QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Saturday, November 28, 2015

Qiso: Xanuunka Jaceylka Qurbaha QEBTA KOOWAAD.

Xanuunka Jaceylka Qurbaha Qebta Koowaad.

Faiza waa gabar somaliyeed. Waxeey ku dhalatay somalia, Intaa kadib Faiza reerkeedi waxeey qaxooti ku noqdeen kenya. Faiza Waxeey ku noleed mudo qaxootiga kenya. Faiza markeey jirtay 18sano waxaa loo sameyay kaar (kaararka lagu dhoofo) oo ayada u gooni ah, waxaase laga saaray kaarka ehelkeedi eey kula jirtay. Walalaheedii waxeey adeen Yurub. Mudo yar kadib Faiza waxeey usoo dhooftay Marekanka, gobol somalidu eey ku yartahay. Markeey mudo yar marekanka joogtay baa Faiza waxaa ka helay wiil magaciisa la yiraahdo Feysal. Faiza waxeey aheyd gabar dheer, cas , qosol qurxoon leh, diin iyo dabeecadba Alle u dhameyay. 

Faiza Alle wuxuu siyay akhlaaq iyo dabecada wanaagsan, wiilkii arkaaba wuxuu ku qancayay adabteeda iyo diinteeda. Sidoo kale Feysal wuxuu ahaa wiil Jamacad dhameyay, wuxuuna heestay shaqo wanaagsan. Sidoo kale wuxuu ahaa wiil fur furan ehelkiisana u wanaagsanaa. Feysal muda badan baa waxa uu eegayay gabar qancisa, ilaa heer uu go'ansaday in uu wadamo kale u doonto gabar. Balse nasiib wanaag Feysal marka uu arkay Faiza wuxuu la dhacay degnashaheeda iyo quruxdeeda. Feysal si wanagsan buu waxa uga codsaday Faiza in uu la shekeeysto ayudana ma eysan diidin oo wey ogolaatay codsigiisii. Faiza xilgaa waxa eey la degneyd qoys eey isku barteen kenya. Hase yeshee Feysal baa waxa uu u qaatay faiza in eey qoyskaa ka dhalatay. Faiza marna uma eysan shegin Feysal ehelkeeda iyo qabiikeedi maxaa yeelay faiza waxa eey ka dhalatay qabiil la heebsooco. 

Intaa kadib Feysal gabadhii aad buu u jeclaaday. Ilaa heer
wuxuu gaaray in uu seexan waayo asigoon codkeedi maqlin. Feysal mar walba uu tukado waxa uu ku duceyn jiray Faiza, Allena waxa uu ka barin jiray in u calaf ugu daro. Sidoo kale wuxuu u gadi jiray hadiyado, hadiyadaha u ugaday waxaa ka mid ahaa Toyota Camry iyo silsilad dahab oo uga dalbay Dubai. Feysal mar walba waxa donayay inuu arko farxadeeda iyo qosolkeeda. Wuxuu Faiza ka ilaalin jiray in eey marna murugooto maxaa yeelay jeceylka uu u qabay baa aad weynaa.( Alle jaceyl Xanuun badanaa).Hadey xanuunsato ma uusan sexan jirin ilaa u ka hubsado xaladeeda. Sidoo kale Faiza weey jeclaatay Feysal, Jaceylkeedu wuxuu ahaa Jaceyl xad dhaf ah oo waligeed aan so marin. Maxaa yeelay
Feysal waxa u ahaa wiil darensiyay naxriis kalgaceel, sidoo kale waxa uu tusay kalsooni weyn. Faiza baahida reerkedi waxaa tiray Feysal maxa yeelay waqti walba iyo wax walba eey u baahato Feysal beey ka heli jirtay. Intaa kadib Feysal baa waxa u codsaday in uu Faizo guursado. Faiza baa arintii waxeey ku noqtay lama filaan, kadib baa waxeey dhahday waqti aan uga soo fikiro isii.

Maalmo kadib waxa eey ku fikirtay in eey u sheegto ehelka eey kasoo jeedo inta eeysan ogalaan guurkiisa ka hor, balse jaceylkeedi baa ka tan badiyay. Intaa kadib Faiza waxa eey go'aansatay in eeysan u sheegin qabiilkeedi iyadoo ka carareyso in uu dhaawac soo gaaro jaceylkoodii. Feysal mar walba waxa uu kula kaftami jiray qabiilka uu u qaatay in eey tahay Faiza. Qalbiilkaas waxa ahaa qoyskii eey la deganeyd, ee ayadu ma eeysan aheyn.

Faiza aad beey uga fikirtay go’aanka eey ka gaari laheyd guurka uu faisal usoo ban dhigay. Waxeey tukatay istiqaaro, Rabigeed waxa eey weydisatay guurka huduu kheir u yahay in uu u sahlo, hadusan u aheyna in uu rabbi ka leexiyo. Feysal ma uusan ka daalin in u weydiyo go aanka eey qadatay. Faiza ma eeysan laheyn qof saxib ah oo eey la tashato, Alle kaliya beey u dhibatay arinteeda. Faiza waxa eey xasuusa neysay dar daaranka aabaheed oo ahaa, “Aabe guurso qof kugu raaco diintaada iyo akhlaaqdada, marna ha guursan qof danenaayo qabiil amaba qurux”. Dar daranka aabaheed aad beey uga fikirtay mana jecleyn in ehelkeeda sameyeso go’aan eey qadatay darteed. Intaa kadib Faiza malin khamiis ah, waxeey soo toostay subax hore, waxeey dukatay salad subax, waxeeysa aqrisatay qur’aan iyo adkaar, kadibna waxey go’aansatay in eey aqbasho guurka Feysal. 

Waxeey wacday feysal waxeyna u sheegtay in eey aqbashay arinta u usoo bandhigay. Feysal aad buu u farxay maxaa yeelay wuxuu ka wal walayay in uu waayo gabdhaan wanaagsan. Intaa kadib waxa eey ka wada hadleen gurkoodii iyo sida uu ula xiriiri lahaa ehelkeeda. Faiza waxeey u sheegtay in uu Feysal la hadlo aabaheed oo xiligaa ku sugnaa Garisa. Feysal wuxuu la xariiray abaheed. Feysal baa abihii uu ula hadlay si wanaagsan, wuxuuna u sheegay xaladiisa iyo heerka wax barashadiisa. Aabihii wuu ku qancay hadalkii Feysal wuxuuna dhahay, hadey gabadheedi ku ogolaatay anigana waan ku siin, lakin wilkeeygiyoow gabadheeda waa kaligeed marna ha dayicin oo qadari sida aan kuu soo dhaweyay. Feysal baa dhahay aabe waa igu balan oo ma dayaci doono. Faiza iyo Feysal waxey go’aan sadeen guurkoodi in uu dhaco 3 bil kadib. Intaa kadib Faiza waxey u dhaxeysay guriga iyo masaajidka. Faiza ma eeysan la hadli jirin qofna maxaa yeelay waxa eey aheyd gabar xishood badan. 

Faiza ma eeysan dalban aroos weyn maxaa yelay ehelkeedi baa meesha ku yaraa. Intii mudadaa lagu jiray, Feysal waxa uu isu diyaariyay guur. Waxa uu dalbaday alaab fican, waxa u kireestay guri weyn. Feysal reerkisa buu arintii la socodsiyay, weyna ugu duceyeen. Intaa kadib Feysal waxa uu yarad u diray Faiza aabaheed. Abihii aad buu ugu qancay yaradkii laga siyay gabadhiisa. Abihii gabadha walayadeeda waxa uu dhibay sheikh' sidaasina ayuu sheikhii ku mehriyay. Meherkoodi waxaa kasoo qeyb galay dad badan oo waloo wada duceyay. Faiza iyo Feysal waxa eey galeen nolol raxmad badan oo midkood midka kale ku qancay. Feysal jeceylkiisa in uu ziyaado ma ahee ma uusan nusqaamin. Faiza waxeey ku dadaleeysay in eey aadiicdo ninkeeda. Had iyo ajeer waxa eey ka shaqeneysay farxada qoyska. Waxa eey noqdeen lawa qof tusaale loo soo qaato sida eey isu jecelyihiin. Muda kadib faiza iyo feysal Alle wuxuu siyay 3 wii iyo 1 gabar. Caruur qurxoon oo caafimaad qaba. Caruurtoodi aad beey u jaclayeen. Faiza caruurtedii beey uga hartay wax barasho iyo shaqo. Faisal na waxa uu noqday aabe wanaagsan oo kaafiya bahidooda. Faiza waxeey ku dadaashay tarbiyada caruurteda. Sidoo kale feysal waxa uu aad uga qeyb qaatay tarbiyada caruurtisa (Waxa eey noqdeen qoys lagu deydo). 

Faisal mar walba uu waqti helo qoyskiisa bu farxada ula wadaagi jiray. Inteey wada nolayeen waligood waxba isku ma qaban oo waxaa ka dhaxeyay xishmad iyo wanaag.Intaa kadib waxaa xafadoodi soo degay gabdho Somaliyeed oo qaraaba la ah feysal. Gabdhihii waxey sheeko wadageen Faiza. Waxeey ka wareEsteen ehelkedii iyo qabiilkeeda (Ileen somali qabyaalad kama dhamatee). Intaa kadib faiza ba arintii waxeey la noqtay lama filaan maxa yeelay ma eysan ka filaneyn su alaha ey weydinayaan. Waxa eey ku jawaabto ayeey garan weyday. Gabdhihi waxa eey galeen baritan oo waxa eey radiyeen sida eey u ogaan lahayeen qabilkeeda iyo ehelkeeda. toloow yaa u dirsday arintaa, maxeeysa ka radinayaan qabiilkeedi.........



QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: