Ma dooneysaa in laguu kordhiyo maal caruur iyo barwaaqooyin kale hadii [HAA] aad leedahay toobada u deg-deg Allaah waxuu yiri asagoo Nabi nuux caleyhi salam hadalkiisi noo shegayo ''waxaan ku iri Rabbigiin danbi dhaaf weydiista waa danbi dhaaf badanee . (10 ) Cirka roob badan ha idiinka keene (11) Hana idiin kordhiyee xoolo ( maal) iyo wiilal iyo beero hana idiin yeelo wabiyaal ''(12] [ suuratu nuux]Ma dooneysaa in caafimaad Allaah ku siiyo awoodna kuu yeelo, Hadii ay jawaabtaadu [HAA] tahay dhageyso Allaah waxuu leeyahay asagoo nabi huud caleysi salaam warkii uu ku yiri qoomkiisii caad noo sheegayo waxuu yiri '' Qoomkeygoow danbi dhaaf weydiista allaah una toobad keena Ha soo diro samada (roobab) Korkiina si badan hana idiin ku kordhiyo xoog xoogiinii (hore) hana jeedsanina adinkoo danbiilayaal ah'' (52 suuratu huud)Ma dooneysa in lagaa nabad giliyo balaayooyinka iyo halaaga Hadii ay jawaabtaadu [haa] tahay wan filayaa iney tahayee iga dhageyso Allaah waxuu yiri ''Allaah ma ahan ( nabi muxamedoow scw) mid cadaabo (umadaada) adoo dhex joogo Mana ahan mid cadaabo ayagoo danbi dhaaf weydiisan '' (33 anfaal) Ma dooneysaa inaad raaxo ku noolaato aduunka iyo aakhiradaba hadii ay jawaabtaada
[HAA] tahay dhageyso Allaah waxuu yiri ''dambi dhaaf warsada Allaah una toobad keena wuxuu idiinku raaxayn nolol wanaagsan'' (huud aayada 3) Waxuu kaloo allaah yiri asagoo hammi weyn innaga gilinaayo naxariistiiisa si walbaan u danbaabno ''Waxaad dhahdaa Nabiyow scw addoomadayda ku xad gudbay Naftoodow ha ka quusanina naxariista allaah,allaah waa dhaafa danbiyada dhamaantood, waana dambi dhaaf badane naxariis badane '' (suuratu Zumar aayada 53 aad )Ma dooneysaa in hamigaaga aad hesho ciriiriga lagaa saaro risqi waasic aad hesho ? hadii ay jawaabto [HAA] tahay dhageyso Nabiga sallaahu caleyhi wasallim waxuu yiri
''Kii laasimaa istiqfaarta Allaah waxuu ugu yeela hami walbo faraj, cariiri walbana makhraj( wuu ka saara cariiriga) waxuuna ka irsaaqa meel uusan filenyn'' { abuu daawuud ba wariyay }.hadaba hadii danbiyadaada ay ka tira bateen ciida, haka quusan naxariista Allaah , Allaah waa uu ku sugaya si aad ugu laabato asna kaaga toobad aqbalo ee maadan toobad keeneen Sheydaanka yuusan ku kadin waqti ma heysatideeu deg-deg toobada.
Wa billaahi tawfiiq

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
No comments:
Post a Comment