QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Friday, October 11, 2013

SIRTA SHEYDAANKA: Qoraal faa'iido badan:

SIRTA SHEYDAANKA:
Qoraal faa'iido badan:

sheydaanku waxuu kugu qalqaaliyaa inaad gashid ama sameesid danbi, kadib markaad danbiga sameesid waxuu isku dayaa hadana inuu kaa hor istaago inaad u toobad keento Rabbigaaga.
asigoo maskaxda kaaga furo buuq oo ku leh:

"war hedhe miyaadan xishooneenin oo Rabigaaga ka cabsaneen, shaley ayeey aheed markaa danbigaan oo kale ka toobad keeneesey, maantana waad ku noqotey, ma Rabbigaaga ayaad ku dheeleesaa IWM "

Hadaba markey xaalku sidaa yahey haka yeelin inaad yeesho warkiisa, si fiican u dhageeso Nabigaaga Mohammad SCW xadiith kiisa.

Nabiga SCW waxaa u yimid nin oo uu sheydaan aad u wareeriyey, kadibna was waas ku qabey toobada markaas buu yiri: "Rasuul allow waan danbaabaa?"
Rasuulka baa yiri: "Toobad keen!!". ninkii baa yiri: "Rasuul allow danbigii ayan ku hadnaa sameenayaa mar kale".
Rasuulka SCW ayaa yiri: "Toobad keen hadana"
Ninkii aya ayiri :"Rasuul allow ilaa goorma ??"
Rasuulka SCW ayaa yiri: "Illaa uu sheydaanka iska dhiibo oo aad ka guuleesato!!"

Walaal Ilaahey ma mooga inaa tahey insaan daciif ah oo mar walbo danbaabaya, sidaa darteed ayuu waxuu kuu furey Albaabada toobada waqti walbo. ee yaanu sheydaanku kaa hor istaagin inaad rabigaaga danbi dhaaf waydiisatid mar walboo qalad kaa dhaco!!
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: