QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Wednesday, October 2, 2013

QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah

QAATUMADA WAANAGSAN: Sheeko cajiib ah


Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin wadaad ah oo gaarigiisa wato waxuu wadada ku arkey wiil yar oo daba ordaayo gabar labisan, si uu ula hadlo ama u shukaansado, wadaadkii aadbuu u dhibsadey sida anshax xumada ah uu wiilku u foodeenaayo gabarta, markaas buu go'aansadey inuu u naxsteexeeyo wiilka.

kadib gaarigiisii ayuu ka soo dagey oo waxuu u yeerey, una nasteexeeyey wiilkii, asigoo soo xasuusiyey cabsida ilaahey iyo ciqaabta aakhiro jirta.

kadib wiilkii dhalinyarada ahaa aad buu u qalbi qashuucey, oo waxaa ka soo daadatey ilin asigoo leh : "Sheekhoow

wax i waaniyo sanadahaan maanan arag, oo xaqa i tuso, waxaan dhex dabaalan jirey danbi iyo macsi, waxaana mahad leh ilaahii ii kaa soo direy inaad i waanisid. igumana ogid maanta ka dib danbi."

sheekhii aad buu ugu farxey wiilka siduu xaqa ilahey u tusey , kadibna waxuu ka qortey numberkiisa.

mudo laga joogo laba isbuuc ayuu wadaadkii soo xasuustey inankii dhalinyarada aha inuu waco, markuu waxey waxaa ka qabtey wiilkii, markaas buu wadadakii ku yiri: "ASC ma i garaneesaa aniga?"
wiilkii baa yiri: "haa waan ku garanaayaa waxaa tahey wadaadkii ilaahey iisoo direy, iina nasteexeeyey, ALHAMDULILLAH waagii baa iigu danbeesey macsi iyo danbi, oo salaad igama tagto alhamdulilah"
Sheekhii baa yiri: "waa ilaah mahadii ee goormaanu kulanaa"
wiilkii baa yiri: "galabta casirkii xaafada ayan kugu martiqaadaayaa iigu imow insha allah"

sidii baa lagu balamey, waxaana la gaarey waqtigii balanta wadaadkii markuu yimid xaafada ayuu aridii soo gar-garaacey waxaa ka furey nin odey ah oo wajigiisa ka muuqato murug tiro badan. markaas buu ku yiri: "Awey hebel (wiilkii dhalinyarada ahaa)"
odeygii oo yaaban baa yiri: "fiir gacmaheega soo ma qoyna, oo hadan ayan iska dhaqey ciidii aan ku soo duugey wiilkeega. SUBXAANALLAH "

sheekhii baa yiri: "Inaa li laahi waa inaa ileehi raajicuun, oo saakey baan la hadlaayey. galabtaana balansaneen."
aabihii baa yiri: "sheekoow wiilkeega salaada duhur ayuu soo dukadey masjid ka ayuu kitaabka ku soo aqristey. kadib wuu yimid waxuuna yiri xoogaa baan seexanaayaa asigoo qadeenin, sidii beyna nafta uga baxdey."

sheekii aad buu uga naxey mowtul-faja'a ku yimid wiilka, odeygkii dhaley ayaa sii raacsadey warkiisa :
"wiilkeega waxuu ahaa qof ay dhalinyaro nimo qaadey oo danuubta iyo macsida ku dhaca mar walbo, laakiin laba isbuuc ka hor wiilkeega aad buu u soo toosey oo salada kama tagi jirin xitaa waxuu tukan jirey salatul leyl ka. ee goormaa is barateen wiilkeega ??"
sheekii baa ku jawaabey: " Labo isbuuc ka hor"
abihii baa yiri: "oo ma waxaa tahey wadaadka wiilkeega wadada toosan tusiyey" wadaadkii baa yiri: HAA
aabihii intuu ku soo boodey ayuu dhunkadey wadaadkii kuna yiri " shiikoow willkeega sabab fiican ayaa u noqotey, oo naar baad ka bad baadisey JAZAKALLAH"

ALLOW KHAATIMADA NOO TOOSI
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: