QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Showing posts with label Sheeko xikmad badan. Show all posts
Showing posts with label Sheeko xikmad badan. Show all posts

Thursday, September 29, 2016

Cadaas wuxuu ahaa Wiil Carbeed, oo ka soo jeeda Ashuuriyiintii oo ku noolaa Woqooyiga Ciraaq, Magaalada Naynawa, wuxuu la noolaa Aabihii, Hooyadii, Walaalihii iyo Ehelkiisa kale. Wuxuu Alle ku Manaystay Maskax, Firfircooni iyo Akhlaaq wanaag.

Wuxuu kaga hor maray Dhalintii la Faca ahayd Diintiisa Nasaarada oo uu aad u Bartay iyo Dabaasha Webiga Dijla oo uu aad ugu Fiicnaa.

Waxaa noloshiisii iyo Mustaqbalkiisii bedelay, markay Maalin Koox Xoog waa weyni ka Qafaasheen Duleedka Naynawa oo Adoon ahaan u iibiyeen, waxey Gacaniba gacan ku Wareejiso wuxuu Aakhirkii u Gacan galay Labo Walaalo ah oo ka mid ahaa Madaxda Qureysh Waa Cutba Binu Rabiica iyo Shayba Binu Rabiica, waxey Geeyeen Bustaan ay Daif ku lahaayeen, halkaasu Sannado badan ku Noolaa oo Beerta uga Shaqaynayey.

Cadaas Maalin waxaa ku soo Kediyey Buuq iyo Qeylo ka taagan Magaalada Daa'if, markuu eegay wuxuu arkay Nin Dhalinyaro ah iyo Nin Gar madoob oo Caruurtii, Dumarkii ay Dhibaayaan oo Dhagxaan kala Daaleen oo Dhiig badani ka socdo iyo Ninkii Dhalinta ahaa oo Dhagaxa isaga Dhigay.

Wuxuu eegay Labadiisii Sayid, waaba iyagoo Ninka Fiirinaayo oo isku leh Asnaamtaan ku Dhaartay waa Muxamed Bin Abdullaah.
wey u Qalbi Dibceen waayo Qaraabaa ka Dhexeysay.

Haddaba, Labada Walaalo Midkood ayaa igu yiri Gacankaa Cinabka ah Xeeradaa ku Rid oo u geey, wax haka Cunee. Haddaba, Cadaas wuu u Caga Fududaaday waayo waxaa Xanuujiyey Dulmiga loo geystay. Cadaas wuxuu yiri Hortiisaan Dhigay, waana sheegay in la igu soo dhiibay. Waxaan eegay Iftiinka Wejigiisa iyo Haybadiisa iyo Dhiiga jirkiisa ku yaal.

Rasuulka Gacantiisa Midig ayuu Cinabkii u Fidiyey, Xabad ayuu soo qaatay oo intaanu Afka gelin yiri:- Bismilaah.

Cadaas wuu la yaabay Kelmadaan, wuxuuna Rasuulka CSW, ku yiri:- Waxaan kaa Maqlay Dadka Magaaladaan ma Dhahaan.
Intaas ka dib Rasuulka ayaa Warsaday Cadaas Dhulkee ka timi iyo Diintee heysataa. Cadaas wuxuu ku jawaabay:- Waxaan ahay Nasraani Reer Naynawa ah.

Rasuulka CSW, ayaa ku yiri:- Waa Tuuladii Adoonkii Fiicnaa ee Yuunis Bin Matta.
Cadaas wuu yaabay!, Walaahi waxaan Naynawa ka imi iyadoon Tobaan Qofna aqoon Xaqiiqdan aad sheegtay. sidee u Ogaatay Yunus Bin Matta adigoon wax Akhrin oo Ummad aan wax Akhrin ka soo jeeda.
Rasuulku wuxuu si Deggan ugu yiri:- Kaasi waa Walaalkay oo Nebi ahaa, Aniguna Nebi ayaan ahay.

Haddaba, Cadaas wuxuu yaqiinsaday inuu Hor joogo Nebiga ay Ciise iyo Injiil ku Bishaareynayeen, intuu ku Foorarsaday ayuu Gacmaha, Madaxa iyo Lugahaba ka Dhunkaday.

Cutba iyo Shayba ayaa is eegay iyagoo Dhahaayo:- Waakaa wuu kaa Fasahaadiyey Cunugaagii, Markuu Cadaas u soo Laabtayna waxey yiraahdeen Cadaas maxaa ku Helay sow Adigii Ninka Madaxa iyo Lugahaba ka Dhunkaday, wuxuuna ugu jawaabay Sayidii:- Dhulka ma joogo Qof ka Khayr badan. waxey isku dayeen iney ka Leexiyaan, laakin Madaxuu ka Ruxay, hadalkoodana waxba kama soo qaadin.

Imaankaa Qalbigiisa u gudbay, wuxuuna yaqiinsaday in Alle khayr la doonay oo u qoray inuu la kulmo Nebigii u Dambeeyey, oo Saaxiibadii ka mid noqon.
Cadaas Alle ha u Naxariisto, Rasuulkana Alle Naxariis iyo Nabad gelyo kor kiisa ha yeelo..

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW IIMAAN SUGAN NASII).
W.Q:- Macoow Ustaad.
SII AKHRI QORAALKA

Monday, October 14, 2013

SHEEKO XIKMAD BADAN:
WIIL IYO AABAHIIS

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa aabo lacag leh wiilkiisa yaraa u wadey safar, si uu u soo barto wiilkisa nolosha faqiirtinimada ah.

Waxey waqti la qaateen oo marti u ahaayeen qoys iska beeraleey ah oo faqiiriin ah.
Mudo bil ah kadib ayaa ayaa odeygii wiilkiisa weydiiyey : “aabe sidee u aragtaa noloshaan maxaasa ka baratey??”

Wiilkii yaraa baa yiri:
“1-gurigeena waxaa ku taalo meel lagu dabaasho, laakiin iyaga waxee heestaan wabi weyn oo ay ku dabaashaan.

2-anaga waxaa ifsanaaa nal(laambat), laakiin iyaga waxey heestaan xidigo habeenkii oo ay ifsadaan

3- anaga cuntada waan gadanaa, laakiin iyaga way beertaan oo way soo saartaan

4-gurigeena darbiyo badan ayuu leeyahey oo naga ilaaliya dhibka, laakiin iyaga saaxiibo badan ayeey leeyahiin oo dhibka ka ilaaliya

5- waqtigeena waxaan ku dhuminaa daawashada TV, laakiin iyaga waxey waqtigooda la qaataan qoyskooda”

Kadib waxuu intaas ku darey wiilkii yaraa: “Aabo waad ku mahadsantahey sidaa ii tustey inaan anaga nahey faqiiriin.”

CASHARKA LAGA QADANAAYO SHEEKADA:
Taajirnimada ma ahan lacagta kaliya, ee waxaa taajir ah qofka noloshiisa dhacsan kara kuna nool nolol raxmad EEBBE leh.
SII AKHRI QORAALKA

SHEEKH AAD U XIKMAD BADAN & WIIL SHEEKHA U TAGAY SI UU KALA TALIYO ARIN UU ISKA JOOJIN WAAYAY,,

Nin dhalinyaro ah ayaa wuxuu u yimid nin sheikh ah. wuxuu ku yiri sheekhow waxaan iska goyn la'ahay arin aan dareemayo in aysan fiicnayn. marka aan suuqa dheex marayo waxaan fiiri fiiriyaa gabdhaha suuqa maraya anigoo marba mid isha la raaca. marar qaarna kamaba jeesan karo. sheikh ii sheeg maxaan sameeya si aan arrintaan naftayda uga reebo, ninkii sheekha ahaa ayaa wiilkii u dhiibay galas caano ah oo buuxa. wuxuu u sheegay in uu geeyo meel markaas cabaar u jirtay balse la dheex marayo suuqa, wuxuu yiri galaaska yaysan ka daadan dhibic caano ah. sidoo kale wuxuu raaciyay wiil kale oo ul wata wuxuuna ku yiri garaac hadii ay dhibic caano ah ka daadato. ninkii dhalinyarada ahaa aya qaaday caanihii suuqa ayuu la sii dheex maray ilaa uGu danbeyn uu geeyay meeshii loo rabay. kadib sheekhii ayuu ku soo laabtay asagoo faraxsan una sheegay in uu ku guuleystay howshii loo diray. sheekhii ayaa waydiiyay sida ay uGu suuragashay in uu geeyo galaaska isagoo aysan caanuhu ka daadan. wuxuu ku jawaabay wiilkii waxaan ka baqayay in suuqa dhexdiisa la igu garaaco oo dadka hortooda ku ceeboobo. sidaas darted waxaan diirada saaray galaaska caanaha ah in aan ilaaliyo. sheikh aya hadana waydiiyay in uu arkay dadka agtiisa marayay & in uu xasuusto karo wajiyadooda. wiilkii aya yiri qof aan wajigiisa arkay majiro oo xitaa waxa wadada hareeraheeda ka dhacayay lama socon. sheekhii aya wiilkii ku yiri hadaba waa sidaas oo kale qofka muslimka ah wuxuu ka cabsada ALLAH subxaanahu watacalaa & in maalinta qiyaamaha makhluuqa hortooda lagu ceebayo sidaa awgeed wuxuu ka dheerada qof muslimka ah dhamaan waxa uu ILLAHAY xaarimay.

ALLAH inaga dhigo kuwii ALLAH si dhab ah uga cabsada oo ka dheerada wuxuu ALLAHAY xaarimay oo la yimaada wuxuu ILLAHAY ina faray Allahuma Aamiin
SII AKHRI QORAALKA

Saturday, September 28, 2013

Sheeko:-
Lamaane markaas aqal galay ayaa maalinkii koowaad ee arooskooda waxey ku heshiiyeen in aysan qofna albaabka ka furin.

Maalinkii koowaad waxaa yimid ninka waalidkiis, albaabka ayey soo garaaceen, ninkii iyo xaaskiisa wey is fiiriyeen wuxuuna doonayay inuu albaabka ka furo waalidkiis balse maadaama uu balan galay ma uusan ka furin irida, xoogaa kadibna waalidkiis waa iska laabteen.

Isla maalinkaas wax yar kadid waxaa yimid gabadha waalidkeed albaabka ayey soo garaaceen, gabadhii iyo ninkii way is fiiriyeen, inkastoo ay balan gashay hadana way is celin waysay ilin ayaa indhaheeda ka timid kadibna

way istaagtay albaabkii ayey ka furtay waalidkeed.

Ninkii waxba ma uusan dhihin, sanado kadib waxay isu dhaleen 4 wiil, cunuga shanaad wuxuu ahaa gabar markaas dhalatay.

Aabihii qoyska wuxuu sameeyay xaflad aad u weyn oo dad badan uu ku casuumay isagoo u dabaal dagaya gabadha u dhalatay.

Xafladii markii ay dhamaatay oo dadkii kala tageen, habeenkii ayaa xaaskiisa weydiisay sababta uu sidaan dhan ugu dabaal dagay gabadha yar isagoo aan si sidaas lamid ah hore ugu dabaal dagin afartiisa wiil.

Ninkii isagoo dhoola cadeynaya ayaa wuxuu yiri: “Maxaa yeelay iyadu waa qofka albaabka iga furi doona.”
SII AKHRI QORAALKA

QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB

Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen: Saciid ardadiisa waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii-widaacah. C/Laahi dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa. “Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay” buu C/Laahi ugu jawaabay. “Maxaad jirradeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan waxka duugnee?” intuu ku yiri oo u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri: “C/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah”. “Yaa sheekhow gabar isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar dirham baa xoolo iga dhaca”. Sheekhii baa markaa yiri: “Subxaanallaah, miyaanu muslimku afar dirham ku dhowrsan karin!”, una raaciyey “Anaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay”.
C/Laahi bin Widaacah oo isaga laftiisu sheekada ka sheekeynayaa waxa uu leeyahay: Markaas baan xishood iyo darajayn dartood uga aamusay. “Maxaad u aamustay? ma inantaydaan kuu cuntamayn?”. “Eebe hakuu naxariistee maxaad saa u leedahay haddaad doonto gabadhaada kumanaan dirham baad ku guurin kartaaye” baan ku iri. Markaas buu sheekhii yiri “Waa runtaa, balse iska daayoo shuhuud u yeero”. Shuhuud baan markaa u yeertay, waxaana gabadhii la igula mehriyey Afartii dirham, halkaana lagu kala faataxaystay.
Kolkaan Salaaddii Cishaha tukannay baan anigu gurigeygii iska aaday, waana tanoo ninbaa iridkii aqalkeyga garaacaya. “Waa kuma?”. Qofkii iridka garaacayey baa yiri: “Waa Saciid”. Ilaah baan ku dhaartaye waxaan Saciidyo magaalada ku aqoon jiray waan soo wada xusuustay aan ka ahayn Saciid bin Al-Musayib, maxaa yeelay weligey maanan arag asagoo gurigiisa ka baxaya, inuu Salaad Masjidka ugu socdo ama meyd wax kasoo aasayo maaha eh. Markaas baan iri: “Waa Saciidkee?”. “Saciid bin Al-musayib”. Jirkayga oo dhan baa halmar jareeyey, waxanan is iri: “Armuu sheekhu ka shallaayey inantuu ku siiyey oo kuu cudur daaran rabaa”. Markaas baan anoo cagajiid ah iridkii furay, saa waa gabar dadaboolan, faras alaabi ku raran tahay iyo adeegto cad. Sheekhii intuu isalaamay buu yiri: “C/Laahiyow waatan naagtaadii”. Markaas baan si yare xishood ku jiro u iri: “Alle hakuu naxariistee, maxaad ayaamo ugu kaadin weydey”. Suu yiri: “Sabab!”, kuna daray: “Sow ima oran afar dirham baan haystaa?, mise waxaad dooneysaa in Eebbe iyiraahdo maxaad ninka habeenkaa doobnimo ugu dhaaftay adoo xaaskiisii haya. Waa taa naagtaadii waana taa alaabadiinnii, waana taa gabar idiin adeegta iyo kun dirham ood masruufataan. C/Laahiyow amaanada Eebbe iga guddoon. Waxan dhaar kuugu marayaa inaad iga guddoomaysid gabar Soon iyo Salaad badan, Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiisana aqoon badan u leh, ee Alle kaga cabso, aniga darteeyna ha uga xishoon ee haddaad wax aadan jeclaysan ku aragto intaad edbiso gacanteyda kusoo sin”. Waanu sii dhaqaaqay.
C/Laahi waxa uu leeyahay: Wallaahi baan ku dhaartaye weligey ma arag naag ka aqrin og Kitaabka Alle, kagana aqoon badan Sunnada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), kagana cabsi badan Allihii abuurtay, waxanay ahayd mas’alada culimada wareerisa ta jawaabteeda la weydiiyo.Mar kasta oon Saciid is aragno waxa uu iweydiin jiray: “Qoftii say tahay?” markaas baan dhihi jiray: “Waa nabaddeeda”.
Kedib markay gabadhii wiil iidhashay baan maalin anigoo suuqa u baxay waxaan soo laabtay islaan aanan weligey arag oo aqalka dhex fadhida. Ka noqo markaan islahaa bay xaaskaygii tiri: “Soo gal C/Laahiyow, waa qof araggeeda Eebbe kuu banneeyaye”. Markaas baan weydiiyey: “Tumaad ahayd, Alle hakuu naxariistee?”. “C/Laahiyow gabadhaan hooyadeed baan ahaye maxaad kala kulantay?”. “Khayr Alle haydinka siiyo, si fiican baad u tababarteen una edbiseen”. “C/Laahiyow annaga ha noogu danayne haddaad xumaan ku aragtid edbi, waxaan nafteeda ka ahaynna adaa leh, dhoola caddayntana haka badin yaanay ku dhayalsane. Eebe haydiin barakeeyo dhallaanka cusub, ha ka dhowro Shaydaan, hana kadhigo mid Alle ka cabsi badan sidii awoowihii. Wallaahi baan ku dhaartaye Afartan (40) sanadood oon isqabnay ma aanan arag maalinna asagoo Allihiis ku caasinaya, lacagtaana asagaa idiinsoo dhiibaye qaata”.
Cabdullaahi waxa uu leeyahay: “Waan ka qaatay lacagtii,waxayna ahayd Shan diinaar, siday islaantii markaas nooga baxdayna siddeed iyo toban sanadood wejigeeda dib uma aanan arag ilaa geeriyi na kala geysay”. Dhammaad qisadii Saciid bin Al-Musayib.?
SII AKHRI QORAALKA

QISO XIKMAD BADAN: wiilkii yaraa iyo wadaadkii caalimka ahaa

waxaa jirey wiil dhalanyaro ah oo sheydaan was-waasiyey kuna jahwareerey sadax su'aal oo uu jawaab u waayey wiilka. waxuuna go'aansadey inuu raadsado wadaad caalim ah si uu u helo jawaabta su'aalahaas asigoo horey u weydiiyey dad jaamiciyiin ah una awoodi waayeen iney siiyaan jawaab waafi ah.
wiilkii aya wadaadka u yimid sheekadoodiina sidaasn ayeey aheed:

wiilka: shiikhow waxaan rabaa inaa iiga jawaabtid sadax su'aal u madaxa iga wareerisey ?
Shiikhii: i weydii waxan isku dayi doonaa inaan kaaga jawaabo insha allah.
willkii: shiikow.. 1) Ilahey ma jiraa? haduuse jiro i tus ilaahey ?..... 2) qadarta ma jirtaa?... 3) sheydaanka naar aya laga abuurey ilaaheyna waxuu noosheegey inuu naar galaayo, marka sidee wax dab ka sameesan uu waxa uga tari karaa dab kale ?? inee dab hadii lagu daro dab waxba iskama qaadaayaane??

shiikii ayaa la yaabey wiilka su'aalahiisa, intuu fikirey ayuu dharbaaxyo xoog badan ku dhuftey.
wiilkii ayaa yiri: "shiikhow waxbaan ku weydiiyey ee maxaad ii dishey oo u xanaaqdey". markaas buu shiikhii ku jawaabey: "maanan xanaaqine ee dharbaaxshada aan ku dhuftey waxey juwaab u tahey sadaxdaadii su'aalood oo dhan !!"
wiilkii oo yaaban baa yiri"shiikow kuma fahmine ii faafaahi ?"

JAWAABTII KOWAAD:

shiikii yaa yiri: "dharbaaxsahaan markaan kugu dhuftey maxaad dareentey?"
wiilkii baa yiri: "aad baan u xanuunsadey?" shikhii baa ku jawaabey: "xanuunka aa dareentey i tus siduu u egyahey?? " wiilkii baa yiri "shiikow xanuunka waa la dareemaa mooyee lama arko " shiikii baa yiri "jawaabtii koowaad waa taas ee ILAAHEY lama arkee waa la dareemaa."

JABAATII LABAAD:

shiikhii yaa yiri: "Xaley miyaad ku riyootey anigoo ku dharbaaxaayo??"
wiilkii: "maya waligeeyna kuma riyoon midaas"
shiikhii: "hadaba qadarta waa taas oo way dhacdaa, qadar kuu quran bey aheed inaa ku dharbaaxo !!"

JAWAABTII SEDAXAAD:

shiikihii "gacanta ku dharbaaxdey oo ku xanuunjisey, maxey ka sameesantahey? jirkaaguna maxuu ka sameeseesanyahey? "
wiilkii: "gacantaada waxey ka sameesantahey maqaar, kurkeeguna maqaar ayuu isna ka sameesanyahey "
shiikhii: "hadaba sideey dharbaaxshadeeda kuu xanuunjisey iyadoo ka sameesan maqaar jirkaagana ka sameesanyahey maqaar "

SUBAHAANALLAH waa jawaab waafiya runti........

wiillkii oo aad u qanacsan walibo la yaaban xikmada shiikha ayaa u mahadceliyey, sidiina ku qancey
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: