QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Showing posts with label waano. Show all posts
Showing posts with label waano. Show all posts

Friday, December 18, 2020


Nin shaacir ah baa laga hayaa,”WARANKA DHAAWACYADIISU WEY BOGSOODAAN,LAAKIIN CARABKA DHAAWACIISU MA BOGSOODO “


Hadda madaxdeena maanta ku hardamaya kursiga waxaann u soojeedin lahaa in hadalada la is oranayo aad looga fekaro, yaan maanta oo keliya lagu fekerin in wax lagu kala rito carabka ee hala fiiriyo mustaqbalka dambe saameynta uu ku yeelan doono jiilasha yar yar ee afkiina daawanaya ama u fahmi karta  dowladnimaduba iney tahay meel markaas Ninka joogaa uu siduu rabo ka yeelo,kuwa ku heystaana ay qeylo iyo qadaf uga qaataan, 


Mudanayaal, waxaa tihiin madax nasiib u yeelatay xili dowladdii iyo dalkiiba uu naga burburay  iney xukunka dowladnimada ku soo hormaraan dalkana hogaamiyaan, waxaa leydinka sugayay inaad macalimiin u noqotaan shacabkiina iyo dhalinyarada dagaalada sokeeye ku dhashay {Roll Modal} si ay idinkaga bartaan casharo dowladnimada,nabada,sharciga iyo kala dambeynta ku saabsan.

Lkn maanta nasiibdaro waxey ardeydiinu idinka baranayaan oo kala taageerayaan hadaladiina  iyo hab dhaqankiina, iyadoo ay koox walibaana iskala safan tahay dhankii uu jiro odaygoodu, Waayoo waa waxa keliya oo ay soo arki jireen waqtiyadii dagaalada sokeeye.


Tankale, Waa arin loo baahan yahay in uu dalku yeesho mucaarad iyo muxaafid  talada ku loolamaya, oo  tani waa qeyb ka mid ah badbaadada dowladnimada, sababtoo ah hadii uu hal dhinac dalka iska maamusho waxaa xoogeysanaya dictator-nimada waana halkii aan shalay soo eednay,

Balse dhinaca kale iyadoo leys mucaaradayo oo leys dhaliilayo misna waa in laga wada mideysan yahay danaha guud sida,dalka,dadka,Xasiloonida,Dowladnimada,ilaalinta Sharciyada, dareenka bulshada iyo waxkasta oo wax u dhimi kara wadajirka iyo horu-u-socodka dalka. 


Runtii  intaan ayaa  maanta madaxdiina oo dhan dowlad iyo murashixiinba ceeb iyo taariikh xumo idinkugu filan,shacabkeenana niyad jab iyo quus noogu filan, waayoo hadalada xanafta leh, cagajugleynta iyo ficilada ka soo baxaya dhanka Siyaasiyiinta musharixiinta ah ma aha wax u wanaagsan dhagaha shacab loo tababarayo hanaan dowladeed iyo kala dambeyn,  dhanka Madaxda dowladana sida ka muuqata Tanasul la’aanta, isla weynida, aamusnaanta, Caburinta, iyo ka gaabinta howlihii loo doortay, iyaduna waa mid walwal iyo rajo xumo ku beeraysa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. 


Sidaas daraadeed, hadii shalay la oran jiray shacabku waa dad aan dowlad rabin welina aan u bislaan, Maanta waxaa noo muuqata shacab dowlad iyo nidaam raba iyo Madax dowladnimadii isku heysta oo looga cabsi qabo iney sabab u noqdaan burbur ku yimaada nabadgelyada, heydaha dalka iyo dowladnimadaba, dibna noogu celin kara wadadii qodxaha badneyd ee horey loo soomaray. 


-TALO SOOJEEDIN:- 

Waxaan talo ahaan ugu soojeedinayaa madaxdeena maanta joogta iyo madaxdeenii shalayba in ugu horeyn dalka iyo dadka loo turo, waana in ciladaha jira  aad carabkiina uga wada hadashaan oo aaney dhicin in leydiin kala dab qaado, waa in fursad loo siiyo arintaan garab sadexaad oo lagu kalsoonaan karo, waa in ficilada iyo hadalada lakala adeegsanayo aad looga fiirsado oo aan lagu kala cad goosan, gaar aahaan Siyaasiyiinta Murashixiinta ah waa in ay  wax ka badelaan aragtida ay hada ku mideysan yihiin oo ah mid aysan birito ku sii wada socon doonin  oo hadii midkood guuleysto ay intooda kale uga hor imaan doonaan, taa bedelkeedana waa iney la yimaadaan hab kale oo  ay dhaaliilaha jira ku soo bandhigi karaan oo aaney ka muuqan cakirnaan siyaasadeed,


Si gaar ah waxaan baaq ugu dirayaa MD Farmaajo, RW Rooble, Gudoonka Baarlamaanka, iyo xubanaha kale ee dowlada, waxaana leeyahay Mudanayaal idinkuna waxaa tihiin madaxda maanta dalka hogaamineysa waxaana idin saaran waajib gaar ah oo ka duwan midka saaran madaxda musharixiinta ah ee aad la ficiltameysaan, sidaas daraadeed  talada iyo toosinta Qaranka ee aad hada isku koobteen fadlan balaariya oo hadii uu PLAN A idiin shaqeyn waayay ku dhiirada PLAN B  lana imaada tanaasul Siyaasadeed, oo iyadoo aaney shisheeye idiin kala gar naqin la  fadhiista walaalihiina mucaaradka ah & cid kasta oo lagama maarmaan u ah xaaladdan,waayoo waxaa suurtagal ah hadii la wada hadlo in la helo isfaham yo jawi nabadeed oo fududeyn kara in la qabto doorashooyinka dalka, hadiise labadiina dhinacba ay garashadiinu sidaan tahay iyo in labo daraf lakala taagnaado ilaa inta uu waqtigu ka dhamaanayo, indhihiinuna ay arkaan oo keliya xukunka iyo manaafacaadka ku hoos qarsoon kursiga loo wada ordayo hoostiisa, .......WAXAAD MAANTA BI’ISAAN,BIRI HA U SHALAAYINA .!!


WQ/- Abdulkadir Dulyar. 


Maxaa yaab isdabayaal.!!

SII AKHRI QORAALKA

Tuesday, December 1, 2015

Saacad Kasta oo Ku Dhaafta Waxa Tagey Cimrigaagi Waxa Soo Dhawaaday Geeridaadii Waxa Ku Sugaya Maalin Daran Oo Xanuun & Imtixaan wadata Umul Mu,miniin Caa,isha Rc,waxay Tidhi Maalinki Rasuulka SCW Geeridu u timid wuu Miyir Beelay Marku Soo Miyirsaday Ayuu Yidhi Geeridu Waxay wadata Sakaraad & Xanuun Allahayow iiga Kaalme Sakaraadka Dhibkeeda.

Waa Xabiibu Raxmaan SCW Wa adoonki & Rasuulki Ilaahay ee Khalqiga Ugu Khayrka Badna,,, Waa Maalin Aan La, Cabiri Karin Dhibka Iyo Xanuunka & Kulaylka sakaraadka,,Waa Maalin Aan Aduunkan & Iftiinkan Dhaldhalaalkan & Khiyaaliga Aduunyada layska Qaban Doono,, Waa Maalin Murugo Iyo Tiiraanyo aanay Waxba Tarayn Oo lagu Maydhi Doono Awal adoo Maydhan jiray Waa Malin Marada Kafanta laguu xidhi doono awal adoo Labisan Jiray, Waa Shayga Keliya ee aduunkaga Maalkaga ka Raaci doona Maradaa yar ee Cad waa Maalinta Dadka inta Kuugu Jecel ay Ku Dhigi Doonan CIIDA kuguna Rogi doonan Allaah Weyne Jallaa Wa Calaa Aya Qur,aanka Kariimka Inoogu Sheegay,,,MIN Haa Khalaqnaakum,,Wa fiihaa Nuciidukum,, Wa Minhaa Nukhrijukum Taaratan Ukhraa,,,ILaahay Swt Wuxu Yidhi Ciidaa ayaan Idinka Abuurnay, iyada ayanan idinku Cilin Doonaa,, Iyada ayaanan Idinka Soo Saari Doona Maalinka Danbe,,,,ILaahay Swt Wuxu Inogu Shegay Kitaabkiisa Wax Kasta Oo aan Kaga Bad baadi lahayn Cadaabul Qabriga & Cadaabka weyn Ee Jahanama Ilaahay Hanaga Nabad Geliyee Wuxu Rabi Kaa Reebay Ka fogow Oo Ha fududaysan Camal yar oo agtaada Basiid ka ah ayaa Naarta ku Gelin Kara.

 Wuxuu Ilaahay Ku Amray Fuli Oo Adeec Oo Raac Dariiqii Nabigeena scw Waxad Ku Gaadhi Sharaf & Darajo Sare oo waxad Kamid Noqon kuwa liibanay Aakhiro iyo aduunkaba iska ilaali Duulul Amal & inaad ku Nolaato Rajo & Cimri dheer inad Helayso Khayrka Dib haw Dhigin ee Imika Toobad Keen Oo Rabigaa uNoqo Goor aad dhiman allaah oge All Hamu Baciid wal Mowtu Qariib, Ku Sugnow Daacada Rabi Camalkaga Wanaaji Intaad Fursad haysato Diiyaari Sahaydii Qabriga oo isu Diyaari Geerida Ruux kasta wu dhadhamine Laa xawla Walaa Quwata Ilaa Bilaah Allahuma ar xamnii wali waalidaya wali Jamiicil Muslimiin aamin inshaa Allaah.
SII AKHRI QORAALKA

Monday, November 30, 2015

Ma dooneysaa in laguu kordhiyo maal caruur iyo barwaaqooyin kale hadii [HAA] aad leedahay toobada u deg-deg Allaah waxuu yiri asagoo Nabi nuux caleyhi salam hadalkiisi noo shegayo ''waxaan ku iri Rabbigiin danbi dhaaf weydiista waa danbi dhaaf badanee . (10 ) Cirka roob badan ha idiinka keene (11) Hana idiin kordhiyee xoolo ( maal) iyo wiilal iyo beero hana idiin yeelo wabiyaal ''(12] [ suuratu nuux]Ma dooneysaa in caafimaad Allaah ku siiyo awoodna kuu yeelo, Hadii ay jawaabtaadu [HAA] tahay dhageyso Allaah waxuu leeyahay asagoo nabi huud caleysi salaam warkii uu ku yiri qoomkiisii caad noo sheegayo waxuu yiri '' Qoomkeygoow danbi dhaaf weydiista allaah una toobad keena Ha soo diro samada (roobab) Korkiina si badan hana idiin ku kordhiyo xoog xoogiinii (hore) hana jeedsanina adinkoo danbiilayaal ah'' (52 suuratu huud)Ma dooneysa in lagaa nabad giliyo balaayooyinka iyo halaaga Hadii ay jawaabtaadu [haa] tahay wan filayaa iney tahayee iga dhageyso Allaah waxuu yiri ''Allaah ma ahan ( nabi muxamedoow scw) mid cadaabo (umadaada) adoo dhex joogo Mana ahan mid cadaabo ayagoo danbi dhaaf weydiisan '' (33 anfaal) Ma dooneysaa inaad raaxo ku noolaato aduunka iyo aakhiradaba hadii ay jawaabtaada
 [HAA] tahay dhageyso Allaah waxuu yiri ''dambi dhaaf warsada Allaah una toobad keena wuxuu idiinku raaxayn nolol wanaagsan'' (huud aayada 3) Waxuu kaloo allaah yiri asagoo hammi weyn innaga gilinaayo naxariistiiisa si walbaan u danbaabno ''Waxaad dhahdaa Nabiyow scw addoomadayda ku xad gudbay Naftoodow ha ka quusanina naxariista allaah,allaah waa dhaafa danbiyada dhamaantood, waana dambi dhaaf badane naxariis badane '' (suuratu Zumar aayada 53 aad )Ma dooneysaa in hamigaaga aad hesho ciriiriga lagaa saaro risqi waasic aad hesho ? hadii ay jawaabto [HAA] tahay dhageyso Nabiga sallaahu caleyhi wasallim waxuu yiri
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, November 28, 2015

Sh Mohamed Idiris


DAGAALKA MUDUG HALA JOOJIYO!===========================Waa Farriin Deg Deg ah oo ku saabsan dagaalka Mudug, Walaalayaal sii Faafiya, oo isu gudbiya, oo TV yada iyo Idaacadaha Gudaha Kasii Daaya, oo Madaxda gaarsiiya, Ilaahay dabka ha innaga Damiyo..
Posted by Sh'Mohamed Idris on Friday, November 27, 2015
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, April 26, 2014

Aabaha wuxuu Wiilkiisa ku yiri:-
1- Wiilkeygiyoow wax kasta oo Macaan ayaan Dhadhamiyey, mana Arag wax Caafimaadka ka Macaan.
2- Wiilkeygiyoo wax kastoo Qaraar ayaan Dhadhamiyey, mana Arag wax ka Qaraar badan Dad inaad u Baahatid.
3- Wiilkeygiyoow Wax kasta oo Culus ayaan Qaadaay, mana Arag Wax ka Culus badan Deyn aad Qof ka qaadatay.
4- Wiilkeygiyoow waxaan soo Arkay Dad Malqabeen ah, mana Arag Qof Maalkiisa ku Qanacsan.
5- Wiilkeygiyoow Kuwo i Neceb ayaa ila Coloobeen, mana Arag wax iiga Cadowsan Nafteyda
6- Wiilkeygiyoow Dhar kii u Qurux badnaa ayaan soo Xirtay, mana Arag Wax ka Qurux badan Alle ka cabsiga.
7- Wiilkeygiyoo Labana Xusuusnoow intaad Nooshahay:- Xuska Ilaaheey & Geerida.
SII AKHRI QORAALKA

Tuesday, August 13, 2013

QISO CAJIIB AH.

Masjid Ku Yaalo Dalka Fransiiska Ayaa Waxaa Yimid Wiil Cadaan Ah, Wuxuu u Yimid Imaamkii Masaajidka, Wuxuuna Ku Yiri:- Waxaan Rabaa Inaan Caruurta Muslimiinta Aan Wax La Barto!!, Imaamkii Ayaa Wuxuu Weydiiyey Aaway Waalidkaa? Cunugii Yaraa Ayaa Yiri Hooyadey Ayaa Ila Socoto Banaanka Ayay Taagantahay! Maadama Aysan Muslim eheen, Masjidka Ma aysan soo Galin.


 Imaamkii Ayaa U soo baxay Banaanka Wuxuu La Hadlay Islaantii, Wuxuuna Weydiiyey Sababta Ay Cunugeeda Masaajidka u Keentey? Isalaantii ayaa Waxay Tiri:- Waxaan Leeyahay Deris Muslimiin Ah Caruurta Waalidkooda Mar Walba Gacanta Ayay ka Shumiyaan, Farxad ayaa ka Muuqato, Sidoo Kale Ma Arkin Muslim Waalidkiisa Ku Xareeyey Meelaha Dadka Waayeeladaa Geeyo, Ee Imaamow Cunugaan Wax ii Bar laga Yaabee in Sidii Caruurtiina oo Kale inuu Noqdo oo Uusan Igu Tuurin Meesha Waayeelada Lagu Xareeyo Markaan Duqoobo.
الا سلام دين الر حمه، الحمد الله علي نعمة الا سلام..

(ILAAHOOW DIINTAADA U GAR-GAAR, YAA RABBI).
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: