Qiso cajiib ah
Odey Duq ah ayaa wuxuu la Noolaay Wiilkiisa iyo
Gabar uu sodog u yahay iyo Cunug yar oo 4 jir ah oo uu
awoowe u ahaa. Odeyga waxuu ahaa Nin Da’diisu
ay aad u Weyneed, Gacmahiisana way jareenaayeen,
Araga Indhahiisana aad bey u Liiteen. Tilaabadana
way dhibeesey, Markuu Cuntada cunaayana ama uu Cabaayo biyaha, inta badan waxuu ku daadin jirey
Miiska cuntada lagu cuno, awooda Gacmahiisa oo
aad u liita dartood, sidaa darted Wiilkiisa iyo Gabarta
uu sodoga u ahaa oo miiska kula cunteen jirey aad
bey u dhibsadeen Duqa.
“Waa inaa Xal keenaa oo Arintaan ka joojiinaa!” Wiilkiisii ayaa yiri.
Wiilkiisa iyo Gabadhuu sodoga u ahaa waxey u
diyaariyeen miis yar oo gooni loogu bixiyo
Cuntadiisa, si uusan u dhibin mar danbe, xili intooda
kalena ay ku Raaxeesanaayaan miiskii weynaa ee
Rashinka. sidoo kale markaana waxey u Hagaajiyeen Baaquli Dhoob ah si uusan mar kale u
jabinin Alaab danbe.
Markii
ay Fiiriyaan Odeyga dhiniciisa, Mararka qaar
Indhahiisa waxa ka Muuqatey Murug, waxuuna
Dareemaayey in Gooni loo Takoorey.
Cunugii yaraa uu Awoowga u ahaa Xaalada oo dhan Indhaha ayuu ka Fiirinaayey, wax walbana wuu
Dareemaayey.
Habeen kii danbe iyadoo Cashada loo Fadhiyo ayaa
Wiilkii yaraa aad
u Mashquulay isagoo Miis ka
Hoostiisa Alaab ku Ciyaaraaya, Aabihiis ayuu u
Weydiiyey si dagan oo yiri:- Aabo maxaa kugu Dhacey oo ku Mashquulsan tahey?. Wiilkii yaraa ayaa
ku jawaabey:- Aabo waxaan idiin Sameenaayaa
Adiga iyo Hooyadey Miis yar iyo Baaquli Dhoob ah si
aad ugu Cuntaan cuntada markaa Duqowdaan oo
Aniga aadan ii Dhibina! ”Cunugii yaraa oo Dhoola
Cadeenaaya ayaa dib ugu noqdey Hooshiisii. Subxanalaah. Ogow waalidkaaga waxaad ku
sameesid, ilamahaaga ayaa kaa jari doono!!

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
No comments:
Post a Comment