QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Monday, November 30, 2015

Qiso cajiib ah oo diini ah: Ninkii 70 sano ALLAH caabudayey, oo 7 maalmood ka awood badnaatay.

Qiso cajiib ah oo diini ah "Fadlan" aqriso.
Nin ayaa ALLAH dartiis ugu muhaajiray meel baadiyo
ah si uu ugu cibaadeesto eesan ishiisa uqaban wax
xumaan ah. Magaaladuu kahaajirayna waxaa
kubadnaa yuhuud. 70sano ayuu meel gooni ah uu ILAAHAY dartiisa ugucibadesanaayey. maalin ayaa sheydaanka kudahay bal magaalada sanadooyin
badan ayaa kuugudanbesee soo eeg. Markii ayuu
magaalada aaday. Wuxuu lakulmay dumar
cowradooda banaankataalo oo dhar yariis xiran.
Haweeney ayuu lakulmay, wee kaxeesay
xaafadeeda ayee geesatay mudo 7 maalmood ayuu gurigeeda joogay. Naagtii ayaa waxee


sameeysay inee jirka uriix riixdo e sidee doonto
kayeesho asigoo raali uga ah. Ninki maalinti 7aad
ee udanbeeysay ayuu soo baraarugay oona
dareemay inee wuxuu sameynayo e danbi yihiin,
wuu kasoocararay asigoo magaalada kucusub maalmihi uujoogayna guri kuxareesnaa ayaa
meeshii uu kaheli lahaa masajid ama meel muslimiin
jooga uraadinlahaa ayuu wadada cagta saaray.

wuxuu arkay 11nin oo moowlac yar
kucibaadeesanyaan wuu u imaaday waxuuna uga
sheekeeyay qisadii ku dhacday, wey soo dhaweeyeen.
Ninkii 70-ki sano camalka uu soo falayay 7-dii maalmodd ayaa
ka awood badatay oo haduu sidaas kudiman lahaa
oo khayrkuu kujirey Janna ayuu aadi lahaa. Nin
walbo xirta kamid ah markii lajoogo waqtiga
qadada wuxuu leeyahay jab muufo ah oo kabadan
loomahelayo. Ninkaana meesha wuu kucusubyahay. Xilli qado ayuu kusoo beegmay.
Safka hore ayuu galay bixinta cuntada ama
qeebinta cuntada markii labilaabay ayaa asaga
lagabilaabay. Ninki udanbeeyay ayaa waayey
qeebtiisa kabacdi wuxu yiri,'halaisiiyo qadadeyda'
markuu waayey qof siiyo ayuu baxay asagoo xanaaqsan. Ninkii ayaa isgartay oona dareemay
jabka muufada uu heesto in uu xaq ulahaa ninka
sii baxay, wuu kadaba qeyliyay wuxuuna
kudhahay, 'jabka muufda adiga ayaa xaq uleh ee
hoo cun'. Mar allaale markii uusiiyay ayaa ninkii
nafta kabaxday. Malaaikta Jannada iyo kuwa Naarta ayaa kudooday waa ahlujanna iyo
ahlunnaar. Rabbi subxaana watacaaalaa sareeyay
ayaa kudhahay malaaiktiisa, ''70-ki sano waxaa ka
awood badnaaday 7-dii maalin, 7 maalinna waxaa
ka awood badnaaday jabka muufada.'' sidaas li
ajligeed ayuu ninkii jannada kumuteestay Yaa Allah inaga dhig kuwa iimaan saalixa leh.
aamiin aamiin
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: