QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Saturday, September 28, 2013

QISO CAJIIB AH OO KAA ILMEESIIN DOONTA
Qisadan oo ah mid dhab ah oo dhacdey, waxaa ka sheekeenaayey Sh. Karim Abu zaid waxuuna ku bilaabey sida tan:

Nin iska shaqeeysta oo ku nool wadamada khaliijka, ayaa mudo afar sano ah markuu shaqeestey, oo uu heley lacag ku filan, ayaa waxuu dooney inuu guursado, markaas buu waxuu u tagey aabihiis oo ahaa Nin caalim ah oo wadaad ah, imaam masaajidna ah, waxuuna ka codsadey inuu u dooro gabarta uu guursan lahaa, waliba uusan dooneynin inuu la kulmo ilaa habeenka guurka mooyee?

Kadib abahii oo ahaa nin caalim ah oo diinta ku xeel dheer ayaa u dooney gabar diin leh, laakin aan qurux laheen!

Kadib markii loo guri geeyey ayuu qolkii jiifka u galey gabadhii iyadoo xijaaban!
kadib ayuu ka qaadey xijaabkii mise waxuu aad uga naxey aragtida gabadha oo aan quxooneen. waxuuna is weydiiyey:"Aabahaa maxuu sidan ka wadey oo uu kuugu doorey midaan xun?"
Kadib asigoo niyad jabsan ayuu iska seexdey.

Habeenkii saq dhehe markii la gaarey ayaa gabadhii kicisey ninkeedii oo ku tiri

kaaley duko salaatul layl, markaas buu ka diidey, iyadono ka quusan ayeey kacday oo biyo soo qaadatey kuna shubtey si uu u kaco.

Markii uu kacey ayeey ku dhahdey hadal qalbigiisa taabtey:
"waan ogahey inaad iga niyad jabtey, walibo waan ogahey inaan fool-xumahey, laakin aniga waxaan guurkaaga u ogolaadey hal arin, taasoo ah inaan fuliyo oo aan ka faa'iideesto ducada Nabi mohammad SCW oo aheed:

"Allaha u naxariisto ninka habeenkii u kaca tahajud, una kiciya naagtiisa, kadibna hadeey kici weysana ku daadiya biyo si ay u kacdo, sidoo kale Naagta tahajud u kacdo kadibna ninkeeda u kiciso tahajudka, haduu kici waayana biyo ku daadisa si uu u kaco ALLAHA u naxariisto".

Marka aniga sidaas ayaan rabey inaa sameeyo si Illaahey iigu naxariisto, waxaana ogaa fursada la igu guursan karo iney yartahey, sababtoo ah ma qurxooni nin i rabana ma lahan.

Ninkii aad buu isku ceebsadey, wuu kacey salaadii buuna tujiyey asiga iyo xaaskisa, markii ay ka baxeen salaada, shiikha sheekada ka sheekeenayey waxuu yiri:

"Ilaahey baan ku dhaartaye ninkii waxuu yiri markaan salaada ka baxey oo aan gabadha wajigeeda fiiriyey, waaba naagta dunida ugu quxoon ee aan ebed fiiriyo"

SUBHANALLAAH! u fiirso sida Rabbi uu ugu abuurey jaceylka qalbiga ninka.
SII AKHRI QORAALKA

Sheeko:-
Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan qofna albaabka ka furin.

Maalinkii koowaad waxaa yimid ninka waalidkiis, albaabka ayey soo garaaceen, ninkii iyo xaaskiisa wey is fiiriyeen wuxuuna doonayay inuu albaabka ka furo waalidkiis balse maadaama uu balan galay ma uusan ka furin irida, xoogaa kadibna waalidkiis waa iska laabteen.

Isla maalinkaas wax yar kadid waxaa yimid gabadha waalidkeed albaabka ayey soo garaaceen, gabadhii iyo ninkii way is fiiriyeen, inkastoo ay balan gashay hadana way is celin waysay ilin ayaa indhaheeda ka timid kadibna

way istaagtay albaabkii ayey ka furtay waalidkeed.

Ninkii waxba ma uusan dhihin, sanado kadib waxay isu dhaleen 4 wiil, cunuga shanaad wuxuu ahaa gabar markaas dhalatay.

Aabihii qoyska wuxuu sameeyay xaflad aad u weyn oo dad badan uu ku casuumay isagoo u dabaal dagaya gabadha u dhalatay.

Xafladii markii ay dhamaatay oo dadkii kala tageen, habeenkii ayaa xaaskiisa weydiisay sababta uu sidaan dhan ugu dabaal dagay gabadha yar isagoo aan si sidaas lamid ah hore ugu dabaal dagin afartiisa wiil.

Ninkii isagoo dhoola cadeynaya ayaa wuxuu yiri: “Maxaa yeelay iyadu waa qofka albaabka iga furi doona.”
SII AKHRI QORAALKA

QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB

Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen: Saciid ardadiisa waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii-widaacah. C/Laahi dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa. “Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay” buu C/Laahi ugu jawaabay. “Maxaad jirradeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan waxka duugnee?” intuu ku yiri oo u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri: “C/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah”. “Yaa sheekhow gabar isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar dirham baa xoolo iga dhaca”. Sheekhii baa markaa yiri: “Subxaanallaah, miyaanu muslimku afar dirham ku dhowrsan karin!”, una raaciyey “Anaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay”.
C/Laahi bin Widaacah oo isaga laftiisu sheekada ka sheekeynayaa waxa uu leeyahay: Markaas baan xishood iyo darajayn dartood uga aamusay. “Maxaad u aamustay? ma inantaydaan kuu cuntamayn?”. “Eebe hakuu naxariistee maxaad saa u leedahay haddaad doonto gabadhaada kumanaan dirham baad ku guurin kartaaye” baan ku iri. Markaas buu sheekhii yiri “Waa runtaa, balse iska daayoo shuhuud u yeero”. Shuhuud baan markaa u yeertay, waxaana gabadhii la igula mehriyey Afartii dirham, halkaana lagu kala faataxaystay.
Kolkaan Salaaddii Cishaha tukannay baan anigu gurigeygii iska aaday, waana tanoo ninbaa iridkii aqalkeyga garaacaya. “Waa kuma?”. Qofkii iridka garaacayey baa yiri: “Waa Saciid”. Ilaah baan ku dhaartaye waxaan Saciidyo magaalada ku aqoon jiray waan soo wada xusuustay aan ka ahayn Saciid bin Al-Musayib, maxaa yeelay weligey maanan arag asagoo gurigiisa ka baxaya, inuu Salaad Masjidka ugu socdo ama meyd wax kasoo aasayo maaha eh. Markaas baan iri: “Waa Saciidkee?”. “Saciid bin Al-musayib”. Jirkayga oo dhan baa halmar jareeyey, waxanan is iri: “Armuu sheekhu ka shallaayey inantuu ku siiyey oo kuu cudur daaran rabaa”. Markaas baan anoo cagajiid ah iridkii furay, saa waa gabar dadaboolan, faras alaabi ku raran tahay iyo adeegto cad. Sheekhii intuu isalaamay buu yiri: “C/Laahiyow waatan naagtaadii”. Markaas baan si yare xishood ku jiro u iri: “Alle hakuu naxariistee, maxaad ayaamo ugu kaadin weydey”. Suu yiri: “Sabab!”, kuna daray: “Sow ima oran afar dirham baan haystaa?, mise waxaad dooneysaa in Eebbe iyiraahdo maxaad ninka habeenkaa doobnimo ugu dhaaftay adoo xaaskiisii haya. Waa taa naagtaadii waana taa alaabadiinnii, waana taa gabar idiin adeegta iyo kun dirham ood masruufataan. C/Laahiyow amaanada Eebbe iga guddoon. Waxan dhaar kuugu marayaa inaad iga guddoomaysid gabar Soon iyo Salaad badan, Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiisana aqoon badan u leh, ee Alle kaga cabso, aniga darteeyna ha uga xishoon ee haddaad wax aadan jeclaysan ku aragto intaad edbiso gacanteyda kusoo sin”. Waanu sii dhaqaaqay.
C/Laahi waxa uu leeyahay: Wallaahi baan ku dhaartaye weligey ma arag naag ka aqrin og Kitaabka Alle, kagana aqoon badan Sunnada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), kagana cabsi badan Allihii abuurtay, waxanay ahayd mas’alada culimada wareerisa ta jawaabteeda la weydiiyo.Mar kasta oon Saciid is aragno waxa uu iweydiin jiray: “Qoftii say tahay?” markaas baan dhihi jiray: “Waa nabaddeeda”.
Kedib markay gabadhii wiil iidhashay baan maalin anigoo suuqa u baxay waxaan soo laabtay islaan aanan weligey arag oo aqalka dhex fadhida. Ka noqo markaan islahaa bay xaaskaygii tiri: “Soo gal C/Laahiyow, waa qof araggeeda Eebbe kuu banneeyaye”. Markaas baan weydiiyey: “Tumaad ahayd, Alle hakuu naxariistee?”. “C/Laahiyow gabadhaan hooyadeed baan ahaye maxaad kala kulantay?”. “Khayr Alle haydinka siiyo, si fiican baad u tababarteen una edbiseen”. “C/Laahiyow annaga ha noogu danayne haddaad xumaan ku aragtid edbi, waxaan nafteeda ka ahaynna adaa leh, dhoola caddayntana haka badin yaanay ku dhayalsane. Eebe haydiin barakeeyo dhallaanka cusub, ha ka dhowro Shaydaan, hana kadhigo mid Alle ka cabsi badan sidii awoowihii. Wallaahi baan ku dhaartaye Afartan (40) sanadood oon isqabnay ma aanan arag maalinna asagoo Allihiis ku caasinaya, lacagtaana asagaa idiinsoo dhiibaye qaata”.
Cabdullaahi waxa uu leeyahay: “Waan ka qaatay lacagtii,waxayna ahayd Shan diinaar, siday islaantii markaas nooga baxdayna siddeed iyo toban sanadood wejigeeda dib uma aanan arag ilaa geeriyi na kala geysay”. Dhammaad qisadii Saciid bin Al-Musayib.?
SII AKHRI QORAALKA

QISO XIKMAD BADAN: wiilkii yaraa iyo wadaadkii caalimka ahaa

waxaa jirey wiil dhalanyaro ah oo sheydaan was-waasiyey kuna jahwareerey sadax su'aal oo uu jawaab u waayey wiilka. waxuuna go'aansadey inuu raadsado wadaad caalim ah si uu u helo jawaabta su'aalahaas asigoo horey u weydiiyey dad jaamiciyiin ah una awoodi waayeen iney siiyaan jawaab waafi ah.
wiilkii aya wadaadka u yimid sheekadoodiina sidaasn ayeey aheed:

wiilka: shiikhow waxaan rabaa inaa iiga jawaabtid sadax su'aal u madaxa iga wareerisey ?
Shiikhii: i weydii waxan isku dayi doonaa inaan kaaga jawaabo insha allah.
willkii: shiikow.. 1) Ilahey ma jiraa? haduuse jiro i tus ilaahey ?..... 2) qadarta ma jirtaa?... 3) sheydaanka naar aya laga abuurey ilaaheyna waxuu noosheegey inuu naar galaayo, marka sidee wax dab ka sameesan uu waxa uga tari karaa dab kale ?? inee dab hadii lagu daro dab waxba iskama qaadaayaane??

shiikii ayaa la yaabey wiilka su'aalahiisa, intuu fikirey ayuu dharbaaxyo xoog badan ku dhuftey.
wiilkii ayaa yiri: "shiikhow waxbaan ku weydiiyey ee maxaad ii dishey oo u xanaaqdey". markaas buu shiikhii ku jawaabey: "maanan xanaaqine ee dharbaaxshada aan ku dhuftey waxey juwaab u tahey sadaxdaadii su'aalood oo dhan !!"
wiilkii oo yaaban baa yiri"shiikow kuma fahmine ii faafaahi ?"

JAWAABTII KOWAAD:

shiikii yaa yiri: "dharbaaxsahaan markaan kugu dhuftey maxaad dareentey?"
wiilkii baa yiri: "aad baan u xanuunsadey?" shikhii baa ku jawaabey: "xanuunka aa dareentey i tus siduu u egyahey?? " wiilkii baa yiri "shiikow xanuunka waa la dareemaa mooyee lama arko " shiikii baa yiri "jawaabtii koowaad waa taas ee ILAAHEY lama arkee waa la dareemaa."

JABAATII LABAAD:

shiikhii yaa yiri: "Xaley miyaad ku riyootey anigoo ku dharbaaxaayo??"
wiilkii: "maya waligeeyna kuma riyoon midaas"
shiikhii: "hadaba qadarta waa taas oo way dhacdaa, qadar kuu quran bey aheed inaa ku dharbaaxo !!"

JAWAABTII SEDAXAAD:

shiikihii "gacanta ku dharbaaxdey oo ku xanuunjisey, maxey ka sameesantahey? jirkaaguna maxuu ka sameeseesanyahey? "
wiilkii: "gacantaada waxey ka sameesantahey maqaar, kurkeeguna maqaar ayuu isna ka sameesanyahey "
shiikhii: "hadaba sideey dharbaaxshadeeda kuu xanuunjisey iyadoo ka sameesan maqaar jirkaagana ka sameesanyahey maqaar "

SUBAHAANALLAH waa jawaab waafiya runti........

wiillkii oo aad u qanacsan walibo la yaaban xikmada shiikha ayaa u mahadceliyey, sidiina ku qancey
SII AKHRI QORAALKA

QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: 

 Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? Odeygii aya ku jawaabey: “Waxaan lahaa wiil oo aan aad u jeclaa, waxaan jeclaa inuu noqdo aqoonyahan, sidaa darteed waxaan barey aqoon, oo waan ku dadaaley, si aan loogu dadaalin qof ficiis ah kadib waxaan ka dhigey aqoonyahey weyn. Nasiib daro wuu xanuunsadey, markii isbitaalkii la dhigey ayaa daqtarkii ii sheegey in wiikeygu ku jiro saacadahii ugu danbeesey ee noloshiisa.. aad baan uga murgey, kadib wiilkeygii ayaa igu yiri “Aabe!
ii keen shahaadooyinkeygii oo dhan” markaas baan u keeney shahaadooyinkiisii, intuu soo iisoo taagey ayuu igu yiri: “Aabbe waa kuwan shahaadooyinkeygii si fiican ayaad wax ii soo bartey, laakiin nasiib daro ima aadan barin hal erey oo Qu’raan ah, Sideen u hor istaagaa Rabbigeyga ???” su’aashaas ayaa ilaa maanta iga ooysiineeso, anigoo arkaaya ayuu wiilkeygii ku geeriyoodey horteeda!!” SUBHANALLAH!! Ciyaalka hala baro diintooda, si ay u badbaadaan aakhiro iyo aduun, adigana kuu anfacaan!!
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: