QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Showing posts with label Qiso xanuun badan. Show all posts
Showing posts with label Qiso xanuun badan. Show all posts

Saturday, September 17, 2016

14 september 2011 arbaco abare 7:0- 8:0 habeenimo waxaan ka soo baxay xarunta shaqada radio gaalkacyo oo aan ka tirsanaa aniga oo ku sii jeeday gurigayga waxaan soo raacay oo isoo qaday agaasimihii waqtigas maamulka xarunta hayay Ader abdulaahi xirsi cadde oo gaadhigiisa aan soo raacay si uu ii soo dhaweeyo madaama waqti habeena ahayd shaqadana ku daahay.

Xogaa markaan soo soconay waxan adeer ka codsaday inuu igu dajiyo laamiga dheer aaga suuqa si aan u lugeeyo inkasta oo uu isku dayay inuu igu qanciyo in uusan meesha igu dajin haddana anna ka sii codsaday oo rabay inaan halkaas ka lugeeyo oo aana sii dhibin wuuna iga aqbalay meshii baana isku macsalamaynay iyo inaan bari shaqada imaan doono haduu alle idmo si markas howla xarunta quseeya u xalino.

Markii aan socday muddo ka yar 10 daqiiqo waxaa la iga soo wacay radio risaala muqdisho oo aan wakiil wareed u ahaa si aan u siiyo haddi news jiro lkn waxan u sheegay inaan meel mugdiya gali rabo oo aana telka ku sii hadli karayn sidii buuna iga qancay wiilkii studio war qabadka joogay habeenkas.

Intaas ka dib maxa dhacay?

Waxaan soo jaray laamigan ku socday si aan ugu leexdo jid kale oo aan xaafada u sii mari lahaa inkastoo uusan agaas ka dhawayn gurigeeno haddana waxan halkas u soo maray inaan kala badasho jihooyinka xiliyada aan shaqada aado iyo markan ka soo baxo markaan luuqa soo galay waxaa isoo wacay agasimihii oo iwaydinayay arrima la xariira waraysiyo shaqada quseyay su'aashii u horaysay markaan ka jawaabay waxaan dhankayga midig ka dareemay saan culaysa waxana hilmaamay in qof taleefoonka iigu jiro waxana qalbigayga ku jeediyay halka aan sharqanta ka dareemayo isla inta aana eegin gadalkayga waxaan hortayda ka arkay qof qaba dhar cad cad oo dhabarkiisa i xigo baskooladna la soo baxay waxaan dareemay in wax sahlan aysan socon haddana ma jirto meel aan kaga baxayo khatarta aan ku suganahay wuxuna qofkii kuriday xabad masjid iga horeeyay oo dad taagnayeen xiligaana aha bacdal salaada cisha waxaa iigu xigtay qof kale oo maas garaatiya oo jaakad qaba oo isna isku kay raacashay magacayga iyo xabad baskoolad ka soo baxday oo madaxa la iiga waday alle mahadiis xabadii madaxa uu iiga waday waxay iiga dhacday gacanta midig oo aan isaga dhigay, intaas kadib waxaan go'aan ku gaaray wixii awoodayda inaan sameeyo ma awoodo waxaan orad ahayn intaan nafta iga bixin ama meel halisa la igu dhufan waxaan durba ku dhaqaaqay inaan ordo haddana xabaduhu wa igu socdan majirto ciidan ama meel aan ku ordayo oo aan badbado ka radinayo balse waxan is leeyay kolba ku dhimo meel meydkaaga laga arkayo isla waqtigaas halkan ku soo ordana ah laamigan soo jaray daqiiqadihii is badalay.

Intaan ordayo xabadkasta oo jirkayga ku dhacda way iga sii baxaysa waxana hortayda ku arkaya iyaddo holcaysa sida dhinbil dhuxul ka duulaysa gacantu waa i jabantahay xididadeeduna banankay yaalan mida jaban ,caloosha waxan ku wada hayaa gacanta midix oo aan uga dhigay xadhig.

Xabadii 5naad baa igu dhacday intaan lugaha iyo madaxa ka ahayn jirkaygu kama fiyooba waxaan kari la ahay inaan sii ordo badbaadase alla haya waxaa iga istaagtay rasaastii labada gees iiga imanaysay kaliya rajadan qabana ah inaan laamiga imid oo qof socda aana arkayn meesha waxaa ku yaala maqaxiyo shaaxa laga cabo cashoyinka fududna laga cuno balse dhawaqa rasasta oo aad ugu dhaw baa laga sii kala cararay oo qofkasta is leeyahay ka dheerow waxa soo socda oo aysanba ogayn in aan badbaado raadis ahay.!

Waxan isku tiirshay darbi maqaaxi aan soo ag maray markii hore oo dhalinyaro ciyaaro ku dawanayeen isla markiiba waxaa isoo baxay 2wiil oo dhalinyara oo aad u baqaya kalsooni baddana ku qabin inay isii ag joogaan waxay eegayan halkaan ka soo orday waxayna ayagoo geesaha fiirinaya i waydiinayan qofka xabaduhu ku dhacen adiga miyaa anna jawabtaydu waa haah!

Way i fariisiyeen mana sii hayo xasuus sidaas u badan oo durba waan is badalay waxaan niyadayda ku si danbaysa kolba hadda dhimato sidee laguu ogaanayaa ? Hooyaday oo aan aad u jeclahay ayaan ka walwalaya marka ay maqasho waxa dhacay haddana aan ku ogahay qof samir baddan.

Intaan meeshas aalay waxaa soo buux samay dad baddan oo qofkasta doonayo inuu ogaado waxa dhacay iyo inaan noolahay awoodaydu ma dhama inaan dadka sii dhagaysto ama eego xitaa aan aad u sheegto waxaan rabo hadalkaygana lama maqli karayo ilaa aad la iigu dhaweeyo dhagta maahane.

Gabadh aana magaceeda iyo wajigeeda aana aqoon baa cod dheer ku dhahaysa gabadha meesha ka qaada muslim ma tihiin miyaa iyo walaal ashahaado intaba waan maqlaya ashahaadku afkayga kama bixin ilaa aan baskooladaba arkay oo alle swt baa i haleelsiyay alxamd.

Buuq iyo su'aalo baddan kadib waxaa isoo qaday walaalihii meesha is kugu yimid oo rag u badna waxay igu sidaan gacmahooda oo ma jiro wax gaadhiya ay wataan ama meesha marayay xiligaas ilaa ay iga soo gaarsiiyeen meeshan awal kaga soo dagtay gaariga ader abdulaahi oo ah laamiga hal boolaha u ah magaalada waxana ku ag dhaw dukaamo gacanacsi qaarkood lagu hor gado khaatka xiligas waxaa ku sugna dadka jaadka gada waxayna kala kulmeen in hooyooyinkii halkas ku sugnaa ay wiil darawala ku dhahan qaad gabadha dadku waxay is waydiinayan ma dhimatay qof jawaab dhaba ka bixin karayana kuma jiro kaliya markaan soo qadnay way noolayd bay odhanayan dhalinyarada gacmahoda igu siday khayr baddan allaha siiyee.

Dadku waxay i waydinayan awaye dadki ku dilay magaranaysay iyo su'aalo xitaa haddan ka jawaabo aysan waxba ka qaban karayn markas sabato ah maahan askar qaarba dhahaya haddan qaadno amay dadki dilay jidka kale nooga soo baxan tasina waa cabsi kale oo bulshada i kor dhooban haysa aniguse horan ugu balan qaday inaan dartood dhiigayga u daadinayo aana la wadagayo wanaaga iyo dhiiri galinta ugana baqanayn xaqiiqda qof iibsaday naftiisa kana fogaday alle swt ku faanaya inuu dilayo qofkii aan sheegin wuxuu rabo.

Hooyaday markan shaqada adayo adbay u walwali jirtay dhawr mar waxay igu tiri is ka daa shaqadan wana dareen ku dhashay markay aragtay hanjabado isoo garaya la igu leeyahay waxaa tahay gaalo waxad u shaqaysa gaalo raaciin adigana waa lagugu jana tagaya goor aan fogayn markasta waxan u dira taleefoon si aan ugu sheego inaan nabad qabo meshan joogana waan la wadaga waxan la ahay saxiib iina suurta galisa inan is fahano in naddan duco ayayna iigu kaalmaysa xilikasta.

Gaadhigii waa iso qaday waxana la i kenay spitalka wayn ee gaalkacyo inta aan xaladahas u soo marayo helida gar gaar caafimaad warkii wuxu gadhay waalidkay iyo walalaahay oo geeri loogu sheegay doonaya inay soo arkan meydkayga halkuu yaalo oo logu shegay.

Walashay iyo walalkey baa la xadhiidhay xarunta radio gaalkacyo si ay warkaas u xaqiijiyaan lkn maba jirto cid og oo wax walba kadis bay ku dhaceen idaacadana waxaa ka baxaya barnaamijka faqidaada radyaha oo aan soo duubay jahwareer kadib waxaa arrinta loo shegay qayb kale oo bahdan wada shaqaynaynay ah meel shaaxa laga caba ku sugnaa waxayna toos usoo adeen spitaalka oo ay noqdeen dadkii iigu horeyay oo aan wajiyadooda arko markii qaybta gar gaarka dag dag la i keenay.

Waalidkay waxay ku war galiyeen inaan noolahay waxayna wiilashii iigu soo galeen qolkii aan ku jiray oo aysan jirin wax la ii qabtay qolka hal wiil oo meelu wax ka bilaaba aan ogayn una haysta in waxa igu yaala tooray yihiin ayaa ku sugan wuxuu ku canaanaya wiilasha naga aamusa gabadha waxba ma qabto tooray baa ku taala iyo hadalo kale balse ayagu warkaas kuma qanacsana inaan hadli karayo bayna arkayan waxaan u shegay in dhiig igu socdo una bahanahay gar gaar waxaan ku iri "yaana meesha silic ugu dhiman oo aan uga dan lahaa inaysan dhaqaatiir joogin xiligaas ana intaan hadli karayo sheego xaalkayga wuxuu ku suganyahay".

Dadaal ay sameyeen bahdii saxaafada oo garab iyo gaashanba ii ah waxa la ii gudbiyay spitaalka GMC Gaalkcyo Medical Center si aan u helo daryeel caafimaad oo lama huran ay tahay , xaladaydu hadba dhinac bay u liicaysa oo markasta waxan soo jeesanaya anoo hawa kale ku jira oo sida qof miyir doorsamaya noqonaya alle mahadiis

Waxaa la isaray raajooyin dhaqtarkuna wuxuu u sheegay asxabtaydi shaqada in la igu samaynayo qaliin dhanka caloosha isagoo sharaxaad ugu daray waxyabaha imaan karaya iyo hadi ay yimadan filashadu waxay tahay mahad jama koronto iyo rooble xasan abdi ayana saalada ila galay waxan indhaha kala furay dhaqtarka oo i leh xoriyo adeer seetahay iyo ashaado waxan mahad ka codsaday inuu hooyo ii la hadalsiiyo wuuna iga yelay waxan iri hooyo ha walwalin waan caafimaad qaba waxay iigu jawaabtay hooyo laba daarood tii alle kuu qoray allaha kuu fududeyo anoo daremaya in ay murugo badan ka muuqato telkana mahad aya la wareegay waxan u raacshay yaan aabe loo sheegin waayo abahay ma joogin dalka waqtigaas lkn waqti hore bay gaartay aqbaartu anase moog.

Cirbadii suuxdinta ayaa la igu dhuftay waxana bilabanaysa xal u helida caafimadkayga ku dhawaad 2saac haddaysan ka badnayn ayaan dhawac ahay wana rajada koowad ee aan leenahay aniga iyo inta iga naxaysa in markan spitaal lagu kalsoonyahay aan ku suganahay.

Waxaan soo naxay waqti danbe oo indhahaygu qabteen iyadoo ay i garab taganyihiin bahda saxaafada gobolka mudug , sidookale waalidiintay ,walaalahay iyo dad kale oo baddan baa iyaguna spitaalka soo buux dhafshay xamdi alle mudo yar waan ka bogsooday dhaawici iyo xanuunkii isoo maray.

December 28 2011 xaalad caafimaad baa la iigu qaaday magaalada nairobi ee wadanka kenya.

Qofkasta markay wax ku dhacaan wuxuu ka&nbsp; dhintaa ama ka wanaagsamaa waa maskixiyan in alle i badbaadiyay ka sakoow waxaan qiraya inaan ku caafimaday dhiiri galintii ay har iyo habeen ila taagnayeen walaalahay saxaafada mudug , Bulshadayda qiimaha baddan ee wanaaga jecel oo aan iyaga wax ku noqday dhalinyarada iyo dhamaan wax garadkii qiima badna ee ila wadaagay dareenkoodi.

Gunaanad.

Mahad oo dhan allaha wayn ee ifka na keenay bay u sugnaatay.

Intaan noolahay marna kama baxayan xasuustayda halyeeyadii habeen iyo malinba ii taagna isiyay naftooda ina huray noloshooda oo ugu horeeyo my dhaqtar Dhagacade iyo dhamaan bahda caafimadka (GMC )allaha idinka abaal mariyo wanagad ii gashen abalkinana ma gudi karayo.

Sidookale dhakhaatiirta kala ah

Dr burhan cali geelle
Dr Salaax
Dr bashiir ali biixi
Dr Maxamed Jamac salaad
Ban mahad balaadhan u celinayaa

Madaalayasha bahda saxaafada mudug oo aya guna ii ahaa dawooyinkaan ku ladnaaday la aantoodna aanan helen caafimadkas iyo farxadi qalbigayga ku dhigantihin wallahi.

Mamulkii gobalka mudug ee waqtigaas uguna horeyay
Maxamed Yuusuf Jamac tigay
Said abdi faarah
Farxan ali xaad
Iyo afhayeenkii hore galmudug Axmed Baasto

Wasiiradii iyo laamihii amaanka ee igu soo booqday Spitaalka iyo dhamaan bulshaydeena qiimaha baddan ee aan rabin dulmiga iyo xad gudubka u taagan hormarka dalka adbaan idin kaga mahad celinayaa garab istaagiini.

Waxaan isagana u mahad celinayaa
Safiirki soomaaliya u fadhin jiray kenya Mohamed Ali americo
Wariyaasha sida waanagsan iigu soo dhaweayay nairobi waqtigii caafimaadka la
iigu qaaday uguna horeeyan walaalahay Abdiqafar axmed shire
Mohamed ahmed ilkacase
Mohamed gaarane aadan
Gabdhihii iyo wiilashii kalsoonida i tusay jazakumullahu kheyr.

Ururka dhalinyarada galmudug nairobi oo xaflad xasuus iyo kalgacayla iyaguna ii sameyay idinma ilaawin dhamaantiin allaha idin xafido walaalayaal.

Ururka saxafiyiinka qaranka soomaaliyeed wanaag iyo sharaf baan idiin hayaa idinkana

Waxaan alle u waydiinaya naxariis iyo danbi dhaaf walaalihii naga geeriyooday ee dhiigya cabeenadu dileen annagana gadaashood kuwa fidnooba alle nagama dhigo.

Waan u dhiman dalkayga iyo dadkaygaba kamana ganban doono runtu waxay tahay kumana shaqeeyo eex qabiil iyo qof jeclaysi mana aaminsani wax dheer soomaalinimo i yadaa i deeqda hadday ku deeqday u halgan ciida iyo calankaba.

Gobonimo ku dhimo intaad nacamlays ku lumid lahayd.
SII AKHRI QORAALKA

Friday, September 16, 2016

Waan hubaa hadii aad aqrisato inaad
ilmeeneysid.


 Sacdiyo waxeey eheed gabar
kunool magaalada Kismaayo gaar ahaan
xaafada calanleey
Waxeey eheed gabar qurux badan jecelna
wax barashada aadna u fur furan.
Walaalkeed oo joogay Sweden ayaa
soowacay waalidkii una sheegay Sacdiyo
ineey imaato Nairobi si uu uga kaxeeyo.
Hassan oo ahaa Sacdiyo aabeheed ayaa
u sheegay sacdiyo ineey dhowaan u anba
bixi doonto dalka kenya kadibna kasii
aadi doonto Sweden. Sacdiyo ayaa timi
boosteejada laga soo anba baxo ee
kutaala wadada Somali Star ee xaafada
Calanleey. Sacdiyo ayaa sidan ku
biloowday shekadeedi.
1/8/2008 waxeey eheed maalinta aan
kasoo anba baxaayay magaalada
kismaayo anigoo usoo kici tamaayay
magaalada Nairobi.waxeey eheed markii
iigu horeeysay ee aan dalkeeyga Hooyo
dibada uga baxaayo waxaana
dareemayay culeeys kasoo ahaa inaan
katagaayo qoyskeeyga iyo asxaabteeyda.
Waxaan nimi boosteejada Hoyadeey
Sahro ayaa aad iigu ooysay, ilinta
kasocotay Hooyadeey sahro waxeey
eheed mid aan la’ooyay.eyadoo ii
raacisay “Hooyo Illaah hakunabad geeyo
Meel dadka dhaxdooda ahna seexo”.Goor
eey tathay 5 galabnimo ayaan kasoo
anba baxnay magaalada Kismaayo.
Waxaan gaariga dhaxdiis isku baranay
Libaan oo ahaa wiil isagana usoo socday
magaalada Nairobi. Libaan aniga oo kale
muusan eheen horey ayuu u tagay
Magaalada Nairobi. Libaan wuxuu
noqday wiilka kaliyah ee aan gaariga iska
dhax fahanay. Maalin ayaa gaari nooga
jabay tuulada Qooqaani. Intaan safarka
kusoo jirnay naxariisyo badan ayaan ka
dareemay Libaan taas oo xagiisa inta
badan isii jiidan jirtay. Habeen iyo maalin
gaariga nooga haleeysnaa qoqaani aniga
iyo libaan sidii qof iyo hooskiisa ayaan
isku daba soconay anigoo inta bada
kawareeysan jiray Xaladaha Nairobi.
Rakaabka aad ayeey u daalanaayeen
dhaqso ayeey seexdeen balse aniga iyo
Libaan sheeko ayaan ku gaarnay 4
habeenimo. Intaan safarka soo eheen
anig iyo Libaan iskumeel ayaan wax
kuwada cuneeynay iskumeel ayaan
gaariga kawada fadhiisaneynay taas
eyadoo jirto wali Libaan xad gudub iguma
uusan dayin. Kadib waxaan nimi dhobleey
isla galabkiina kasoo anba baxnay.

Waxaan nimi xerada qoxootiga ee
xagardheer waxaana joognay maalin
Libaan ayaa ina geeyay xaafad uu lahaa
adeerkiisa.
Subaxdii danbe 8:30 AM ayaan kasoo
baxnay xagardheer anagoo Nimi Nairobi
6:15 PM.
Aniga maanan kala garaneeyn waxaan
wacay Numberka abtigeey waxaana u
sheegay inaan nabad imi Nairobi uuna
iigu imaado boosteejada gaariga. Libaan
ayaa igu yiri
“ Sacdiyo barashadeena, safarka miyeey
ku koobneed”
“Aboowe maya, barashadeena marabo
ineey halkan ku ekaato numberka
Abtigeey qoro waad iga heli kartaa”
Habeenki daal ba’an ayaa I haayay waan
iska seexday wixii kadanbeeyay waxaan
had iyo jeer niyada kuhayay Libaan
anigoo iska xasuusan jiray hadaladiisa
iyo quruxduu eebe siiyay. 

sadax maalin
kadib goor habeen ah waxuu libaan soo
wacay numberkii Abti si uu iila hadlo.
Habeenki waxaan ka codsaday inuu ii
yimaado waliba si dhaqso ah. libaan
igama uusan diidin wuxuuna iigu
jawaabay “Birito ayaan kuu imaanayaa
waxaana isoo wadaayo wiil walaalkeey
ah” Niyada ayaa iidagtay madaama aan
maqlay Libaan codsiika iyo xaalada uu
kusugan yahay. Wixii intaa kadanbeeyay
wuxuu qalbigeeyga ii sheegay inaan
Libaan jeclahay. Libaan iyo wiil lasocday
ayaa ii yimadeen maalintii danbe anigoo
mar mar dareemayay inaan aamusay oo
aan libaan kumaqanahay sida uu u
shekeeynaayay iyo bulsho nimada
kamuuqatay. Waxaan ka qortay
numberkiisa banaanka gurigana uga soo
haray. Waxaan abtigeey ka codsaday
telephoneka wuuna iga aqbaly.
Habeenki 8 fiidnimo ayaan wacay
“Aboowe haye xaaladaada kawaran”
“Abaayo fiican, adiga side tahay”
Markaan is wareeysanay kadib ayaan
Libaan kacodsaday inuu marlabaad ii
yimaado madama uu isaga xafadeeyda
yaqaano anigoo u raaciyay “ Libaan
maalintaas oo dhan anaad ila jogeeysaa”
Maalintaas gabar habaryarteey dhashay
ayaan kacodsaday ineey eyadana ii
timaado waxaana rabay ineey wiilka
libaan la imaan doono iga mashquuliso
intaan libaan la sheekeeysanaayo. Malin
qamiis ah goor eey tahay 2:00 PM ayaa
waxaa isoo wacay Libaan iina sheegay
inuu xaafada usoo dhoowyahay.


 waxaan
usoo dhoweeyay ninkeeyga inuu yahay
camal anigoo u diyaariyay qado iyo guri
shekada ku qurxoon. Markuu yimi ayaan
Qado u geeyay isaga iyo wiilki lasocday.
Markeey qadadeyeena nasteena ayaan
Hawo u sheegay ineey wiilka usii
shekeeyso libaan ayaan u bilaabay
sheekada aan kalahaa, anigoo uga
bilaabay “ Libaan habeenadan
fakarkeeygu wuu batay”
“ Maxaa dhacay jaceyl miyaa gu galay
abaayo ?”
Libaan marnaba muusan iska dhaadhicin
inaan aniga Damac iga soo galaayo oo
wuxuu aad u tixgalinaayay barashadeena
ku xusneed walaalnimo kaliyah. “ Aboowe
wadankan aan ku cusbahay waan ku
cidlooday, taas eyadoo jirto ayaa arin
kale isii heysataa”
“waa maxay arinta kale ee kuheysto
abaayo?”
“Aboowe, wanaagaaga shekadaada
kaftankaaga ayaa ijiitay inta badana
adaan kaa fakaraa”
Libaan wuu naxay,murugana wajigiisa
soo fuushay kuna yiri abaayo aniga
marabou inaan ku qiyaano meshan arimo
cafimaad ayaan u imi weeyna igu
adagtahay taas
“taas wax weeyn maahan aboowe”
“Abaayo Sacdiyo runtii waad istaahisha
nolol iyo jaceyl in lagula qeeybsado balse
ifahan”
Waxaan kala kulmay libaan niyad jab aad
u weyn waxaana ka codsaday
“Aboowe madama aan arintan kusoo
bandhigay adna aad igu gacan seertay ha
gooynin xiriirkeeni saxiibtinimo” “ Abaayo
taas madhici doonto, waxaana kuu
ahaanayaa sidaan horey kuugu ahaa”
Waxaan ii biloobatay nolol adag Fakar iyo
soo jeed ah, waxaan had iyo jeer kafakari
jiray Libaan cuntadii waan waanba
ilaaway, jiifna waxeeyba ila eheed hadaan
jiifsado inaan libaan heli doonin. Qolka
ayaa waxaa iigu imaaday abtigeey iyo
xaskiisa iguna dhaheen waxaa mardhoow
imaanaya walaalkaa balse waxaas iima
cadeeyn oo Libaan oo kaliyah ayaa ii
muuqday. Libaan wuxuu iigu imaan jiray
maalin dhaaf isagoo ii shekeyn jiray
igana qosli siin jiray, xiliga uu ila joogo
fakar ama murug intaba maanan dareemi
jirin.
Maalinti maalmaha kamid ah ayuu Libaan
ii yimi Waxaan u sheegay inaan dartiirs
qabri u dhowahay. Libaan oo eey ka
muuqato murugo ayaa iigu jawaabay
“Abaayo manta Diktoorka ayaan u tagay
wuxuuna igu yiri waxaad qabtaa Cancer-
ka beerka kudhaca”
Wuxuuna ii sheegay Libaan cudurka
haayay taas oo naxdin ba’an igu sii
kordhisay
Libaan oo aan uga bartay farxad ayaa
maalintaas ka arkay indhihiiisa Ilin
(Oohin) ka daadaneeyso, anigoo waan
iscelin waayay waan sasabay una
sheegay aduunkan in lagu wareeynin
uuna iska samro Illaahna baryo. Waxaan
dareemay inaan kasii daray sababtoo ah
xanuunka hayay gacaliyaheyga libaan
wuxuu ahaa mid aan maranaba kuu
niyad dhiseyn. Waxaan ka codsaday
Libaan inuu gurigooda isoo baro si aan
had iyo jeer uga war haayo. Waxaan u
bandhigay Libaan inuu iguursado aana
haduu illaah iga siinaayana aan ubad u
dhalo. “ Libaan aboowe waxaan
go’aansaday inaan isguursano sideed u
araktaa”
“Abaayo miyaad waalatay, waad araktaa
xanuunka Ihaayo adigana guur iyo
waxaan lojoogin ayaad igu soo
hadalqadeeysaa”
“Libaan waa iga dhab waxaan rabaa
inaan Ciyaal aad adiga leeydahay dhalo,
taasi waa ii farxad Waalidkaana waa u
farxad ”
“Abaayo adigana naftaada miyaad
nacday,maxaad kawadaa waxyaabahan
dhan aad sameyneysid”
“Aboowe jaceylka aan kuu qabo ayaa wax
walbo kaween”
Waxaan indhaha Libaan ilbiriqsi walba
soo dhaafayay ilin isagoo markii danbe
hab isiiyay iiguna jawaabay isagoo
ooynaya
“Abaayo, bal fiiri maanta waxaan heystaa
jaceylka duniga ugu qaalisan bulse
cafimaad ma heysto”
“Aboowe waxwalbo weey dhacaan
dulqaad iyo samir badan muuji”
Waxaan go’aan ku gaarnay inaan is
guursano libaan familkooda ayuu u
bandhigay weeyna ka aqbaleen. waxaan
ana Abtigeey u sheegay inaan guursan
rabo uuna war galiyo Hooyo iyo Aabe.
Abti ayaa igu qeyliyay iiguna jawaabay.
“Abti mafiyoowday, walalkaa ayaa
imaanaya barnaamijki aad u timi nairobi
ayuuna hirgalin rabaa”
“Maya abti maanan waalan ee
jaceylkeyga dhulgaalo kuma badalan karo
”
Waxaa isoo wacay hooyo iyo aabe, balse
aniga kama aanan laba labeen go’aanki
aan horey uga gaaray Mustaqbalkeyga.
Abtigeey oo aan gurigiisa joogay markuu
arkay inaan madax adkeeyay igu yiri
“Waa kuma wiilka Abti ?” “Abti waa
Libaan wiilkaan isla soo safri jirnay” Abti
magalada ayuu kasoo maqlay wiilka
xanuunka haayo habeenki markuu guri
yimi ayuu yiri “Abti wiilka inuu xanuunsan
yahay iyo waliba cudurka haayo ma
ogtahay?”
“haa abti waan ogahay inuu libaan
Kansarka beerka qabo” abtii wuu yaabay
gurigiisa ayuuna iska galay. Libaan
waxaan maalin walbo ugu tagi jiray
gurigooda anagoo intaan wado joogno
wax naga maqnaa eeysan jirin farxad
galabki ayaan gurigeena iska soo aadi
jiray Farxada jaceyl ee uu libaan itusay
maahan mid aan iloowi doono waligeey
waalidkiisa waxeey go’aan ku gaareen bil
kadib inaan is guursano aniga iyo libaan
waxaan bilaabatay qaban qaabadi
guurka. Maalin ayuu guriga iigu yimi
Libaan isagoo faraxsan sheeko iyo kaftan
ayaana iska galnay, wuxuu igu yiri “
Malaga yabaa inuu Illaah cudurkan iga
qaado?” “ Haa Aboowe, illaah waxwalbo
wuu awodaa”
Waxaan markasto oo aan tukado Illaah
kabaryi jiray inuu gacaliyaheeyga ii
daweeyo.
Waxaa Libaan Aabihiis uu soo maqlay
inuu jiro wadaad tuulo Nairobi udhoow
joogo daaweeyo cudurada kuna daweeyo
dhirta. Waxaa libaan lagu war galiyay
isbuuca soo sacda in loowadi doono
wadaadkaas. Libaan cudurka haayay
wuxuu ahaa mid aad iyo aad uga xanuun
badan balse wuxuu aaminsanaa jiifka
ineey u darantahay cudurka.
Waxaa ii yimi Libaan oo ordayo wuxuu ii
sheegay wadaad inuu aadi doono
isbuuca soo socdo anagoo sheekadii
wadno ayaa salaadi casar la’aqimay
Libaan wuxuu galay salaad.
Libaan wuxuu Illaah marwalbo kabaryi
jiray cafimaad. Wuxuu waqtiga socdaba
Waxaa lagaaray maalintii uu libaan bixi
lahaa . Libaan wuxuu ii yimi goor fiid ah
abaarihii 7:00 PM wuxuuna igu
wargaliyay inuu birito bixidoono “ Abaayo
birito waan baxayaa waxaana dareemi
doonaa cidlo madamaama aan adiga kaa
tagaayo” aniga waxaan dareemay farxad
iyo naxdin dhinac waxaan iska tusay
gacaliyaheyga oo Illaah idinkii isoo
caafimaadi doono, dhanka kale Isagoo
waxbo laga soo qaban waayo-taas oo
Libaan ku keeni doonto niyad jab.
Habeenki wuu i mac salameeyay isagoo
kaftamayana igu yiri “ Hadaan baxo fakar
iyo cunto kasoon hagalin aniga waan
kusoo noqonaa haduu rabi idmo” gacanta
ayuu iga shumiyay iguna yiri “Guurkeena
waa Bil kadib Illaah waxaan ka baryaa
inuu wiil iga kaa siiyo” aniga hadalka
ayaa igu dhagay markaan arkay Libaan
oo safar galaayo waxaana ku iri “Waan
kuu xiiso doonaa”
Subaxdi danbe ayuu baxay Waxaan intuu
sii maqnaa Illaah uga baryaayay inuu
caafiyo gacaliyaheeyga.
4 sacadood kadib ayuu isoo wacay iina
sheegay inuu gaaray goobtii wadaadka. 2
maalin kadib waxaa lasoo sheegay
Libaan xaladiisa ineey kasoo dartay
waxaan isdhahay aad meesha Libaan
joogo balse aniga maanan garaneyn.
Habeenki ayuu isoo wacay isoo aad u
xanuunsanaayo wuxuu igu yiri waan
fiicanahay isagoo niyada ii dhisaayo
balse runtaa waxeey eheed inuu aad u
xanuun sanaayay “ Sacdiyo macaneey
aad ayaan kuugu xiisay xagaaga inaan
mardhow imaado ayaan rabaa”
“Aboowe aad ayaan kuugu xiisay
naftigeeyga” Waxaan Libaan dareemay
markuu ila hadlaayay ineey ilin kasocoto
anigana waan is celin waayay.Habeenku
ila hadlaayay subaxdeedi 9:00AM waxaa
lasoos sheegay inuu dhintay Libaan.
Markaan maqlay dhimashada
gacaliyaheeyga sidaan dareemay Ilaah
unbaa garanaayo runtii maahan mid aan
kasii faleeyn karo.
Libaan iyo aniga waxaan eheen kuwo
iskufahmay nolosha marnaba dhicin inuu
qilaaf nasoo dhax galo.wax
dhameeystiran lama wado helo sababtoo
ah jaceylka libaan iyo aniga oo dhankasto
ka siman ayaa iscalfan waayay. Waxaan
Illaah uga baryayaa Libaan inuu janada
kawaraabi Markaan dhintana uu illa
kulansiiyo.
Bil kadib walaalkeey wuxuu kayimi
Sweden si uu iiwado balse aniga go’aan
waxaan ku gaaray inaan u laabto
Kismaayo,Somalia waxaana ibadashay
walasheey.
SACDIYO WAXEEY WAQTIGAN
KUNOOSHAHAY MAGAALADA KISMAAYO
MEEYSANA GUURSAN. WAXAAN HAYAA
ADDRESS-KI LAGALA XIRIIRI LAHAA
WAXEEYNA II SHEEKTAY NOLOSHEEDA
DANBE HADEEY GUURSATO INEEY IIGA
SOO FALEEYN DOONTO
SII AKHRI QORAALKA

Sunday, April 13, 2014

Bara’ah waa Gabar 10jir ah, dhameesayna Quraanka, waliba Tajwiid ku Darsatay.
Waalidiinteed waxay ahayeen Dhakhaatiir Sacuudiga u soo Guuray si u helaan Nolol Wanaagsan. Bara’ah waxay ahayd Gabar Caqli badan, Macalimiinteedu waxay u sheegeen inay Samayso Dugsi Sare ayadoo Da’eedu tahay 10sano. Qoyskeedu waxay ahayeen Qoys yar isla markaasna Diinta aad u jecel.
Maalin maalimaha ka mid ah ayaa Hooyadeed waxay iska Dareentay Xanuun, Waxayna horay ka aaday Cusbitalka si ay isu Baarto. Markiiba waxaa loo sheegay in Xanuunka Kansarka la yiraahdo ay Qabto waliba ay la soo Daahday.

Hooyadii Bara’ah waxay ku Fekertay sida ay Gabdheeda ugu sheegi lahayd, waxayna ku tiri:- Bara’ah janada ayaan galayaa waliba Adiga ayaa Sabab u Noqnaya Galitaanka janadayda, laakin waxaan kaa doonaya inaad Akhrisid Quraanka aad Xafidsnayd wuu ku Xafidayaa Aduunkan.
Gabadhii yarayd may Fahmin waxa ay Hooyadeed u sheegayso, Hooyadii waxa la geeyay Isbitaal si halkaas loogu Dabiibo, Gabadhii yaraydna markay Iskuulka ka Timaado ayay Hooyadeed soo mari jirtay si ay Quraan ugu Akhriso ilaa Galabtii inta Aabaha Gabdha Shaqada ka soo baxaayo.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Dhakhtarkii Cusbitalka u yeeray Aabihii Bara’ah si ugu sheego in Xaalada Xaaskiisa ay ka soo Dartay, lana Rabo inuu Dhaqso ku soo gaaro.
Aabihii Bara’ah shaqada ayuu ka soo baxay waxa uu horay u soo maray Gabdhiisii, ka dibna Cusbitalka ayuu soo aaday. Markii uu soo gaaray Isbitalka ayuu ku yiri Gabdhihisii:- Aabo Gaariga ku sii jir waan ku soo laabanayaa.

Aabihii oo ilmaynaya kana Walwalsan Xaaskiisa ayaa Wadada gaari Xawaare xoog u socda ku dhacay halkaas ayuuna ku Naf waayay waliba Gabdhiisa horteeda. Gabdhii yarayd way Ooysay. Geerida Aabahaas waxaa sababay ka Walwalida Xaaskiisa.
Shan Maalin kadib Hooyadii Bara’ah waxaa u yimi Malakul Mawtkii, halkaas ayayna Nafteedii ku Waysay. Bara’ah waxay noqotay kaligeed. Saaxibadii Aaboheed iyo Hooyadeed ayaa u Raadiyay Qoyskeedii oo markaas Wadanka Masar ku nool si ay u Hesho Taxadar gaar ah.
Maalmo ka dib Bara waxay Dareentay Xanuun isla kii Hooaydeed hayay oo kale ah sidoo kale waxa la geeyay Cusbitaal si loo Ogaado waxaa haya, Markiibana waxaa la Ogaaday in Gabdhan yar hayo Xanuunka Kansarka.

Waxaa taas ka sii Darnayd markii tiri Alxamdulilah, hada ayaan la Kulmayaa Waalidinteeyda. Saaxiibadii, Familkii ku Hareersanaa oo dhan way la yaabeen Hadaalkaasi, marba marka Xigana, maba moodaysid Qof Xanuusan Degnaan iyo Farxad ayaa ka Muuqnaysay.
Waxaa maqlay Nin Sacuudiyaan ah oo Lacag leh, wuxuuna isku dayay inuu Caawiyo, waxaa uu u sii diray Dalka Ingiriiska si loola Tacaalo Xaalkeeda Caafimaad, laakin Kansarkii ayaa Gabdhii dhamaan Jirkeeda Saameeyay ilaa uu Maskaxda ka Gaaaray.
Bara marba marka Damaysa Farxad ayaa ka Muuqnaysay iyo Deganaan ilaa ay yaabeen Dhakhaatiirtii markaas Dabiibaysay. Waxay isku dayeen Dhakhaatiirtii Qaliniin Maskaxda ah ku sameeyaan, isla Qalniinka Gudahiisa ayay Koomo gashay Walaasheen Bara’ah.
Ka hor inta aysan Koomada Gelin ayaa Kanaal Islaami ah Xiriir la sameeyeen oo ay ka Codsadeen in ay Qur’aanka Kariim ahaa ay aadka ugu Cod macaaneyd u Akhriso Videogan hoos yaala ayay Surat Saafat ku Akhrinaysaa, Bal ila Dhageysta.
(Bara’ah iyada iyo Waalidkeeda Ilaaheey Jannada haka Waraabiyo).
Videowgana waa kan ila Dhageyso walaal, Bara’ah Codkeeda ayaa laga duubay, baal ila arag Sheekha TV-ga Fadhiya sida uu u Oynaayo. Subxaanalaah.

SII AKHRI QORAALKA

Wednesday, April 9, 2014



QISO CAJIIB AH OO MUDAN IN LAGU CIBRO QAATO ( Walaalkeygow iyo Walaasheydiyee Aqriso ).

Sheekha Riyooyinka Fasiro, oo lagu Magacaabo Sheekh Wasiim yuusuf ayaa waxa uu ka Sheekeenayaa Arrin ku Dhacday, wuxuuna Hadalkiisa ku Bilaabay:- Haweenay ayaa iila soo Xiriirtay way Oynaysay ILAAH aan ku Dhaartee Oohinteeda ayaa Oohin iiga keeni Gaartay.
Markaas ayaan iri: Walaashey Nafta Adkeey si aan ku Maqlo, kolkaas ayaan ku iri Maxaa kugu Dhacay?, waxay tiri Dembi Dhaaf ma leeyahay Aniga? Kolkaas ayuu Sheekhii yiri:- Dembi Dhaafka maxaad Sameysay?,
Waxey tiri:- Aniga iyo Ninkeyga ayaa Dhib inaga Dhex dhacay., Sheekhii baa yiri:- bal ii Sheeg? kolkaas ayey tiri:-Aniga waxaan Fadhiyey Barandada ama Daashka, waana Canaananaayey waxaana dhahaayey Adiga haddii aad Nin tahay Ifur Adiga Sharaf ma lihid haddii aad Sharaf leedahay Ifur,
Isagana wuu i soo Fiirinayaa, ka dib waxaan iri: Wallaahi Ciyaalkeyga ayaan Wadanayaa Albaabka Maxkamadana waan kugu Ceebaynayaa, Caruurtaadana heli maysid, Usbuuciina Hal maalin ka badan Arki maysid, intaas ka dib haddana wuu i soo Fiirinaayey, ka dib waxaan dhahay ii jawaab Adiga Nin Ragga ma tihid.
Markuu Aamusay waan Cabsaday markii aan Xaggiisa Aadayba Nafta way ka baxday, Ambalaasta ayaan la Xiriiray way yimaadeen, Dhaqaatiirtiina waxey sheegeen iney Maskaxdiisa Istaagtay, ka dib waxaan Dareemay inuu u Adkeysan waayey Hadaladii aan Aniga ku Iri. Haddaba, Sheekhoow Towbad ma ii Banaan tahay Ciyaalkeyga Aniga ayaa Agoon ka Dhigay, sidoo kale Ragga iyo Dumarka ma Dareemaan Nimcooyinka Alle ilaa ay waayaan.
Sheekhii markuu intaas ka Dhageystay Haweeneydii, ayaa wuxuu yiri:- Sheekadaan markaan Maqlay waan Gariiray, waxaana iri: Alle waxaan ka Baryaa Imtixaanka lagu Imtixaamay inuu na Imtixaanin ee Towbad keen, Naag Dhaheyso Ninkeeda Nin Rag ma tihid Sharaf haddii aad leedahay Ifur, Nebiga CSW, wuxuu yiri:- Haweenayda Ninkeeda Furiin ka Dalbata Dhib La’aan waa ka Xaaraan Carafta Jannada.
sidoo kale Nabiga CSW, wuxuu yiri:- kuwa Furiinka Dalba waa Eyga Munaafiqiinta, Furiinka dhaca Caruurta oo joogaan waa Dambi aan la Cafinaynin.
Wabillaahi Towfiiq.
(ALOOW DEMBIGEENA IYO KII WAALIDKEENABA CAFI, YAA RABBI)
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: