QISOOYIN :
<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script> <!-- auto --> <ins class="adsbygoogle" style="display:block" data-ad-client="ca-pub-9362466489742270" data-ad-slot="5943276542" data-ad-format="auto"></ins> <script> (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({}); </script>

Magaceyga waa Ibrahim Hashi Ahmed, ku nool mareykanka, qisooyinka siiba kuwa diiniga ah baan aad u jeclahay, sidaas baan websitekan iyo kuwo kaleba u sameeyey, waxaan rajeynayaa in aad waxbadan ka faaideysatay, ducadana ha iga halmaamin inshaAllah.

Showing posts with label QORAAL FAAIDO BADAN. Show all posts
Showing posts with label QORAAL FAAIDO BADAN. Show all posts

Friday, December 18, 2020


Nin shaacir ah baa laga hayaa,”WARANKA DHAAWACYADIISU WEY BOGSOODAAN,LAAKIIN CARABKA DHAAWACIISU MA BOGSOODO “


Hadda madaxdeena maanta ku hardamaya kursiga waxaann u soojeedin lahaa in hadalada la is oranayo aad looga fekaro, yaan maanta oo keliya lagu fekerin in wax lagu kala rito carabka ee hala fiiriyo mustaqbalka dambe saameynta uu ku yeelan doono jiilasha yar yar ee afkiina daawanaya ama u fahmi karta  dowladnimaduba iney tahay meel markaas Ninka joogaa uu siduu rabo ka yeelo,kuwa ku heystaana ay qeylo iyo qadaf uga qaataan, 


Mudanayaal, waxaa tihiin madax nasiib u yeelatay xili dowladdii iyo dalkiiba uu naga burburay  iney xukunka dowladnimada ku soo hormaraan dalkana hogaamiyaan, waxaa leydinka sugayay inaad macalimiin u noqotaan shacabkiina iyo dhalinyarada dagaalada sokeeye ku dhashay {Roll Modal} si ay idinkaga bartaan casharo dowladnimada,nabada,sharciga iyo kala dambeynta ku saabsan.

Lkn maanta nasiibdaro waxey ardeydiinu idinka baranayaan oo kala taageerayaan hadaladiina  iyo hab dhaqankiina, iyadoo ay koox walibaana iskala safan tahay dhankii uu jiro odaygoodu, Waayoo waa waxa keliya oo ay soo arki jireen waqtiyadii dagaalada sokeeye.


Tankale, Waa arin loo baahan yahay in uu dalku yeesho mucaarad iyo muxaafid  talada ku loolamaya, oo  tani waa qeyb ka mid ah badbaadada dowladnimada, sababtoo ah hadii uu hal dhinac dalka iska maamusho waxaa xoogeysanaya dictator-nimada waana halkii aan shalay soo eednay,

Balse dhinaca kale iyadoo leys mucaaradayo oo leys dhaliilayo misna waa in laga wada mideysan yahay danaha guud sida,dalka,dadka,Xasiloonida,Dowladnimada,ilaalinta Sharciyada, dareenka bulshada iyo waxkasta oo wax u dhimi kara wadajirka iyo horu-u-socodka dalka. 


Runtii  intaan ayaa  maanta madaxdiina oo dhan dowlad iyo murashixiinba ceeb iyo taariikh xumo idinkugu filan,shacabkeenana niyad jab iyo quus noogu filan, waayoo hadalada xanafta leh, cagajugleynta iyo ficilada ka soo baxaya dhanka Siyaasiyiinta musharixiinta ah ma aha wax u wanaagsan dhagaha shacab loo tababarayo hanaan dowladeed iyo kala dambeyn,  dhanka Madaxda dowladana sida ka muuqata Tanasul la’aanta, isla weynida, aamusnaanta, Caburinta, iyo ka gaabinta howlihii loo doortay, iyaduna waa mid walwal iyo rajo xumo ku beeraysa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. 


Sidaas daraadeed, hadii shalay la oran jiray shacabku waa dad aan dowlad rabin welina aan u bislaan, Maanta waxaa noo muuqata shacab dowlad iyo nidaam raba iyo Madax dowladnimadii isku heysta oo looga cabsi qabo iney sabab u noqdaan burbur ku yimaada nabadgelyada, heydaha dalka iyo dowladnimadaba, dibna noogu celin kara wadadii qodxaha badneyd ee horey loo soomaray. 


-TALO SOOJEEDIN:- 

Waxaan talo ahaan ugu soojeedinayaa madaxdeena maanta joogta iyo madaxdeenii shalayba in ugu horeyn dalka iyo dadka loo turo, waana in ciladaha jira  aad carabkiina uga wada hadashaan oo aaney dhicin in leydiin kala dab qaado, waa in fursad loo siiyo arintaan garab sadexaad oo lagu kalsoonaan karo, waa in ficilada iyo hadalada lakala adeegsanayo aad looga fiirsado oo aan lagu kala cad goosan, gaar aahaan Siyaasiyiinta Murashixiinta ah waa in ay  wax ka badelaan aragtida ay hada ku mideysan yihiin oo ah mid aysan birito ku sii wada socon doonin  oo hadii midkood guuleysto ay intooda kale uga hor imaan doonaan, taa bedelkeedana waa iney la yimaadaan hab kale oo  ay dhaaliilaha jira ku soo bandhigi karaan oo aaney ka muuqan cakirnaan siyaasadeed,


Si gaar ah waxaan baaq ugu dirayaa MD Farmaajo, RW Rooble, Gudoonka Baarlamaanka, iyo xubanaha kale ee dowlada, waxaana leeyahay Mudanayaal idinkuna waxaa tihiin madaxda maanta dalka hogaamineysa waxaana idin saaran waajib gaar ah oo ka duwan midka saaran madaxda musharixiinta ah ee aad la ficiltameysaan, sidaas daraadeed  talada iyo toosinta Qaranka ee aad hada isku koobteen fadlan balaariya oo hadii uu PLAN A idiin shaqeyn waayay ku dhiirada PLAN B  lana imaada tanaasul Siyaasadeed, oo iyadoo aaney shisheeye idiin kala gar naqin la  fadhiista walaalihiina mucaaradka ah & cid kasta oo lagama maarmaan u ah xaaladdan,waayoo waxaa suurtagal ah hadii la wada hadlo in la helo isfaham yo jawi nabadeed oo fududeyn kara in la qabto doorashooyinka dalka, hadiise labadiina dhinacba ay garashadiinu sidaan tahay iyo in labo daraf lakala taagnaado ilaa inta uu waqtigu ka dhamaanayo, indhihiinuna ay arkaan oo keliya xukunka iyo manaafacaadka ku hoos qarsoon kursiga loo wada ordayo hoostiisa, .......WAXAAD MAANTA BI’ISAAN,BIRI HA U SHALAAYINA .!!


WQ/- Abdulkadir Dulyar. 


Maxaa yaab isdabayaal.!!

SII AKHRI QORAALKA

Tuesday, April 18, 2017

1. Ma waxaad u heysataa in aadan qurux badneyn? Qof baa aad u doonaya inuu sidaada u qurux badnaado, kuwa badan baa Lixaadkoodi waayay hadana qanacsan
2. Ma waxaad rabtaa lacag badan? 30% dadka Aduunka waa sabool, qaar badan waxay ku noolyihiin 1 Dollar wax ka yar maalintii
3. Ma waxaad dooneysay oo aad weyday Saaxiib? Kuwaan xitaa Waalid heysan

4. Ma dhadhanka cuntadaa nacday? Caruur ayaa Gaajo u dhimaneysa
5. Ma Adeegashada dukaamada waaweyn ayaad ku daashay? Dad baa qashinka ka dhex raadinaya alaabo
6. Mobile kaa jabay miyaa la murugootay? In badan baa mugdi ku nool oo iftiin koronto arag noloshooda
7. Ma Noloshaa iska nacday? Bukaan badan oo ay ku xiran tahay Ogsijiinta neefta ayaa Cusbitaalada jiifa wax kastana ku bixinaya si ay u sii noolaadaan

8. Ma Shaqo ayaad weyday mise shaqadi aad haysay ayaad nacday? Malaayiin ayaa shaqeeya 12 saacadood si ay u helaan hal waqti wax ay cunaan
9. Ma dadaal kastoo aad sameysay, derajo kastoo aad heshay ayaad hadana deganaan maskaxeed weyday? Nimcadi Alle ku siiyay ayaad ku shugrin weyday, Alle ayaa kuugu yeeraya in aad u noqoto oo camalo wanaagsan sameyso
10. Ma qof aad Jeclayd ayaa kaa tagay oo la murugoonaysaa? Ma ogtahay in 8 Bilyan oo qof Dunidan ku nooshahay, weydiiso Alle SWT bedel khayr qaba inuu ku siiyo
11. Ma kuwa Madax noqday, Maal iyo Magac weyn yeeshay ayaad ka maseyrsan tahay? Ma ogtahay intooda badan in aysan si Nabad ah u seexan, Madaxa faaruqin karin stress dartii, keligoodna suuqa dhex socon karin

12. Ma qof war kaa sheegay ayaa la gubatay? Qaar baa xoriyadoodi waayay oo xabsiyada dhex jiifa
Haddaba, ha ku lumin waqtigaaga tirinta dhibaatada, yaysan kuu muuqan keliya waxyaabaha aadan heysan, Xusuuso oo ku Xamdi-naq nimcooyinka Alle.
Soo qor “Alxamdulilaah” hadaa ka mid tahay kuwa Alle ku Shugriya.
SII AKHRI QORAALKA
QISOOYINKAN KALENA AQRISO: