QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

QORAALADI UGU DAMBEEYEY

Friday, December 18, 2020


Nin shaacir ah baa laga hayaa,”WARANKA DHAAWACYADIISU WEY BOGSOODAAN,LAAKIIN CARABKA DHAAWACIISU MA BOGSOODO “


Hadda madaxdeena maanta ku hardamaya kursiga waxaann u soojeedin lahaa in hadalada la is oranayo aad looga fekaro, yaan maanta oo keliya lagu fekerin in wax lagu kala rito carabka ee hala fiiriyo mustaqbalka dambe saameynta uu ku yeelan doono jiilasha yar yar ee afkiina daawanaya ama u fahmi karta  dowladnimaduba iney tahay meel markaas Ninka joogaa uu siduu rabo ka yeelo,kuwa ku heystaana ay qeylo iyo qadaf uga qaataan, 


Mudanayaal, waxaa tihiin madax nasiib u yeelatay xili dowladdii iyo dalkiiba uu naga burburay  iney xukunka dowladnimada ku soo hormaraan dalkana hogaamiyaan, waxaa leydinka sugayay inaad macalimiin u noqotaan shacabkiina iyo dhalinyarada dagaalada sokeeye ku dhashay {Roll Modal} si ay idinkaga bartaan casharo dowladnimada,nabada,sharciga iyo kala dambeynta ku saabsan.

Lkn maanta nasiibdaro waxey ardeydiinu idinka baranayaan oo kala taageerayaan hadaladiina  iyo hab dhaqankiina, iyadoo ay koox walibaana iskala safan tahay dhankii uu jiro odaygoodu, Waayoo waa waxa keliya oo ay soo arki jireen waqtiyadii dagaalada sokeeye.


Tankale, Waa arin loo baahan yahay in uu dalku yeesho mucaarad iyo muxaafid  talada ku loolamaya, oo  tani waa qeyb ka mid ah badbaadada dowladnimada, sababtoo ah hadii uu hal dhinac dalka iska maamusho waxaa xoogeysanaya dictator-nimada waana halkii aan shalay soo eednay,

Balse dhinaca kale iyadoo leys mucaaradayo oo leys dhaliilayo misna waa in laga wada mideysan yahay danaha guud sida,dalka,dadka,Xasiloonida,Dowladnimada,ilaalinta Sharciyada, dareenka bulshada iyo waxkasta oo wax u dhimi kara wadajirka iyo horu-u-socodka dalka. 


Runtii  intaan ayaa  maanta madaxdiina oo dhan dowlad iyo murashixiinba ceeb iyo taariikh xumo idinkugu filan,shacabkeenana niyad jab iyo quus noogu filan, waayoo hadalada xanafta leh, cagajugleynta iyo ficilada ka soo baxaya dhanka Siyaasiyiinta musharixiinta ah ma aha wax u wanaagsan dhagaha shacab loo tababarayo hanaan dowladeed iyo kala dambeyn,  dhanka Madaxda dowladana sida ka muuqata Tanasul la’aanta, isla weynida, aamusnaanta, Caburinta, iyo ka gaabinta howlihii loo doortay, iyaduna waa mid walwal iyo rajo xumo ku beeraysa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. 


Sidaas daraadeed, hadii shalay la oran jiray shacabku waa dad aan dowlad rabin welina aan u bislaan, Maanta waxaa noo muuqata shacab dowlad iyo nidaam raba iyo Madax dowladnimadii isku heysta oo looga cabsi qabo iney sabab u noqdaan burbur ku yimaada nabadgelyada, heydaha dalka iyo dowladnimadaba, dibna noogu celin kara wadadii qodxaha badneyd ee horey loo soomaray. 


-TALO SOOJEEDIN:- 

Waxaan talo ahaan ugu soojeedinayaa madaxdeena maanta joogta iyo madaxdeenii shalayba in ugu horeyn dalka iyo dadka loo turo, waana in ciladaha jira  aad carabkiina uga wada hadashaan oo aaney dhicin in leydiin kala dab qaado, waa in fursad loo siiyo arintaan garab sadexaad oo lagu kalsoonaan karo, waa in ficilada iyo hadalada lakala adeegsanayo aad looga fiirsado oo aan lagu kala cad goosan, gaar aahaan Siyaasiyiinta Murashixiinta ah waa in ay  wax ka badelaan aragtida ay hada ku mideysan yihiin oo ah mid aysan birito ku sii wada socon doonin  oo hadii midkood guuleysto ay intooda kale uga hor imaan doonaan, taa bedelkeedana waa iney la yimaadaan hab kale oo  ay dhaaliilaha jira ku soo bandhigi karaan oo aaney ka muuqan cakirnaan siyaasadeed,


Si gaar ah waxaan baaq ugu dirayaa MD Farmaajo, RW Rooble, Gudoonka Baarlamaanka, iyo xubanaha kale ee dowlada, waxaana leeyahay Mudanayaal idinkuna waxaa tihiin madaxda maanta dalka hogaamineysa waxaana idin saaran waajib gaar ah oo ka duwan midka saaran madaxda musharixiinta ah ee aad la ficiltameysaan, sidaas daraadeed  talada iyo toosinta Qaranka ee aad hada isku koobteen fadlan balaariya oo hadii uu PLAN A idiin shaqeyn waayay ku dhiirada PLAN B  lana imaada tanaasul Siyaasadeed, oo iyadoo aaney shisheeye idiin kala gar naqin la  fadhiista walaalihiina mucaaradka ah & cid kasta oo lagama maarmaan u ah xaaladdan,waayoo waxaa suurtagal ah hadii la wada hadlo in la helo isfaham yo jawi nabadeed oo fududeyn kara in la qabto doorashooyinka dalka, hadiise labadiina dhinacba ay garashadiinu sidaan tahay iyo in labo daraf lakala taagnaado ilaa inta uu waqtigu ka dhamaanayo, indhihiinuna ay arkaan oo keliya xukunka iyo manaafacaadka ku hoos qarsoon kursiga loo wada ordayo hoostiisa, .......WAXAAD MAANTA BI’ISAAN,BIRI HA U SHALAAYINA .!!


WQ/- Abdulkadir Dulyar. 


Maxaa yaab isdabayaal.!!

SII AKHRI QORAALKA

Tuesday, April 18, 2017

1. Ma waxaad u heysataa in aadan qurux badneyn? Qof baa aad u doonaya inuu sidaada u qurux badnaado, kuwa badan baa Lixaadkoodi waayay hadana qanacsan
2. Ma waxaad rabtaa lacag badan? 30% dadka Aduunka waa sabool, qaar badan waxay ku noolyihiin 1 Dollar wax ka yar maalintii
3. Ma waxaad dooneysay oo aad weyday Saaxiib? Kuwaan xitaa Waalid heysan

4. Ma dhadhanka cuntadaa nacday? Caruur ayaa Gaajo u dhimaneysa
5. Ma Adeegashada dukaamada waaweyn ayaad ku daashay? Dad baa qashinka ka dhex raadinaya alaabo
6. Mobile kaa jabay miyaa la murugootay? In badan baa mugdi ku nool oo iftiin koronto arag noloshooda
7. Ma Noloshaa iska nacday? Bukaan badan oo ay ku xiran tahay Ogsijiinta neefta ayaa Cusbitaalada jiifa wax kastana ku bixinaya si ay u sii noolaadaan

8. Ma Shaqo ayaad weyday mise shaqadi aad haysay ayaad nacday? Malaayiin ayaa shaqeeya 12 saacadood si ay u helaan hal waqti wax ay cunaan
9. Ma dadaal kastoo aad sameysay, derajo kastoo aad heshay ayaad hadana deganaan maskaxeed weyday? Nimcadi Alle ku siiyay ayaad ku shugrin weyday, Alle ayaa kuugu yeeraya in aad u noqoto oo camalo wanaagsan sameyso
10. Ma qof aad Jeclayd ayaa kaa tagay oo la murugoonaysaa? Ma ogtahay in 8 Bilyan oo qof Dunidan ku nooshahay, weydiiso Alle SWT bedel khayr qaba inuu ku siiyo
11. Ma kuwa Madax noqday, Maal iyo Magac weyn yeeshay ayaad ka maseyrsan tahay? Ma ogtahay intooda badan in aysan si Nabad ah u seexan, Madaxa faaruqin karin stress dartii, keligoodna suuqa dhex socon karin

12. Ma qof war kaa sheegay ayaa la gubatay? Qaar baa xoriyadoodi waayay oo xabsiyada dhex jiifa
Haddaba, ha ku lumin waqtigaaga tirinta dhibaatada, yaysan kuu muuqan keliya waxyaabaha aadan heysan, Xusuuso oo ku Xamdi-naq nimcooyinka Alle.
Soo qor “Alxamdulilaah” hadaa ka mid tahay kuwa Alle ku Shugriya.
SII AKHRI QORAALKA

Thursday, September 29, 2016

Cadaas wuxuu ahaa Wiil Carbeed, oo ka soo jeeda Ashuuriyiintii oo ku noolaa Woqooyiga Ciraaq, Magaalada Naynawa, wuxuu la noolaa Aabihii, Hooyadii, Walaalihii iyo Ehelkiisa kale. Wuxuu Alle ku Manaystay Maskax, Firfircooni iyo Akhlaaq wanaag.

Wuxuu kaga hor maray Dhalintii la Faca ahayd Diintiisa Nasaarada oo uu aad u Bartay iyo Dabaasha Webiga Dijla oo uu aad ugu Fiicnaa.

Waxaa noloshiisii iyo Mustaqbalkiisii bedelay, markay Maalin Koox Xoog waa weyni ka Qafaasheen Duleedka Naynawa oo Adoon ahaan u iibiyeen, waxey Gacaniba gacan ku Wareejiso wuxuu Aakhirkii u Gacan galay Labo Walaalo ah oo ka mid ahaa Madaxda Qureysh Waa Cutba Binu Rabiica iyo Shayba Binu Rabiica, waxey Geeyeen Bustaan ay Daif ku lahaayeen, halkaasu Sannado badan ku Noolaa oo Beerta uga Shaqaynayey.

Cadaas Maalin waxaa ku soo Kediyey Buuq iyo Qeylo ka taagan Magaalada Daa'if, markuu eegay wuxuu arkay Nin Dhalinyaro ah iyo Nin Gar madoob oo Caruurtii, Dumarkii ay Dhibaayaan oo Dhagxaan kala Daaleen oo Dhiig badani ka socdo iyo Ninkii Dhalinta ahaa oo Dhagaxa isaga Dhigay.

Wuxuu eegay Labadiisii Sayid, waaba iyagoo Ninka Fiirinaayo oo isku leh Asnaamtaan ku Dhaartay waa Muxamed Bin Abdullaah.
wey u Qalbi Dibceen waayo Qaraabaa ka Dhexeysay.

Haddaba, Labada Walaalo Midkood ayaa igu yiri Gacankaa Cinabka ah Xeeradaa ku Rid oo u geey, wax haka Cunee. Haddaba, Cadaas wuu u Caga Fududaaday waayo waxaa Xanuujiyey Dulmiga loo geystay. Cadaas wuxuu yiri Hortiisaan Dhigay, waana sheegay in la igu soo dhiibay. Waxaan eegay Iftiinka Wejigiisa iyo Haybadiisa iyo Dhiiga jirkiisa ku yaal.

Rasuulka Gacantiisa Midig ayuu Cinabkii u Fidiyey, Xabad ayuu soo qaatay oo intaanu Afka gelin yiri:- Bismilaah.

Cadaas wuu la yaabay Kelmadaan, wuxuuna Rasuulka CSW, ku yiri:- Waxaan kaa Maqlay Dadka Magaaladaan ma Dhahaan.
Intaas ka dib Rasuulka ayaa Warsaday Cadaas Dhulkee ka timi iyo Diintee heysataa. Cadaas wuxuu ku jawaabay:- Waxaan ahay Nasraani Reer Naynawa ah.

Rasuulka CSW, ayaa ku yiri:- Waa Tuuladii Adoonkii Fiicnaa ee Yuunis Bin Matta.
Cadaas wuu yaabay!, Walaahi waxaan Naynawa ka imi iyadoon Tobaan Qofna aqoon Xaqiiqdan aad sheegtay. sidee u Ogaatay Yunus Bin Matta adigoon wax Akhrin oo Ummad aan wax Akhrin ka soo jeeda.
Rasuulku wuxuu si Deggan ugu yiri:- Kaasi waa Walaalkay oo Nebi ahaa, Aniguna Nebi ayaan ahay.

Haddaba, Cadaas wuxuu yaqiinsaday inuu Hor joogo Nebiga ay Ciise iyo Injiil ku Bishaareynayeen, intuu ku Foorarsaday ayuu Gacmaha, Madaxa iyo Lugahaba ka Dhunkaday.

Cutba iyo Shayba ayaa is eegay iyagoo Dhahaayo:- Waakaa wuu kaa Fasahaadiyey Cunugaagii, Markuu Cadaas u soo Laabtayna waxey yiraahdeen Cadaas maxaa ku Helay sow Adigii Ninka Madaxa iyo Lugahaba ka Dhunkaday, wuxuuna ugu jawaabay Sayidii:- Dhulka ma joogo Qof ka Khayr badan. waxey isku dayeen iney ka Leexiyaan, laakin Madaxuu ka Ruxay, hadalkoodana waxba kama soo qaadin.

Imaankaa Qalbigiisa u gudbay, wuxuuna yaqiinsaday in Alle khayr la doonay oo u qoray inuu la kulmo Nebigii u Dambeeyey, oo Saaxiibadii ka mid noqon.
Cadaas Alle ha u Naxariisto, Rasuulkana Alle Naxariis iyo Nabad gelyo kor kiisa ha yeelo..

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW IIMAAN SUGAN NASII).
W.Q:- Macoow Ustaad.
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, September 17, 2016

14 september 2011 arbaco abare 7:0- 8:0 habeenimo waxaan ka soo baxay xarunta shaqada radio gaalkacyo oo aan ka tirsanaa aniga oo ku sii jeeday gurigayga waxaan soo raacay oo isoo qaday agaasimihii waqtigas maamulka xarunta hayay Ader abdulaahi xirsi cadde oo gaadhigiisa aan soo raacay si uu ii soo dhaweeyo madaama waqti habeena ahayd shaqadana ku daahay.

Xogaa markaan soo soconay waxan adeer ka codsaday inuu igu dajiyo laamiga dheer aaga suuqa si aan u lugeeyo inkasta oo uu isku dayay inuu igu qanciyo in uusan meesha igu dajin haddana anna ka sii codsaday oo rabay inaan halkaas ka lugeeyo oo aana sii dhibin wuuna iga aqbalay meshii baana isku macsalamaynay iyo inaan bari shaqada imaan doono haduu alle idmo si markas howla xarunta quseeya u xalino.

Markii aan socday muddo ka yar 10 daqiiqo waxaa la iga soo wacay radio risaala muqdisho oo aan wakiil wareed u ahaa si aan u siiyo haddi news jiro lkn waxan u sheegay inaan meel mugdiya gali rabo oo aana telka ku sii hadli karayn sidii buuna iga qancay wiilkii studio war qabadka joogay habeenkas.

Intaas ka dib maxa dhacay?

Waxaan soo jaray laamigan ku socday si aan ugu leexdo jid kale oo aan xaafada u sii mari lahaa inkastoo uusan agaas ka dhawayn gurigeeno haddana waxan halkas u soo maray inaan kala badasho jihooyinka xiliyada aan shaqada aado iyo markan ka soo baxo markaan luuqa soo galay waxaa isoo wacay agasimihii oo iwaydinayay arrima la xariira waraysiyo shaqada quseyay su'aashii u horaysay markaan ka jawaabay waxaan dhankayga midig ka dareemay saan culaysa waxana hilmaamay in qof taleefoonka iigu jiro waxana qalbigayga ku jeediyay halka aan sharqanta ka dareemayo isla inta aana eegin gadalkayga waxaan hortayda ka arkay qof qaba dhar cad cad oo dhabarkiisa i xigo baskooladna la soo baxay waxaan dareemay in wax sahlan aysan socon haddana ma jirto meel aan kaga baxayo khatarta aan ku suganahay wuxuna qofkii kuriday xabad masjid iga horeeyay oo dad taagnayeen xiligaana aha bacdal salaada cisha waxaa iigu xigtay qof kale oo maas garaatiya oo jaakad qaba oo isna isku kay raacashay magacayga iyo xabad baskoolad ka soo baxday oo madaxa la iiga waday alle mahadiis xabadii madaxa uu iiga waday waxay iiga dhacday gacanta midig oo aan isaga dhigay, intaas kadib waxaan go'aan ku gaaray wixii awoodayda inaan sameeyo ma awoodo waxaan orad ahayn intaan nafta iga bixin ama meel halisa la igu dhufan waxaan durba ku dhaqaaqay inaan ordo haddana xabaduhu wa igu socdan majirto ciidan ama meel aan ku ordayo oo aan badbado ka radinayo balse waxan is leeyay kolba ku dhimo meel meydkaaga laga arkayo isla waqtigaas halkan ku soo ordana ah laamigan soo jaray daqiiqadihii is badalay.

Intaan ordayo xabadkasta oo jirkayga ku dhacda way iga sii baxaysa waxana hortayda ku arkaya iyaddo holcaysa sida dhinbil dhuxul ka duulaysa gacantu waa i jabantahay xididadeeduna banankay yaalan mida jaban ,caloosha waxan ku wada hayaa gacanta midix oo aan uga dhigay xadhig.

Xabadii 5naad baa igu dhacday intaan lugaha iyo madaxa ka ahayn jirkaygu kama fiyooba waxaan kari la ahay inaan sii ordo badbaadase alla haya waxaa iga istaagtay rasaastii labada gees iiga imanaysay kaliya rajadan qabana ah inaan laamiga imid oo qof socda aana arkayn meesha waxaa ku yaala maqaxiyo shaaxa laga cabo cashoyinka fududna laga cuno balse dhawaqa rasasta oo aad ugu dhaw baa laga sii kala cararay oo qofkasta is leeyahay ka dheerow waxa soo socda oo aysanba ogayn in aan badbaado raadis ahay.!

Waxan isku tiirshay darbi maqaaxi aan soo ag maray markii hore oo dhalinyaro ciyaaro ku dawanayeen isla markiiba waxaa isoo baxay 2wiil oo dhalinyara oo aad u baqaya kalsooni baddana ku qabin inay isii ag joogaan waxay eegayan halkaan ka soo orday waxayna ayagoo geesaha fiirinaya i waydiinayan qofka xabaduhu ku dhacen adiga miyaa anna jawabtaydu waa haah!

Way i fariisiyeen mana sii hayo xasuus sidaas u badan oo durba waan is badalay waxaan niyadayda ku si danbaysa kolba hadda dhimato sidee laguu ogaanayaa ? Hooyaday oo aan aad u jeclahay ayaan ka walwalaya marka ay maqasho waxa dhacay haddana aan ku ogahay qof samir baddan.

Intaan meeshas aalay waxaa soo buux samay dad baddan oo qofkasta doonayo inuu ogaado waxa dhacay iyo inaan noolahay awoodaydu ma dhama inaan dadka sii dhagaysto ama eego xitaa aan aad u sheegto waxaan rabo hadalkaygana lama maqli karayo ilaa aad la iigu dhaweeyo dhagta maahane.

Gabadh aana magaceeda iyo wajigeeda aana aqoon baa cod dheer ku dhahaysa gabadha meesha ka qaada muslim ma tihiin miyaa iyo walaal ashahaado intaba waan maqlaya ashahaadku afkayga kama bixin ilaa aan baskooladaba arkay oo alle swt baa i haleelsiyay alxamd.

Buuq iyo su'aalo baddan kadib waxaa isoo qaday walaalihii meesha is kugu yimid oo rag u badna waxay igu sidaan gacmahooda oo ma jiro wax gaadhiya ay wataan ama meesha marayay xiligaas ilaa ay iga soo gaarsiiyeen meeshan awal kaga soo dagtay gaariga ader abdulaahi oo ah laamiga hal boolaha u ah magaalada waxana ku ag dhaw dukaamo gacanacsi qaarkood lagu hor gado khaatka xiligas waxaa ku sugna dadka jaadka gada waxayna kala kulmeen in hooyooyinkii halkas ku sugnaa ay wiil darawala ku dhahan qaad gabadha dadku waxay is waydiinayan ma dhimatay qof jawaab dhaba ka bixin karayana kuma jiro kaliya markaan soo qadnay way noolayd bay odhanayan dhalinyarada gacmahoda igu siday khayr baddan allaha siiyee.

Dadku waxay i waydinayan awaye dadki ku dilay magaranaysay iyo su'aalo xitaa haddan ka jawaabo aysan waxba ka qaban karayn markas sabato ah maahan askar qaarba dhahaya haddan qaadno amay dadki dilay jidka kale nooga soo baxan tasina waa cabsi kale oo bulshada i kor dhooban haysa aniguse horan ugu balan qaday inaan dartood dhiigayga u daadinayo aana la wadagayo wanaaga iyo dhiiri galinta ugana baqanayn xaqiiqda qof iibsaday naftiisa kana fogaday alle swt ku faanaya inuu dilayo qofkii aan sheegin wuxuu rabo.

Hooyaday markan shaqada adayo adbay u walwali jirtay dhawr mar waxay igu tiri is ka daa shaqadan wana dareen ku dhashay markay aragtay hanjabado isoo garaya la igu leeyahay waxaa tahay gaalo waxad u shaqaysa gaalo raaciin adigana waa lagugu jana tagaya goor aan fogayn markasta waxan u dira taleefoon si aan ugu sheego inaan nabad qabo meshan joogana waan la wadaga waxan la ahay saxiib iina suurta galisa inan is fahano in naddan duco ayayna iigu kaalmaysa xilikasta.

Gaadhigii waa iso qaday waxana la i kenay spitalka wayn ee gaalkacyo inta aan xaladahas u soo marayo helida gar gaar caafimaad warkii wuxu gadhay waalidkay iyo walalaahay oo geeri loogu sheegay doonaya inay soo arkan meydkayga halkuu yaalo oo logu shegay.

Walashay iyo walalkey baa la xadhiidhay xarunta radio gaalkacyo si ay warkaas u xaqiijiyaan lkn maba jirto cid og oo wax walba kadis bay ku dhaceen idaacadana waxaa ka baxaya barnaamijka faqidaada radyaha oo aan soo duubay jahwareer kadib waxaa arrinta loo shegay qayb kale oo bahdan wada shaqaynaynay ah meel shaaxa laga caba ku sugnaa waxayna toos usoo adeen spitaalka oo ay noqdeen dadkii iigu horeyay oo aan wajiyadooda arko markii qaybta gar gaarka dag dag la i keenay.

Waalidkay waxay ku war galiyeen inaan noolahay waxayna wiilashii iigu soo galeen qolkii aan ku jiray oo aysan jirin wax la ii qabtay qolka hal wiil oo meelu wax ka bilaaba aan ogayn una haysta in waxa igu yaala tooray yihiin ayaa ku sugan wuxuu ku canaanaya wiilasha naga aamusa gabadha waxba ma qabto tooray baa ku taala iyo hadalo kale balse ayagu warkaas kuma qanacsana inaan hadli karayo bayna arkayan waxaan u shegay in dhiig igu socdo una bahanahay gar gaar waxaan ku iri "yaana meesha silic ugu dhiman oo aan uga dan lahaa inaysan dhaqaatiir joogin xiligaas ana intaan hadli karayo sheego xaalkayga wuxuu ku suganyahay".

Dadaal ay sameyeen bahdii saxaafada oo garab iyo gaashanba ii ah waxa la ii gudbiyay spitaalka GMC Gaalkcyo Medical Center si aan u helo daryeel caafimaad oo lama huran ay tahay , xaladaydu hadba dhinac bay u liicaysa oo markasta waxan soo jeesanaya anoo hawa kale ku jira oo sida qof miyir doorsamaya noqonaya alle mahadiis

Waxaa la isaray raajooyin dhaqtarkuna wuxuu u sheegay asxabtaydi shaqada in la igu samaynayo qaliin dhanka caloosha isagoo sharaxaad ugu daray waxyabaha imaan karaya iyo hadi ay yimadan filashadu waxay tahay mahad jama koronto iyo rooble xasan abdi ayana saalada ila galay waxan indhaha kala furay dhaqtarka oo i leh xoriyo adeer seetahay iyo ashaado waxan mahad ka codsaday inuu hooyo ii la hadalsiiyo wuuna iga yelay waxan iri hooyo ha walwalin waan caafimaad qaba waxay iigu jawaabtay hooyo laba daarood tii alle kuu qoray allaha kuu fududeyo anoo daremaya in ay murugo badan ka muuqato telkana mahad aya la wareegay waxan u raacshay yaan aabe loo sheegin waayo abahay ma joogin dalka waqtigaas lkn waqti hore bay gaartay aqbaartu anase moog.

Cirbadii suuxdinta ayaa la igu dhuftay waxana bilabanaysa xal u helida caafimadkayga ku dhawaad 2saac haddaysan ka badnayn ayaan dhawac ahay wana rajada koowad ee aan leenahay aniga iyo inta iga naxaysa in markan spitaal lagu kalsoonyahay aan ku suganahay.

Waxaan soo naxay waqti danbe oo indhahaygu qabteen iyadoo ay i garab taganyihiin bahda saxaafada gobolka mudug , sidookale waalidiintay ,walaalahay iyo dad kale oo baddan baa iyaguna spitaalka soo buux dhafshay xamdi alle mudo yar waan ka bogsooday dhaawici iyo xanuunkii isoo maray.

December 28 2011 xaalad caafimaad baa la iigu qaaday magaalada nairobi ee wadanka kenya.

Qofkasta markay wax ku dhacaan wuxuu ka&nbsp; dhintaa ama ka wanaagsamaa waa maskixiyan in alle i badbaadiyay ka sakoow waxaan qiraya inaan ku caafimaday dhiiri galintii ay har iyo habeen ila taagnayeen walaalahay saxaafada mudug , Bulshadayda qiimaha baddan ee wanaaga jecel oo aan iyaga wax ku noqday dhalinyarada iyo dhamaan wax garadkii qiima badna ee ila wadaagay dareenkoodi.

Gunaanad.

Mahad oo dhan allaha wayn ee ifka na keenay bay u sugnaatay.

Intaan noolahay marna kama baxayan xasuustayda halyeeyadii habeen iyo malinba ii taagna isiyay naftooda ina huray noloshooda oo ugu horeeyo my dhaqtar Dhagacade iyo dhamaan bahda caafimadka (GMC )allaha idinka abaal mariyo wanagad ii gashen abalkinana ma gudi karayo.

Sidookale dhakhaatiirta kala ah

Dr burhan cali geelle
Dr Salaax
Dr bashiir ali biixi
Dr Maxamed Jamac salaad
Ban mahad balaadhan u celinayaa

Madaalayasha bahda saxaafada mudug oo aya guna ii ahaa dawooyinkaan ku ladnaaday la aantoodna aanan helen caafimadkas iyo farxadi qalbigayga ku dhigantihin wallahi.

Mamulkii gobalka mudug ee waqtigaas uguna horeyay
Maxamed Yuusuf Jamac tigay
Said abdi faarah
Farxan ali xaad
Iyo afhayeenkii hore galmudug Axmed Baasto

Wasiiradii iyo laamihii amaanka ee igu soo booqday Spitaalka iyo dhamaan bulshaydeena qiimaha baddan ee aan rabin dulmiga iyo xad gudubka u taagan hormarka dalka adbaan idin kaga mahad celinayaa garab istaagiini.

Waxaan isagana u mahad celinayaa
Safiirki soomaaliya u fadhin jiray kenya Mohamed Ali americo
Wariyaasha sida waanagsan iigu soo dhaweayay nairobi waqtigii caafimaadka la
iigu qaaday uguna horeeyan walaalahay Abdiqafar axmed shire
Mohamed ahmed ilkacase
Mohamed gaarane aadan
Gabdhihii iyo wiilashii kalsoonida i tusay jazakumullahu kheyr.

Ururka dhalinyarada galmudug nairobi oo xaflad xasuus iyo kalgacayla iyaguna ii sameyay idinma ilaawin dhamaantiin allaha idin xafido walaalayaal.

Ururka saxafiyiinka qaranka soomaaliyeed wanaag iyo sharaf baan idiin hayaa idinkana

Waxaan alle u waydiinaya naxariis iyo danbi dhaaf walaalihii naga geeriyooday ee dhiigya cabeenadu dileen annagana gadaashood kuwa fidnooba alle nagama dhigo.

Waan u dhiman dalkayga iyo dadkaygaba kamana ganban doono runtu waxay tahay kumana shaqeeyo eex qabiil iyo qof jeclaysi mana aaminsani wax dheer soomaalinimo i yadaa i deeqda hadday ku deeqday u halgan ciida iyo calankaba.

Gobonimo ku dhimo intaad nacamlays ku lumid lahayd.
SII AKHRI QORAALKA

Friday, September 16, 2016

Waan hubaa hadii aad aqrisato inaad
ilmeeneysid.


 Sacdiyo waxeey eheed gabar
kunool magaalada Kismaayo gaar ahaan
xaafada calanleey
Waxeey eheed gabar qurux badan jecelna
wax barashada aadna u fur furan.
Walaalkeed oo joogay Sweden ayaa
soowacay waalidkii una sheegay Sacdiyo
ineey imaato Nairobi si uu uga kaxeeyo.
Hassan oo ahaa Sacdiyo aabeheed ayaa
u sheegay sacdiyo ineey dhowaan u anba
bixi doonto dalka kenya kadibna kasii
aadi doonto Sweden. Sacdiyo ayaa timi
boosteejada laga soo anba baxo ee
kutaala wadada Somali Star ee xaafada
Calanleey. Sacdiyo ayaa sidan ku
biloowday shekadeedi.
1/8/2008 waxeey eheed maalinta aan
kasoo anba baxaayay magaalada
kismaayo anigoo usoo kici tamaayay
magaalada Nairobi.waxeey eheed markii
iigu horeeysay ee aan dalkeeyga Hooyo
dibada uga baxaayo waxaana
dareemayay culeeys kasoo ahaa inaan
katagaayo qoyskeeyga iyo asxaabteeyda.
Waxaan nimi boosteejada Hoyadeey
Sahro ayaa aad iigu ooysay, ilinta
kasocotay Hooyadeey sahro waxeey
eheed mid aan la’ooyay.eyadoo ii
raacisay “Hooyo Illaah hakunabad geeyo
Meel dadka dhaxdooda ahna seexo”.Goor
eey tathay 5 galabnimo ayaan kasoo
anba baxnay magaalada Kismaayo.
Waxaan gaariga dhaxdiis isku baranay
Libaan oo ahaa wiil isagana usoo socday
magaalada Nairobi. Libaan aniga oo kale
muusan eheen horey ayuu u tagay
Magaalada Nairobi. Libaan wuxuu
noqday wiilka kaliyah ee aan gaariga iska
dhax fahanay. Maalin ayaa gaari nooga
jabay tuulada Qooqaani. Intaan safarka
kusoo jirnay naxariisyo badan ayaan ka
dareemay Libaan taas oo xagiisa inta
badan isii jiidan jirtay. Habeen iyo maalin
gaariga nooga haleeysnaa qoqaani aniga
iyo libaan sidii qof iyo hooskiisa ayaan
isku daba soconay anigoo inta bada
kawareeysan jiray Xaladaha Nairobi.
Rakaabka aad ayeey u daalanaayeen
dhaqso ayeey seexdeen balse aniga iyo
Libaan sheeko ayaan ku gaarnay 4
habeenimo. Intaan safarka soo eheen
anig iyo Libaan iskumeel ayaan wax
kuwada cuneeynay iskumeel ayaan
gaariga kawada fadhiisaneynay taas
eyadoo jirto wali Libaan xad gudub iguma
uusan dayin. Kadib waxaan nimi dhobleey
isla galabkiina kasoo anba baxnay.

Waxaan nimi xerada qoxootiga ee
xagardheer waxaana joognay maalin
Libaan ayaa ina geeyay xaafad uu lahaa
adeerkiisa.
Subaxdii danbe 8:30 AM ayaan kasoo
baxnay xagardheer anagoo Nimi Nairobi
6:15 PM.
Aniga maanan kala garaneeyn waxaan
wacay Numberka abtigeey waxaana u
sheegay inaan nabad imi Nairobi uuna
iigu imaado boosteejada gaariga. Libaan
ayaa igu yiri
“ Sacdiyo barashadeena, safarka miyeey
ku koobneed”
“Aboowe maya, barashadeena marabo
ineey halkan ku ekaato numberka
Abtigeey qoro waad iga heli kartaa”
Habeenki daal ba’an ayaa I haayay waan
iska seexday wixii kadanbeeyay waxaan
had iyo jeer niyada kuhayay Libaan
anigoo iska xasuusan jiray hadaladiisa
iyo quruxduu eebe siiyay. 

sadax maalin
kadib goor habeen ah waxuu libaan soo
wacay numberkii Abti si uu iila hadlo.
Habeenki waxaan ka codsaday inuu ii
yimaado waliba si dhaqso ah. libaan
igama uusan diidin wuxuuna iigu
jawaabay “Birito ayaan kuu imaanayaa
waxaana isoo wadaayo wiil walaalkeey
ah” Niyada ayaa iidagtay madaama aan
maqlay Libaan codsiika iyo xaalada uu
kusugan yahay. Wixii intaa kadanbeeyay
wuxuu qalbigeeyga ii sheegay inaan
Libaan jeclahay. Libaan iyo wiil lasocday
ayaa ii yimadeen maalintii danbe anigoo
mar mar dareemayay inaan aamusay oo
aan libaan kumaqanahay sida uu u
shekeeynaayay iyo bulsho nimada
kamuuqatay. Waxaan ka qortay
numberkiisa banaanka gurigana uga soo
haray. Waxaan abtigeey ka codsaday
telephoneka wuuna iga aqbaly.
Habeenki 8 fiidnimo ayaan wacay
“Aboowe haye xaaladaada kawaran”
“Abaayo fiican, adiga side tahay”
Markaan is wareeysanay kadib ayaan
Libaan kacodsaday inuu marlabaad ii
yimaado madama uu isaga xafadeeyda
yaqaano anigoo u raaciyay “ Libaan
maalintaas oo dhan anaad ila jogeeysaa”
Maalintaas gabar habaryarteey dhashay
ayaan kacodsaday ineey eyadana ii
timaado waxaana rabay ineey wiilka
libaan la imaan doono iga mashquuliso
intaan libaan la sheekeeysanaayo. Malin
qamiis ah goor eey tahay 2:00 PM ayaa
waxaa isoo wacay Libaan iina sheegay
inuu xaafada usoo dhoowyahay.


 waxaan
usoo dhoweeyay ninkeeyga inuu yahay
camal anigoo u diyaariyay qado iyo guri
shekada ku qurxoon. Markuu yimi ayaan
Qado u geeyay isaga iyo wiilki lasocday.
Markeey qadadeyeena nasteena ayaan
Hawo u sheegay ineey wiilka usii
shekeeyso libaan ayaan u bilaabay
sheekada aan kalahaa, anigoo uga
bilaabay “ Libaan habeenadan
fakarkeeygu wuu batay”
“ Maxaa dhacay jaceyl miyaa gu galay
abaayo ?”
Libaan marnaba muusan iska dhaadhicin
inaan aniga Damac iga soo galaayo oo
wuxuu aad u tixgalinaayay barashadeena
ku xusneed walaalnimo kaliyah. “ Aboowe
wadankan aan ku cusbahay waan ku
cidlooday, taas eyadoo jirto ayaa arin
kale isii heysataa”
“waa maxay arinta kale ee kuheysto
abaayo?”
“Aboowe, wanaagaaga shekadaada
kaftankaaga ayaa ijiitay inta badana
adaan kaa fakaraa”
Libaan wuu naxay,murugana wajigiisa
soo fuushay kuna yiri abaayo aniga
marabou inaan ku qiyaano meshan arimo
cafimaad ayaan u imi weeyna igu
adagtahay taas
“taas wax weeyn maahan aboowe”
“Abaayo Sacdiyo runtii waad istaahisha
nolol iyo jaceyl in lagula qeeybsado balse
ifahan”
Waxaan kala kulmay libaan niyad jab aad
u weyn waxaana ka codsaday
“Aboowe madama aan arintan kusoo
bandhigay adna aad igu gacan seertay ha
gooynin xiriirkeeni saxiibtinimo” “ Abaayo
taas madhici doonto, waxaana kuu
ahaanayaa sidaan horey kuugu ahaa”
Waxaan ii biloobatay nolol adag Fakar iyo
soo jeed ah, waxaan had iyo jeer kafakari
jiray Libaan cuntadii waan waanba
ilaaway, jiifna waxeeyba ila eheed hadaan
jiifsado inaan libaan heli doonin. Qolka
ayaa waxaa iigu imaaday abtigeey iyo
xaskiisa iguna dhaheen waxaa mardhoow
imaanaya walaalkaa balse waxaas iima
cadeeyn oo Libaan oo kaliyah ayaa ii
muuqday. Libaan wuxuu iigu imaan jiray
maalin dhaaf isagoo ii shekeyn jiray
igana qosli siin jiray, xiliga uu ila joogo
fakar ama murug intaba maanan dareemi
jirin.
Maalinti maalmaha kamid ah ayuu Libaan
ii yimi Waxaan u sheegay inaan dartiirs
qabri u dhowahay. Libaan oo eey ka
muuqato murugo ayaa iigu jawaabay
“Abaayo manta Diktoorka ayaan u tagay
wuxuuna igu yiri waxaad qabtaa Cancer-
ka beerka kudhaca”
Wuxuuna ii sheegay Libaan cudurka
haayay taas oo naxdin ba’an igu sii
kordhisay
Libaan oo aan uga bartay farxad ayaa
maalintaas ka arkay indhihiiisa Ilin
(Oohin) ka daadaneeyso, anigoo waan
iscelin waayay waan sasabay una
sheegay aduunkan in lagu wareeynin
uuna iska samro Illaahna baryo. Waxaan
dareemay inaan kasii daray sababtoo ah
xanuunka hayay gacaliyaheyga libaan
wuxuu ahaa mid aan maranaba kuu
niyad dhiseyn. Waxaan ka codsaday
Libaan inuu gurigooda isoo baro si aan
had iyo jeer uga war haayo. Waxaan u
bandhigay Libaan inuu iguursado aana
haduu illaah iga siinaayana aan ubad u
dhalo. “ Libaan aboowe waxaan
go’aansaday inaan isguursano sideed u
araktaa”
“Abaayo miyaad waalatay, waad araktaa
xanuunka Ihaayo adigana guur iyo
waxaan lojoogin ayaad igu soo
hadalqadeeysaa”
“Libaan waa iga dhab waxaan rabaa
inaan Ciyaal aad adiga leeydahay dhalo,
taasi waa ii farxad Waalidkaana waa u
farxad ”
“Abaayo adigana naftaada miyaad
nacday,maxaad kawadaa waxyaabahan
dhan aad sameyneysid”
“Aboowe jaceylka aan kuu qabo ayaa wax
walbo kaween”
Waxaan indhaha Libaan ilbiriqsi walba
soo dhaafayay ilin isagoo markii danbe
hab isiiyay iiguna jawaabay isagoo
ooynaya
“Abaayo, bal fiiri maanta waxaan heystaa
jaceylka duniga ugu qaalisan bulse
cafimaad ma heysto”
“Aboowe waxwalbo weey dhacaan
dulqaad iyo samir badan muuji”
Waxaan go’aan ku gaarnay inaan is
guursano libaan familkooda ayuu u
bandhigay weeyna ka aqbaleen. waxaan
ana Abtigeey u sheegay inaan guursan
rabo uuna war galiyo Hooyo iyo Aabe.
Abti ayaa igu qeyliyay iiguna jawaabay.
“Abti mafiyoowday, walalkaa ayaa
imaanaya barnaamijki aad u timi nairobi
ayuuna hirgalin rabaa”
“Maya abti maanan waalan ee
jaceylkeyga dhulgaalo kuma badalan karo

Waxaa isoo wacay hooyo iyo aabe, balse
aniga kama aanan laba labeen go’aanki
aan horey uga gaaray Mustaqbalkeyga.
Abtigeey oo aan gurigiisa joogay markuu
arkay inaan madax adkeeyay igu yiri
“Waa kuma wiilka Abti ?” “Abti waa
Libaan wiilkaan isla soo safri jirnay” Abti
magalada ayuu kasoo maqlay wiilka
xanuunka haayo habeenki markuu guri
yimi ayuu yiri “Abti wiilka inuu xanuunsan
yahay iyo waliba cudurka haayo ma
ogtahay?”
“haa abti waan ogahay inuu libaan
Kansarka beerka qabo” abtii wuu yaabay
gurigiisa ayuuna iska galay. Libaan
waxaan maalin walbo ugu tagi jiray
gurigooda anagoo intaan wado joogno
wax naga maqnaa eeysan jirin farxad
galabki ayaan gurigeena iska soo aadi
jiray Farxada jaceyl ee uu libaan itusay
maahan mid aan iloowi doono waligeey
waalidkiisa waxeey go’aan ku gaareen bil
kadib inaan is guursano aniga iyo libaan
waxaan bilaabatay qaban qaabadi
guurka. Maalin ayuu guriga iigu yimi
Libaan isagoo faraxsan sheeko iyo kaftan
ayaana iska galnay, wuxuu igu yiri “
Malaga yabaa inuu Illaah cudurkan iga
qaado?” “ Haa Aboowe, illaah waxwalbo
wuu awodaa”
Waxaan markasto oo aan tukado Illaah
kabaryi jiray inuu gacaliyaheeyga ii
daweeyo.
Waxaa Libaan Aabihiis uu soo maqlay
inuu jiro wadaad tuulo Nairobi udhoow
joogo daaweeyo cudurada kuna daweeyo
dhirta. Waxaa libaan lagu war galiyay
isbuuca soo sacda in loowadi doono
wadaadkaas. Libaan cudurka haayay
wuxuu ahaa mid aad iyo aad uga xanuun
badan balse wuxuu aaminsanaa jiifka
ineey u darantahay cudurka.
Waxaa ii yimi Libaan oo ordayo wuxuu ii
sheegay wadaad inuu aadi doono
isbuuca soo socdo anagoo sheekadii
wadno ayaa salaadi casar la’aqimay
Libaan wuxuu galay salaad.
Libaan wuxuu Illaah marwalbo kabaryi
jiray cafimaad. Wuxuu waqtiga socdaba
Waxaa lagaaray maalintii uu libaan bixi
lahaa . Libaan wuxuu ii yimi goor fiid ah
abaarihii 7:00 PM wuxuuna igu
wargaliyay inuu birito bixidoono “ Abaayo
birito waan baxayaa waxaana dareemi
doonaa cidlo madamaama aan adiga kaa
tagaayo” aniga waxaan dareemay farxad
iyo naxdin dhinac waxaan iska tusay
gacaliyaheyga oo Illaah idinkii isoo
caafimaadi doono, dhanka kale Isagoo
waxbo laga soo qaban waayo-taas oo
Libaan ku keeni doonto niyad jab.
Habeenki wuu i mac salameeyay isagoo
kaftamayana igu yiri “ Hadaan baxo fakar
iyo cunto kasoon hagalin aniga waan
kusoo noqonaa haduu rabi idmo” gacanta
ayuu iga shumiyay iguna yiri “Guurkeena
waa Bil kadib Illaah waxaan ka baryaa
inuu wiil iga kaa siiyo” aniga hadalka
ayaa igu dhagay markaan arkay Libaan
oo safar galaayo waxaana ku iri “Waan
kuu xiiso doonaa”
Subaxdi danbe ayuu baxay Waxaan intuu
sii maqnaa Illaah uga baryaayay inuu
caafiyo gacaliyaheeyga.
4 sacadood kadib ayuu isoo wacay iina
sheegay inuu gaaray goobtii wadaadka. 2
maalin kadib waxaa lasoo sheegay
Libaan xaladiisa ineey kasoo dartay
waxaan isdhahay aad meesha Libaan
joogo balse aniga maanan garaneyn.
Habeenki ayuu isoo wacay isoo aad u
xanuunsanaayo wuxuu igu yiri waan
fiicanahay isagoo niyada ii dhisaayo
balse runtaa waxeey eheed inuu aad u
xanuun sanaayay “ Sacdiyo macaneey
aad ayaan kuugu xiisay xagaaga inaan
mardhow imaado ayaan rabaa”
“Aboowe aad ayaan kuugu xiisay
naftigeeyga” Waxaan Libaan dareemay
markuu ila hadlaayay ineey ilin kasocoto
anigana waan is celin waayay.Habeenku
ila hadlaayay subaxdeedi 9:00AM waxaa
lasoos sheegay inuu dhintay Libaan.
Markaan maqlay dhimashada
gacaliyaheeyga sidaan dareemay Ilaah
unbaa garanaayo runtii maahan mid aan
kasii faleeyn karo.
Libaan iyo aniga waxaan eheen kuwo
iskufahmay nolosha marnaba dhicin inuu
qilaaf nasoo dhax galo.wax
dhameeystiran lama wado helo sababtoo
ah jaceylka libaan iyo aniga oo dhankasto
ka siman ayaa iscalfan waayay. Waxaan
Illaah uga baryayaa Libaan inuu janada
kawaraabi Markaan dhintana uu illa
kulansiiyo.
Bil kadib walaalkeey wuxuu kayimi
Sweden si uu iiwado balse aniga go’aan
waxaan ku gaaray inaan u laabto
Kismaayo,Somalia waxaana ibadashay
walasheey.
SACDIYO WAXEEY WAQTIGAN
KUNOOSHAHAY MAGAALADA KISMAAYO
MEEYSANA GUURSAN. WAXAAN HAYAA
ADDRESS-KI LAGALA XIRIIRI LAHAA
WAXEEYNA II SHEEKTAY NOLOSHEEDA
DANBE HADEEY GUURSATO INEEY IIGA
SOO FALEEYN DOONTO
SII AKHRI QORAALKA

Tuesday, December 1, 2015

Saacad Kasta oo Ku Dhaafta Waxa Tagey Cimrigaagi Waxa Soo Dhawaaday Geeridaadii Waxa Ku Sugaya Maalin Daran Oo Xanuun & Imtixaan wadata Umul Mu,miniin Caa,isha Rc,waxay Tidhi Maalinki Rasuulka SCW Geeridu u timid wuu Miyir Beelay Marku Soo Miyirsaday Ayuu Yidhi Geeridu Waxay wadata Sakaraad & Xanuun Allahayow iiga Kaalme Sakaraadka Dhibkeeda.

Waa Xabiibu Raxmaan SCW Wa adoonki & Rasuulki Ilaahay ee Khalqiga Ugu Khayrka Badna,,, Waa Maalin Aan La, Cabiri Karin Dhibka Iyo Xanuunka & Kulaylka sakaraadka,,Waa Maalin Aan Aduunkan & Iftiinkan Dhaldhalaalkan & Khiyaaliga Aduunyada layska Qaban Doono,, Waa Maalin Murugo Iyo Tiiraanyo aanay Waxba Tarayn Oo lagu Maydhi Doono Awal adoo Maydhan jiray Waa Malin Marada Kafanta laguu xidhi doono awal adoo Labisan Jiray, Waa Shayga Keliya ee aduunkaga Maalkaga ka Raaci doona Maradaa yar ee Cad waa Maalinta Dadka inta Kuugu Jecel ay Ku Dhigi Doonan CIIDA kuguna Rogi doonan Allaah Weyne Jallaa Wa Calaa Aya Qur,aanka Kariimka Inoogu Sheegay,,,MIN Haa Khalaqnaakum,,Wa fiihaa Nuciidukum,, Wa Minhaa Nukhrijukum Taaratan Ukhraa,,,ILaahay Swt Wuxu Yidhi Ciidaa ayaan Idinka Abuurnay, iyada ayanan idinku Cilin Doonaa,, Iyada ayaanan Idinka Soo Saari Doona Maalinka Danbe,,,,ILaahay Swt Wuxu Inogu Shegay Kitaabkiisa Wax Kasta Oo aan Kaga Bad baadi lahayn Cadaabul Qabriga & Cadaabka weyn Ee Jahanama Ilaahay Hanaga Nabad Geliyee Wuxu Rabi Kaa Reebay Ka fogow Oo Ha fududaysan Camal yar oo agtaada Basiid ka ah ayaa Naarta ku Gelin Kara.

 Wuxuu Ilaahay Ku Amray Fuli Oo Adeec Oo Raac Dariiqii Nabigeena scw Waxad Ku Gaadhi Sharaf & Darajo Sare oo waxad Kamid Noqon kuwa liibanay Aakhiro iyo aduunkaba iska ilaali Duulul Amal & inaad ku Nolaato Rajo & Cimri dheer inad Helayso Khayrka Dib haw Dhigin ee Imika Toobad Keen Oo Rabigaa uNoqo Goor aad dhiman allaah oge All Hamu Baciid wal Mowtu Qariib, Ku Sugnow Daacada Rabi Camalkaga Wanaaji Intaad Fursad haysato Diiyaari Sahaydii Qabriga oo isu Diyaari Geerida Ruux kasta wu dhadhamine Laa xawla Walaa Quwata Ilaa Bilaah Allahuma ar xamnii wali waalidaya wali Jamiicil Muslimiin aamin inshaa Allaah.
SII AKHRI QORAALKA

Monday, November 30, 2015

Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi
Wabarakad Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Wasalaatu Wasalaam Calaa Nabiyanaa
Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca
Allah Ayaan kubillaabaynaa Ee Naxariis
Guud iyo mid Gaaraba Naxariista Allaah baa Mahad u sugnaatay Mahadidilkeed Allihii ina siiyay Nimcooyin badan
Adoomadiisana ku Farad yeelay inay Soo
xajiyaan Adoomo farbadana ay ajiibeen
yeedhmada allah Nabad galyo iyo
Naxariis ha ahato Midkii ina tusay Macaanka Nolasha Midkii aqoonyahano Naga Dhigay Jaahilnimadii inaga saaray
Muuhammed Rasuulullaahi S,C,W intaa ka
dib ikhwaatii fillah Waxaanu idin soo
Diyaariyay Qiso xanuun badan oo ku dhacday
hooyo soomaaliyeed qiso cajiib ah ee
akhrista walaalayaal si fiican u akhrista
waad mahadsan tihin dhamaantiin.


walaalayaal Dhacdadan ayaa ku dhacday qoys
somaliyeed oo ku nool wadanka Australia
waxaana ka shekenayo nin u kuur galay
sida ay wax u dhaceen waxaa uuna ku
bilabayaa shekadiisa sidan subxanallaah
ufiirsada qof noolow maxaa aragtid ku laaban walaahi wax aad la yaabtaan ayaad ku arkaysaan walaalayaal ila
akhrista Arrintan ayaa markii aan maqlay igu noqotay
arrin layaab leh oo aan suurtagal ahayn
ka bacdi waxaan raadiyay sida ay wax
uga jiraan arintan anoo rabo in aan ka sal
gaadho in ay run tahay iyo in kale Haddaba
akhristayaasha sharafta lahow aniga oo baadhitaankeeyga ku soo guuleeystay inay arrintu jirto ayaa waxaa ay dalbadeen
qoyska ay arintu ku dhacday in arintooda
la sheego laakiin aan marnaba
warbaahinta loo gudbin magaca qoyska
ayaga oo kadalbaday warbaahinta in magaca qoyska la baahin Aniga oo tix galin siinaayo codsiga
qooyskaas ayaa waxaa aan jecelahay in
aad idin la wadaago say wax u dhaceen
iyo sida ay qisadu tahay waatan ayada oo
hooyada qoyskaas ka sheekaynayso
ayada oo tilmaamaysa sida wax udhaceen waxay tidhi

SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: