka war heshey, waxey noqdeen in shaaha lagu cabo. Maalintii danbe Faiza waxaa soo boqdey Imaamka masjidka xaafadda oo u sharaxey diinta iyo waxey ka qabto dadka heybsoca. Waxa uu ka samir siyey wixii ku dhacey. wuxuu yiri adeer wixii kugu dhacay waa wax xaga Rabbi ka qornaa. Allena ma moogna xaq darada laguugu sameyay. Alle adoomadiisa wa uu imtixaanaa, Allena waxa uu jecelyahay adoonka ku sabra imtixaankiisa. Noqo gabar sabarta oo waxii kugu dhacey Alle dartii u iloow. Sidoo kale Alle xagii waxaan kaaga rajenayaa bedel kheir khaba. Intaa kadib Feysal waxa lasoo saaray maxkamad.                                   DHAMAAD.
http://qisooyin.daarusalaam.com
ka aqriso qisooyin diini ah
Gabdhihii xafada soo degay mudo badan waxeey ku maqnayeen baritankii Faiza iyo qabiilka eey ka dhalatay. Baritaan dheer kadib, Gabdhihii waxeey soo ogadeen In eey Faiza ka dhalatay qabiilada Somalidu eey heybsocaan. Sidoo kale waxeey isugu warameen in Faiza eey qiyameeysay Feysal. Iyagoon ogeyn sida wanaagsan oo eey isu guursadeen iyo jaceylka weyn oo ka dhaxeya. Gabdhihii waxeey ka masereen sida lamanahaan eey isu jecelyihiin. Gabdhihii gabar ka mid ah, oo markaa qaraabo sokeeye la ah Feysal aad beey uga xumaatay arintii, waxeeysa dhahday “Sidee Ina Adeerkey ku qabi karaa gabar la heybsooco” Aqristoow maxeey kula tahay hadeey Faiza ahaan laheyd gabar cadaan ah’ miyaa la heeybsooci lahaa, mise la raadin lahaa qabiilkeeda? Gabadhii waxeey arintii gaarsiisay qoyskii uu Feysal ka dhashay oo markaa ku nolaa UK iyo Canada. Qoyskii baa arintii la yaabay, waxey ku noqotay, fajac, waxeeysa dhaheen sideese ku suurtoobi kartaa arintaan. Waxeey dhaheen arintaan waxaan u maleneynaa in eey tahay been abuur. Balse gabadhii reerka dumineysay baa waxey dhahday, arintaan waa xaqiiq, oo waxaan barayay mudo dheer. Waxaana la Ii sheegay in gaabadhani eey tahay reerkaa la heeybsooco, ehelkeedina sifican loo yaqaan.

Qoyskii ayagoo fajacsan baa waxeey dhaheen, Gabadhani miyeey sixirtay Feysal, waxeeysa dhaheen Feysal lagama yaabo in uu guursado qabilkaa asagoo og. Qoyskii waxeey so waceen Feysal, waxeey dhaheen, Gabdhaa guursatayn mataqanaa Qabiilkeeda? Feysal waxa uu ku jawabay haah waan garanayaa oo gabadhani waa reer hebel. (Feysal waxuu wali u hestaa gabadhan in eey ka dhalatay qoyski eey la degeneyd markuu baranayay, sidaan hore ugu xusnay shekadan qeybtedii 1-aad). Xaqiiqdi Feysal marka uu guursanayay gabadhaan waxaa indho tiray quruxdeedi iyo adaabtedi. Jaceeyl baa saaqay oo hami weyn ma uusan gilin ogaanshaha qabiilkeedi. Feysal wuxuu ahaa nin qurbaha joogay mudo, oo waxa uu yimid asagoo yar. Kadib Qoyskii ba dhaheen, war gabadhaa guursatay waxeey
ka dhalatay qabiil laheybsooco. Miyaad walatay Feysaloow. Feysal baa dhahay, waxaad shegeysaan suurta gal ma ahan.
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, November 28, 2015

Xanuunka Jaceylka Qurbaha Qebta Koowaad.

Faiza waa gabar somaliyeed. Waxeey ku dhalatay somalia, Intaa kadib Faiza reerkeedi waxeey qaxooti ku noqdeen kenya. Faiza Waxeey ku noleed mudo qaxootiga kenya. Faiza markeey jirtay 18sano waxaa loo sameyay kaar (kaararka lagu dhoofo) oo ayada u gooni ah, waxaase laga saaray kaarka ehelkeedi eey kula jirtay. Walalaheedii waxeey adeen Yurub. Mudo yar kadib Faiza waxeey usoo dhooftay Marekanka, gobol somalidu eey ku yartahay. Markeey mudo yar marekanka joogtay baa Faiza waxaa ka helay wiil magaciisa la yiraahdo Feysal. Faiza waxeey aheyd gabar dheer, cas , qosol qurxoon leh, diin iyo dabeecadba Alle u dhameyay. 

Faiza Alle wuxuu siyay akhlaaq iyo dabecada wanaagsan, wiilkii arkaaba wuxuu ku qancayay adabteeda iyo diinteeda. Sidoo kale Feysal wuxuu ahaa wiil Jamacad dhameyay, wuxuuna heestay shaqo wanaagsan. Sidoo kale wuxuu ahaa wiil fur furan ehelkiisana u wanaagsanaa. Feysal muda badan baa waxa uu eegayay gabar qancisa, ilaa heer uu go'ansaday in uu wadamo kale u doonto gabar. Balse nasiib wanaag Feysal marka uu arkay Faiza wuxuu la dhacay degnashaheeda iyo quruxdeeda. Feysal si wanagsan buu waxa uga codsaday Faiza in uu la shekeeysto ayudana ma eysan diidin oo wey ogolaatay codsigiisii. Faiza xilgaa waxa eey la degneyd qoys eey isku barteen kenya. Hase yeshee Feysal baa waxa uu u qaatay faiza in eey qoyskaa ka dhalatay. Faiza marna uma eysan shegin Feysal ehelkeeda iyo qabiikeedi maxaa yeelay faiza waxa eey ka dhalatay qabiil la heebsooco. 

Intaa kadib Feysal gabadhii aad buu u jeclaaday. Ilaa heer
SII AKHRI QORAALKA

Sunday, May 4, 2014

Qiso naxdin leh : Haweeney meydkeeda la aasi waayey iyo mucjiso lagu arkay wejigeeda

Waxaa loo Aasi Waayay Way Cusleed, Naxashkii Bay Ka soo Saari Waayeen, Markaas ayuu Sheekhii Ku Tukanaayay u Diray Sheekh kale oo ka Cilmi Badan oo uu yiri:- Haweentan Waa Laqaadi La’yahay. Markaasuu yiri:- Ku Aqri Aayado Qur’aan ah,

Markuu ku Aqriyay Bey Dhaqaajiyeen oo ay Qabrigii Xaawileen iney Geliyaan, WiilKeeda baa Qabriga Gudihiisa ku jiray oo yiri Hooyadeey Lugaheeda ii Dhiiba Si aan u Dhigo hoos oo Cowradeeda Loo Arkin, Markaasaa Dhulka la dhigay oo ay Diiday Madaxeeda in Qiblada Loo Jeediyo, Wiilkeeda baa yiri Sheekhoow Ma Fiirin Karaa Hooyadeey? Sheekhii ayaa yiri Haa, Laakin aan Ka baxo Aniga Marka Hore.

Haddaba, markuu Sheekhii ka baxay ee uu Wiilkii Hooyadiis Fiiriyey buu Qaracmay oo uu Cararay Sheekhii Baa soo Qabtay oo yiri ii Sheeg Maxaad Aragtay oo Aad La Qaracantay, Wuu Diiday Wiilkeedii inuu Sheego.

Dhoor Bilood Kadib bey is Arkeen Sheekhii iyo Wiilkii Hooyadiisa Dhimatay, Wuxuu yiri: Sheekhoow Ma i Garaneesaa Waa Aniga Wiilkii Hooyadiis Dhimatay ee la Aasi waayey. Sheekhi baa yiri Haa, kolkaasuu Wiilkii yiri:- Hadda ayaan Kuu Sheegi Karaa Wixii Hooyadeey loo Aasi Waayay Maalintii la Aasay ilaa hadda Waan Hilmaami weysanahay,

Wajiga Hooyadeey oo Markii la dhaqayay Baan fiiriyey Waxay aheyd Qof Wajigeedii Caadi ah Sidaan u Arki Jiray awalbo, Laakin Hooyadeey Markaan Qabriga Dhignay oo Aan arkay Waxay Aheed Qof Fool Xun oo Aad u Madoow oo aad moodo inuu Wejigeeda Gubtay. Saas Baan u Naxay.

Waxuu yiri Sheekhoow Hadda Waan u soo Xajiyay oo Waan u Sadaqo Bixiyaa Bil kasto oo Waxaan Dhisay Masjid Hooyadeey Darteed Inuu Illaaheey u Danbi Dhaafo, Sheekheeniyoow Hooyadeey Waxay Aheyd Qof Aan Tukanin Salaadda Waligeey Ma Arag Iyadoo Tukaneysa.

(ILAAHOOW TOWBADA & TOWXIIDKA NA WAAFAJI, YAA RABBI).
SII AKHRI QORAALKA

Friday, August 2, 2013

Qiso cajiib ah: Waxuu yiri: Allah swt hadii uu jiro Hal saac kadib nafta ha iga qaado.

Wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo wax ka barta dalka urdun, kuna soo koray diin la,aan,iyo in uusan ILAAHAY aqoonsaneyn, maalin maalmaha ka mid ah ayuu ardeydii isugu yeeray isagoo doonayey inuu wadada xaqa ah ee islaamka la weeciyo, waxa uuna yiri:Hadii ILAAHAYGA aad aamisantihiin, uu yahay mid jira, hal saac kadib nafta ha iga qaado.waxa uuna fiiriyay saacadiisa isagoo daqiiqadihii tusinaya ardeyda.wixi waqtiga uusocdaba waxaa lagaaray saacadii, walina
ma uusan dhiman, waxa uuna markale yiri: waad ujeediin sow ma ahan in ILAAHAY swt uusan jirin, hadii uu jiri lahaa, maxuu ii dili waayey?Ardeydii ayaa meeshii ku kala tagay, ayadoo qaarkood la yaaban yihiin caqlixumada, ninkaan. Halka qaarkalena ay leeyihiin ILAAHAY ayaa sii deynaya si cuquubadu ugusii badato.
Ardeygii ayaa isaguna gurigiisa aaday, waxa uuna guriga ugu tegay hooyadiis oo cunta u diyaarisay iyo aabihiis oo sugaya waxa durbadiiba lagu yiri gacmaha iska soo dhaq, cuntada adiga yaan kula sugeynaye.Suuliga ayuu aaday si uu isaga soo meyro gacmaha, waxaa durbadiiba laga war helay wiilkii oo istaaga ka dhacay suuliga dhexdiisa, isla markaana naftu ka baxday si deg deg ah.baaritaan dheer oo lagu sameeyey sababta dhimashadiisa keentay ayuu dhaqtarkii ogaaday in ay dhegta biyo ka galeen xiligii uu waji dhaqanayey.
waxaana cad oo culimada caalamku ogaadeen in dameerka hadii dhegtiisa biyo galaan uu dhinto.Taasoo lamacno ah, in ILAAHAY la mid yeelay dameer dhegta biyo ka galeen.Arintaan ayaana noqotay mid aad loola yaabay, oo wax badan laga qoray wadamada islaamka gaar ahaan urdun.
SUBHANALLAH.. ILAAHAYOW KHAATUMADEENA HAGAAJI. AAMIN YA RABB.
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, July 20, 2013



Gabaryar oo dhigata jamacada-kuliyada tarbiyada ayaa waxaay kawarameysaa sidii ay kuweydey wixii ay mustaqbal laheyd. Waxaa ladhashey 3gabdhood oo kala dhigta dugsiyada sare iyo kuwa dhexe.


Aabahood wuxuu kashaqeyn jirey Dukaan si’uu uguhelo waxaay gabdhihiisa quutan iyo waxay labistaan.


Gabadhani waxay aheyd qof dadaal badan xaga duruusta schoolka .Waxay caan ku’aheyd xaga Akhlaaqda iyo dadaalka ay waxbarashada kubixinjirtey. Waxaay aheyd tusaale ay kudaydaan gabdhaha kale ee jaamacada dhigta.Marka lasoo gaabiya, waxaay kulansatey sifaadka fiican ee qof lagu sheego.


Sheekadaan oo aan kasoo qorey Kitaab yar,wuxuu sheekha kusoo guuriyey sitoos ah hadalkii gabadha ayadoo kawaramasa wixii qabsadeyna waa tana:


Maalin maalmaha kamid ah anigoo kasoo baxaya albaabka Jamacada ayaa waxaan arkey wiil dhalanyaro ah oo aad uqurux badan oo isoo fiiranaya sida qof iyaqaan. Dheg jalaq umasiin oo waan iska socdey anigoo cabsi igu jirta. Wuu isoo dabagalay isagoo igula hadlaya hadala aan wanaagsaneyn sida caruurta oo kale . Sida isaga oo igu lahaa:


“ qurux badan. Waan kujeclahey….inaan kuguursada ayaan rabaa. Mudo badan ayaan kuraadinaayey markii aan maqley akhlaaqdaada iyo wanaaga ay dadka kugu sheegayaan !”


Waan ordey anigoo iska dhaga tiraya waxa uu igu akhrinayo waayo waligey ima soo marin arintaas oo kale.


Guriga ayaan tagey anigoo daalan oo layaaban arintan. Habeynkii oo dhan masaaxan.Waxaay igu noqotey yaab iyo amakaak!


Maalintii danbe markii aan kasoo baxey jaamacada ayaan kula kulmey hadana iridka isaga oo isugaya ii dhoola cadeynaya. Sidii sila’eg ayaan ugu cararey. Dhowr jeer ayuu sidaas oo kale isoo weerarey oo aan kacararaayey ilaa aan kacaado yeeshey arintii.


Arintii sidaas ayey kusocotey maalinkastaba isaga oo soo jaraya masaafa ilaa uu markii dambe iisoo dhigey waraaq albaabka guriga. Aad ayaan ugu shakiyey qaadisteeda haseyeeshe waan qaadey aniga oo ay gacanta igariireysa. Marka aan furey ee aan akhriyey waxaa kuqornaa hadalo xanbaarsan jaceyl iyo isaga oo kacudurdaaranaya wixii dhib ah ee uu ii geystey intii uu idabataagnaa.


Warqadii ayaan jeex-jeexay oo aan tuurey. Waxyar kadib ayaa waxaa soo dhacey telephone! Mise waa isagii .Wuxuu iweydiiyey inaan akhriyey waraaqda iyo inkale.


“Haddii aad edebyeelanwaydo,waxaan usheegaya waalidkey waadna ogaan doontaa wixii kugudhaca” Ayaan ugu caga jugleeyey.


Wax yar kadib ayuu kusoo celiyey telephonekii. Wuxuuna bilaabey inuu isukey sharxo. Wuxuu iisheegey inuusan xumaan ila dooneynin ee uu rabo inuu iguursado. Wuxuu igadhaadhiciyey inuu yahey nin hantileh. Wuxuu balan qackusiiyey inuu dhisidoona daarta uguweyn magaalada oo aan aniga ahey Amiirada kali ee degidoonta iyo inuu isiindoona wax alle iyo wixii aan ubaahda ee aduunyo ah. Wuxuu intaas kudarey inuu yahey qofka kale ee kaharey reerkooda ee nool manta oo aysanjirin cid kuheysato hantidaas faraha badan ee uu haysto oo waxa kamaqan aytahey xaas wanaagsan oo edebleh sideyda oo kale.


Sharaxaad dheer kadib waan uqalbijelcay. Waxaana bilaabey inaan kadhageysta sheekada marka uu soo diro telephonada. Waxaan is arkey anigoo kasugaya telephone maalinkasta oo haddii uu soo diriwaayo murugooda. Iyo inaan sugo marka aan kasoo baxa jaamacada bal inaan arko ninka ii balanqaadey mustaqbalka rajada wanaagsan.


Maalin anigoo kasoo baxay jaamacada ayaan kula kulmey albaabka isaga oo taagan. markaas ayaan kala bad-batey farxad. Waxaan bilaabey inaan gaarigiisa lafuulo oo aan kusoo wareegna magaalada anagoo sheekeysaneyna.


Marka aan lajooga,waxaan noqdey sidii qof aan laheyn Ikhtiyaar sida uu ii hantey awgeed. Awood umalaheyn inaan is weydiyo sababta aan ula socdo. Waxaad mooda inuu iga siibey wadnaha.


Waxaan bilaabey inaan rumeysto dhamaan hadaladiisa gaar ahaan marka uu iguyirahdo waxaad tahey xaaskeyga mustaqbalka dhow. Daar weyn ayaan kuu taagaya. Dunida oo dhan baan kudabaalsiinaya. Dadna waa adiga oo kali……


Maalinmaalmaha kamid ah(Maalin madow) ayuu burburiyey noolasheydii sidey udhameyd! Wuxuuna igu ceebeyey Ummada horteeda!


Sidii caadada aheyd ayaan islabaxney oo aan is raacney. Wuxuu igeeyey guri aad loo qurxiyey oo sifiican loo gogley. Waana is garab fariisaney anagoo is eeg-eegeyna. Waxaan hilmaamey Xadiithkii Nabiga Salallahu Aleyhi Wasalam ee uu nooga digeyinaay nin iyo naag ajnabi kala ah meel cidla’ah wada fariistaan! Waxaan bilaawney inaan eegaya oo uu isagana i eegaya ilaa aan is arkey anigoo hoos jiifa! Waxaan arkey anigoo gacan kuheynin wixii aan lahaa wixii ugu qaalisanaa! Waxaan soo kacay sidii anigoo waalan markaas ayaan ku iri: “maxaad igu sameyneysaa? Hacabsan!Waxaad tahey xaaskeyga? Sideen xaaskaada kunoqdey adigoon imahersan? Ayaan kucalancaley! Waan kumahersandoona mardhow!” Ayuu iigu laabqaboojiyey!


Guriga ayaan aadey anigoo murugeysan;lugaha qaadila’a oo ooynaya! . Waxaa igushidmey dab jirka oo dhan. Gabalkii ayaa ii ayaa igu madoobaadey! Waxaan bilaabey inaan habeyn iyo maalin ooyo. Waxaan katagey waxbarashadii.Xaaladeydii ayaa sii xumaatey! Qoyskanigii ayaa igu wareerey ayagoo layaaban waxa igu dhacey!


Waxaanse isku samirsiiyey arintii uu ii balanqaadey ee guurka aheyd inuu fulindoona.Waqtigii ayaa dheeraadey ayadoo habeynka iyo maalinta ay iiga culustahey buuraha.Tolow maxaa kuxigidoona!


Waa tana balaayo kale oo kadaran tii hore! Telephone ayaa soo dhacey!Waa isagii oo aad mooda codkiisa inuu kasoo hadlaya meel fog. “Waxaan rabaa inaan kulano oo aan kawada hadalno arin muhiim ah” Ayuu iguyiri. Aad ayaan ufarxey anigoo uheysta inuu doonaya inuu nikaax sameynayo iyo aroos waliba!


Waxaan utagey isagoo aad moodo sheydaan wuxuuna igu yiri: “Waxaan kugu bishaareeynaya inaadan iga sugin wax guur ah waliga!Waxaan rabaa inaan kuwada noolaano sidaas” Dharbaaxo ayaan kaga soo qaadey ay indhuhu lasoo dhicigaareen! Waxaana usheegey inuuyahey nin akhlaaq laabe ah oo mustaqbal dooneynin.Waana katagey anigoo ooynaya!


“Waxyar isug!”Ayuu igu yiri. Waxaa gacanta ugujira Cajalad Video ah. Wuxuuna igu yiri sijees jees ah: “Taas ayaan kuburburinaya noolashaada” “Maxaa kuduuban” Ayaan weydiyey. “Kaaley oo arag waxa kuduuban. Waxaay kugu noqondoontaa layaab” Ayuu igu yiri.


Waan raacey si’aan usoo arko waxa kuduuban.Waxaan ku arkey dhamaan Faaxisho ahaa ee nadhexmarey markii aan guriga joogney! Maxaad sameysey Yaa Thaalim? “Camera ayaa guriga galiyey oo duubtey.Cajaladaan ayaan kuu heystaa oo aan kugu burburinaya haddii aad diidid waxa aan rabo!


Qayli iyo oohin horleh ayaan iskudarey waayo ceebtu waxaay ugudubtey qoyskayaga.


Arintii waxay kudhamaatey inaan ninkii unoqdo laheyste(Asiiraha) oo sida uu doona ii maamusha habeyn iyo maalin.Sifiican ayaan udabaashey.Waxaan kawareegey noolashii sharafta laheyd waxaana kuwareegey dumarka nooca liita. Qoyskayagana war umahayaan waxa dhacaya.


Cajaladii ayaa faaftey.Waxaay gacanta ugashey ina adeerkey. Arintii ayaa laba qaraxdey. Waxaa kawarheley waalidkey iyo dhamaan reerkayagii oo dhan.Waxaay usii gudubtey ceebtii oo ay qaadatey dhamaan magaaladii oo dhan. Gurigayagii waxa hareeyey ceeb.Waan dhuuntey si’aan ubadbaadiyo nafteyda.


Waxaa sidoo kale magaaladii kacararey dhamaan qoyskayagii oo dhan haseyeeshey ceebtiina kamaharin ee waa laguurtey.Waxay noqotey arintii midlooga sheekeysta majaalista. Cajaladii ayaa sii fidey oo gacanta ugashey shabaabka magaalada.


Waxaan kubiirey dumarka jirkooda kaganacsado anigoo murugeysan.Ninkaan wuxuu horey usoo baleeyey gabdho kale oo sideyda oo kale kaduufsadey schoolka. Waxaan go’aansadey inaan ka aargoosta oo aan kusameeya mid kaxun tuu igudhigey.


Maalin ayuu ii soo galey isagoo aad ucabsan.Waxaan u degdegey inaan kafaa’ideysto jaaniskaan. Waxaan caloosha kagaliyey toorey! Halkaas ayaan kudiley Insaan-shaydaankii. Waxaan kagaraaxeeyey dadkii uu dhibilahaa gadaashey!.


Waxaan uqorey sheekadaan si’aay ugunoqoto waano gabdhaha yaryar ee soo kacaya si’aysan ugukadsoomin hadalada jilicsan ee ay raga kusiraan dumarka.


Waxaan kusoo hordhigey sawir kaamil ah sidii aan uburburiyey noolasheydii iyo tii qoyskayaga.


Aabahey wuu dhintey isagoo kucalcelinaya: “ XASBIYA ALLAH WANICMALWAKIIL! ANAA QADBAAN ALEYKI ILAA YOWMUL QIYAAMAHA” MAA ASCABAHAA MINKALIMAHA.





Allah na astura waayo haddii usan na’asturin kuligeen waxaan nahey ceeb socoto.
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: